waa maxay gastaridu(gastritis)?
Waa xaalad uu caabuq ama boog ku samaysanto dahaadhka sarre ee
caloosha caadi ahaan dahaadhka sarre ee calooshu waxa uu ka kooban yahay qanjidho dheecan
sidayaal ah kuwaasi oo caloosha u soo saara Acid iyo dheecanka loo yaqaano Bepsin si loo
fududeeyo dheefsiidka iyo fayo qabka caloosha , acid calooshu waxay u fududeysaa dheefsiidka
in si fudud loo burburiyo cuntada sidoo kale bepsin waxay fududeysaa dheefsiidka cuntada si
looga nuugo protein ku jira cuntada
Hadaba waxa jira dahaadh yar oo ku dahadhan caloosha ee Mucus kaasi oo caloosha ka celiya
Acid si anay dhaawac u soo gaadhsiin marka uu dahaadhkaasi haleelo xanuun waxa la soo saara
dheecan yar iyo acid yar si kastoo ahaato dahaadhka calooshu wuxuu soo saara mucus badan si
looga hortago acid inanay waxyeelayn caloosha ugu dambayn se waxay u nuglaada acid
waxanu isu bedelaa boog
gaastaridu waxay noqon kartaa mid si degdeg ah u ugu dhacda ama mid wakhti badan soo
jiidata (acute or chronic).
Ama mid daxalaysi dhiig ama aan daxalaysnayn ( erosive or nonerosive:)
Maxaa keena gasric(gastritis)? Sababaha yar yar
Isticmaalka maandooriyaha sida alkohosha
Mataga mudada badan aad matagaysay
Werwerka iyo walbahaarka
Cunto la’aanta ama gaajada oo aad isku eegto
In asiidha calooshu ay kala badato ama anay isu dheeli tirneyn
Isticmaalka cuntooyinka xawaashku ku badan yahay iyo kuwa ka samaysan daqiiqda
Iyo sidoo kale qadashada dawooyinka xanuun baabiyeyaasha NSAIDs
Sababaha waaweyn
Sidoo kale waxa sababi kara loona aaneeya inta badan Bacteria loo yaqaano
Helicobacter pylori (H. pylori) bakteeriyadani oo ah mid ku nool xuubka sarre ee
caloosha ku dahadhan ee loo yaqaano mucus membrane taasi oo marka ay ku badato
caloosha sababta caabuq ama infection sababi kara inuu caloosha ku yimaado nabar
nabarkaasi oo haddii aan la daweyn noqon kara cancer
Waxyaalaha kale ee loo aneeyo in ay sababaan xanuunkan gastric waxa ka mid ah
Pernicious anemia: waa mid ka mid ah xanuunada ku dhaca dhiiga taasi oo ay sababaan
marka habdhiska dheefsiidkaagu uu tahli waayo inuu nuugo noocyada vitamin B12 ama sidoo
kale dheecanka loo yaqaano Bile uu dib ugu noqdo caloosha taasi oo uu ku sababo xanuun
gudaha caloosha
2.
FG: haddii aanla daweyn gastric waxa yimaada dhiigbax aad u daran taasi oo qofka ku
sababi karta dhiig la’aan sidoo kale sahli kareysa inuu haleelo qofka xanuunka cancer
caloosha ku dhaca.
Calaamadaha lagu garto gaaska(gastritis)?
Yalaalugo
Matag kaasi oo noqon kara mid dhiig wata ama aan wadan labadaba
Laab dilaac
Dibiro
Cunto qadashada oo ka lunta qofka ama (loss of apetitte)
Misaankiisa oo hoos u dhaca
Ma lagu kala qaada xanuunkan ama ma la isku gudbin karaa xanuunkan ?
Xanuunkani waxa uu ku gudbaa habka loo yaqaano fecal contamination ama wasakhawga
biyaha cuntada iyo nadaafad darada sidoo kale waxaad ku qaadi kartaa dheecanka ama
candhuufta qofka oo kuu raacda cuntada ama cabitaanka bulshaweynta somalidu ha ka
taxadiraan shaaha ay maqaaxiyaha ka wada cabaan weelka lagu shubayo nadaafadiisa
Sidee lagu ogaan karaa xanuunkan
Ugu horeyn baadhitaanka cafimaad ee u horeeya ee loo sameeyo bukaanku waa inuu noqda
Wareysi caafimaad iyo baadhis lagu sameeyo duleedka sarre ee jidhkiisa (medical
history physical exam)
Sidoo kale waxa la sameeya baadhitaano kala duwan si loo xaqiijiyo inuu yahay xanuunkani
gastric ama xanuunada kale ee lagu khaldi karo waxanad samayn kartaa badhitanadan :
Upper endoscopy: qalabkan waxa lagu hubiyaa in calooshu ay leedahay wax caabuq ah ka
dibna waxaa la sameeynaa biopsy waa hab lagu soo jaro cad yar ama gaska caloosha ku
dahadhan ka dibna shaybaadhka (laboratory) ayaa lagu baadhaa.
Baadhitaan dhiig (Blood test): waxa la hubinayaa in unugyada cas cas ee dhiiga (red blood
cell) ay ka yar yihiin inta caadiga ah ama qofka ay ka muuqato dhiig la’aani (anemic).
Fecal occult blood test (stool test) sidoo kale waxa la baadha saxarada bukaanka iyada oo
laga eegayo in wax dhiig ahi la socdaan
Sidee loo daweeya xanuunkan ?
Marka la ogaado waxa sababay xanuunkan sida bakteriyada keentay waxa loo daweeya qaabab
kala duwan inagoo u kala saraynaa sida ay kolba xalada bukaanku tahay ,
Waxaynu bukaanka siina dawooyinka jeermis dilayasha ah ee loo yaqaan Antibiotic sida
amoxicillin,
3.
clarithromycin iyokiniinada kale (Biaxin), metronidazole iyo tetracycline -
Sidoo kale waxaad qadan kartaa haddii uu cusub yahay xanuunkani iyo haddi kaleba
dawooyinka loo yaqaano Protein pumb inhibitors kuwaasi oo shaqadoodu tahay inay ka xidhaan
caloosha Acid lagu soo daayo si ay dheefsiidka u fududayso bakteeriyadana u disho dawadani
marka ay joojiyaan acid caloosha waxay firfircooni geliyaan in boogtii caloosha ku
samaysantay ay soo kabato oo ay bogsato waxana laga yaaba daawoyinkan oo aad sida loogu
talo galay u qadata inay ka saarto ama eridication ku samayso xanuunkan isaga ah
dawooyinkana waxa ka mid ah :
Omeprazole (Prilosec),
Lansoprazole (Prevacid),
Rabeprazole (Aciphex),
Esomeprazole (Nexium),
Dexlansoprazole (Dexilant) and
Pantoprazole (Protonix).
Sidoo kale haddi ay sahlan tahay xalada xanuunkani waxaad qadan kartaa daawooyinka yareeya
Acid ee loo yaqaano H-2 Blockers ee ay ka mid ka yihiin
Ranitidine oo ay somalidu badana u taqaan (Zantac),
Famotidine (Pepcid),
Cimetidine (Tagamet)
Nizatidine (Axid).
Daawoyinkani waxay dheeli tiraan acid caloosha waxana suuro gal ah inaad ka raysato laab
dilaaca iyo nabarka calooshaba
Sidee looga hor tagi karaa khatarta xanuunkan ?
Qof kasta oo qaba ama isku xog xanuunka gaasta waxa muhiim ah inuu raaco talooyinkan
Fadlan ku dhaq ama maydh gacmahaaga sabuun ama jeermis dile suuliga ka hor ka
dib iyo mar wal oo aad cunto cunid u diyaar garoobayso sidoo kale salaanta badan ka
dib isticmaal jeermis dile anti septic
Cun cunto aad hubto in si fiican loo kariyey nadaafadeeduna sugan tahay
Cab biyo badan oo aad hubto nadaafadooda caafimaad
inaad qaadato daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad /
dhakhtarkaaga.
inaad cunto cuntada galka leh ama qolofta leh ee badanaa suuqyadeena laga sida
gallayda, garawga, hadhuudh yaryaraha ama masaggada oo aan laga qaadin qoloftii
kuwaasi oo aad cunto ugu yaraan hal mar maalintii sida shuurada, digirt iyo
hadhuudhka. Sidoo kale cun cuntada nafaqada leh ee khudradu ka mid tahay
inaad iska ilaaliso fikirka iyo walbahaarka badan dhawrtana nadaafada weelka aad wax
ku cunayso
Inaad yareysato shaaha iyo bunka kana fogaato cabitaanka sigaarka
Ugu dambayn adeeg bixiya cafimaadku maaha daweeyaha saxda ah ee xanuun walba haddii ay
ku anifici wayaan talooyinkiisu isbedalana aad arki weydo mar walba allah talo saaro
dawadadana iska wad