3. Dhulku ma meere madi ah baa? Ma taqaannaa waxa dhulka gaar ka yeelay? Waxa dushiisa ahna ma taqaannaa? Is the planet earth alone? Do you know what makes it unique? Do you know what can be found on it’s surface? jidhidhico.wordpress.com
4. Meeraha aan ku nool nahay waxaa la yiraahdaa dhul. This planet in which we live is called earth. jidhidhico.wordpress.com
5. Waxa uuna kamid yahay siddeed meereyaal oo qorraxda ku wareega. And it is one of eight planets that revolve around the sun. jidhidhico.wordpress.com
6. Dhulku waa meeraha qudha ee ay nololi ka hirgashay. Earth is the only planet in which life flourishes. jidhidhico.wordpress.com
7. Waxaana dhulka ku sugan noolayaal kala jaadjaad ah oo ay xayawaanka, haadda iyo dadkuba ka mid yihiin. On earth lives different kinds of creatures amongst them are animals, birds and human beings. jidhidhico.wordpress.com
8. Sidoo kale, waxaa dhulka dushiisa ah webiyaal, bado, buuro, bannaano, kaymo iyo xeebo. Also, on earth’s surface there are rivers, seas, mountains, plains, forests and seashores. jidhidhico.wordpress.com
9. Webiyaasha waxaa durdura biyo macaan oo beeraha lagu waraabsado. Streams of sweet water run down the rivers for watering farms. jidhidhico.wordpress.com
10. Badaha waxaa ka buuxa kalluun iyo xayawaano kale oo qurqurux badan. The seas are full of fish and other animals of great beauty. jidhidhico.wordpress.com
11. Buuraha qaar baa silsilado ah oo meelo badan isaga-tallaaba. Some mountains are chains across vast regions. jidhidhico.wordpress.com
12. Bannaanadu in la dego oo la magaaleeyo ayey ku wacan yihiin. Plains are for settling and they are suitable for towns. jidhidhico.wordpress.com
13. Kaymuhu xayawaanka duur-joogta ah iyo haadda ayey hooy u yihiin. Forests are to home wild animals and birds. jidhidhico.wordpress.com
14. Xeebuhu dadka ayey soo jiidan ogyihiin. Seashores are good for attracting human beings. jidhidhico.wordpress.com
15. Dadka xil ayaa ka saaran in ay dhulka iyo wixii ku dul sugan xaq-dhawraan. Human beings have obligations to respect the earth and everything on it. jidhidhico.wordpress.com