SlideShare a Scribd company logo
1 of 9
Download to read offline
Labada is qaba
iyo xuquuqda ay
isku leeyihiin
Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun
12/18/2016
muxaadaradan sheekha waxa uu uuga hadlayaa labada sida
xalaasha isku qaba xaqa uu midi kan kale ku leeyahay ama
lamaanaha guriga ku wada nooli iyo qaabka ay uwada
dhaqmayan .
ujeedada muxaadaran ayaa ah burburka qoyska oo aad ugu batey
soomaalida gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha taasoo ay keentay
aqoon la'aan ka jirta xaqa ay labada lamaane isku leeyihiin.
wey fican tahay in qof walba xaqiisa garanaayo si uu kan kale
xuquuqdiisa u ilaaliyo , ilaahey (SWT) qur'an kiisa waxa uu ku
leeyahay (haweenku waxey idiin yihiin
hu' ama maro aad huwataan idinkuna waxaad haweenka utihiin
maro ) .
marada waxaa loo qaata saddex ujeedo 1) waa in qofku
cowradiisa ku asturto 2) in uu isaga celiyo dhaxanta 3) inuu isku
qurxiyo .
waxa lamaanaha udhaxeeya kalgacal iyo naxariis asalku waa
kaa, labo qof oo ku tashadey nolosha iney wadaagan si nolosha
wadaageeda uu ufiicnaado ayaa ilaahey wuxuu soo dajiyey
sharcigiisa oo uu mid walba xaqiisa ku cadeeynaayo .
lamaanaha muslimka ah inta aysan guriga abuurin dhaqanka
islaamiga ah waxaa haboon iney aqoonta guriga islaamiga ah
lagu abuuro yeeshaan , gurigu waa meel la rabo in nolol lagu
wadago waa meel la rabo in unuga bulshada laga aasaaso waa
meel caruur iyo ubad la rabo in lagu tarbiyeeyo , markaa waa
meel ubaahan aqoon iyo cilmi iney ku saleysnaanto .
ilaahey wuxuu qur'ankisa ku tilmaamaya iney dumarku xaq
leeyihiin raguna ay xaq leeyihiin oo ay labaduba waajib ku tahay
midba mid ka kale in uu ilaaliyo .
xaquuqda gabadha
xuquuqda gabadha waxey uqeybsantaa labo
1)xaquuq maaliga ah 2) iyo xuquuq macnawi ah .
1)xaquuqda koowaad ee maaliga ah ilaahey (swt) wuxuu
qur'ankisa ku leeyahay haweenka in la
siiyo meherkooda oo aan laga saagsaagin aan laga
khiyaameenin aan laga dafirin waa xaq weliba ku fiican in
marka ugu horeysa la siiyo , hadii laga maarmi waayo in
qeyb loo hormariyo qeybta kalena waqti mudo leh lagu
siiyo oo ineysan noqon deen iska madax banaan oo
weligeed la isku lahaado .
Tusaale : hadii gabar 100 doller 30 sano ka hor lagu
mehriyey , waxa laga yaaba barigaa in lacagtaas geel lagu
iibsan jirey maantase aysan waxba aheyn .
gabadha marka maherkeeda la siiyo oo ay gacanta ku
dhigto milkisana waxey rabto wey ku suubin kartaa cidey
rabtana wey siin kartaa laakiin in laga qiyaameeyo ma
ahan oo laga xod xoto .
meherka la magacaabey ee lagu heshiiyey intuu doono
hala ekaado waxa waajib ku ah ninka inuu bixiyo , hadii
aysan gabadhu meher sheegan guurku wuu ansaxaaa
laakiin waxaa la siiyana inta gabdhaha gayaankeeda ama
lamid ka ah lagu mehriyey .
2) xaquuqda kale ee maaliga ah waa nafaqo oo ah
biilkeeda , waxa ay cunto , waxa ay huwato , meel ay
dagto intaaba gabadha xaq bay uleedahay ilaaheyna
(SWT) qur'ankiisa waxa uu ku leeyahay
ninki ilaahey riziqiisa
ubalaariyey , balaarkiisa wax haka siiyo , ninkii riziqa ku
ciriiri yahayna wixii uu kari karo haka siiyo .
miskiin kun doolar qaata iyo nin ay boqol kun doolar soo
gasho bishii biilka laga rabaa isku mid ma aha waayo
waxaa la rabaa in gabadhu ay noolaato inta ninkeedu kari
karo .
nabigana (SCW) wuxuu tilmaamayaa ilaahey kaga
cabsada arinta dumarka .
xuquuqda aan maaliga aheyn ee ay kuugu leedahay
dumarka waxaa kamid ah inaad si fiican ula dhaqanto
waxey kugu leedahay inaad ucadaalad fasho waxaa
kamid ah in markasta haweenka qeyr lagu waaniyo oo
lagu dardaarmo .
nabiga (SCW) dhaqanka uu haweenkiisa kula dhaqmi jirey
waxey aheyd waxa wanaaga oo dhan inuu sameeyo waxa
dhibaha yar yar ee imaadana inuu dul qaato , nabiga oo
fadhiya gurigiisa oo caaisho la fadhiya oo uu rag
casuumay oo ay guriga joogaan oo ay caaisho cuno
siineyso ayaa haweenay kale oo kamid ah haweenkii
nabiga qabey ayaa waxey istiri guriga caaisha xoolo
badan ma oolin rag ayuuna nabiga casuumay ee adna
maad caawisid kadibna xeero ayey cuno kusoo gurtey oo
wiil yar ayey usoo dhiibtey kuna tiri nabiga (SCW) guriga
caaisho ugu geey , raashinkii markii guriga lala soo galey
ayey caaisho hinaaso/maseer qaadey dabadeetana
xeeradii ayey gacanta ku dhufatey oo labo ayey ukala
jabtey , waa nabi muxamed (SCW) oo fadhiya oo rag uu
casuumayna ay la fadhiyaan oo raashin loo soo direy ay
caaisho labo ukala jabisey.
ma xanaaqin nabigu , ma caroonin , ma maagin caaisha
oo xeeridiisa oo labo ukala jabtey inta soo qaadey oo
cunadi aruuriyey ayuu asxaabti la fadhisey ku dhahay
hooyadiin wey hinaastey/maseertay oo intaas ma uusan
dhaafin ,ma oran ragbaa igu hor fadeexadeesay iyo waad
iceebeesay midna , oo xeero cusub oo guriga taaley ayuu
udhiibey reerkii kale ee xeeradooda jabtey .
ninka xaquuqda uu leeyahay
islaamku ma yaqaano cid meel isugu timid oo aan hogaan
laheyn , oo nabigu (SCW) wuxuu tilmaamayaa hadaad
safar tihiin oo aad saddex tihiin mid madax ka dhigta ,
islaamku waa diin ku saleysan wada noolaasho isla
markaana waa diin ku saleysan nidaam iyo kala danbeyn
fowadada islaamka kuma jirto.
gurigu waa unuga ugu yar oo bulshadu leedahay hogaan
ayuu ubaahan yahay , hogaanka gurigana sida qur'anka
iyo sunada nabiguba tilmaamayan waxaa leh ninka oo
xaqa koowaad ee gabadha lagu leeyahay waa iney
adeecdo ninkeeda kuna adeecdo wixii diinta iyo sharciga
ogol yahay ee an xumo aheyn .
maamul aan ismaqleenin maamul ma ahan , maamul
simani ma jiro oo dadka reer galbeedka meelaha ay ugu
qaladka badan yihiin ayey kamid tahay .
oo marka shaqooyinka kale ku shirkoobayan reer
galbeedku waxa ay yiraahdeen qof madax ha noqdo ,
hadiise ay noqoto guurka waxa ay leeyihiin hogaamiye ma
jiro oo waa la wada siman yahay taasaa keentay in guurka
gaaladu ama reer galbeedku uusan intiisa badan
guuleysan amaba aysan isguursan .
in gabadha iyadana ay ninkeda adeecdo waa dariiqa ay
janada ku gali laheyd oo axaadiith nabiga (SCW) wuxuu
xadiith saxiix ah ku leeyahay haday gabdha soonto ,
salaado 5 teeda waqti , xumaha iyo zinadana ka fogaato ,
ninkeedana adeecdo maalinta qiyaamaha waxaa la
yiraahdaa janada ilbaabkaa doonto ka gal .
Tusaale : adeecida ninkeeda waxaa kamid ah hadii uu
ugu yeero firaashka waa iney aqbashaa hadii uusan jirin
cudur daar kale oo sharciya .
axaaadiith nabiga (SCW) laga wariyey waxaa uu ahaa
ninku hadii uu xaaskiisa uugu yeero firaashka oo ay diido
(iyadoo ka wada canaad ay canaadeeso) oo uu isaguna
caroodo habeenkaas oo dhan malaa'ikta ayaa nacalada
oo tiraahda caro alle kugu dhacdey inta waagu ka
baryayo.
xaquuqda kale ee uu ninku ku leeyahay waxaa kaloo
kamid ah ineysan guriga u ogolaanin ama keenin cid
uusan asaga raali ka aheyn .
waxaa kaloo kamid ah oo xadiithka nabiga (SCW) laga
wariyey hawaaneydu uma banaana soon ka aan waajibka
aheyn iney soonto iyada oo uu ninkeeda joogo inuu u
ogolaado mooyaane , mas'aladaan waxey ku tusineysaa
hadii ay iska hor imaadan sunno iyo waajib in waajibka la
hormarinayo , soonka sunnaha ahi waa sunno adeecida
hawaaneydu ay adeecdo ninkeeduna waa waajib .
xaquuqda kale waxaa kamid ah ineysan hawaaneydu
gurigeeda ka tagin ilaa uu ninkeedu u ogolaado iney
baxdo mooyee wixii kheyr ah isagana inuu udiido ma ahan
, amarka la siiyey ninku micnaheedu ma ahan in uu
dictator (kaligii talis) noqdo oo haweenay jaahilad ah oo
guriga u dhex fadhisa waxaa kaga qeyr badan in ay cilmi
usoo barato taasoo anfaceeso gurigooda iyo
ciyaalkoodaba
Tusaale : ninka shirkad madax looga dhigo waxaa laga
rabaa inuu shirkadaas horumariyo , taa mid la mid ah
ninku waxaa laga rabaa hawaaneydiisa iyo caruurtiisaba
inuu horumariyo diin ahaan iyo caqli ahaanba sidaas
darteed ayaa waxaa la amrayaa inuu naar ka badbaadiyo
oo ilaahey (SWT) ayaa nabigiisu wuxuu ku leeyahay
ehelkaaga far salaada kuna sabar .
hadaba noloshu waxey noqotaa nolol is kabeysa haduu
ninkuna waajibkiisa kasoo baxo haweeneyduna
waajibkeeda kasoo baxdo labadooduna waajibkooda waa
la weydiinaya aakhiro .
laakiin waxaad xasuusataan labada sheey ee uu gurigu ku
dhisan yahay waa naxariis iyo kal gacal , asalkuse kuma
dhisna xaqeygi iyo xaqeygi in la isku heysto mar walba ,
marka hadii caqligana la isticmaalo ilaaheyna laga
cabsado oo jidka la inoo jideeyay lagu sugnaado
qoysaskeena burburka weynu ka ilaalin karnaa .
Muxaadaradan waxaa ka qorey sheekh Mustafa
Mohamed Abdukadir Kalif
Mohamed Awil ABdi

More Related Content

What's hot

Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №2
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №2Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №2
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №2Цэвэлмаа
 
гогцоо ба сүлжээний төрлүүд
гогцоо ба сүлжээний төрлүүдгогцоо ба сүлжээний төрлүүд
гогцоо ба сүлжээний төрлүүдnarnii
 
онч мэргэн үгс
онч мэргэн үгсонч мэргэн үгс
онч мэргэн үгсMunguuzb
 
монголын түүх,ёс заншил соёл
монголын түүх,ёс заншил соёлмонголын түүх,ёс заншил соёл
монголын түүх,ёс заншил соёлН. Төгөлдөр Шдэ
 
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №1
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №1Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №1
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №1Цэвэлмаа
 
өгүүлбэрийн өгүүлэхүүн,өгүүлэгдэхүүн
өгүүлбэрийн өгүүлэхүүн,өгүүлэгдэхүүнөгүүлбэрийн өгүүлэхүүн,өгүүлэгдэхүүн
өгүүлбэрийн өгүүлэхүүн,өгүүлэгдэхүүнpvsa_8990
 
хэлхээний хуулиуд
хэлхээний хуулиудхэлхээний хуулиуд
хэлхээний хуулиудtsdnsrn
 
Дипломын ажил /Шинэ яармаг хорооллыг цахилгаанаар хангах хөрөнгө оруулалт үр ...
Дипломын ажил /Шинэ яармаг хорооллыг цахилгаанаар хангах хөрөнгө оруулалт үр ...Дипломын ажил /Шинэ яармаг хорооллыг цахилгаанаар хангах хөрөнгө оруулалт үр ...
Дипломын ажил /Шинэ яармаг хорооллыг цахилгаанаар хангах хөрөнгө оруулалт үр ...Nael Narantsengel
 
ХУУЛИЙН ЭТГЭЭДЭД ЭРҮҮГИЙН ХАРИУЦЛАГА ХҮЛЭЭЛГЭХЭД ТУЛГАМДАЖ БУЙ АСУУДАЛ БОДЛОГ...
ХУУЛИЙН ЭТГЭЭДЭД ЭРҮҮГИЙН ХАРИУЦЛАГА ХҮЛЭЭЛГЭХЭД ТУЛГАМДАЖ БУЙ АСУУДАЛ БОДЛОГ...ХУУЛИЙН ЭТГЭЭДЭД ЭРҮҮГИЙН ХАРИУЦЛАГА ХҮЛЭЭЛГЭХЭД ТУЛГАМДАЖ БУЙ АСУУДАЛ БОДЛОГ...
ХУУЛИЙН ЭТГЭЭДЭД ЭРҮҮГИЙН ХАРИУЦЛАГА ХҮЛЭЭЛГЭХЭД ТУЛГАМДАЖ БУЙ АСУУДАЛ БОДЛОГ...Umguullin Mongol Umguulugch
 
Lecture 1. introduction
Lecture 1. introductionLecture 1. introduction
Lecture 1. introductionKhangal Jargal
 
ИРГЭНИЙ-ЁС-ЗҮЙН-БОЛОВСРОЛ-ЖИЛИЙН-ТӨЛӨВЛӨГӨӨ-1.docx
ИРГЭНИЙ-ЁС-ЗҮЙН-БОЛОВСРОЛ-ЖИЛИЙН-ТӨЛӨВЛӨГӨӨ-1.docxИРГЭНИЙ-ЁС-ЗҮЙН-БОЛОВСРОЛ-ЖИЛИЙН-ТӨЛӨВЛӨГӨӨ-1.docx
ИРГЭНИЙ-ЁС-ЗҮЙН-БОЛОВСРОЛ-ЖИЛИЙН-ТӨЛӨВЛӨГӨӨ-1.docxssusera481f61
 
ХҮҮХДИЙН ЭРХИЙН ТУХАЙ КОНВЕНЦИЙН ТАНИЛЦУУЛГА
ХҮҮХДИЙН ЭРХИЙН ТУХАЙ КОНВЕНЦИЙН ТАНИЛЦУУЛГАХҮҮХДИЙН ЭРХИЙН ТУХАЙ КОНВЕНЦИЙН ТАНИЛЦУУЛГА
ХҮҮХДИЙН ЭРХИЙН ТУХАЙ КОНВЕНЦИЙН ТАНИЛЦУУЛГАUmguullin Mongol Umguulugch
 
түргэн хэллэг
түргэн хэллэгтүргэн хэллэг
түргэн хэллэгgganchimeg
 
Шүүгчийн ёс зүйн талаарх олон улсын стандартыг баримтлах нь
Шүүгчийн ёс зүйн талаарх олон улсын стандартыг баримтлах ньШүүгчийн ёс зүйн талаарх олон улсын стандартыг баримтлах нь
Шүүгчийн ёс зүйн талаарх олон улсын стандартыг баримтлах ньGalbaatar Lkhagvasuren
 

What's hot (20)

Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №2
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №2Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №2
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №2
 
гогцоо ба сүлжээний төрлүүд
гогцоо ба сүлжээний төрлүүдгогцоо ба сүлжээний төрлүүд
гогцоо ба сүлжээний төрлүүд
 
онч мэргэн үгс
онч мэргэн үгсонч мэргэн үгс
онч мэргэн үгс
 
монголын түүх,ёс заншил соёл
монголын түүх,ёс заншил соёлмонголын түүх,ёс заншил соёл
монголын түүх,ёс заншил соёл
 
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №1
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №1Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №1
Бодисын ерөнхий шинж чанар- Хичээл №1
 
өгүүлбэрийн өгүүлэхүүн,өгүүлэгдэхүүн
өгүүлбэрийн өгүүлэхүүн,өгүүлэгдэхүүнөгүүлбэрийн өгүүлэхүүн,өгүүлэгдэхүүн
өгүүлбэрийн өгүүлэхүүн,өгүүлэгдэхүүн
 
5. tower
5. tower5. tower
5. tower
 
гэрээ
гэрээгэрээ
гэрээ
 
хэлхээний хуулиуд
хэлхээний хуулиудхэлхээний хуулиуд
хэлхээний хуулиуд
 
Дипломын ажил /Шинэ яармаг хорооллыг цахилгаанаар хангах хөрөнгө оруулалт үр ...
Дипломын ажил /Шинэ яармаг хорооллыг цахилгаанаар хангах хөрөнгө оруулалт үр ...Дипломын ажил /Шинэ яармаг хорооллыг цахилгаанаар хангах хөрөнгө оруулалт үр ...
Дипломын ажил /Шинэ яармаг хорооллыг цахилгаанаар хангах хөрөнгө оруулалт үр ...
 
ХУУЛИЙН ЭТГЭЭДЭД ЭРҮҮГИЙН ХАРИУЦЛАГА ХҮЛЭЭЛГЭХЭД ТУЛГАМДАЖ БУЙ АСУУДАЛ БОДЛОГ...
ХУУЛИЙН ЭТГЭЭДЭД ЭРҮҮГИЙН ХАРИУЦЛАГА ХҮЛЭЭЛГЭХЭД ТУЛГАМДАЖ БУЙ АСУУДАЛ БОДЛОГ...ХУУЛИЙН ЭТГЭЭДЭД ЭРҮҮГИЙН ХАРИУЦЛАГА ХҮЛЭЭЛГЭХЭД ТУЛГАМДАЖ БУЙ АСУУДАЛ БОДЛОГ...
ХУУЛИЙН ЭТГЭЭДЭД ЭРҮҮГИЙН ХАРИУЦЛАГА ХҮЛЭЭЛГЭХЭД ТУЛГАМДАЖ БУЙ АСУУДАЛ БОДЛОГ...
 
Sambar tuluvlult;
Sambar tuluvlult;Sambar tuluvlult;
Sambar tuluvlult;
 
Lecture 1. introduction
Lecture 1. introductionLecture 1. introduction
Lecture 1. introduction
 
Huulichiin yos zui hicheelin lekts
Huulichiin yos zui hicheelin lektsHuulichiin yos zui hicheelin lekts
Huulichiin yos zui hicheelin lekts
 
FS2
FS2FS2
FS2
 
Lec03filter1
Lec03filter1Lec03filter1
Lec03filter1
 
ИРГЭНИЙ-ЁС-ЗҮЙН-БОЛОВСРОЛ-ЖИЛИЙН-ТӨЛӨВЛӨГӨӨ-1.docx
ИРГЭНИЙ-ЁС-ЗҮЙН-БОЛОВСРОЛ-ЖИЛИЙН-ТӨЛӨВЛӨГӨӨ-1.docxИРГЭНИЙ-ЁС-ЗҮЙН-БОЛОВСРОЛ-ЖИЛИЙН-ТӨЛӨВЛӨГӨӨ-1.docx
ИРГЭНИЙ-ЁС-ЗҮЙН-БОЛОВСРОЛ-ЖИЛИЙН-ТӨЛӨВЛӨГӨӨ-1.docx
 
ХҮҮХДИЙН ЭРХИЙН ТУХАЙ КОНВЕНЦИЙН ТАНИЛЦУУЛГА
ХҮҮХДИЙН ЭРХИЙН ТУХАЙ КОНВЕНЦИЙН ТАНИЛЦУУЛГАХҮҮХДИЙН ЭРХИЙН ТУХАЙ КОНВЕНЦИЙН ТАНИЛЦУУЛГА
ХҮҮХДИЙН ЭРХИЙН ТУХАЙ КОНВЕНЦИЙН ТАНИЛЦУУЛГА
 
түргэн хэллэг
түргэн хэллэгтүргэн хэллэг
түргэн хэллэг
 
Шүүгчийн ёс зүйн талаарх олон улсын стандартыг баримтлах нь
Шүүгчийн ёс зүйн талаарх олон улсын стандартыг баримтлах ньШүүгчийн ёс зүйн талаарх олон улсын стандартыг баримтлах нь
Шүүгчийн ёс зүйн талаарх олон улсын стандартыг баримтлах нь
 

More from mohamed abdukadir

More from mohamed abdukadir (9)

Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa
Sidee guusha dhabta ah loo gaaraaSidee guusha dhabta ah loo gaaraa
Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa
 
DNA part 4
DNA part 4DNA part 4
DNA part 4
 
DNA part 3
DNA part 3DNA part 3
DNA part 3
 
DNA part 2
DNA part 2DNA part 2
DNA part 2
 
DNA part 1
DNA part 1DNA part 1
DNA part 1
 
Mendelian inheritance part 2
Mendelian inheritance part 2Mendelian inheritance part 2
Mendelian inheritance part 2
 
Mendelian inheretence part 1
Mendelian inheretence part 1 Mendelian inheretence part 1
Mendelian inheretence part 1
 
anatomy of orbit afsoomaali
anatomy of orbit afsoomaalianatomy of orbit afsoomaali
anatomy of orbit afsoomaali
 
Cross cylinder af soomaali
Cross cylinder af soomaaliCross cylinder af soomaali
Cross cylinder af soomaali
 

Labada is qaba iyo xuquuqda ay isku leeyihiin

  • 1. Labada is qaba iyo xuquuqda ay isku leeyihiin Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun 12/18/2016
  • 2. muxaadaradan sheekha waxa uu uuga hadlayaa labada sida xalaasha isku qaba xaqa uu midi kan kale ku leeyahay ama lamaanaha guriga ku wada nooli iyo qaabka ay uwada dhaqmayan . ujeedada muxaadaran ayaa ah burburka qoyska oo aad ugu batey soomaalida gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha taasoo ay keentay aqoon la'aan ka jirta xaqa ay labada lamaane isku leeyihiin. wey fican tahay in qof walba xaqiisa garanaayo si uu kan kale xuquuqdiisa u ilaaliyo , ilaahey (SWT) qur'an kiisa waxa uu ku leeyahay (haweenku waxey idiin yihiin hu' ama maro aad huwataan idinkuna waxaad haweenka utihiin maro ) . marada waxaa loo qaata saddex ujeedo 1) waa in qofku cowradiisa ku asturto 2) in uu isaga celiyo dhaxanta 3) inuu isku qurxiyo . waxa lamaanaha udhaxeeya kalgacal iyo naxariis asalku waa kaa, labo qof oo ku tashadey nolosha iney wadaagan si nolosha wadaageeda uu ufiicnaado ayaa ilaahey wuxuu soo dajiyey sharcigiisa oo uu mid walba xaqiisa ku cadeeynaayo . lamaanaha muslimka ah inta aysan guriga abuurin dhaqanka islaamiga ah waxaa haboon iney aqoonta guriga islaamiga ah lagu abuuro yeeshaan , gurigu waa meel la rabo in nolol lagu wadago waa meel la rabo in unuga bulshada laga aasaaso waa meel caruur iyo ubad la rabo in lagu tarbiyeeyo , markaa waa meel ubaahan aqoon iyo cilmi iney ku saleysnaanto .
  • 3. ilaahey wuxuu qur'ankisa ku tilmaamaya iney dumarku xaq leeyihiin raguna ay xaq leeyihiin oo ay labaduba waajib ku tahay midba mid ka kale in uu ilaaliyo . xaquuqda gabadha xuquuqda gabadha waxey uqeybsantaa labo 1)xaquuq maaliga ah 2) iyo xuquuq macnawi ah . 1)xaquuqda koowaad ee maaliga ah ilaahey (swt) wuxuu qur'ankisa ku leeyahay haweenka in la siiyo meherkooda oo aan laga saagsaagin aan laga khiyaameenin aan laga dafirin waa xaq weliba ku fiican in marka ugu horeysa la siiyo , hadii laga maarmi waayo in qeyb loo hormariyo qeybta kalena waqti mudo leh lagu siiyo oo ineysan noqon deen iska madax banaan oo weligeed la isku lahaado . Tusaale : hadii gabar 100 doller 30 sano ka hor lagu mehriyey , waxa laga yaaba barigaa in lacagtaas geel lagu iibsan jirey maantase aysan waxba aheyn . gabadha marka maherkeeda la siiyo oo ay gacanta ku dhigto milkisana waxey rabto wey ku suubin kartaa cidey rabtana wey siin kartaa laakiin in laga qiyaameeyo ma ahan oo laga xod xoto .
  • 4. meherka la magacaabey ee lagu heshiiyey intuu doono hala ekaado waxa waajib ku ah ninka inuu bixiyo , hadii aysan gabadhu meher sheegan guurku wuu ansaxaaa laakiin waxaa la siiyana inta gabdhaha gayaankeeda ama lamid ka ah lagu mehriyey . 2) xaquuqda kale ee maaliga ah waa nafaqo oo ah biilkeeda , waxa ay cunto , waxa ay huwato , meel ay dagto intaaba gabadha xaq bay uleedahay ilaaheyna (SWT) qur'ankiisa waxa uu ku leeyahay ninki ilaahey riziqiisa ubalaariyey , balaarkiisa wax haka siiyo , ninkii riziqa ku ciriiri yahayna wixii uu kari karo haka siiyo . miskiin kun doolar qaata iyo nin ay boqol kun doolar soo gasho bishii biilka laga rabaa isku mid ma aha waayo waxaa la rabaa in gabadhu ay noolaato inta ninkeedu kari karo . nabigana (SCW) wuxuu tilmaamayaa ilaahey kaga cabsada arinta dumarka . xuquuqda aan maaliga aheyn ee ay kuugu leedahay dumarka waxaa kamid ah inaad si fiican ula dhaqanto waxey kugu leedahay inaad ucadaalad fasho waxaa kamid ah in markasta haweenka qeyr lagu waaniyo oo lagu dardaarmo . nabiga (SCW) dhaqanka uu haweenkiisa kula dhaqmi jirey waxey aheyd waxa wanaaga oo dhan inuu sameeyo waxa
  • 5. dhibaha yar yar ee imaadana inuu dul qaato , nabiga oo fadhiya gurigiisa oo caaisho la fadhiya oo uu rag casuumay oo ay guriga joogaan oo ay caaisho cuno siineyso ayaa haweenay kale oo kamid ah haweenkii nabiga qabey ayaa waxey istiri guriga caaisha xoolo badan ma oolin rag ayuuna nabiga casuumay ee adna maad caawisid kadibna xeero ayey cuno kusoo gurtey oo wiil yar ayey usoo dhiibtey kuna tiri nabiga (SCW) guriga caaisho ugu geey , raashinkii markii guriga lala soo galey ayey caaisho hinaaso/maseer qaadey dabadeetana xeeradii ayey gacanta ku dhufatey oo labo ayey ukala jabtey , waa nabi muxamed (SCW) oo fadhiya oo rag uu casuumayna ay la fadhiyaan oo raashin loo soo direy ay caaisho labo ukala jabisey. ma xanaaqin nabigu , ma caroonin , ma maagin caaisha oo xeeridiisa oo labo ukala jabtey inta soo qaadey oo cunadi aruuriyey ayuu asxaabti la fadhisey ku dhahay hooyadiin wey hinaastey/maseertay oo intaas ma uusan dhaafin ,ma oran ragbaa igu hor fadeexadeesay iyo waad iceebeesay midna , oo xeero cusub oo guriga taaley ayuu udhiibey reerkii kale ee xeeradooda jabtey . ninka xaquuqda uu leeyahay islaamku ma yaqaano cid meel isugu timid oo aan hogaan laheyn , oo nabigu (SCW) wuxuu tilmaamayaa hadaad safar tihiin oo aad saddex tihiin mid madax ka dhigta , islaamku waa diin ku saleysan wada noolaasho isla
  • 6. markaana waa diin ku saleysan nidaam iyo kala danbeyn fowadada islaamka kuma jirto. gurigu waa unuga ugu yar oo bulshadu leedahay hogaan ayuu ubaahan yahay , hogaanka gurigana sida qur'anka iyo sunada nabiguba tilmaamayan waxaa leh ninka oo xaqa koowaad ee gabadha lagu leeyahay waa iney adeecdo ninkeeda kuna adeecdo wixii diinta iyo sharciga ogol yahay ee an xumo aheyn . maamul aan ismaqleenin maamul ma ahan , maamul simani ma jiro oo dadka reer galbeedka meelaha ay ugu qaladka badan yihiin ayey kamid tahay . oo marka shaqooyinka kale ku shirkoobayan reer galbeedku waxa ay yiraahdeen qof madax ha noqdo , hadiise ay noqoto guurka waxa ay leeyihiin hogaamiye ma jiro oo waa la wada siman yahay taasaa keentay in guurka gaaladu ama reer galbeedku uusan intiisa badan guuleysan amaba aysan isguursan . in gabadha iyadana ay ninkeda adeecdo waa dariiqa ay janada ku gali laheyd oo axaadiith nabiga (SCW) wuxuu xadiith saxiix ah ku leeyahay haday gabdha soonto , salaado 5 teeda waqti , xumaha iyo zinadana ka fogaato , ninkeedana adeecdo maalinta qiyaamaha waxaa la yiraahdaa janada ilbaabkaa doonto ka gal .
  • 7. Tusaale : adeecida ninkeeda waxaa kamid ah hadii uu ugu yeero firaashka waa iney aqbashaa hadii uusan jirin cudur daar kale oo sharciya . axaaadiith nabiga (SCW) laga wariyey waxaa uu ahaa ninku hadii uu xaaskiisa uugu yeero firaashka oo ay diido (iyadoo ka wada canaad ay canaadeeso) oo uu isaguna caroodo habeenkaas oo dhan malaa'ikta ayaa nacalada oo tiraahda caro alle kugu dhacdey inta waagu ka baryayo. xaquuqda kale ee uu ninku ku leeyahay waxaa kaloo kamid ah ineysan guriga u ogolaanin ama keenin cid uusan asaga raali ka aheyn . waxaa kaloo kamid ah oo xadiithka nabiga (SCW) laga wariyey hawaaneydu uma banaana soon ka aan waajibka aheyn iney soonto iyada oo uu ninkeeda joogo inuu u ogolaado mooyaane , mas'aladaan waxey ku tusineysaa hadii ay iska hor imaadan sunno iyo waajib in waajibka la hormarinayo , soonka sunnaha ahi waa sunno adeecida hawaaneydu ay adeecdo ninkeeduna waa waajib . xaquuqda kale waxaa kamid ah ineysan hawaaneydu gurigeeda ka tagin ilaa uu ninkeedu u ogolaado iney baxdo mooyee wixii kheyr ah isagana inuu udiido ma ahan , amarka la siiyey ninku micnaheedu ma ahan in uu dictator (kaligii talis) noqdo oo haweenay jaahilad ah oo guriga u dhex fadhisa waxaa kaga qeyr badan in ay cilmi
  • 8. usoo barato taasoo anfaceeso gurigooda iyo ciyaalkoodaba Tusaale : ninka shirkad madax looga dhigo waxaa laga rabaa inuu shirkadaas horumariyo , taa mid la mid ah ninku waxaa laga rabaa hawaaneydiisa iyo caruurtiisaba inuu horumariyo diin ahaan iyo caqli ahaanba sidaas darteed ayaa waxaa la amrayaa inuu naar ka badbaadiyo oo ilaahey (SWT) ayaa nabigiisu wuxuu ku leeyahay ehelkaaga far salaada kuna sabar . hadaba noloshu waxey noqotaa nolol is kabeysa haduu ninkuna waajibkiisa kasoo baxo haweeneyduna waajibkeeda kasoo baxdo labadooduna waajibkooda waa la weydiinaya aakhiro . laakiin waxaad xasuusataan labada sheey ee uu gurigu ku dhisan yahay waa naxariis iyo kal gacal , asalkuse kuma dhisna xaqeygi iyo xaqeygi in la isku heysto mar walba , marka hadii caqligana la isticmaalo ilaaheyna laga cabsado oo jidka la inoo jideeyay lagu sugnaado qoysaskeena burburka weynu ka ilaalin karnaa .
  • 9. Muxaadaradan waxaa ka qorey sheekh Mustafa Mohamed Abdukadir Kalif Mohamed Awil ABdi