SlideShare a Scribd company logo
DARYEELKA CAAFIMAADKA
HOOYADA IYO DHALAANKA
DOTT. Abuukar Nuur Xuseyn
Takhtarka Cudurrada Caruurta
“BUUGGA JADEECADA”
Talaalku waa xaq ay leeyihiin caruurta waana waajib saaran waalidiinta
“Every death due to measles could be prevented
with a simple vaccination that costs less than a dollar per child.”
JADEECO
Jadeecadu waxay ka mid ah cudurrada Soomaalida ay ku tilmaami jirtay Lixda
Cuduro ee Dilaagaa ah, kuwaas oo ka jira Dalkeena Soomaaliya.
Somaliya waxa ay ka mid tahay dalalka saboolka ah oo aan gaarin isku filnaansho
dhaqaale ay ku daryeeli karto caafimaadka bulshada waxaana waddanka oo gabi
ahaan ka jirin siyaasad iyo barnaamijyo lagu hormariyo caafimaadka bulshada guud
ahaan gaar ahaana midda caruurta iyo hooyada taasoo keentay in kumanaan caruur
iyo hooyooyin aan la talaalin ay u geeriyodaan ama ay u naafoobaan cudurka
jadeecada iyo cudurada kale ee la midka ahi.
Jadeecada waa cudur ba'an oo si dhaqsi ah bulshada ugu faa'fo, waxaa keena fiirus oo
ka tirsan qoyska Paramixovirus nooca Morbillivirus.
Jadeecada meel kasta ee aduunka ayee ka dillaaci kartaa hase ahaatee wadamada
horay u hormaray waxay ku dadaaleen kuna gulaysteen in Cudurkaani ay ka
badbaadiyaan caruurta iyo dhamaan bulshada taasoo u suuro gelisay adeegsiga
balaaran ee Talaalka.
Daraasad la sameeyay sanadku markuu ahaa 1997 waxaa lagu soo bandhigay in
Jadeecada ay saamaysay 31 milyan qof oo 1milyan qof u geeriyootay, milyankaas
qofood ee u dhimatay Jadeecada kala bar (500.000) waxay ka soo jedeen Qaaradda
Afrika (Africa sub-saharan).
Daraasad kale ee WHO samaysay waxay qiyaastay sanadkii 2001 in 30-40 milyan
qof uu cudurka Jadeecada saameeyay, 750,000 ilaa 1 milyana ay u geeriyodeen.
Wadamada ay Jadeecadu ku badan tahay (Endemic area) waqti kasto ayuu ka dilaaci
kartaa siiba xilliyada dugsiyada ay furan yihiin.
Afartii sano Jadeecada marbay si balaaran u faaftaa (measles outbreak),oo ay si ba'an
u saameesaa caruurta.
Sanadkii hore 2014 cudurka Jadeecada si balaaran ayuu ugu faafay Soomaaliya
(measles outbreak):
FURUURUCA JADEECADA
Bayaanka ay si wadajir u soo saareen WHO iyo Unicef ayaa lagu qeexayaa culayska
uu leeyahay cudurka Jadeecada iyo dhibaatada uu caruurta u gaysan karo:
“ The infection rate - according to the latest figures - is four times higher than the average recorded
in the same period of 2013, while a vaccination campaign should be carried out urgently, to stop
thousands of preventable deaths, "they said UNICEF and WHO (World Organisation health) in a
joint statement."We have a very large number of Somali children malnourished," said the head of
UNICEF in Somalia Sikander Khan.”
"The malnourished children can get sick more easily and are more likely to die or remain disabled
for life, such as losing your sight, hearing or bringing damage to the brain, as a result of measles,"
said the head of WHO in Somalia, Ghulam Popal, stressing that the epidemic is "extremely
worrying", with 10% of infected children who are likely to die from complications.
In recent months, about half a million Somali children have been vaccinated, but are at least five
million in total - according to the UN - those in need of protection. In some areas of the country on
the Horn of Africa, particularly in the south and central regions, including areas where African
Union troops are battling Islamic fundamentalists Shebab - immunization rates are just 15%.
Less than a third of children under one year of age were vaccinated throughout the country in 2013.
450,000 children die each year (one child every minute) due to this disease in the African continent
so that measles causes more deaths among African children that HIV, Tuberculosis and Malaria.
Every death due to measles could be prevented with a simple vaccination that costs less than a
dollar per child.
Unicef, Red Cross, ONU, USA have created long-term campaign with the aim to vaccinate 200
million children at risk throughout Africa (This will prevent 1.2 million deaths).
450,000 children die each year (one child every minute) due to this disease in the African continent,
that measles causes more deaths among African children, that HIV, Tuberculosis and Malaria.
Every death due to measles could be prevented with a simple vaccination that costs less than a
dollar per child
UNICEF, the Red Cross, UN and US have created long-term campaign with the aim to vaccinate
200.milioni of children at risk throughout Africa.
(This will prevent 1.2 million deaths.)
Cudurrada faafa Jadeecadda waa midka ugu dhaqsiyaha badan ee bulshada ku faafa, ka mid ah
kuwooda ugu dhimashada badan iyo kuwooda ku reebo waxyeelada culus.
Bulshada waxay ku kala qaadaa ama isugu gudbisaa cudurka Jadeecadda hawada, qofka
Jadeecadda qabto wuxuu firuska bulashada ugu gudbiyaa goortoo hadlayaa, ama qoslaaya, ama
hindhisaya., ama qufucaya.
Sida lagu garto cudurka Jadeecadda waa mid aad u adag xilliyada hore goortuu firuska ku tarmaya
jirka gudahiisa oo aana jirin wax astaamo ah oo lala xiriirin karo, 12-14 maalmood ka dib ayaa la
tuhmi karaa cudurka Jadeecadda goortay soo ifbaxaan aastaama ugu horeeya kuwaaso ah:
1) Qandho
2) Indho xanuun iyo indho cun-cun
3) hergab
4) afka gudahiisa oo dhibo cad lagu arko (Koplik spots).
5) Dhuun xanuun
6) Qufac daran.
4-5 maalmood ka dib aya jirkoo idil furuuruc ka soo baxaya, furuurucan ayaa wehliyo cun-cun
xilligan ayaa la xaqiijin karaa in cudurka uu yahay Jadeeco.
Xilliga boogsashada ayaa soo hagaagaya maalinba maalinta ka dambayso caafimaadka bukaanka
haseyeeshee waa xilligani goortay soo ifbaxayaan dhibaatooyinka uu qofka ku reebi karo, siiba
caruurta da'dooda ka hoosayso 5 sano ayee soo gaartaa dhibaatooyinka culus.
Furuuruxa Jadeecada
Koplik spots
Way adag tahay in caruurta ilaa sanad jirka lagu arko Cudurka Jadeecada haddii Hooyada uurka ka
hor uu ku dhacay Jadeeco amaba laga talaalay.
Waxaan og nahay in Hooyada xilliga uurka ay u gudbiso cunuga unugyada ka hortagga cudurka
Jadeecada unugyadaasi oo ilaa muddo sanad ah ka difaacaya cunugga Jadeecada.
Haddana waxaa suuro gal ah in Jadeecada ee saameeso caruurta da'dooda aad u yar bil ilaa sanad.
Ilaa iyo iminka ayaa la xaqiijiyay in 4 caruur oo da'dooda ka hoosayso sanad ay Jadeecadu
haleeshay.
1) 1 Cunug oo 4 bilood jira
2) 2 Cunug oo 7 bilood jira
3) 1 Cunug oo 11 bilood jira
Dhacdadaani waxaa loo asbaabeeyay in:
a) In Hooyada aysan qaadan talaalka ka hortagga cudurka Jadeecada.
b) In Hooyada uusan ku dhicin cudurka Jadeecada.
c) In ay jirto nafaqa darro.
Haddii Hooyada ay qaado Cudurka Jadeecada xilliga uurka waxaa suuro gal ah in cunuga uu
dhicisoobo ama uu uurka ku dhinto.
Dhibaatooyinka la xiriira Cudurka Jadeecadda:
1) Dhaga xanuu ama fasaska dhagaha ama maqal la'aan.
2) Pneuumonia
3) Encephalitis waa dhibaatada ugu halista badan oo ka mas'uul noqon karto
naafo, qalal, maqal la'aan, arag la'aan iyo dhimasho.
Saadasha (Prognosis):
Saadaasha cudurka Jadeecadda maaha mid xun maaadaama waqtiyadii ugu
dambeeyay uu sare u kacay isticmaalka antibiotiga ka hortaga dhibaatooyinka la
xiriira fasasyada bacterialka.
Badi dhimashada waxay la xiriirta Encephalitis.
Saadashada ma wanaagsana dadka difaaca jirkooda hoos u dhacsanyahay (immuno-
deficiency) iyo caruurta nafaqa darrada haysato.
Daaweenta Cudurka Jadeecadda:
Ma jirto daawo u qaas ah Cudurka Jadeecadda.
Hase ahaatee waxaa laga maarmaan noqon karo isticmaalka antibiyootigo goortay
soo if baxaan dhibaatooyinka la xiriira Jadeecadda.
Fitamiin A qaadashadeeda ayaa la xaqiijiyay in ay u wanaagsantahay dadka ku dhaca
Cudurka Jadeecada qaasatan caruurta da'dooda ka hoosaysa 2 sano iyo kuwa nafaqa
darrada haysato.
Jadeecadu Daawo ma laha.
MACLUUMAADKA DHIMASHADA:
Wadamada reer galbeedka iyo kuwa hor'umarka ku dhaqaaqay ayaa aad ugu yar faafidda cudurka
jadeecada iyo dhimashada la xiriirto maadaama ay wadamadaani ay si balaaran u adeegsadeen
talaalka MMRka.
Wadamada Saboolka qaasatan kuwa Qaaradda Afrika dhimashada la xiriirta cudurka Jadeecadda
waxaa lagu qiyaasay 30% taasoo u sabab ah adeegsi la'aanta talaalka MMRka ama adeegsiga
talaalka MMRka uusan gaarsiisneen heerkii loo baahnaa.
Faafidda cudurka Jadeecadda ayaa maanta ah halista ugu weyn ee nolosha dadka, gaar ahaan
carruurta kuwooda nafaqa darrada haysata iyo caruurta ay ku yartahay fitamiin A.
Waxaa la qiyaasay in cudurka Jadeecadda uu meesha afaraad kaga jiro 10ka sababood ugu
muhiimsan ee loo dhinto.
Midda kale Jadeecadda waxay ka mid tahay cudurrada indhala'aan ku ridda caruurta.
Talaalka MMR iyo Autismka:
Dhoowr jeer ayaan la kulmay waalidiin badan ee soomaaliyeed ka cabsi qaba in ay caruurtooda ka
talaalaan Cudurka Jadeecada ama gebi ahaanba diidan talaalaka MMRka, iyagoo ka muuqatay wel-
wel xoogan ee la xiriira dhibaatada uu lahaan karo talaalka MMRka ama shakiga ay ka qabaan in uu
Talaalkaasi mas'uul ka noqon karo cudurka Autismka ama uu jiro wax xiriir ahi u dhaxeeyo MMR
iyo Autismka.
Waxaan kaloo la kulmay waalidiin Soomaaliyeed leh caruur Autismka qaba oo aaminsan in
Talaalku MMRka uu u sabab yahay Autismka caruurtooda.
Run ahaantii wel-welka iyo cabsida ka muuqato waalidiinta Soomaaliyeed waa dareen ay la
wadaagaan walidiin kale ee wadama kale kasoo jeeda gaar aahaan wadamada Reer Galbeedka.
Waa su'aal mar marwalba soo noq-noqoto una baahan in jawaab sax ah laga bixiyo oo ay
waalidiinta Soomaaliyeed ku qanci karaan inkastoo mar hore culumada saaniska xaqiijiyeen in
uusan jirin wax dhibaato uu leeyahay Talaalka MMRka uusana ka mas'uul ahayn Autismka.
Wargayska caafimaad ee loo yaqaano Lancet ayaa lagu soo daabacay 1998 maqaal uu qoray
dhakhtar Ingiriis ah Andrew Wakefield isagoo ku doodayo in tallaalku MMRku uu sabab u yahay
cudurada xiidmaha ee la xiriira Kanner Sindrome (Autism Spectrum Disorder).
Maqaalka Wakefield wuxuu dhaliyay dood cilmiyeed balaaran oo muddo dheer socotay ku dhawaad
12 sano.
Wakefield dhab ahaantii doodiisa ma ahayn mid si rasmi ah u muujinaysay in talaalka MMRka uu
ka mas'uul yahay Kanner Sindrome haddana meelo badan ee doodiisa mugdi ahayd ayuu ifi
waayay.
Nasiibdarro Mr.Wakefield doodiisa aan sal cilmiyeed ku fadhin waxay sababtay in hoos u dhac
balaaran ku yimaada tirada adeegsiga talaalka ka hortagga cudurka Jadeecada ee dalka Mareekanka,
Ingiriiska iyo wadamo kale ee Europe, hoos u dhacaa oo sabab u noqday kiisas farabadan oo
dhibaatooyin xambaarsan oo ay ka mid yihiin Encephalilitis iyo dhimasho.
Guddiga anshaxa ee General British Medical, ka dib markii baaritaan taxadir uu sameeyay, ayuu
natiijo culus ka soo saaray sida Wakefield uu u soo bandhigay baaritaan aan daacad ahayn oo
waxyeelo culus ugaysatay caruur badan qaarkoodna ku naf waayay.
Warbixinta Guddiga Sayniska waxay sii sheegtay in Wakefield uu hoos u dhac balaaran u gaystay
sumcadda Caafimaadka.
Wakefield naftiisa waxaa laga cayriyay Royal College ee Takhaatiirta oo aan mar dambe u shaqayn
Karin.
TALAALKA JADEECADA :
Ujeeedada laga leeyahay in caruurta laga talaalka cudurka Jadeecada waa:
1. In cunuga laga difaaco dhibaatooyinka culus uu wato cudurka Jadeecada, kuna
reebi karo.
2. In cunuga jirkiisu uu lahaadaa difaac joogta ah.
3. In la xakameeyo in Jadeecadu ay ku faafto bulshada.
Talaalka loogu talagalay ka hortagga cudurka Jadeecada waa talaal ka samaysan
fiiruska jadeecada oo nool laakin awoodiisa hoos loo dhigay, farsamadaan waxay
suro gelisay in difaaca jirka uu sare u kaco islamarkaana uu awood u yeesho
xakameenta cudurka.
Waxaa jira 3 nooc ee Talaalka Jadeecada:
a) Nooca Schwarz
b) Nooca Moraten
c) Nooca Edmonston-Zagreb.
Inkastoo Talaalka Jadeecada kaligii la adeegsan karo, haddana waxaa caadi ah in
in Cudurrada jadeecada, Qaamooqashiirka iyo Jadeeco Jarmalka hal mar laysla wada
qaato iyagoo loo adeegsanayo Talaalka MMR.
WAQTIGA TALAALKA:
Waa muhiim in caruurta laba jeer ma seddax jeer la Talaala:
1) Goorta cunugu uu da'diisu yahay (wareegtada 1aad) 12-15 bilood
2) Goorta cunuga uu da'diisu yahay (wareegtada 2aad) 4-6 sano
Jadwalkaan waa kan ay adeegsadaan wadama horay u hor'maray, kuwa saboolka ah
ama wadamada soo koraya marxaladaha jira owgeed ayuu jadwalka talaalka ugu
duwan yahay, wadamadaani waxay isticmaalaan jadwal ay ka soo shaqaysay WHO.
1) Wareegtada 1aad markuu cunuga jirsado 6 bilood.
2) Wareegtada 2aad markuu cunuga jirsadu 12-15 bilood.
3) Wareegtada 3aad markuu cunuga jirsado 4-6 sano.
4) Soo qabo oo talaal (Catch up) 4-6 ; 11-12 sano.
FIIRO GAAR:
Waxaa suuro gal ah in 5% caruurta la talaalay in jirkooda uusan jawaab ka bixin.
(No responder.)
TALAALKA DADKA WAAWEYN:
Dadka da'dooda ka sareesa 18 sano oo aan weligood qaadan Talaalka MMRka ama
uusan cudarka ku dhicin waa in ay mar qura istilaalan.
Dumarka ku jira xilliga Uurka waxaa talo ah oo wanaagsan in talaalka jadeecada ama
talaalkasto ka sameesan jeermi nool oo awoodiisa hoos loo dhigay in laga ilaaliyo
waayo waxaa suuro gal ah in uu dhibaateeyo cunuga uurka ku jiro.
DHAMAAD.

More Related Content

Similar to Jadeeco

Jadeeco.pdf 2
Jadeeco.pdf 2Jadeeco.pdf 2
Jadeeco.pdf 2
Dottor Mataan
 
Top causes of under 5 death
Top causes of under 5 deathTop causes of under 5 death
Top causes of under 5 deathGoal4.org
 
Rotavirus
RotavirusRotavirus
Rotavirus
Leslie Lee
 
Chapter 1
Chapter 1Chapter 1
Chapter 1
habib4u1
 
Measles Signs and Symptons
Measles Signs and SymptonsMeasles Signs and Symptons
Measles Signs and SymptonsJelyn Dicen
 
Why You Should Get Your Baby Immunized Now.docx
Why You Should Get Your Baby Immunized Now.docxWhy You Should Get Your Baby Immunized Now.docx
Why You Should Get Your Baby Immunized Now.docx
JanicaRoiceCua
 
Chickenpox Vaccination
Chickenpox VaccinationChickenpox Vaccination
Chickenpox Vaccination
Carmen Sanborn
 
Purple-and-Yellow-Pastel-Cute-Creative-project-Presentation_20230928_120515_0...
Purple-and-Yellow-Pastel-Cute-Creative-project-Presentation_20230928_120515_0...Purple-and-Yellow-Pastel-Cute-Creative-project-Presentation_20230928_120515_0...
Purple-and-Yellow-Pastel-Cute-Creative-project-Presentation_20230928_120515_0...
ArchelleSano1
 
Measles Department of Physiotherapy, SHUATS, Prayagraj
Measles Department of Physiotherapy, SHUATS, PrayagrajMeasles Department of Physiotherapy, SHUATS, Prayagraj
Measles Department of Physiotherapy, SHUATS, Prayagraj
Surabhi Srivastava
 
The Reality of Antivaxx Efforts
The Reality of Antivaxx EffortsThe Reality of Antivaxx Efforts
The Reality of Antivaxx Efforts
Consultant
 
Tdap_writing_samples[1][1]
Tdap_writing_samples[1][1]Tdap_writing_samples[1][1]
Tdap_writing_samples[1][1]Courtney Barker
 
Tdap_writing_samples[1][1]
Tdap_writing_samples[1][1]Tdap_writing_samples[1][1]
Tdap_writing_samples[1][1]Courtney Barker
 
I Search Power Point Presentation
I Search Power Point PresentationI Search Power Point Presentation
I Search Power Point Presentationguestadf305d
 
Geography presentation
Geography presentationGeography presentation
Geography presentationxandervzyl
 
Comm111 speech
Comm111 speechComm111 speech
Comm111 speech
Jaime Frasieur
 
Childhood immunization
Childhood immunizationChildhood immunization
Childhood immunization
RidHìmá Arórä
 
Early Childhood Vaccines
Early Childhood VaccinesEarly Childhood Vaccines
Early Childhood Vaccines
Christy Hunt
 
Torch infections
Torch infectionsTorch infections
Torch infections
Jonathan Sookdeo
 
Similar to Jadeeco (19)

Jadeeco.pdf 2
Jadeeco.pdf 2Jadeeco.pdf 2
Jadeeco.pdf 2
 
Top causes of under 5 death
Top causes of under 5 deathTop causes of under 5 death
Top causes of under 5 death
 
Immunizations powerpoint
Immunizations powerpointImmunizations powerpoint
Immunizations powerpoint
 
Rotavirus
RotavirusRotavirus
Rotavirus
 
Chapter 1
Chapter 1Chapter 1
Chapter 1
 
Measles Signs and Symptons
Measles Signs and SymptonsMeasles Signs and Symptons
Measles Signs and Symptons
 
Why You Should Get Your Baby Immunized Now.docx
Why You Should Get Your Baby Immunized Now.docxWhy You Should Get Your Baby Immunized Now.docx
Why You Should Get Your Baby Immunized Now.docx
 
Chickenpox Vaccination
Chickenpox VaccinationChickenpox Vaccination
Chickenpox Vaccination
 
Purple-and-Yellow-Pastel-Cute-Creative-project-Presentation_20230928_120515_0...
Purple-and-Yellow-Pastel-Cute-Creative-project-Presentation_20230928_120515_0...Purple-and-Yellow-Pastel-Cute-Creative-project-Presentation_20230928_120515_0...
Purple-and-Yellow-Pastel-Cute-Creative-project-Presentation_20230928_120515_0...
 
Measles Department of Physiotherapy, SHUATS, Prayagraj
Measles Department of Physiotherapy, SHUATS, PrayagrajMeasles Department of Physiotherapy, SHUATS, Prayagraj
Measles Department of Physiotherapy, SHUATS, Prayagraj
 
The Reality of Antivaxx Efforts
The Reality of Antivaxx EffortsThe Reality of Antivaxx Efforts
The Reality of Antivaxx Efforts
 
Tdap_writing_samples[1][1]
Tdap_writing_samples[1][1]Tdap_writing_samples[1][1]
Tdap_writing_samples[1][1]
 
Tdap_writing_samples[1][1]
Tdap_writing_samples[1][1]Tdap_writing_samples[1][1]
Tdap_writing_samples[1][1]
 
I Search Power Point Presentation
I Search Power Point PresentationI Search Power Point Presentation
I Search Power Point Presentation
 
Geography presentation
Geography presentationGeography presentation
Geography presentation
 
Comm111 speech
Comm111 speechComm111 speech
Comm111 speech
 
Childhood immunization
Childhood immunizationChildhood immunization
Childhood immunization
 
Early Childhood Vaccines
Early Childhood VaccinesEarly Childhood Vaccines
Early Childhood Vaccines
 
Torch infections
Torch infectionsTorch infections
Torch infections
 
More from Dottor Mataan

SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.
SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.
SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.
Dottor Mataan
 
Presentazione standard1
Presentazione standard1Presentazione standard1
Presentazione standard1
Dottor Mataan
 
Manifesto.odt 4
Manifesto.odt 4Manifesto.odt 4
Manifesto.odt 4
Dottor Mataan
 
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
Dottor Mataan
 
Autism^ (2)
Autism^ (2)Autism^ (2)
Autism^ (2)
Dottor Mataan
 
More from Dottor Mataan (6)

SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.
SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.
SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.
 
Presentazione standard1
Presentazione standard1Presentazione standard1
Presentazione standard1
 
Manifesto.odt 4
Manifesto.odt 4Manifesto.odt 4
Manifesto.odt 4
 
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
 
Autism^ (2)
Autism^ (2)Autism^ (2)
Autism^ (2)
 
Security2
Security2Security2
Security2
 
Recently uploaded

Basavarajeeyam - Ayurvedic heritage book of Andhra pradesh
Basavarajeeyam - Ayurvedic heritage book of Andhra pradeshBasavarajeeyam - Ayurvedic heritage book of Andhra pradesh
Basavarajeeyam - Ayurvedic heritage book of Andhra pradesh
Dr. Madduru Muni Haritha
 
Superficial & Deep Fascia of the NECK.pptx
Superficial & Deep Fascia of the NECK.pptxSuperficial & Deep Fascia of the NECK.pptx
Superficial & Deep Fascia of the NECK.pptx
Dr. Rabia Inam Gandapore
 
Knee anatomy and clinical tests 2024.pdf
Knee anatomy and clinical tests 2024.pdfKnee anatomy and clinical tests 2024.pdf
Knee anatomy and clinical tests 2024.pdf
vimalpl1234
 
Pictures of Superficial & Deep Fascia.ppt.pdf
Pictures of Superficial & Deep Fascia.ppt.pdfPictures of Superficial & Deep Fascia.ppt.pdf
Pictures of Superficial & Deep Fascia.ppt.pdf
Dr. Rabia Inam Gandapore
 
Vision-1.pptx, Eye structure, basics of optics
Vision-1.pptx, Eye structure, basics of opticsVision-1.pptx, Eye structure, basics of optics
Vision-1.pptx, Eye structure, basics of optics
Sai Sailesh Kumar Goothy
 
NVBDCP.pptx Nation vector borne disease control program
NVBDCP.pptx Nation vector borne disease control programNVBDCP.pptx Nation vector borne disease control program
NVBDCP.pptx Nation vector borne disease control program
Sapna Thakur
 
ARTIFICIAL INTELLIGENCE IN HEALTHCARE.pdf
ARTIFICIAL INTELLIGENCE IN  HEALTHCARE.pdfARTIFICIAL INTELLIGENCE IN  HEALTHCARE.pdf
ARTIFICIAL INTELLIGENCE IN HEALTHCARE.pdf
Anujkumaranit
 
Non-respiratory Functions of the Lungs.pdf
Non-respiratory Functions of the Lungs.pdfNon-respiratory Functions of the Lungs.pdf
Non-respiratory Functions of the Lungs.pdf
MedicoseAcademics
 
Sex determination from mandible pelvis and skull
Sex determination from mandible pelvis and skullSex determination from mandible pelvis and skull
Sex determination from mandible pelvis and skull
ShashankRoodkee
 
How to Give Better Lectures: Some Tips for Doctors
How to Give Better Lectures: Some Tips for DoctorsHow to Give Better Lectures: Some Tips for Doctors
How to Give Better Lectures: Some Tips for Doctors
LanceCatedral
 
planning for change nursing Management ppt
planning for change nursing Management pptplanning for change nursing Management ppt
planning for change nursing Management ppt
Thangamjayarani
 
Top 10 Best Ayurvedic Kidney Stone Syrups in India
Top 10 Best Ayurvedic Kidney Stone Syrups in IndiaTop 10 Best Ayurvedic Kidney Stone Syrups in India
Top 10 Best Ayurvedic Kidney Stone Syrups in India
SwastikAyurveda
 
CDSCO and Phamacovigilance {Regulatory body in India}
CDSCO and Phamacovigilance {Regulatory body in India}CDSCO and Phamacovigilance {Regulatory body in India}
CDSCO and Phamacovigilance {Regulatory body in India}
NEHA GUPTA
 
Ophthalmology Clinical Tests for OSCE exam
Ophthalmology Clinical Tests for OSCE examOphthalmology Clinical Tests for OSCE exam
Ophthalmology Clinical Tests for OSCE exam
KafrELShiekh University
 
heat stroke and heat exhaustion in children
heat stroke and heat exhaustion in childrenheat stroke and heat exhaustion in children
heat stroke and heat exhaustion in children
SumeraAhmad5
 
Evaluation of antidepressant activity of clitoris ternatea in animals
Evaluation of antidepressant activity of clitoris ternatea in animalsEvaluation of antidepressant activity of clitoris ternatea in animals
Evaluation of antidepressant activity of clitoris ternatea in animals
Shweta
 
ARTHROLOGY PPT NCISM SYLLABUS AYURVEDA STUDENTS
ARTHROLOGY PPT NCISM SYLLABUS AYURVEDA STUDENTSARTHROLOGY PPT NCISM SYLLABUS AYURVEDA STUDENTS
ARTHROLOGY PPT NCISM SYLLABUS AYURVEDA STUDENTS
Dr. Vinay Pareek
 
A Classical Text Review on Basavarajeeyam
A Classical Text Review on BasavarajeeyamA Classical Text Review on Basavarajeeyam
A Classical Text Review on Basavarajeeyam
Dr. Jyothirmai Paindla
 
Maxilla, Mandible & Hyoid Bone & Clinical Correlations by Dr. RIG.pptx
Maxilla, Mandible & Hyoid Bone & Clinical Correlations by Dr. RIG.pptxMaxilla, Mandible & Hyoid Bone & Clinical Correlations by Dr. RIG.pptx
Maxilla, Mandible & Hyoid Bone & Clinical Correlations by Dr. RIG.pptx
Dr. Rabia Inam Gandapore
 
basicmodesofventilation2022-220313203758.pdf
basicmodesofventilation2022-220313203758.pdfbasicmodesofventilation2022-220313203758.pdf
basicmodesofventilation2022-220313203758.pdf
aljamhori teaching hospital
 
Recently uploaded (20)

Jadeeco

  • 1. DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALAANKA DOTT. Abuukar Nuur Xuseyn Takhtarka Cudurrada Caruurta “BUUGGA JADEECADA” Talaalku waa xaq ay leeyihiin caruurta waana waajib saaran waalidiinta “Every death due to measles could be prevented with a simple vaccination that costs less than a dollar per child.”
  • 2. JADEECO Jadeecadu waxay ka mid ah cudurrada Soomaalida ay ku tilmaami jirtay Lixda Cuduro ee Dilaagaa ah, kuwaas oo ka jira Dalkeena Soomaaliya. Somaliya waxa ay ka mid tahay dalalka saboolka ah oo aan gaarin isku filnaansho dhaqaale ay ku daryeeli karto caafimaadka bulshada waxaana waddanka oo gabi ahaan ka jirin siyaasad iyo barnaamijyo lagu hormariyo caafimaadka bulshada guud ahaan gaar ahaana midda caruurta iyo hooyada taasoo keentay in kumanaan caruur iyo hooyooyin aan la talaalin ay u geeriyodaan ama ay u naafoobaan cudurka jadeecada iyo cudurada kale ee la midka ahi. Jadeecada waa cudur ba'an oo si dhaqsi ah bulshada ugu faa'fo, waxaa keena fiirus oo ka tirsan qoyska Paramixovirus nooca Morbillivirus. Jadeecada meel kasta ee aduunka ayee ka dillaaci kartaa hase ahaatee wadamada horay u hormaray waxay ku dadaaleen kuna gulaysteen in Cudurkaani ay ka badbaadiyaan caruurta iyo dhamaan bulshada taasoo u suuro gelisay adeegsiga balaaran ee Talaalka. Daraasad la sameeyay sanadku markuu ahaa 1997 waxaa lagu soo bandhigay in Jadeecada ay saamaysay 31 milyan qof oo 1milyan qof u geeriyootay, milyankaas qofood ee u dhimatay Jadeecada kala bar (500.000) waxay ka soo jedeen Qaaradda Afrika (Africa sub-saharan). Daraasad kale ee WHO samaysay waxay qiyaastay sanadkii 2001 in 30-40 milyan qof uu cudurka Jadeecada saameeyay, 750,000 ilaa 1 milyana ay u geeriyodeen. Wadamada ay Jadeecadu ku badan tahay (Endemic area) waqti kasto ayuu ka dilaaci kartaa siiba xilliyada dugsiyada ay furan yihiin. Afartii sano Jadeecada marbay si balaaran u faaftaa (measles outbreak),oo ay si ba'an u saameesaa caruurta. Sanadkii hore 2014 cudurka Jadeecada si balaaran ayuu ugu faafay Soomaaliya (measles outbreak): FURUURUCA JADEECADA
  • 3. Bayaanka ay si wadajir u soo saareen WHO iyo Unicef ayaa lagu qeexayaa culayska uu leeyahay cudurka Jadeecada iyo dhibaatada uu caruurta u gaysan karo: “ The infection rate - according to the latest figures - is four times higher than the average recorded in the same period of 2013, while a vaccination campaign should be carried out urgently, to stop thousands of preventable deaths, "they said UNICEF and WHO (World Organisation health) in a joint statement."We have a very large number of Somali children malnourished," said the head of UNICEF in Somalia Sikander Khan.” "The malnourished children can get sick more easily and are more likely to die or remain disabled for life, such as losing your sight, hearing or bringing damage to the brain, as a result of measles," said the head of WHO in Somalia, Ghulam Popal, stressing that the epidemic is "extremely worrying", with 10% of infected children who are likely to die from complications. In recent months, about half a million Somali children have been vaccinated, but are at least five million in total - according to the UN - those in need of protection. In some areas of the country on the Horn of Africa, particularly in the south and central regions, including areas where African Union troops are battling Islamic fundamentalists Shebab - immunization rates are just 15%. Less than a third of children under one year of age were vaccinated throughout the country in 2013. 450,000 children die each year (one child every minute) due to this disease in the African continent so that measles causes more deaths among African children that HIV, Tuberculosis and Malaria. Every death due to measles could be prevented with a simple vaccination that costs less than a dollar per child. Unicef, Red Cross, ONU, USA have created long-term campaign with the aim to vaccinate 200 million children at risk throughout Africa (This will prevent 1.2 million deaths). 450,000 children die each year (one child every minute) due to this disease in the African continent, that measles causes more deaths among African children, that HIV, Tuberculosis and Malaria. Every death due to measles could be prevented with a simple vaccination that costs less than a dollar per child UNICEF, the Red Cross, UN and US have created long-term campaign with the aim to vaccinate 200.milioni of children at risk throughout Africa. (This will prevent 1.2 million deaths.)
  • 4. Cudurrada faafa Jadeecadda waa midka ugu dhaqsiyaha badan ee bulshada ku faafa, ka mid ah kuwooda ugu dhimashada badan iyo kuwooda ku reebo waxyeelada culus. Bulshada waxay ku kala qaadaa ama isugu gudbisaa cudurka Jadeecadda hawada, qofka Jadeecadda qabto wuxuu firuska bulashada ugu gudbiyaa goortoo hadlayaa, ama qoslaaya, ama hindhisaya., ama qufucaya. Sida lagu garto cudurka Jadeecadda waa mid aad u adag xilliyada hore goortuu firuska ku tarmaya jirka gudahiisa oo aana jirin wax astaamo ah oo lala xiriirin karo, 12-14 maalmood ka dib ayaa la tuhmi karaa cudurka Jadeecadda goortay soo ifbaxaan aastaama ugu horeeya kuwaaso ah: 1) Qandho 2) Indho xanuun iyo indho cun-cun 3) hergab 4) afka gudahiisa oo dhibo cad lagu arko (Koplik spots). 5) Dhuun xanuun 6) Qufac daran. 4-5 maalmood ka dib aya jirkoo idil furuuruc ka soo baxaya, furuurucan ayaa wehliyo cun-cun xilligan ayaa la xaqiijin karaa in cudurka uu yahay Jadeeco. Xilliga boogsashada ayaa soo hagaagaya maalinba maalinta ka dambayso caafimaadka bukaanka haseyeeshee waa xilligani goortay soo ifbaxayaan dhibaatooyinka uu qofka ku reebi karo, siiba caruurta da'dooda ka hoosayso 5 sano ayee soo gaartaa dhibaatooyinka culus. Furuuruxa Jadeecada Koplik spots
  • 5. Way adag tahay in caruurta ilaa sanad jirka lagu arko Cudurka Jadeecada haddii Hooyada uurka ka hor uu ku dhacay Jadeeco amaba laga talaalay. Waxaan og nahay in Hooyada xilliga uurka ay u gudbiso cunuga unugyada ka hortagga cudurka Jadeecada unugyadaasi oo ilaa muddo sanad ah ka difaacaya cunugga Jadeecada. Haddana waxaa suuro gal ah in Jadeecada ee saameeso caruurta da'dooda aad u yar bil ilaa sanad. Ilaa iyo iminka ayaa la xaqiijiyay in 4 caruur oo da'dooda ka hoosayso sanad ay Jadeecadu haleeshay. 1) 1 Cunug oo 4 bilood jira 2) 2 Cunug oo 7 bilood jira 3) 1 Cunug oo 11 bilood jira Dhacdadaani waxaa loo asbaabeeyay in: a) In Hooyada aysan qaadan talaalka ka hortagga cudurka Jadeecada. b) In Hooyada uusan ku dhicin cudurka Jadeecada. c) In ay jirto nafaqa darro. Haddii Hooyada ay qaado Cudurka Jadeecada xilliga uurka waxaa suuro gal ah in cunuga uu dhicisoobo ama uu uurka ku dhinto. Dhibaatooyinka la xiriira Cudurka Jadeecadda: 1) Dhaga xanuu ama fasaska dhagaha ama maqal la'aan. 2) Pneuumonia 3) Encephalitis waa dhibaatada ugu halista badan oo ka mas'uul noqon karto naafo, qalal, maqal la'aan, arag la'aan iyo dhimasho. Saadasha (Prognosis): Saadaasha cudurka Jadeecadda maaha mid xun maaadaama waqtiyadii ugu dambeeyay uu sare u kacay isticmaalka antibiotiga ka hortaga dhibaatooyinka la xiriira fasasyada bacterialka. Badi dhimashada waxay la xiriirta Encephalitis. Saadashada ma wanaagsana dadka difaaca jirkooda hoos u dhacsanyahay (immuno- deficiency) iyo caruurta nafaqa darrada haysato.
  • 6. Daaweenta Cudurka Jadeecadda: Ma jirto daawo u qaas ah Cudurka Jadeecadda. Hase ahaatee waxaa laga maarmaan noqon karo isticmaalka antibiyootigo goortay soo if baxaan dhibaatooyinka la xiriira Jadeecadda. Fitamiin A qaadashadeeda ayaa la xaqiijiyay in ay u wanaagsantahay dadka ku dhaca Cudurka Jadeecada qaasatan caruurta da'dooda ka hoosaysa 2 sano iyo kuwa nafaqa darrada haysato. Jadeecadu Daawo ma laha. MACLUUMAADKA DHIMASHADA: Wadamada reer galbeedka iyo kuwa hor'umarka ku dhaqaaqay ayaa aad ugu yar faafidda cudurka jadeecada iyo dhimashada la xiriirto maadaama ay wadamadaani ay si balaaran u adeegsadeen talaalka MMRka. Wadamada Saboolka qaasatan kuwa Qaaradda Afrika dhimashada la xiriirta cudurka Jadeecadda waxaa lagu qiyaasay 30% taasoo u sabab ah adeegsi la'aanta talaalka MMRka ama adeegsiga talaalka MMRka uusan gaarsiisneen heerkii loo baahnaa. Faafidda cudurka Jadeecadda ayaa maanta ah halista ugu weyn ee nolosha dadka, gaar ahaan carruurta kuwooda nafaqa darrada haysata iyo caruurta ay ku yartahay fitamiin A. Waxaa la qiyaasay in cudurka Jadeecadda uu meesha afaraad kaga jiro 10ka sababood ugu muhiimsan ee loo dhinto. Midda kale Jadeecadda waxay ka mid tahay cudurrada indhala'aan ku ridda caruurta.
  • 7. Talaalka MMR iyo Autismka: Dhoowr jeer ayaan la kulmay waalidiin badan ee soomaaliyeed ka cabsi qaba in ay caruurtooda ka talaalaan Cudurka Jadeecada ama gebi ahaanba diidan talaalaka MMRka, iyagoo ka muuqatay wel- wel xoogan ee la xiriira dhibaatada uu lahaan karo talaalka MMRka ama shakiga ay ka qabaan in uu Talaalkaasi mas'uul ka noqon karo cudurka Autismka ama uu jiro wax xiriir ahi u dhaxeeyo MMR iyo Autismka. Waxaan kaloo la kulmay waalidiin Soomaaliyeed leh caruur Autismka qaba oo aaminsan in Talaalku MMRka uu u sabab yahay Autismka caruurtooda. Run ahaantii wel-welka iyo cabsida ka muuqato waalidiinta Soomaaliyeed waa dareen ay la wadaagaan walidiin kale ee wadama kale kasoo jeeda gaar aahaan wadamada Reer Galbeedka. Waa su'aal mar marwalba soo noq-noqoto una baahan in jawaab sax ah laga bixiyo oo ay waalidiinta Soomaaliyeed ku qanci karaan inkastoo mar hore culumada saaniska xaqiijiyeen in uusan jirin wax dhibaato uu leeyahay Talaalka MMRka uusana ka mas'uul ahayn Autismka. Wargayska caafimaad ee loo yaqaano Lancet ayaa lagu soo daabacay 1998 maqaal uu qoray dhakhtar Ingiriis ah Andrew Wakefield isagoo ku doodayo in tallaalku MMRku uu sabab u yahay cudurada xiidmaha ee la xiriira Kanner Sindrome (Autism Spectrum Disorder). Maqaalka Wakefield wuxuu dhaliyay dood cilmiyeed balaaran oo muddo dheer socotay ku dhawaad 12 sano. Wakefield dhab ahaantii doodiisa ma ahayn mid si rasmi ah u muujinaysay in talaalka MMRka uu ka mas'uul yahay Kanner Sindrome haddana meelo badan ee doodiisa mugdi ahayd ayuu ifi waayay. Nasiibdarro Mr.Wakefield doodiisa aan sal cilmiyeed ku fadhin waxay sababtay in hoos u dhac balaaran ku yimaada tirada adeegsiga talaalka ka hortagga cudurka Jadeecada ee dalka Mareekanka, Ingiriiska iyo wadamo kale ee Europe, hoos u dhacaa oo sabab u noqday kiisas farabadan oo dhibaatooyin xambaarsan oo ay ka mid yihiin Encephalilitis iyo dhimasho. Guddiga anshaxa ee General British Medical, ka dib markii baaritaan taxadir uu sameeyay, ayuu natiijo culus ka soo saaray sida Wakefield uu u soo bandhigay baaritaan aan daacad ahayn oo waxyeelo culus ugaysatay caruur badan qaarkoodna ku naf waayay. Warbixinta Guddiga Sayniska waxay sii sheegtay in Wakefield uu hoos u dhac balaaran u gaystay sumcadda Caafimaadka. Wakefield naftiisa waxaa laga cayriyay Royal College ee Takhaatiirta oo aan mar dambe u shaqayn Karin.
  • 8. TALAALKA JADEECADA : Ujeeedada laga leeyahay in caruurta laga talaalka cudurka Jadeecada waa: 1. In cunuga laga difaaco dhibaatooyinka culus uu wato cudurka Jadeecada, kuna reebi karo. 2. In cunuga jirkiisu uu lahaadaa difaac joogta ah. 3. In la xakameeyo in Jadeecadu ay ku faafto bulshada. Talaalka loogu talagalay ka hortagga cudurka Jadeecada waa talaal ka samaysan fiiruska jadeecada oo nool laakin awoodiisa hoos loo dhigay, farsamadaan waxay suro gelisay in difaaca jirka uu sare u kaco islamarkaana uu awood u yeesho xakameenta cudurka. Waxaa jira 3 nooc ee Talaalka Jadeecada: a) Nooca Schwarz b) Nooca Moraten c) Nooca Edmonston-Zagreb. Inkastoo Talaalka Jadeecada kaligii la adeegsan karo, haddana waxaa caadi ah in in Cudurrada jadeecada, Qaamooqashiirka iyo Jadeeco Jarmalka hal mar laysla wada qaato iyagoo loo adeegsanayo Talaalka MMR. WAQTIGA TALAALKA: Waa muhiim in caruurta laba jeer ma seddax jeer la Talaala: 1) Goorta cunugu uu da'diisu yahay (wareegtada 1aad) 12-15 bilood 2) Goorta cunuga uu da'diisu yahay (wareegtada 2aad) 4-6 sano Jadwalkaan waa kan ay adeegsadaan wadama horay u hor'maray, kuwa saboolka ah ama wadamada soo koraya marxaladaha jira owgeed ayuu jadwalka talaalka ugu duwan yahay, wadamadaani waxay isticmaalaan jadwal ay ka soo shaqaysay WHO. 1) Wareegtada 1aad markuu cunuga jirsado 6 bilood. 2) Wareegtada 2aad markuu cunuga jirsadu 12-15 bilood. 3) Wareegtada 3aad markuu cunuga jirsado 4-6 sano. 4) Soo qabo oo talaal (Catch up) 4-6 ; 11-12 sano.
  • 9. FIIRO GAAR: Waxaa suuro gal ah in 5% caruurta la talaalay in jirkooda uusan jawaab ka bixin. (No responder.) TALAALKA DADKA WAAWEYN: Dadka da'dooda ka sareesa 18 sano oo aan weligood qaadan Talaalka MMRka ama uusan cudarka ku dhicin waa in ay mar qura istilaalan. Dumarka ku jira xilliga Uurka waxaa talo ah oo wanaagsan in talaalka jadeecada ama talaalkasto ka sameesan jeermi nool oo awoodiisa hoos loo dhigay in laga ilaaliyo waayo waxaa suuro gal ah in uu dhibaateeyo cunuga uurka ku jiro. DHAMAAD.