SlideShare a Scribd company logo
Qaaxadu ( TB ) waa caabuq halis ah oo ku dhaca marinada hawada ama sambabada ee jidhka
Ili ma aragtay ee sida fudud ku faafa. Qaaxadu waa xanuunada da’da weyn ee soo jireenka ah
sanado iyo qarniyaal badana ku soo dhici jirey dadyawga dunida ilaa sanadani aynu joognee
maanta isaga oo ku badan wadamada soo koraya.
Waxa lagu qiyaasa in 10% buolshadu ay uga nugul yihiin dadka kale xanuunkan inuu haleelo
sida dadka difaacoogu hooseyo ee la nool xanuunada difaaca jidhka diciifiya ( HIV & AIDS)
dadka nafaqo daradu hayso iyo kuwa macaanka qaba iyo kuwa isticmaala tubaakada ama
sigaarka iyada oo intooda badan laga daweeyo xanuunka dadka inuu dhamaan dadkani waxay
aad ugu nugul yihiin inuu haleelo xanuunku.
Qaaxadu waxay kaloo saamaysa xubno kala duwan oo jidhka ah sida, xangulaha, kelyaha,
maskaxda iyo xataa hadhiska tarankaba.
Maxaa sababa Qaaxada
Qaaxada waxa sababa ili ma aragtay bakteeriya ah oo loo yaqaano mycobacterium tuberculosis
bakteeriyadan ayaa ah sidaynu soo sheegnay kuwa laysugu gudbiyo hawada waana mid ka mid
ah kuwa ugu caansan bakteeriyooyinka loo yaqaano mycobacteriuma oo kuwo kale oo ka mid
ahi ay sababaan isla xanuunkan sida mycobacteroum bovis oo laga qaado hilibka lo’da
Sidee laysugu gudbiyaa xanuunkan
Qaaxadu waxay ku faafta ama la isugu gudbiyaa xidhiidhka hawo ee dhex mara laba qof gaar
ahaan marka qofku uu qufaco ama hindhiso waxa hawada raaca xadi ili ma aragtayda sababta
xanuunkan taasi oo ay sahlan tahay in uu si fudud u qaato qofka kale hawo wasakhaysan ama
jeermis weheliyoqaaxada waa mid ka mid ah xanuunada ku faafa hawada iyada oo ay sahlaan
fiditaankiisu .
Qiyaas intee leeg baa qaba xanuunka
Qaaxadu Sida ay sheegayso tirakoobyo ay samaysay hayada cafimaadka adduunku Saddex
meeloodow meel dadka dunida ku nool 3/1 waxay qabaan xanuunka qaaxada in yar oo ka mid
ah tiradaa qabta xanuunka ayaa laga yabaa inay muujiyaan astaamaha xanuunka oo ay la
xanuusadaan jeermiska halka inta kalena ay caadi ula nool yihiin sidaynu tilmaamanayna dadka
difaacoodu hooseya mar walba waa ay uga nugul yihiin kuwa kale tusaale ahaan dadka la nool
xanuunka HIV and AIDS waxay ugu nugul yihiin dadka kale 26 ilaa 31 jeer inuu haleelo
xanuunkani difacooda hooseya awgii Mid ka mid ah hiigsiyada horumarka waara amaba
sustainable development goal 2030 dunidu samaysatay waxa laysla gartay in qaaxada dunida
laga cidhib tiro "End TB Strategy",
Astaamaha qaaxada lagu garto
Astaamaha lagu garto xanuukaan waxaa kamid ah;
 Dhidid xiliga habeenkii ah
 Qufac raaga ilaa 3 todobaad kaasoo mararka qaar uu la socdo dhiig laabta oo xanuunta qofka
Awood daro
 Xumad Qadhqadhyo
 Abateetka oo qofka ka xidhma ama cuntada oo ka hortimada
 Miisaanka oo yaraada
 Xanuun la dareemo marka neefsanayo amaba la qufacayo
Sidee lagu ogaada Qaaxada
Waxa ugu muhiimsan ee lagu ogaada sida xanuunada kaleba waxa u mudan in wareysi lala
yeesho qofka cabanaya iyadoo la weydiinayo su’aalo la xidhiidha cabashadiisa sidoo kalena
baadhis lagu saameyo habdhiska neefsiga jidhkiisa , intaa ka dib waxa qofka loo diraa
shaybaadho Sida in candhuuf laga qaado ka dibna la beero candhuufta lana arko ili ma aragtayda
dhaliya xanuunka In jidhkiisa laga hubiyo TB skin test is ama loo yaqan the Mantoux tuberculin
skin test (TST) laba jeer oo kala duwan baa qofka lagu sameeya tijabadan marka qofka laga
qaadayo tijabada iyo marka la akhrinayo hadaba marka qofka laga qaadayo tijabada waxa
lagaga mudaa gacanta xadi yar oo fluid ama dareere tuberculin ah ka dibna waxa la sugaa
jawaabta 48 ilaa 72 saac intaas ka dibna waxa loo galaa tijabadii labaad oo ah in xirfadlaha
cafimaad ee hawsha hayaa uu eego isbedelka ku yimi gacanta natiijaduna waxay ku xidhan
tahay isbedeladaa ku yimada gacanta sida inay adkaato meeshi amaba bararto Sidoo kale qofka
dhiigiisana waa laga baadhi karaa Ugu dambayn waxa iyana muhiim ah sawir ama X-ray qofka
la saaro iyadoo la akhriyayo is bedelada ka jira habdhiskiisa neefsiga
Daaweynta xanuunka
Xanuunkan waxa la daweeya mudo bilo ah oo u dhaxaysa 6 ilaa 9 bilood dawooyinka ay ka
mid yihiin • isoniazid (INH) • rifampin (RIF) • ethambutol (EMB) • pyrazinamide (PZA) waxa
dawooyinkan loo qaata saddex marxaladood
marxalada koowad
 maalin walba waa inuu bukaanku qaata INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 40-56 doses**
(8 usbuuc)
 Continuation Phase INH RIF xadi dhan 90-126 doses** (18 usbuuc) ama saddex wakhti –weegi
ah INH and RIF xadi dhan 54 doses (18 usbuuc)
Marxalada labaad
 Intensive Phase maalin walba INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 14 doses (2 week), ka dib
saddex wakhti oo -weekly xadi dhan 18 doses (6 weeks)
 Continuation Phase saddex wakhti oo weegi ah INH and RIF for 54 doses (18 weeks)
Marxalada sadexaad
 Intensive Phase saddex wakhti -weekly INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 24 doses (8
weeks)
 Continuation Phase saddex wakhti-weekly INH and RIF xadi dhan 54 doses (18 weeks)
FG: haddii aad hakiso isticmaalka dawada bukaanka waxa waajib ah inuu dib u soo bilaabo
dawada kana soo bilaabo marxalada koowaad Bakteeriyada sababta xanuunkan qaaxada ayaa
marar ka qaar waxay awood u yeelata inay iska caabiso amaba la qabsato daawooyinkan lagu
daweeyo xanuunka taasi oo ah marxalad adag daweynteedu halisteeduna ka badan tahay tii hore
daweyn ahaan iyo xanuun ahaan ba waxana marxadaa loo yaqaana Multi Drug Resistance
MDR marxaladan dawadeedu waxay qadataa mudo dheer bukaankana waxa lagu karantimeeya
meelo loogu talo galay Talo Muhiim ah Waxaa aad u wanaagsan in qofka qaba xanuunkan laga
ilaaliyo inuu dhex galo bulshada ama xubnaha qoyskiisa ilaa ay daawadu u dhamaanayso ama
uu wado ugu yaraan 2 todobaad. Hadaad isku aragto wax calaamad ah oo muujinaya
xanuunkaan fadlan booqo dhakhtar.
Tixraac
https://www.cdc.gov/tb/topic/treatm...
http://www.who.int/features/qa/08/e...
kumar and Clark internal medicine 26 edition
waa diyaarintii Mohamed Shucayb Ahmed (Marty Mohamed)

More Related Content

Featured

2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by Hubspot2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by Hubspot
Marius Sescu
 
Everything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPTEverything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPT
Expeed Software
 
Product Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage EngineeringsProduct Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Pixeldarts
 
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
ThinkNow
 
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfAI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
marketingartwork
 
Skeleton Culture Code
Skeleton Culture CodeSkeleton Culture Code
Skeleton Culture Code
Skeleton Technologies
 
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
Neil Kimberley
 
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
contently
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
Albert Qian
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Kurio // The Social Media Age(ncy)
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Search Engine Journal
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
SpeakerHub
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next
Tessa Mero
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Lily Ray
 
How to have difficult conversations
How to have difficult conversations How to have difficult conversations
How to have difficult conversations
Rajiv Jayarajah, MAppComm, ACC
 
Introduction to Data Science
Introduction to Data ScienceIntroduction to Data Science
Introduction to Data Science
Christy Abraham Joy
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best Practices
Vit Horky
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project management
MindGenius
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
RachelPearson36
 
Featured (20)

Qaaxada ama TB

  • 1. Qaaxadu ( TB ) waa caabuq halis ah oo ku dhaca marinada hawada ama sambabada ee jidhka Ili ma aragtay ee sida fudud ku faafa. Qaaxadu waa xanuunada da’da weyn ee soo jireenka ah sanado iyo qarniyaal badana ku soo dhici jirey dadyawga dunida ilaa sanadani aynu joognee maanta isaga oo ku badan wadamada soo koraya. Waxa lagu qiyaasa in 10% buolshadu ay uga nugul yihiin dadka kale xanuunkan inuu haleelo sida dadka difaacoogu hooseyo ee la nool xanuunada difaaca jidhka diciifiya ( HIV & AIDS) dadka nafaqo daradu hayso iyo kuwa macaanka qaba iyo kuwa isticmaala tubaakada ama sigaarka iyada oo intooda badan laga daweeyo xanuunka dadka inuu dhamaan dadkani waxay aad ugu nugul yihiin inuu haleelo xanuunku. Qaaxadu waxay kaloo saamaysa xubno kala duwan oo jidhka ah sida, xangulaha, kelyaha, maskaxda iyo xataa hadhiska tarankaba. Maxaa sababa Qaaxada Qaaxada waxa sababa ili ma aragtay bakteeriya ah oo loo yaqaano mycobacterium tuberculosis bakteeriyadan ayaa ah sidaynu soo sheegnay kuwa laysugu gudbiyo hawada waana mid ka mid ah kuwa ugu caansan bakteeriyooyinka loo yaqaano mycobacteriuma oo kuwo kale oo ka mid ahi ay sababaan isla xanuunkan sida mycobacteroum bovis oo laga qaado hilibka lo’da
  • 2. Sidee laysugu gudbiyaa xanuunkan Qaaxadu waxay ku faafta ama la isugu gudbiyaa xidhiidhka hawo ee dhex mara laba qof gaar ahaan marka qofku uu qufaco ama hindhiso waxa hawada raaca xadi ili ma aragtayda sababta xanuunkan taasi oo ay sahlan tahay in uu si fudud u qaato qofka kale hawo wasakhaysan ama jeermis weheliyoqaaxada waa mid ka mid ah xanuunada ku faafa hawada iyada oo ay sahlaan fiditaankiisu . Qiyaas intee leeg baa qaba xanuunka Qaaxadu Sida ay sheegayso tirakoobyo ay samaysay hayada cafimaadka adduunku Saddex meeloodow meel dadka dunida ku nool 3/1 waxay qabaan xanuunka qaaxada in yar oo ka mid ah tiradaa qabta xanuunka ayaa laga yabaa inay muujiyaan astaamaha xanuunka oo ay la xanuusadaan jeermiska halka inta kalena ay caadi ula nool yihiin sidaynu tilmaamanayna dadka difaacoodu hooseya mar walba waa ay uga nugul yihiin kuwa kale tusaale ahaan dadka la nool xanuunka HIV and AIDS waxay ugu nugul yihiin dadka kale 26 ilaa 31 jeer inuu haleelo xanuunkani difacooda hooseya awgii Mid ka mid ah hiigsiyada horumarka waara amaba sustainable development goal 2030 dunidu samaysatay waxa laysla gartay in qaaxada dunida laga cidhib tiro "End TB Strategy",
  • 3. Astaamaha qaaxada lagu garto Astaamaha lagu garto xanuukaan waxaa kamid ah;  Dhidid xiliga habeenkii ah  Qufac raaga ilaa 3 todobaad kaasoo mararka qaar uu la socdo dhiig laabta oo xanuunta qofka Awood daro  Xumad Qadhqadhyo  Abateetka oo qofka ka xidhma ama cuntada oo ka hortimada  Miisaanka oo yaraada  Xanuun la dareemo marka neefsanayo amaba la qufacayo Sidee lagu ogaada Qaaxada Waxa ugu muhiimsan ee lagu ogaada sida xanuunada kaleba waxa u mudan in wareysi lala yeesho qofka cabanaya iyadoo la weydiinayo su’aalo la xidhiidha cabashadiisa sidoo kalena baadhis lagu saameyo habdhiska neefsiga jidhkiisa , intaa ka dib waxa qofka loo diraa shaybaadho Sida in candhuuf laga qaado ka dibna la beero candhuufta lana arko ili ma aragtayda dhaliya xanuunka In jidhkiisa laga hubiyo TB skin test is ama loo yaqan the Mantoux tuberculin skin test (TST) laba jeer oo kala duwan baa qofka lagu sameeya tijabadan marka qofka laga qaadayo tijabada iyo marka la akhrinayo hadaba marka qofka laga qaadayo tijabada waxa lagaga mudaa gacanta xadi yar oo fluid ama dareere tuberculin ah ka dibna waxa la sugaa jawaabta 48 ilaa 72 saac intaas ka dibna waxa loo galaa tijabadii labaad oo ah in xirfadlaha cafimaad ee hawsha hayaa uu eego isbedelka ku yimi gacanta natiijaduna waxay ku xidhan tahay isbedeladaa ku yimada gacanta sida inay adkaato meeshi amaba bararto Sidoo kale qofka dhiigiisana waa laga baadhi karaa Ugu dambayn waxa iyana muhiim ah sawir ama X-ray qofka la saaro iyadoo la akhriyayo is bedelada ka jira habdhiskiisa neefsiga
  • 4. Daaweynta xanuunka Xanuunkan waxa la daweeya mudo bilo ah oo u dhaxaysa 6 ilaa 9 bilood dawooyinka ay ka mid yihiin • isoniazid (INH) • rifampin (RIF) • ethambutol (EMB) • pyrazinamide (PZA) waxa dawooyinkan loo qaata saddex marxaladood marxalada koowad  maalin walba waa inuu bukaanku qaata INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 40-56 doses** (8 usbuuc)  Continuation Phase INH RIF xadi dhan 90-126 doses** (18 usbuuc) ama saddex wakhti –weegi ah INH and RIF xadi dhan 54 doses (18 usbuuc) Marxalada labaad  Intensive Phase maalin walba INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 14 doses (2 week), ka dib saddex wakhti oo -weekly xadi dhan 18 doses (6 weeks)  Continuation Phase saddex wakhti oo weegi ah INH and RIF for 54 doses (18 weeks)
  • 5. Marxalada sadexaad  Intensive Phase saddex wakhti -weekly INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 24 doses (8 weeks)  Continuation Phase saddex wakhti-weekly INH and RIF xadi dhan 54 doses (18 weeks) FG: haddii aad hakiso isticmaalka dawada bukaanka waxa waajib ah inuu dib u soo bilaabo dawada kana soo bilaabo marxalada koowaad Bakteeriyada sababta xanuunkan qaaxada ayaa marar ka qaar waxay awood u yeelata inay iska caabiso amaba la qabsato daawooyinkan lagu daweeyo xanuunka taasi oo ah marxalad adag daweynteedu halisteeduna ka badan tahay tii hore daweyn ahaan iyo xanuun ahaan ba waxana marxadaa loo yaqaana Multi Drug Resistance MDR marxaladan dawadeedu waxay qadataa mudo dheer bukaankana waxa lagu karantimeeya meelo loogu talo galay Talo Muhiim ah Waxaa aad u wanaagsan in qofka qaba xanuunkan laga ilaaliyo inuu dhex galo bulshada ama xubnaha qoyskiisa ilaa ay daawadu u dhamaanayso ama
  • 6. uu wado ugu yaraan 2 todobaad. Hadaad isku aragto wax calaamad ah oo muujinaya xanuunkaan fadlan booqo dhakhtar. Tixraac https://www.cdc.gov/tb/topic/treatm... http://www.who.int/features/qa/08/e... kumar and Clark internal medicine 26 edition waa diyaarintii Mohamed Shucayb Ahmed (Marty Mohamed)