SlideShare a Scribd company logo
1 of 13
Download to read offline
Sidee guusha dhabta
ah loo gaara ?
sidee guusha dhabta ah loo gaara ?
intaanan is weydiinin su aasha ah sida loo garayo waaa inaan horta is
weydiinaa maxaa guul ah ? ama goormaan oran karnaa qofka bani
aadamka ahi wuu guuleystay ama guul dhab ah ayuu gaarey ?
Tusaale : Bani aadamku si guul ama guul daro usheego waa inuu
hadaf (target) calaamadiyaa, hadafka markaa uu xadido ee uu
calaamadiyo ayuu isweydiinayaa ma gaadhey mise ma aadan gaadhin
.haduu gaadhana waxa uu oronayaa waa guuleystay , hadii gaari
waayana waxa uu odhanayaa waan guul dareystay .
sida dadka oradada ah ama tartamaayasha orodka meel baa maro
yar loogu xiraa ama xariiq loogu jeexaa dabadeetana waxaa la
yiraahdaa soo baratama ama soo tartama , kan ugu horeeya ee
xariga gaara ayaa gacmaha cirka utaaga oo yiraahda waan guuleystay
sababtoo ah hadafku waa in xariiqdaa la gaaraa oo intaan kula
ordeeysa aad ka dheereesid oo aad ka horgaartid xariiqda hadiise
aan xariiqi jirin waa hadaf meel loo ordayaa jirin , ninba meeshuu
doono hadii uu u cararo keebaa guuleystay .
hadii nimanka baratamaya qofba meel ucararo guul iyo guul daro
toona sheegi meyno oo ma oraneyno hebal maa guuleystay sababta
oo ah waa hadaf aan xadidneen .
nolosha bani'aadamku markaa waxey leedahay ahdaaf koo kooban
oo yar yar iyo hadaf weyn oo kan xaqiiqiga ah .
Tusaale : ardeydga school ka marka uu sanad dhiganaayo ee uu wax
soo aqriyo aadna udiyaar garoobo imtixaankana uu galo ee uu
imtixaanka ku baaso waxa uu oranayaa waan guuleystay .
waayo hadafkii koowaad ee ahaa inaad sanadkaan dhameyso waad
dhameysay , markaad saddex sano ama afar sano aad dhameeyso
waad guuleystay waayo waraaq yar oo magacaaga ku qoran yahay
iyo inaad dugsi sare dhameysay ayaa lagu siinayaa .
markaad jaamacada dhameysana waan guuleystay baad leedahay oo
koofiyado yar yar iyo maryo yar yar inta laguu xiro ayaa lagu
oranayaa waa calaamadii guusha dabadeetana waraaq ayaa lagu
siinayaa , hadaba noloshu goorma ayuu qofka bani'aadamku oran
karaa waan guuleystay ?
noloshu waa wax kooban ninka dhalinyari ahi sheeda suke ayuu
arkaa waayo wuxuu tiriyaa inta uu jirey laakiin qofka markuu da'
gaaro wuxuu isweydiiyaa war toloow maxaa ka harey .
xaqiiqada bani'aadamku uu wadaago ee uu wada rumeysan yahay
waa geeri , intaad doonto nooloow waxaad doonto soo cun waxaad
doonto soo qabo waad geeriyooneysaa sidaa darteed xariiqda ugu
danbeysa ee la gaarayaa inta dunida la joogo waa geeri , intii kaa
horeysayna waa geeriyootey intii joogtana waa geeriyoon doontaa .
marka la geeriyoodo xabaalo yar baa la isku wada ridaa hadaad xoolo
badan shaqeysatey oo billionaire aheyd labo maroo yar yar inta
laguugu duubo ayaa xabaasha laguugu ridi , hadaad faqiir aheyd oo
aadan waxba heysan labadaa marood uun baa laguugu duubi
xabaashana laguugu ridi , hadaad magac iyo maamuus laheyd oo
madax iyo wax soo noqotey labadaa uunbaa laguugu duubi halka
ayuunbaana laguugu ridayaa , hadad nin iska xamaasho oo suuqiisa
iska jooga aheyd labada marood uunbaa laguugu duubi , markaa
dadkii waaba isku wada nooc oo wixiiba maradaa yar ee la isku
duuduubaayo ayuunbuu ku dhamaanayaa , hadaba kee guuleystay
markaa ?
noloshu waa iney hadaf leedahay wa iney qasdi leedahay
markaaseynu garan karnaa yaa guuleystay yaana guul dareystay .
ilaahey wuxuu qur'aankiisa kariimka ah ku leeyahay cidii ilaahey iyo
rasuulkiisa adeecday ayaa guuleystay .
qur'aanka 4 jeer ayaa erayga kusoo aroorey 4 taba wuxuu
ka waramayaa kaa , 13 jeer bey qur'aanka kusoo aroortey ,
saddex iyo tobanka jeerba aakhiro ayey ka warameysaa ,
‫ر‬ ‫ب‬ ‫ك‬ 1 mar ayey kusoo aroortey iyana xagaasey ka
warameysaa .
eraygaan kaligii 16 jeer ayuu qur aanku qorey , 16 ka
jeerba midna aduunyada ka warami meyso ,16 ka jeer intuba
waxa ay ka waramayaan aakhiro .
nolosha guusheeda dhabta ahi waa marka aad aakhiro
badbaado ilaaheyna qur'aankiisa wuxuu ku leeyahay ‫م‬ ‫ف‬ ‫ح‬ ‫ح‬
‫ع‬ ‫ر‬ ‫ن‬ ‫دخل‬ ‫نة‬ ‫ج‬ ‫قد‬ ‫ف‬ ‫ف‬ .
ilaahey markaa wuxu inuuga waramey cida guuleystay iney
cidaasi oo qura tahay sidaa awgeed sidee loo gaara guusha
dhabta ah hadeynu niraahno , dariiq walba oo meeshaa ku
gaarsiinaya ayaa ah wixii lagu badbaadi lahaa , sidaa dareteed
ayuu qur'anka ilaahey wuxuu inoogu tilmaamey nabiyo ,
nabiyadu dhamaantood waa guuleysteen sow ma ahan nabi
faashil ah miyaa jira waa maya , hadana ilaahey qur'anka
wuxuu inoogu tilmaamey anbiyo qaarba wax noqdey kuwo
dowlado maamuley kuwo jini iyo insiba utaliyey sida suleymaan
iyo daa'uud , waxaa kaloo qur'anku inoogu waramey anbiyo la
laayey ama la diley inuu wax maamulo daayee , nabiyo kow
laga siyey ayuu ilaahey qur'anka inuugu tilmaamey hadana
waxaanu wada leenahay anbiyadu waa wada guuleysteen nabi
guul dareystay na ma jiro oo nabi walba wuu guuleystay waayo
hadafka xaqiiqiga ah ee nolosha ayuu gartey , noloshu waxey
tahay buu fahmey dabadeetana isagoo jidkii noloshaa ku socda
ileen qof walba waa dhimanayaaye ayey ka baxdey sidaa
daraadeed baa loo leeyahay wuu guuleystay .
laakiin aan idin weydiiyee ninka badaha gala ee tahriiba ee
nafta kaga baxdo iyo kan ka talaabo ee yurub gaara ma
niraahnaa kaasi wuu guuleystay midna waa dhintey saas sax
ma tahay ? yurub in la gaaraa wax nafta loo bixiyo miyey tahay
? waxaad unooleed miyey tahay oo hadii la waayo ay tahay
inaad dhimato ? .
dadka intiisa badan waxaa ka qaldan wixii loo noolaa , markii la
garan waayey waxa loo noolyahay ayaa ninba meel cidlo ah ku
geeriyoodey , qofba siduu meel u ordayey mid isagoo xoolo
raadinayo ay naftu ka baxdey mid isagoo dad leeynaya ayey ka
baxdey , tusaale qolyahaan dagaalama ee reerka udagaalama
wuxuu uheystaa reerka kale hadey dad badan ka laayaan iney
guuleysteen iyagoo faraxsan ayey soo noqonaayaan oo markii
la yiraahdo maxaad soo qabateen waan jabiney reer hebel
ayuu leeyahay , hadiise reer hebel aakhiro loo diro miyaa la
guuleystay ? yacni waxa la garan waayay waxa loo nool yahay
, waxa wax loo baranaayaa la garan waayey , waxa loo
guursanayaa la garan waayey , waxa loo joogaa la garan
waayey .
nin saxaabi ahaa oo la diley ayaa wuxuu yiri waan guuleystay
rabiki kacbada leh baan ku dhaartaye , saxaabigaan weliba
waxaa la diley dil khiyaamo ah.
hadii ka waran aad niman utimaado oo ay marka hore wax kuu
sheegaan oo aad dabadeetana wanaagooda ka talineesay oo
markaad utimaadeyna mid inta xaga danbe ka maro waran ku
galiyo , waxaad oran laheydeen tol la'ayee nimanku wey
ikhiyaameeyeen , laakiin saxaabigan wuxuu u arkaayey
noloshu waxa uu raadinaaye inuu helay oo shahaado aheyd
saas daraadeed ma eegin qolodaan khiyaameysay ee waxaa
umuuqatey dhankuu usocdey wuxuu arkeyba iney dariiqii usoo
gaabiyeen janada loogu socdey saas daraateed ayuu wuxuu
leeyahay waan guuleystay rabigii kacbada lahaan ku
dhaartaye. .
marka waxaan idiin sheegaya inaad guuleysataan iyo inaad
guul dareysataan waxey ku xiran tahay hadafka aad adiga
xadidatey wax loo noolaado ma yahay oo cimri loo bixiyo oo
waqti loo lumiyo mise ma ahan , haduu wax qiimahaa leh
yahay markaad gaarto waad guuleysatey hadii aanu aheyn
waxaa qiimaha leh markaad gaadhaa ayuunbaad wixii
waayeysaa ileen marka hore waxaad islaheed guul baad
xaqiijineysaa laakiin marka aad dhinaca kale tagto ayeyba
noloshuba ciriiri noqoneysaa .
soo BBC kama dhageysataan dad kamid ah kuwa tahriibey oo
leh hadaan sidaan moodayo Europe ma imaadeen , ileen
wuxuu islahaa hadaad halkaan ka talaawdo lacag barwaaqo
ayaad heleysaa , sida maanta gudaha dalka loogu dhiban
yahay ayuunbaa Europe na loogu dhiban yahay waxba isma
badalin .
waxaa laga yaabaa dadka barkood iney yiraahdaan kuwii
Europe tagey sow ma ahan kuwaan gudaha daaraha iyo
dabaqyada dhaadheer ka dhistey waa run , laakiin reer kiinu
waxaa laga yaabaa kun qof iney ka dhooftayee imasaa daaro
iyo dabaqyo soo dhistey ? waxaa laga yaaba iney 10 soo
dhisato markaa 990 ki kale ma is weydiiseen xagey ku maqan
yihiin ? oo kuwa gudaha jooga 10 ka mid ah miyaaney daaro
iyo dabaqyo dhisan.
kuwa gudaha wadanka joogaa intey daar dhisteen baa waxey
ka badan tahay inta maqan intey dhisteen , waxaan uga jeedaa
hadaad xitaa daaro soo dhisato soo godka geli meysid .
nolashu waxey qiimo ku leedahay in la fahmo waxa loo nool
yahay .
gaalada qaar badan oo ka mid ah maanta wey isdilaan weliba
group ka is dila waxaa ugu badan dabaqada sare , dadka is
dilaa waa kuwa wax heysta , wax ma heystadu isma disho inta
badan waayo waa mashquul ba .
sababta ay isu dileen ayaa ah wax ey moodayeen in uu guul
yahay baa markey gaareen ayuu dhadhan iyo macno u sameyn
waayey
Tusaale nin dhaqtar ah ayuu wuxuu ilahaa markaan
dhalinyarada aheyn wax baro oo dhaqtar noqo oo surgery
suubi ayaan ku fikiri jirney , kadib markan wixii noqdey
noloshuba waxey noqotey in lagu yiraahdo jimcaha intaan
hospitalka soo galo ilaa isniinti inaan hospital ka ku jiro oo aan
waqti aad seexato iyo waxba laheyn , saacad kasta lagu
toosinaayo soo kac bukaan baa la ikeenay iyo mid baa
sakaraad ah maxaanu ku sameynaa , dhowr iyo sodon
saacadood ayuunbaad soo fadhiyeysaa hadhoowna markaad
xaafada ku noqoto waxaad noqoneysaa adigoo daalan oo
aanan cunto fiican xitaa cuni karin hurdada iyo daalka ku haaya
dartii .
kadib markaan mudo wadey ayey lacagtiina dhadhan sameyn
weysay oo an isweediiyey waxaan aad unooshahay waa
maxey , waxaan aan soo bartey ee aan mutaqasis kuso
noqdey ee aan kuso daaley ayuunbaa markaan gaarey
dhadhan sameyn weysay , waayo hadafkaa qaldanaa oo waxa
uu unool yahay ayuusan garanin oo daal ayuunbuu kasi
qaadey iyo inuu seexan waayo dabadeedna inta isaga yimid
ayuu gudaha wadanka iska yimid .
Tusaale : waxa aad isleedahay hadii aad lacag hesho aad baad
wax u cuni laheyd , caloosha wax badan ma qaado si kastoo
lacagta kuugu badato inta aad iminka cunto ka badan ma
qaado , ka badan hadii lagu ridana wey xanuunsataa oo dhiig
kar macaan iyo chorestrol balo iyo baas oo dhan baa ku
dhacaya dabadeedna waxaa lagu oranayaa hadii aad rabto
inaad noolaato waa inaad waxaa oo dhan ka yareesaa idan
maxaad ku sameyn , daashey oo naftaadi waxey ubaxdey in
lacag badan la helo lacagtii badneed markii lasoo helayna wax
macno ah ayey sameyn weyday xanuun badan uun bey
keensatey .
inta magaca iyo maamuska leh kamirad baa lala daba ordayaa
oo luuq luuq ayey marayaan , hada hadaad madaxweyne
noqoto maqaaxyaha ka shaaxeyn kari meysid xoriyadaa waad
waayneysaa maxbuus sharafeed baad noqoneysaa .
qol baad ku xiran tahay laakiin lagu oran maayo waa xabsiyee
waa qolkii madaxtooyadaa ayaa lagu oranayaa oo waa qol
sharaf leh laakiin hadaad qolkaa kasoo baxdo waa in askari iyo
banduuqyo iyo qoryo ku daba rooraan , waa xabsi waxaana
lagaa xabsinayaa intaad utalineeyso intaasaad ka baqeysaa oo
iska ilaalineysaa markaa xabsi sharafeed ba la yiraahdaa .
idan bani'aadamku waxa uu amaanta moodayo ayaa xabsi isu
badala wixii uu rabey inuu xaqiijiyo ayaa xabsi isu badaley oo
qofki wuxuu waayey xoriyadiisii .
markaa noloshaan aduun qiimo ma yaalo , dhibta ayaa
isbadasha oo maalinba problemka aad ka fakareyso ayaa kii
hore ka gadisan mushkilada nooceena ayuunbaa isbadala .
maanta waxaa laga yaabaa inaad ku heysto mushkilad cuni
yari ah oo aadan dhaqaale badan heysan oo aad cunto fiican
ku hesho , berina cuno xumi uunbaa ku heleysa oo waxaa lagu
oranayaa kana cuni meysid , cunadi waad heysataa laakiin waa
mamnuuc macaan baad qabtaa intaan cuna ah cuni meysid ,
dhiig kar baad qabtaa intaan dhanaan ah cuni meysid .
idan nolosha problems keedaa isbadala laakiin guul maleh tani
markaad heer ka talaawdaba mushkilad cusub ayaa soo
baxeysa .
Tusaale hada adigoo dhalinyaro ah oo guur doon ah , maanta
mushkilad guur doon nimo ayaa ku heysta , berina markaad
guursato caruur yar yar iyo hospital iyo islaantii baa uur leh
mushkilad kale uunbaa kuu bilaabmeysa .
aduunka waa dhibaato waa daal waa beer xanuun inta la nool
yahayna waa lagu jirayaa waxaana ku jirey dadki ilaahey kuwii
uu ugu jeclaa oo anbiyada ah oo qaarkood la diley qaar la
eryadey iyo rusul dagaalamey ayuu ilaahey qur'anka inoogu
tilmaamey .
nabi muxamed (SCW) ayaan heynaa qisadiisa oo agoon nimo
rajo nimo , isagoo laga saarey dhulkii uu udhashey iyo dagaalo
uu galo , idan noloshu waa sidaan .
hadaba hadaanu rabno nolosha inaanu guul ka xaqiijino guul
waa intaad ilaahey udhawaato uun , hadaad ilaahey
udhawaatana noloshaan baa fudeydmeysa oo xitaa
mushkilaadkeeda sida loo xalilo ayaa fududaanaya .
nolosha tani waa kadeed hadafka nolosha hadaanan fahmina
adoo daalan ayaad godka galeysaa ama madaxweyne noqo
ama taajir noqo ama billionaire noqo adoo daalan baa labo
maro oo yar yar lagaaga duuduubayaa oo wax kaa raacayaana
jirin oo wax alaale iyo waxaad udaashey waxba kaa raaci
maayaan oo markey marada kuugu duubayaan bey meyd kuu
bixinayaan xitaa magacaaga ayaa la hilmaamayaa .
indhuhu dhalanteed bey arkaan caqligu ama maskaxduna
dhalanteed bey aragtaa , dhalanteedku waa marka aad meel
fog ka aragto widh widh aad umoodo iney biyo fadhiyaan ayaa
la yiraahdaa dhalanteed .
ishu markey ka fog tahay waa biyo ayey isleedahay laakiin
haduu caqligu si fiican ushaqeynayo waad garaneysaa inaaney
biyo aheyn oo ay meeshu cadceedi heyso , hadaadse caqliga
seexiso oo aad tiraahdo bal ka wardoon laga yaabe iney biyo
noqdaane markaad meesha timaado waxey soo baxeysaa iney
dhalanteed tahay .
hamiga nafta ee dunida ku saabsana waa noocaa oo wax kasta
markuu kaa maqan yahay buu kuu yahay biyahaa hilaacaya ee
maalintaadse gaadho ayuu kula noqonayaa uun dhalanteedkaa
oo wax weyn aheyn .
hadaad buul ama guri yar ku jirto waa la seexdaa oo haduu
qofku hurdo ubaahan yahay wuu seexan karaa , hadaad
dabaqa udheer lagu saaraana waad seexan kartaa waxa nafta
raadineysaana waa maxey waa iney seexato oo maskaxda
mashquulka laga yara bixiyo si mar kale ay ushaqeyn karto .
nin soomaaliyeed baa waxaa laga haayaa hurdo aan
macaaneyna ma seexdo cuno aan macaaneyna ma cuno ,
hurdo aan macaaneyn ma seexdo ayuu yidhi oo markaan
ubaahdo uunbaa seexdaa markaad ubaahan tahay inaad
seexatana hadaad dhagax dushii ku seexato waad gam'eysaa
markaadse ubaahaneyn hurdo hadii lagu saaro sariiraha ugu
fican gam'i meysid , wuxuu yiri cuno aan macaaneyn ma cunin
waayo anoo gaajoonaya uunbaa cunaa .
dunida dadka is dila cilmi baaris lasoo suubiyey waxaa ugu
badan dadka reer galbeedka waxaana ugu yar dunida islaamka
iyo africa , waa dhalanteedkii dadkii gaarey oo ay ucuntami
weyday dabadeetana ka taga bey isyiraahden .
taladu waxa weeyaan ilaaheygii ina abuurey baa yaqaana
naftaan waxey ku islaaxeyso wixii ay ku islaaxeysayna
rususha ayaa inagula soo dhibey rusushuna waxey ina bareen
in aynu rabigeena caabudno qof bani'aadam ah oo quman
toosana noqono si aynu natiijada wanaagsan ee aakhiro uheli
karno aduunkan na waxaa inoola sheegay inuu imtixaan yahay
waxa inalugu imtixaana yaana ama ineynu ku samirno ama ku
mahad naqno , hadii caafimaad lagu siiyo inaad mahad naqdid
hadaad xanuunsatidna inaad ku sabartid , hadey noloshu sidaa
noqoto wey fududaaneysaa dhadhan iyo macaana wey
yeelaneysaa waayo qofku hadii ilaahey raali ahaan shihiisa
helo wax ka maqani ma jiraan .
waxa kaa maqan ma ahan waxa qofka ka farxiyaa ee waa
waxa kuugu jira iyo waxa aad dareemeyso iyo sida aad
ufakareyso iyo hamiga ku hayaa kaas baa ah waxa qofka
farxad geliya .
in madaxweyne la noqdaa guul ma ahan ee waa mas'uuliyad la
kororsadey in lacag badan ama magac weyn iyo maamuus la
helaana guul ma ahan ee waa mas'uuliyad la kororsadey
laakiin ama madaxweyne ahaaw ama taajir ahaaw ama magac
lahoow ama miskiin ahaaw inaad ilaahey raali galisaa baa guul
ah , idan qof walibaa wuu guuleysan karaa oo waxaad ku
guuleysan kartaa waxaad heystaa intuu la'eg yahay .
hadaad madaxweyne akhlaaq, diin, cadaalad, dhaqan iyo
wanaag wada tahay waad guuleysan kartaa oo imaamka caadil
ka ah todobada qof ee carshur raxmaan harsanaaye ayuu
kamid yahay , hadaad nin dhalinyaro oo dhoorsoon oo akhlaaq
leh noqoto wad guuleysan kartaa oo todobada carshur
raxmaan harsanaaya maalinta khiyaamo ayuu kamid yahay ,
markaa mustawaha nololeed ee aad joogto guusha kuma xirna
aduunka inta kaa soo gaartey magac iyo maamuusna guusha
kuma xirna , waad kadeed naan ama guuldareysan kartaa
adigoo madaxweyne ah waad kadeednaan kartaa adigoo taajir
ah waad kadeed naan kartaa adigo magac iyo maamuus leh
waadna kadeed naan kartaa adigoo faqiir ah intaba kadeed ka
wuu la socon karaa guushana wey la socon kartaa .
markaa guusha iyo guuldarada kuma xirna waxa gacantaada
ku jira iyo magac iyo maamuuska aad leedahay inta uu la
egyahay , waxa uu ku xiran yahay inta aad rabigaaga xiriir la
leedahay inta aad nolosha macnaheeda fahmeeyso inta aad
garaneyso maxaad unooshahay .
qof maanta hadii uu safar galo meel uu usocdaana aaney jirin
haduu yiraahdo mar qura nasan maayo oo uu daalo muxuu
kororsadey aanan daal aheyn , laakiin hadaad hadaf leedahay
oo aad tiraahdo magaalo hebla ayaan usafrayaa waa hadaf la
garanayo mar uun baad gaari doontaa , nolosha hadaad hadaf
dhab ah ka yeelan weydo lixdanka sano iyo todobaatan ka
sano ee lagu siiyey wey dhamaaneysaaye hadaad hadaf ka
yeelan weydo oo ah inaad rabigaa raali geliso jano na raadsato
naartana ka badbaadid hadafkaa hadaad xaqiijin kari weydo
noloshu qiimo ma leh wax kasta oo agtaada yaalaana qiimo ma
leh oo waad kadeedan tahay oo inta kadeedan baad ku jirtaa ,
hadaad intaa fahamtana inta guuleesataad ku jirtaa walow
aqoontaadu ha yaraato .
waxa dhibtu inaga heysataa waxa weeyaan dadka wixii ay wax
ku qiimeyn lahaayeen baa laga qaldey , oo waxey wax ku
qiimeenayen baa waxaa laga dhigey gaari iyo guryo iyo wixii
lamid ah .
qofku intuu rabigiisa udhaw yahay buu qiimihiisa dhabta ahi
yahay taas uun baana aakhiro markii la isugu yimaado wax
anfacda aduunka inta la joogana kadeedka qofka ka bi'isa ileen
aduunka adoo wax heysta ayaad kadeedan tahaye .
hadaba guusha si fudud ayaa lagu gaaraa dhamaanteena
waan gaari karnaa waa jidkii nabi muxamad (SCW) inaad
raacdaan , dadka ha xamanin ha caayin ha maagin
akhlaaqdaada hagaaji bani'aadamka si fiican ula dhaqan
waxaad ka xoog roon tahay ucadaalad samee salaada zakada
iyo cibaadaadkaga samee akhlaaqiyaadkaaga ku dhaqan waa
in qof waliba awoodo oo in lacag magac iyo maamuus ubaahan
ma ahan .
hadaba guusha dhabta ah dadka oo dhami waa gaari karaa
nabi muxamad na (SCW) waxa uu yiri dadka oo dhan baa
janada galaya ilaa qofki asaga diida mooyaane oo yaa diidaya
ayey asxaabta weydiiyeen oo wuxuu yiri qofkii iraacaana januu
geli qofkii iraaci waayaana isagaa diidey .
idan inaad guuleysataa kuma xirna inaad yar tahay iyo inaad
weyn tahay kuma xirna inaad lacag heysto iyo inaadan heysan
kuma xirna inaad madax tahay iyo inaadan madax aheyn kuma
xirna inaad cilmi badan tahay iyo inaad cilmi yar tahay , waxey
ku xiran tahay oo kaliya wadada aad ujeedo ee aad raaceysid .
ma wadada xaga ilaahey qabataad mareysaa mise wadada
xaga naarta qabataad mareysaa , labadan wado inaan kala
doorano ayuunbey ku xiran tahay guusha inta ay la egtahay .
ilaahey waxaan ka baryeynaa inuu jidka xaqa ah ina tusiyo
aamin

More Related Content

More from mohamed abdukadir

More from mohamed abdukadir (9)

Labada is qaba iyo xuquuqda ay isku leeyihiin
Labada is qaba iyo xuquuqda ay isku leeyihiinLabada is qaba iyo xuquuqda ay isku leeyihiin
Labada is qaba iyo xuquuqda ay isku leeyihiin
 
DNA part 4
DNA part 4DNA part 4
DNA part 4
 
DNA part 3
DNA part 3DNA part 3
DNA part 3
 
DNA part 2
DNA part 2DNA part 2
DNA part 2
 
DNA part 1
DNA part 1DNA part 1
DNA part 1
 
Mendelian inheritance part 2
Mendelian inheritance part 2Mendelian inheritance part 2
Mendelian inheritance part 2
 
Mendelian inheretence part 1
Mendelian inheretence part 1 Mendelian inheretence part 1
Mendelian inheretence part 1
 
anatomy of orbit afsoomaali
anatomy of orbit afsoomaalianatomy of orbit afsoomaali
anatomy of orbit afsoomaali
 
Cross cylinder af soomaali
Cross cylinder af soomaaliCross cylinder af soomaali
Cross cylinder af soomaali
 

Sidee guusha dhabta ah loo gaaraa

  • 2. sidee guusha dhabta ah loo gaara ? intaanan is weydiinin su aasha ah sida loo garayo waaa inaan horta is weydiinaa maxaa guul ah ? ama goormaan oran karnaa qofka bani aadamka ahi wuu guuleystay ama guul dhab ah ayuu gaarey ? Tusaale : Bani aadamku si guul ama guul daro usheego waa inuu hadaf (target) calaamadiyaa, hadafka markaa uu xadido ee uu calaamadiyo ayuu isweydiinayaa ma gaadhey mise ma aadan gaadhin .haduu gaadhana waxa uu oronayaa waa guuleystay , hadii gaari waayana waxa uu odhanayaa waan guul dareystay . sida dadka oradada ah ama tartamaayasha orodka meel baa maro yar loogu xiraa ama xariiq loogu jeexaa dabadeetana waxaa la yiraahdaa soo baratama ama soo tartama , kan ugu horeeya ee xariga gaara ayaa gacmaha cirka utaaga oo yiraahda waan guuleystay sababtoo ah hadafku waa in xariiqdaa la gaaraa oo intaan kula ordeeysa aad ka dheereesid oo aad ka horgaartid xariiqda hadiise aan xariiqi jirin waa hadaf meel loo ordayaa jirin , ninba meeshuu doono hadii uu u cararo keebaa guuleystay . hadii nimanka baratamaya qofba meel ucararo guul iyo guul daro toona sheegi meyno oo ma oraneyno hebal maa guuleystay sababta oo ah waa hadaf aan xadidneen . nolosha bani'aadamku markaa waxey leedahay ahdaaf koo kooban oo yar yar iyo hadaf weyn oo kan xaqiiqiga ah . Tusaale : ardeydga school ka marka uu sanad dhiganaayo ee uu wax soo aqriyo aadna udiyaar garoobo imtixaankana uu galo ee uu imtixaanka ku baaso waxa uu oranayaa waan guuleystay . waayo hadafkii koowaad ee ahaa inaad sanadkaan dhameyso waad dhameysay , markaad saddex sano ama afar sano aad dhameeyso
  • 3. waad guuleystay waayo waraaq yar oo magacaaga ku qoran yahay iyo inaad dugsi sare dhameysay ayaa lagu siinayaa . markaad jaamacada dhameysana waan guuleystay baad leedahay oo koofiyado yar yar iyo maryo yar yar inta laguu xiro ayaa lagu oranayaa waa calaamadii guusha dabadeetana waraaq ayaa lagu siinayaa , hadaba noloshu goorma ayuu qofka bani'aadamku oran karaa waan guuleystay ? noloshu waa wax kooban ninka dhalinyari ahi sheeda suke ayuu arkaa waayo wuxuu tiriyaa inta uu jirey laakiin qofka markuu da' gaaro wuxuu isweydiiyaa war toloow maxaa ka harey . xaqiiqada bani'aadamku uu wadaago ee uu wada rumeysan yahay waa geeri , intaad doonto nooloow waxaad doonto soo cun waxaad doonto soo qabo waad geeriyooneysaa sidaa darteed xariiqda ugu danbeysa ee la gaarayaa inta dunida la joogo waa geeri , intii kaa horeysayna waa geeriyootey intii joogtana waa geeriyoon doontaa . marka la geeriyoodo xabaalo yar baa la isku wada ridaa hadaad xoolo badan shaqeysatey oo billionaire aheyd labo maroo yar yar inta laguugu duubo ayaa xabaasha laguugu ridi , hadaad faqiir aheyd oo aadan waxba heysan labadaa marood uun baa laguugu duubi xabaashana laguugu ridi , hadaad magac iyo maamuus laheyd oo madax iyo wax soo noqotey labadaa uunbaa laguugu duubi halka ayuunbaana laguugu ridayaa , hadad nin iska xamaasho oo suuqiisa iska jooga aheyd labada marood uunbaa laguugu duubi , markaa dadkii waaba isku wada nooc oo wixiiba maradaa yar ee la isku duuduubaayo ayuunbuu ku dhamaanayaa , hadaba kee guuleystay markaa ? noloshu waa iney hadaf leedahay wa iney qasdi leedahay markaaseynu garan karnaa yaa guuleystay yaana guul dareystay .
  • 4. ilaahey wuxuu qur'aankiisa kariimka ah ku leeyahay cidii ilaahey iyo rasuulkiisa adeecday ayaa guuleystay . qur'aanka 4 jeer ayaa erayga kusoo aroorey 4 taba wuxuu ka waramayaa kaa , 13 jeer bey qur'aanka kusoo aroortey , saddex iyo tobanka jeerba aakhiro ayey ka warameysaa , ‫ر‬ ‫ب‬ ‫ك‬ 1 mar ayey kusoo aroortey iyana xagaasey ka warameysaa . eraygaan kaligii 16 jeer ayuu qur aanku qorey , 16 ka jeerba midna aduunyada ka warami meyso ,16 ka jeer intuba waxa ay ka waramayaan aakhiro . nolosha guusheeda dhabta ahi waa marka aad aakhiro badbaado ilaaheyna qur'aankiisa wuxuu ku leeyahay ‫م‬ ‫ف‬ ‫ح‬ ‫ح‬ ‫ع‬ ‫ر‬ ‫ن‬ ‫دخل‬ ‫نة‬ ‫ج‬ ‫قد‬ ‫ف‬ ‫ف‬ . ilaahey markaa wuxu inuuga waramey cida guuleystay iney cidaasi oo qura tahay sidaa awgeed sidee loo gaara guusha dhabta ah hadeynu niraahno , dariiq walba oo meeshaa ku gaarsiinaya ayaa ah wixii lagu badbaadi lahaa , sidaa dareteed ayuu qur'anka ilaahey wuxuu inoogu tilmaamey nabiyo , nabiyadu dhamaantood waa guuleysteen sow ma ahan nabi faashil ah miyaa jira waa maya , hadana ilaahey qur'anka wuxuu inoogu tilmaamey anbiyo qaarba wax noqdey kuwo dowlado maamuley kuwo jini iyo insiba utaliyey sida suleymaan iyo daa'uud , waxaa kaloo qur'anku inoogu waramey anbiyo la laayey ama la diley inuu wax maamulo daayee , nabiyo kow laga siyey ayuu ilaahey qur'anka inuugu tilmaamey hadana waxaanu wada leenahay anbiyadu waa wada guuleysteen nabi guul dareystay na ma jiro oo nabi walba wuu guuleystay waayo hadafka xaqiiqiga ah ee nolosha ayuu gartey , noloshu waxey tahay buu fahmey dabadeetana isagoo jidkii noloshaa ku socda
  • 5. ileen qof walba waa dhimanayaaye ayey ka baxdey sidaa daraadeed baa loo leeyahay wuu guuleystay . laakiin aan idin weydiiyee ninka badaha gala ee tahriiba ee nafta kaga baxdo iyo kan ka talaabo ee yurub gaara ma niraahnaa kaasi wuu guuleystay midna waa dhintey saas sax ma tahay ? yurub in la gaaraa wax nafta loo bixiyo miyey tahay ? waxaad unooleed miyey tahay oo hadii la waayo ay tahay inaad dhimato ? . dadka intiisa badan waxaa ka qaldan wixii loo noolaa , markii la garan waayey waxa loo noolyahay ayaa ninba meel cidlo ah ku geeriyoodey , qofba siduu meel u ordayey mid isagoo xoolo raadinayo ay naftu ka baxdey mid isagoo dad leeynaya ayey ka baxdey , tusaale qolyahaan dagaalama ee reerka udagaalama wuxuu uheystaa reerka kale hadey dad badan ka laayaan iney guuleysteen iyagoo faraxsan ayey soo noqonaayaan oo markii la yiraahdo maxaad soo qabateen waan jabiney reer hebel ayuu leeyahay , hadiise reer hebel aakhiro loo diro miyaa la guuleystay ? yacni waxa la garan waayay waxa loo nool yahay , waxa wax loo baranaayaa la garan waayey , waxa loo guursanayaa la garan waayey , waxa loo joogaa la garan waayey . nin saxaabi ahaa oo la diley ayaa wuxuu yiri waan guuleystay rabiki kacbada leh baan ku dhaartaye , saxaabigaan weliba waxaa la diley dil khiyaamo ah. hadii ka waran aad niman utimaado oo ay marka hore wax kuu sheegaan oo aad dabadeetana wanaagooda ka talineesay oo markaad utimaadeyna mid inta xaga danbe ka maro waran ku galiyo , waxaad oran laheydeen tol la'ayee nimanku wey ikhiyaameeyeen , laakiin saxaabigan wuxuu u arkaayey noloshu waxa uu raadinaaye inuu helay oo shahaado aheyd saas daraadeed ma eegin qolodaan khiyaameysay ee waxaa
  • 6. umuuqatey dhankuu usocdey wuxuu arkeyba iney dariiqii usoo gaabiyeen janada loogu socdey saas daraateed ayuu wuxuu leeyahay waan guuleystay rabigii kacbada lahaan ku dhaartaye. . marka waxaan idiin sheegaya inaad guuleysataan iyo inaad guul dareysataan waxey ku xiran tahay hadafka aad adiga xadidatey wax loo noolaado ma yahay oo cimri loo bixiyo oo waqti loo lumiyo mise ma ahan , haduu wax qiimahaa leh yahay markaad gaarto waad guuleysatey hadii aanu aheyn waxaa qiimaha leh markaad gaadhaa ayuunbaad wixii waayeysaa ileen marka hore waxaad islaheed guul baad xaqiijineysaa laakiin marka aad dhinaca kale tagto ayeyba noloshuba ciriiri noqoneysaa . soo BBC kama dhageysataan dad kamid ah kuwa tahriibey oo leh hadaan sidaan moodayo Europe ma imaadeen , ileen wuxuu islahaa hadaad halkaan ka talaawdo lacag barwaaqo ayaad heleysaa , sida maanta gudaha dalka loogu dhiban yahay ayuunbaa Europe na loogu dhiban yahay waxba isma badalin . waxaa laga yaabaa dadka barkood iney yiraahdaan kuwii Europe tagey sow ma ahan kuwaan gudaha daaraha iyo dabaqyada dhaadheer ka dhistey waa run , laakiin reer kiinu waxaa laga yaabaa kun qof iney ka dhooftayee imasaa daaro iyo dabaqyo soo dhistey ? waxaa laga yaaba iney 10 soo dhisato markaa 990 ki kale ma is weydiiseen xagey ku maqan yihiin ? oo kuwa gudaha jooga 10 ka mid ah miyaaney daaro iyo dabaqyo dhisan. kuwa gudaha wadanka joogaa intey daar dhisteen baa waxey ka badan tahay inta maqan intey dhisteen , waxaan uga jeedaa hadaad xitaa daaro soo dhisato soo godka geli meysid .
  • 7. nolashu waxey qiimo ku leedahay in la fahmo waxa loo nool yahay . gaalada qaar badan oo ka mid ah maanta wey isdilaan weliba group ka is dila waxaa ugu badan dabaqada sare , dadka is dilaa waa kuwa wax heysta , wax ma heystadu isma disho inta badan waayo waa mashquul ba . sababta ay isu dileen ayaa ah wax ey moodayeen in uu guul yahay baa markey gaareen ayuu dhadhan iyo macno u sameyn waayey Tusaale nin dhaqtar ah ayuu wuxuu ilahaa markaan dhalinyarada aheyn wax baro oo dhaqtar noqo oo surgery suubi ayaan ku fikiri jirney , kadib markan wixii noqdey noloshuba waxey noqotey in lagu yiraahdo jimcaha intaan hospitalka soo galo ilaa isniinti inaan hospital ka ku jiro oo aan waqti aad seexato iyo waxba laheyn , saacad kasta lagu toosinaayo soo kac bukaan baa la ikeenay iyo mid baa sakaraad ah maxaanu ku sameynaa , dhowr iyo sodon saacadood ayuunbaad soo fadhiyeysaa hadhoowna markaad xaafada ku noqoto waxaad noqoneysaa adigoo daalan oo aanan cunto fiican xitaa cuni karin hurdada iyo daalka ku haaya dartii . kadib markaan mudo wadey ayey lacagtiina dhadhan sameyn weysay oo an isweediiyey waxaan aad unooshahay waa maxey , waxaan aan soo bartey ee aan mutaqasis kuso noqdey ee aan kuso daaley ayuunbaa markaan gaarey dhadhan sameyn weysay , waayo hadafkaa qaldanaa oo waxa uu unool yahay ayuusan garanin oo daal ayuunbuu kasi qaadey iyo inuu seexan waayo dabadeedna inta isaga yimid ayuu gudaha wadanka iska yimid .
  • 8. Tusaale : waxa aad isleedahay hadii aad lacag hesho aad baad wax u cuni laheyd , caloosha wax badan ma qaado si kastoo lacagta kuugu badato inta aad iminka cunto ka badan ma qaado , ka badan hadii lagu ridana wey xanuunsataa oo dhiig kar macaan iyo chorestrol balo iyo baas oo dhan baa ku dhacaya dabadeedna waxaa lagu oranayaa hadii aad rabto inaad noolaato waa inaad waxaa oo dhan ka yareesaa idan maxaad ku sameyn , daashey oo naftaadi waxey ubaxdey in lacag badan la helo lacagtii badneed markii lasoo helayna wax macno ah ayey sameyn weyday xanuun badan uun bey keensatey . inta magaca iyo maamuska leh kamirad baa lala daba ordayaa oo luuq luuq ayey marayaan , hada hadaad madaxweyne noqoto maqaaxyaha ka shaaxeyn kari meysid xoriyadaa waad waayneysaa maxbuus sharafeed baad noqoneysaa . qol baad ku xiran tahay laakiin lagu oran maayo waa xabsiyee waa qolkii madaxtooyadaa ayaa lagu oranayaa oo waa qol sharaf leh laakiin hadaad qolkaa kasoo baxdo waa in askari iyo banduuqyo iyo qoryo ku daba rooraan , waa xabsi waxaana lagaa xabsinayaa intaad utalineeyso intaasaad ka baqeysaa oo iska ilaalineysaa markaa xabsi sharafeed ba la yiraahdaa . idan bani'aadamku waxa uu amaanta moodayo ayaa xabsi isu badala wixii uu rabey inuu xaqiijiyo ayaa xabsi isu badaley oo qofki wuxuu waayey xoriyadiisii . markaa noloshaan aduun qiimo ma yaalo , dhibta ayaa isbadasha oo maalinba problemka aad ka fakareyso ayaa kii hore ka gadisan mushkilada nooceena ayuunbaa isbadala . maanta waxaa laga yaabaa inaad ku heysto mushkilad cuni yari ah oo aadan dhaqaale badan heysan oo aad cunto fiican ku hesho , berina cuno xumi uunbaa ku heleysa oo waxaa lagu
  • 9. oranayaa kana cuni meysid , cunadi waad heysataa laakiin waa mamnuuc macaan baad qabtaa intaan cuna ah cuni meysid , dhiig kar baad qabtaa intaan dhanaan ah cuni meysid . idan nolosha problems keedaa isbadala laakiin guul maleh tani markaad heer ka talaawdaba mushkilad cusub ayaa soo baxeysa . Tusaale hada adigoo dhalinyaro ah oo guur doon ah , maanta mushkilad guur doon nimo ayaa ku heysta , berina markaad guursato caruur yar yar iyo hospital iyo islaantii baa uur leh mushkilad kale uunbaa kuu bilaabmeysa . aduunka waa dhibaato waa daal waa beer xanuun inta la nool yahayna waa lagu jirayaa waxaana ku jirey dadki ilaahey kuwii uu ugu jeclaa oo anbiyada ah oo qaarkood la diley qaar la eryadey iyo rusul dagaalamey ayuu ilaahey qur'anka inoogu tilmaamey . nabi muxamed (SCW) ayaan heynaa qisadiisa oo agoon nimo rajo nimo , isagoo laga saarey dhulkii uu udhashey iyo dagaalo uu galo , idan noloshu waa sidaan . hadaba hadaanu rabno nolosha inaanu guul ka xaqiijino guul waa intaad ilaahey udhawaato uun , hadaad ilaahey udhawaatana noloshaan baa fudeydmeysa oo xitaa mushkilaadkeeda sida loo xalilo ayaa fududaanaya . nolosha tani waa kadeed hadafka nolosha hadaanan fahmina adoo daalan ayaad godka galeysaa ama madaxweyne noqo ama taajir noqo ama billionaire noqo adoo daalan baa labo maro oo yar yar lagaaga duuduubayaa oo wax kaa raacayaana jirin oo wax alaale iyo waxaad udaashey waxba kaa raaci maayaan oo markey marada kuugu duubayaan bey meyd kuu bixinayaan xitaa magacaaga ayaa la hilmaamayaa .
  • 10. indhuhu dhalanteed bey arkaan caqligu ama maskaxduna dhalanteed bey aragtaa , dhalanteedku waa marka aad meel fog ka aragto widh widh aad umoodo iney biyo fadhiyaan ayaa la yiraahdaa dhalanteed . ishu markey ka fog tahay waa biyo ayey isleedahay laakiin haduu caqligu si fiican ushaqeynayo waad garaneysaa inaaney biyo aheyn oo ay meeshu cadceedi heyso , hadaadse caqliga seexiso oo aad tiraahdo bal ka wardoon laga yaabe iney biyo noqdaane markaad meesha timaado waxey soo baxeysaa iney dhalanteed tahay . hamiga nafta ee dunida ku saabsana waa noocaa oo wax kasta markuu kaa maqan yahay buu kuu yahay biyahaa hilaacaya ee maalintaadse gaadho ayuu kula noqonayaa uun dhalanteedkaa oo wax weyn aheyn . hadaad buul ama guri yar ku jirto waa la seexdaa oo haduu qofku hurdo ubaahan yahay wuu seexan karaa , hadaad dabaqa udheer lagu saaraana waad seexan kartaa waxa nafta raadineysaana waa maxey waa iney seexato oo maskaxda mashquulka laga yara bixiyo si mar kale ay ushaqeyn karto . nin soomaaliyeed baa waxaa laga haayaa hurdo aan macaaneyna ma seexdo cuno aan macaaneyna ma cuno , hurdo aan macaaneyn ma seexdo ayuu yidhi oo markaan ubaahdo uunbaa seexdaa markaad ubaahan tahay inaad seexatana hadaad dhagax dushii ku seexato waad gam'eysaa markaadse ubaahaneyn hurdo hadii lagu saaro sariiraha ugu fican gam'i meysid , wuxuu yiri cuno aan macaaneyn ma cunin waayo anoo gaajoonaya uunbaa cunaa . dunida dadka is dila cilmi baaris lasoo suubiyey waxaa ugu badan dadka reer galbeedka waxaana ugu yar dunida islaamka
  • 11. iyo africa , waa dhalanteedkii dadkii gaarey oo ay ucuntami weyday dabadeetana ka taga bey isyiraahden . taladu waxa weeyaan ilaaheygii ina abuurey baa yaqaana naftaan waxey ku islaaxeyso wixii ay ku islaaxeysayna rususha ayaa inagula soo dhibey rusushuna waxey ina bareen in aynu rabigeena caabudno qof bani'aadam ah oo quman toosana noqono si aynu natiijada wanaagsan ee aakhiro uheli karno aduunkan na waxaa inoola sheegay inuu imtixaan yahay waxa inalugu imtixaana yaana ama ineynu ku samirno ama ku mahad naqno , hadii caafimaad lagu siiyo inaad mahad naqdid hadaad xanuunsatidna inaad ku sabartid , hadey noloshu sidaa noqoto wey fududaaneysaa dhadhan iyo macaana wey yeelaneysaa waayo qofku hadii ilaahey raali ahaan shihiisa helo wax ka maqani ma jiraan . waxa kaa maqan ma ahan waxa qofka ka farxiyaa ee waa waxa kuugu jira iyo waxa aad dareemeyso iyo sida aad ufakareyso iyo hamiga ku hayaa kaas baa ah waxa qofka farxad geliya . in madaxweyne la noqdaa guul ma ahan ee waa mas'uuliyad la kororsadey in lacag badan ama magac weyn iyo maamuus la helaana guul ma ahan ee waa mas'uuliyad la kororsadey laakiin ama madaxweyne ahaaw ama taajir ahaaw ama magac lahoow ama miskiin ahaaw inaad ilaahey raali galisaa baa guul ah , idan qof walibaa wuu guuleysan karaa oo waxaad ku guuleysan kartaa waxaad heystaa intuu la'eg yahay . hadaad madaxweyne akhlaaq, diin, cadaalad, dhaqan iyo wanaag wada tahay waad guuleysan kartaa oo imaamka caadil ka ah todobada qof ee carshur raxmaan harsanaaye ayuu kamid yahay , hadaad nin dhalinyaro oo dhoorsoon oo akhlaaq leh noqoto wad guuleysan kartaa oo todobada carshur raxmaan harsanaaya maalinta khiyaamo ayuu kamid yahay ,
  • 12. markaa mustawaha nololeed ee aad joogto guusha kuma xirna aduunka inta kaa soo gaartey magac iyo maamuusna guusha kuma xirna , waad kadeed naan ama guuldareysan kartaa adigoo madaxweyne ah waad kadeednaan kartaa adigoo taajir ah waad kadeed naan kartaa adigo magac iyo maamuus leh waadna kadeed naan kartaa adigoo faqiir ah intaba kadeed ka wuu la socon karaa guushana wey la socon kartaa . markaa guusha iyo guuldarada kuma xirna waxa gacantaada ku jira iyo magac iyo maamuuska aad leedahay inta uu la egyahay , waxa uu ku xiran yahay inta aad rabigaaga xiriir la leedahay inta aad nolosha macnaheeda fahmeeyso inta aad garaneyso maxaad unooshahay . qof maanta hadii uu safar galo meel uu usocdaana aaney jirin haduu yiraahdo mar qura nasan maayo oo uu daalo muxuu kororsadey aanan daal aheyn , laakiin hadaad hadaf leedahay oo aad tiraahdo magaalo hebla ayaan usafrayaa waa hadaf la garanayo mar uun baad gaari doontaa , nolosha hadaad hadaf dhab ah ka yeelan weydo lixdanka sano iyo todobaatan ka sano ee lagu siiyey wey dhamaaneysaaye hadaad hadaf ka yeelan weydo oo ah inaad rabigaa raali geliso jano na raadsato naartana ka badbaadid hadafkaa hadaad xaqiijin kari weydo noloshu qiimo ma leh wax kasta oo agtaada yaalaana qiimo ma leh oo waad kadeedan tahay oo inta kadeedan baad ku jirtaa , hadaad intaa fahamtana inta guuleesataad ku jirtaa walow aqoontaadu ha yaraato . waxa dhibtu inaga heysataa waxa weeyaan dadka wixii ay wax ku qiimeyn lahaayeen baa laga qaldey , oo waxey wax ku qiimeenayen baa waxaa laga dhigey gaari iyo guryo iyo wixii lamid ah . qofku intuu rabigiisa udhaw yahay buu qiimihiisa dhabta ahi yahay taas uun baana aakhiro markii la isugu yimaado wax
  • 13. anfacda aduunka inta la joogana kadeedka qofka ka bi'isa ileen aduunka adoo wax heysta ayaad kadeedan tahaye . hadaba guusha si fudud ayaa lagu gaaraa dhamaanteena waan gaari karnaa waa jidkii nabi muxamad (SCW) inaad raacdaan , dadka ha xamanin ha caayin ha maagin akhlaaqdaada hagaaji bani'aadamka si fiican ula dhaqan waxaad ka xoog roon tahay ucadaalad samee salaada zakada iyo cibaadaadkaga samee akhlaaqiyaadkaaga ku dhaqan waa in qof waliba awoodo oo in lacag magac iyo maamuus ubaahan ma ahan . hadaba guusha dhabta ah dadka oo dhami waa gaari karaa nabi muxamad na (SCW) waxa uu yiri dadka oo dhan baa janada galaya ilaa qofki asaga diida mooyaane oo yaa diidaya ayey asxaabta weydiiyeen oo wuxuu yiri qofkii iraacaana januu geli qofkii iraaci waayaana isagaa diidey . idan inaad guuleysataa kuma xirna inaad yar tahay iyo inaad weyn tahay kuma xirna inaad lacag heysto iyo inaadan heysan kuma xirna inaad madax tahay iyo inaadan madax aheyn kuma xirna inaad cilmi badan tahay iyo inaad cilmi yar tahay , waxey ku xiran tahay oo kaliya wadada aad ujeedo ee aad raaceysid . ma wadada xaga ilaahey qabataad mareysaa mise wadada xaga naarta qabataad mareysaa , labadan wado inaan kala doorano ayuunbey ku xiran tahay guusha inta ay la egtahay . ilaahey waxaan ka baryeynaa inuu jidka xaqa ah ina tusiyo aamin