Good Stuff Happens in 1:1 Meetings: Why you need them and how to do them well
Hogaamiyaha wanaagsani mawaayo in xun oo xag
1. Hogaamiyaha wanaagsani mawaayo in xun oo xag-xagata.
……………………………………………………………………………………………………………………
Madax-waynaha deegaanka waxaa,uu caqabada ugu balaadhan ka la kul maa siyaasiyiin hore uga tirsanaan
jiray xuku madii hore oo aan la dhacsanayn siyaasadiisa iyo qaabka uu wax u wado iyaga oo doonaya inay
markale qayb ka noqdaan golaha fulinta ee dawlad deegaanka soomaalilda, fikirkaasi oo uu dabada ka riixayo
gudoobiyaha xisbiaga.Ahmed Shide.
Dadbadan oo soomaaliya ayaa aaminsan in Madax-waynaha deegaaka Mustafe Muxumad Cumar uu
hogaamiyay isbadal shacab oo horleh marka laga eego dhinaca xoriyatul qawlka,nabadgalyada, dhisida
xukumada iyo deegaanka, dhaqaalaha oo dad gaara u xidhnaa oo uu cidwalba u furay iyo nidaam dawladeed
oo madaxbanaan oo aan hore deeganka uga jirin.
Dabayaqadii sanadkii tagay waxaa deegaanka soomaalida Itoobiya ka hanaqaaday nidaam ka
duwan nidaamyadii hore uga jiray deegaanka kililka shanaad kaas oo keenay nabad galyo maa-
mulwanaag horiyatul-qawl, sinaan iyo cadaalad, iyada oo uu deegaanku ku jiray mudo sideed
sano ah xaalad qalafsan oo keentay Dil,dhac,xadhig,jidhdil,kufsi iyo boob.
Kadib markii uu mesha ka baxay nidaamkii qalafsanaa ee xukumadii hore,waxaa deegaan
soomaalida u ifay nolal iyo ididiilo cusub oo uu horsed u yahay Madax-waynaha hada talada
haya Mudane Mustafe Muxumad Cumar (Musfate Cagjar).iyo ururada Dulmidiid iyo Barbaarta
ee dhalinyarada deegaanka somalida oo gabi ahaanba mesha ka saaray xukumadii uu
gadhwadeenka ka ahaa Cabdi Ilay iyo Ururkii Heego ee daba dhilifka u ahayd Tigraya.
Waxaan ka wada dharagsanahay xaaladihii adkaa ee uu deeganku galay xiligii kala guurka ee
xukumadii dhacday,sida xilkasnimada leh ee uu uga soo gudbay madax-waynuhu iyada oo ay
horyaaleen caqabado badan oo xiligaa ka taagnaa deegaanka oo ay kaw ka tahay ciidanka liyuu
booliska oo daacad u ahaa madax-waynihii hore, dhisida xukumada iyo xubnihii laga saaray
xisbiga D SH S I iyo mabda’a ururka OLNF,Kaniisadihii lagubay,Hantidii umada ee ladhacay
xiligii rabshadaha.
Hadaba waxaa ayaandaro wayn ah Madax-waynaha intaas oo caqabadood sida xilkasnimada iyo
aqoontaleh u ga soo dabaashay ee deegaanka nolal horleh u iftiimiyay in manta rag danaystayaal
ahi ay yidhaahdaan waa waalanyahay iyo waa mucangag waa waxaan meesha qaban,mana aha in
la dhagaysto dadkaa carqaladaynaya nabadaa balaadhan ee manta uu deegaanku ku
naaloonayo.Waanan ka wada dharagsanahay dhibaatadii balaadhnayd ee deegaanka ka taagnayd
mudadii dheerayd ee uu xilka hayay madax-waynihii hore.
Somalidu waxay ku maah-maahdaa sixun wax u sheeg sixir kadaran. Raga manta mucaaridka ku
ah madax-waynaha dawlad deegaanka somalida waa ragii bar-baryaacayay markii ladooranayay
ee lahaa waa madax-wayne karti iyo aqoonleh, kadib markii ragii sidaa lahaa ay ka waayeen
wixii ay doonayayeen ay u arkeen inuu horumar gaadhsiinayo shacabka iyo deegaanba,waxay
bilaabeen inay mucaaridaan iyaga oo eegaya danahooda gaarka ah ee aan eegayn danta shacabka
iyo ta deegaanba.
2. Waxaan arkaayay qoraalo baraha bulshada lagu baahiyay oo ay qoreen rag ka agdhawaa
madaxwaynaha oo ay leeyihiin madax-waynhu wuxuu baal maray Dastuurka dalka Itoobiya iyo
nimaadka xisbiga dawlad deegaanka soomaalida oo ay ku an dacoonayaa waxa uu golihiisa
wasirada kadhigay ragaan aaminsanayn aragtida xisbiga iyo ururka ONLF ayuu
taageersanyahay.
Horta dastuurka Itoobiya marka horaba waxa uu god madaw ku riday xuquuqda shacabka
soomaalida Itoobiya oo aanu siinin xaq lamida xaqa ay qoomiyadaha kale ee Itoobiya leeyihiin,
nidaamka Xisbiguna kaas ayuu taabacsanyahay oo uu daba socdaa markaa hadii uu madax-
waynuhu u arko inaan danta shacabka iyo deegaankaba wax ugu jirin ,waxa uu raadinayaa wax
dadka iyo deegaankaba dan ugu jirto ee maaha in la cambaareeyo ama xilka ka dag layidhaa
taasina waxay sharaf dhac utahay dadka deegaan ka iyo deegaan laftiisa ,siyaasi dantaada ha
eegin waxaad eegtaa maslaxada shacabkaaga.
Maanta mataagnin maalin aan is xag-xagano ama aan is cambaarayno oo aan qolo qolo iyo qabiil
is ku cayno mana aha in shakhsi layidhaa waa wakan iyo waa keer Soomaali waa soomali meel
kasta oo uu deegaanka ka dago mana aha in la is ku aflagaadeeyo qabiil,ee waa in danta
shacabka iyo deegaanka aan meel uga soo wada jeedsanaa oo aan ka baxnaa waxyaabaha
xanaftaleh ee ina kala dilaya.
Kililka shanaad ee Itoobiya waxaa ku abtirsada dhamaan soomaalida oo dhan waana uu ka wada
dhexeeyaa deegaan ahaan halagu kalabatee, balse maaha inaan inagu mucaarid is ku noqono oo
qofkii qoorta sare uqaadaba aan inagu qoorta jarno,kii fikir kale aamin sanna aan dhidhaa waa
siyaasi waa nin wanaagsan.
Waxaan xaq iyo xuquuqba la leenahay 115 milyan ee kala qoomiyadaha iyo kala diinta ah ee ku
wada abtirsanaya Itoobiyaan nimada,markaa intaan inagu is ku jeedno waan wada ogsoonahay
waxa manta ka taagan Itoobiya ee inaga oo midaysan oo soomaali ku abtirsanayna sida
qoomiyad waliba qoomiyadeeda ugu abtirsato aan ku abtirsano soomaalinimada, oo aan is ka
dayno kani waa rer hebel iyo maaha soomaali .taasi inaga ayay ina kala gaynaysaa.
Cabdiraxman Aadan Madar (Abdirahman joco)