2. Islamic University C.C. Muumin 2
HORDHAC
Allaa mahad leh, nicmooyinka faraha badan ee uu nagu galladaystay
sababteeda, oo ay ugu horrayso inuu naga yeelay dad islaam ah,
Nabad iyo Naxariisna Nabigeenii subanaa ee Muxammad ahaa korkiisa
ha ahaato.
Intaa kadib waxaan kitaabkan diyaariyay 10kii shacbaan 1416H,
Wuxuuna Allaah qaddaray muddo dheer kaddib inuu gacmaha
akhristayaash soo gaaro waqtigan. waxaan rajaynayaa in qofkii si fiican
u akhrista kitaabkan uu fahmi doono cilmiga dhaxalka waayo marka hore
wuxuu ku qoran yahay Af-soomaali oo cid kale inay kuu micnayso uma
baahnid.
Marka labaad waxaa kitaabkan gudihiisa ka buuxa tusaalooyin badan oo
lagu muujiyay jadwallo, haddana ay daba taal faahfaahin iyo caddeymo
Kula socodsiinaayo sida aan wax u dhaxalsiinay. Waxaan kula talinayaa
akhristaha in uu dhowr kol akhriyo meelaha ay ku adkaato fahamkeeda
isagoo la kaashanaaya tusaalooyinka iyo caddeymaha la socda.
3. 3
Af Soomaliga inkasta oo uu muddo qoran yahay, hadana ma
Ahan Luqad si wanaagsan looga shaqeeyay oo leh
qaamuusyo laysku Waafaqsan yahay oo loola noqdo
kalmadaha macnahooda, iyo qaamuusyo lagu qoray
eraybixinada kalmadaha cilmiga ah ee ku qoron afafka kale.
Sidaas darteed si loo fahamo kitaabka ayaa waxaan u
Adeegsaday erayada cilmiga ah iyo kuwa aan lahayn
eraybixin soomaali ah, hab sharraxaad ah ama intaan bil furno
ayaan ku qornay tarjamada carabiga.
Waxaan ka codsanayaa dhamaan akhristayaasha haddii ay
ku
Arkaan kitaabkan wax qalad ah inay igu baraarujiyaan si
aanan ugu dhicin Isla qaladkaasi marka dambe ee aynu
daabcayno kitaabkan.
Islamic University C.C. Muumin
4. 4
Waxaan isku dayay inta karaankeyga ah inuu noqdo
kitaabkan mid kooban oo aanay bogoggiisu sidaa u badneyn,
inta badanna kuma Aanan sheegin khilaafaadka culimada iyo
mad-habyada kala duwan iyo qolo walbo daliilkeeda. Waxaan ku
soo koobay mad-habka Zayd Bin Thaabit oo ahaa saxaabigii uu
ku tilmaamay Nabiga inuu ugu aqoon badan yahay saxaabada
cilmiga dhaxalka, waxaa ku waafaqay Zayd mad-habkiisaasi
Imaamu-shaafici.
Hab-qoraalka kitaabkan iyo sida cutubyadu u kala
horeeyaanba waxaan ka qaatay kitaabka layiraahdo AL-RAXBIYA
() iyo Shuruuxdeeda kala duwan.
Diyaarinta kitaabkan waxaan u kaashaday dhowr kitaab oo ay
ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:
123
45
Islamic University C.C. Muumin
5. 5
waxaan u mahad cilinayaa Allaha awoodda badan ee ii sahlay
inaan qoro kitaabkan.
Waxaan ALLAAH ka baryayaa inuu ka yeelo camalkeyga mid
khaalis ah oo lagu doonayo raali ahaanshahiisa kaliya.
Cabdulqaadir Cali Muumin
Talaado 15 Shacbaan, 1420H
Muqdisho
Islamic University C.C. Muumin
6. 6
CILMIGA DHAXALKA
Cilmiga Dhaxalka: waa fiqiga dhaxalka iyo garashada
xisaabta taasoo kuu suuro galinaysaa garashada mid
kastoo wax dhaxlaya wuxuu xaq u yeeshay .
Cilmigan wuxuu leeyahay fadli weyn, waxaana si aad ah
loogu faahfaahiyay kitaabka Alle iyo sunnaha Nabigeena
Muxammad nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaato.
Qurdubi ayaa ku yiri tafsiirkiisa “Ogoow in cilmiga dhaxalka
uu ahaa saxaabada cilmigooda kii ugu weynaa,
doodahooda iyo weydiimahooda badankii uu ahaa
laakiinse dadka ay lumiyeen.
Allaah isaga ayaa qeybiyay hantida uu ka tegay qofka
dhintay, siiyayna qof walba xaqiisa waxaana uu ku
caddeeyay seddexda aayadood ee Suuratu Nisaa'a ee
lambaradoodu kala yihiin 11,12,176.
.
Islamic University C.C. Muumin
7. 7
Qofka muslimka ah waxaa laga doonayaa inuu raali ku noqdo qeybinta
Allaah, waayo isaga ayaa yaqaan maslaxadeena,waana caadil ka hufan
inuu wax dulmiyo.
Qofkii diida qaybinta Allaah shaki kuma jiro inuu yahay mid baadiyoobay
oo waddada halaagga ah cagta saaray.
Waa maxay dhaxal?
Dhaxalku waa lahaanshaha hantida qofka dhintay uu lahaa oo ka
wareegta, una wareegta kuwa dhaxlaya ee nool, nooc kasta oo ay
tahayba hantida la dhaxlayo – hanti guurta ah ama mid ma guurta
ah.
Islamic University C.C. Muumin
8. 8
XUQUUQDA LA XIRIIRTA HANTIDA LAGA
TEGAY
Waxaa la xiriira hantida laga tegay xuquuq dhowr ah, sidan ayeyna u
kala horeeyaan:
1.In laga bixiyo hantida qofka dhintay waxa uu u baahan yahay marka
uu dhinto ilaa laga duugo, waxyaabaha uu u baahan yahay waa in la
meydho, la kafano, iyo in la duugo.
2.In laga bixiyo qofka dhintay hantidiisa deymihii lagu lahaa oo ay
dadka ku lahaayeen. Deymaha Alle uu ku leeyahay sida sakada,
kafaarada iyo nadarka culimadu way isku khilaafeen in hantida laga
bixinaayo iyo in kale. Jamhuurtu waxay qabaan inay wajib tahay in
laga bixiyo, xanafiyaduna waxay qabaan inaan laga bixinayn.
3.In laga bixiyo hantida qofka waxa uu ka dardaarmay, waana inaysan
ka badnaan Tuluth (saddex meeloood hal meel ). Haddii uu
dardaaranka ka bato Thuluth lama fulinayo haddaysan oggolaan kuwa
dhaxlaka iska leh.
4.Waxa soo hara waxaa loo qeybinayaa kuwa dhaxlaya sida uu qabo
kitaabka Alle iyo sunaha Nebiga iyo Ijmaaca (waafaqa) Ummadda.
Islamic University C.C. Muumin