SlideShare a Scribd company logo
Dhiig baxa dhalmada ka dib (POSTPARTUM HEMMORHAGE)
Sanad kasta in ka badan boqalaal kun oo hooyo ayaa u dhimata dhiig baxa dhalmada ka dib
sidoo kale boqaalal caruur aha ayaa u dhimata isla dhig baxa dhalmada ka dib
Waa dhiig bax badan dhalmada ka dib wana arrinta sababta inay caruurtu dhintaan xiliga
dhalmada dunida oo dhan
Dhiig baxa dhalmada waxa lagu qeexa marka uu xadiga dhiiga baxay ka bato 500 ml oo
dhiig ah 24 sacadood ee ugu horeeya marka uu ilmuhu dhasho ka dib
Qiyaastani waxa u dhigantaa quraarad ama caged dareera ah ama dhiig u dhow qiyaas ahaan 3
meelod laba meelood busto qaro leh oo uu qooyey ama ka gudbay
Dumarka marka ay dhiig baxaan waxay ka cawdaan dhiig la’aan waxase khatar gelin karta
qiyaas intaa ka yar oo ka baxda haweenayda sida dhiig dhan 300 ml
Dhiig baxa dhalmada ka dib
Sida la sheego waxa loo aneeya inay sababaan dhiig baxa dhalmada ka dib waxa loo soo
gaabiyo 4 t
Tone waa kan ugu muhiimsan dhiig baxa hooyada dhalmada ka dib waxaanu ka imaada dhinaca
muruqyada makaanka hooyada oo aan sidii la rabay isugu soo ururin ama isu habayn wana 70%
Trauma waxa dhici karta inay soo gaadhaan hooyada dhaawacyo wakhtiga dhalmada sababi
kara dhiig bax dhalmada
Tissue oo ay sababaan isku dheeli tiran la’aan unugyada ah oo sababa 10% dhiig baxa dhalmada
taasi oo ay suuro gal tahay inaanay madheertu si fiican uga soo wada bixin ama badh ku hadhsan
yihiin makaanka
Thrombin Xinjirowga dhiiga hooyada oo aan jirin ama hooyada oo qabta xanuunada hido raaca
ah ee waxyeeleya xinjirowga dhiiga hooyada
Intaynaan u gudo galin maqaalkeenan waxa u muhiim ah marka hore inaad ogaato sida uu u eeg
yahay ilmo galeen caafimaad qabaa iyo sida ugu wanaagsan ee uu isugu soo ururo ilmogaleenku
wakhtiga foosha iyo dhalmadaba
Markaasi ayaad qaadi kartaa talaabooyinka u haboon ee ka badbaadinta hooyada uurka leh dhiig
baxa dhalmada ka dib
Ilma galeenka saxeexa iyo kaadi haystu waxay ku yaala xagga hoose ee jidhka ogow sida kaadi
haystu ugu dhowdahay ilmo galeenka hadii kaadi haytu ay buuxdo waxay ka hortagi kartaa in
ilmo galeenku isku soo ururo dhalmada ka dib
Marka dhalmadu ay nqoto mid deg deg ah waxa xidida hooyada lagu soo daaya heerar xadi
sarre oo dheecanada loo yaqaano Oxytocin kuwaaso sahla in ilmo galeenku si dhakhso ah iskugu
soo ururo ka dib marka ilmaha yari dhasho
tani waxay sababtaa in ilmagaleenka uu ka soo go do madheertu Markay madheertu soo
go;odana waxay u soo dhaadhacda afka hoose ilmo galeenka ka db waxa uu ilmo galeenku
noqdaa mid adag
Muruqyada ilmo galeenka ayaa laysku habeeya ka dib waxay isku soo ururiyaan marinada
dhiiga ee ilmo galeen ka si dhiiga xad dhaafka ah looga hortago wana sida caadiga ah ee haboon
ee dhalista caadiga ahi u dhacdo
Hadaba waxa jirta siyaabo badan oo haweenaydu kula kulmi karto dhiig bax wakhtiga
dhalmada iyo ka diba
Haweenay waliba waxay halis ugu jirtaa dhiig baxa dhalmada ka dib inay la kulanto lakiin se
way adag tahay inaynu saadalino haweenayda la kulmi karta dhiig baxa dhalmada ka dib
Hadaba waa inaynu is weydiina yaa hallis ugu jira dhiig baxa dhalmada ka dib aynu eegno
hooyiyinka halista ay ugu jiraan dhiig baxu ay sareyso
v Haweenay dhiig baxday wakhtigii dhalmada
v Hadii fooshu raagto
v Iyo hadii laguba qalay ilmaha ay dhashay
v Sidoo kale waxa halis ugu jirta hooyo dhashay wax ka badan afar caruur ah ama mataano
hal mar wada dhashay
v Sdioo kale haweenka bilaa dhiiga ahi halis bay ugu jiraan dhiig baxa dhalmada ka dib
waayo xadi yar oo dhiiga oo ka baxa ayaa galaafan kara nolosheeda
Ugu dambayntii waa inaynu naqaana sida aynu ku yareyn karno dhiig baxa dhalmada ka dib ee
hooyoynka uurka leh
Arrinta ugu wanaagsan eee ay tahay in la sameeya ayaa ah inay fooshu ka dhacdo meel ka
baxsan goob ama adeeg cafimaad sida dhakhtar ama xanaano waa in hooyada lagula taliyaa inay
ku umusho xarun caafimaad si dhiig baxa dhalmada ka dib hadii uu yimaado looga hor tagi karo
Waa inaynu raacna waxa loo yaqaan maareynta firfircoon ee marxalada sadeexad ee foosha
waa sida hawl qorsheed oo kale waxana la sameeya ugu horeyn
ÿ Hooyada ka eeg inay leedahay calamadaha dhiig la’aanta haweenka bilaa dhiiga ahi halis
bay ugu jiraan sidaynu hore u soo sheegnay waayo xadi yar oo dhiig ah oo ka baxa ayaa
galafan kara noloshooda diyaarso adeegyada daruuriga aad u bahan tahay laga yaaba
inaanad wada helin lkn se sii diyaarso agabkaa muhiimka u ah maareynta sadexaad ee
foosha
Diyaarso canuula af weyn
Irbad jeermiska laga dilay
Dawooyinka uterogenics sida oxytocin misopristol hadii la waayo isticmaal dawada
sadexad ee ergometrin dawadan ha u isticmaalin hooyo heerka dhiigeedu sareeyo
Xudunta ilmaha jar inta u dhaxaysa 1 daqiiqo ilaa 3 daqiiqo ilmaha markuu soo baxo
waxa suuro gal ah inay jiri karaan dhalashada ilmo kale si taxadir leh u eeg ilmo galeenka
hadii aanay ilmo kale jirin isticmaal dawooyinkan aynu soo shegnay adiga oo mid ahaan
ka siinaya muruqa xadi dhan 10 IU
Geli kaadi keene hooyada ama Catheter nooca loo yaqaanoTemponad
Iska ilaali inaad isticmaasho dawooyinkan makaanka oo wax ku jiraan ha ahaato ilmo ama
madheerta waxa dhici karta in makaanku is xidho dhibaataduna ka sii badato intii hore
Dawooyinkani waxay isku soo ururiyaan makaanka waxanay sahlaan in makaanku si fudud u
xidhmo dhiiguna joogsado intanad se isticmaalin hubi makaanku inuu madhan yahay
Iska ilaali in makaanku is rogo hubi inaanad si xoog ah u soo dhufan madheerta dug ilmo
galeenka 15 daqiiqadood ba 1 saac hal mar haddii ilmuhu aad u fiican yahay ku dhiiri geli
hooyada inay naaska nuujiso naasnuujintu waxay hooyada ka cawinaysa in la soo daayo
dheecano dabiici ah oo sahla in makaanku soo ururo
∑ Si joogto ah u cabir 30 minute ba mar heerka garaaca wadnaha hooyada dhiiga iyo neef
qaadashada hooyada .
∑ Iska jir in garaaca wadnuhu sarre u kaco waayo waa calamad ku tusaysa in hooyadu kaa
geli karto Shock ama koomo
∑ Afarta T ee keena dhiig baxa dhalmada waa inaad taqaana sida loo daweeyo
∑ .Ka taxadir inaad bukaanka siiso dawo xadigiisa dhaafsiisan adiga oo u sii geysan kara
wax yeelo ha siin oxytocin ka badan xadigii loogu talo galay waayo waxay sababi kartaa
in makaanku qarxo dhiig buxuna sii siyaado.
∑ Waxa muhiim ah inaad la sii socoto xalada hooyada ilaa inta dhiig baxu istaagayo
Hadii dhiig baxu sii socdo isku day inaad gacmahaga ku sii cadaadiso halka dhiigu ka imanayo
sidoo kale dawada oxytocin dhibco dhibco yar sii
Intaa wixii ka dambeeya hooyada u gudbi xarunta lagu daryeelo xaladaha degdega ah ee
dhibatooyinka la soo dersa hooyada wakhtiga dhalmada (Complicatid Emergency Medical
Obstetrics )
Waxaan rajaynayaa in maqaalkani anfici doono dhamaan bulshoweynta reer Somaliland gaar
ahaan bahda caafimadkaa iyo hooyooyinka uurka leh si looga hor taga dhiig baxa dhalmada ka
dib oo sanad kasta sahayda dhimashada boqolaal kun oo hooyo lagana hor tagi karo dhiig baxaas
Mohamed Shucayb Ahmed (Genius)
Dhiig baxa ku dhaca hooyoyinka qaar dhalmada ka dib

More Related Content

Viewers also liked

Rutas Nordic Walking
Rutas  Nordic WalkingRutas  Nordic Walking
Rutas Nordic Walking
adbsblog
 
Identity Theft ppt
Identity Theft pptIdentity Theft ppt
Identity Theft ppt
Angela Lawson
 
O Livro de Esdras
O Livro de EsdrasO Livro de Esdras
O Livro de Esdras
Amor pela EBD
 
Problema resuelto de disoluciones c12 h22o11
Problema resuelto de disoluciones c12 h22o11Problema resuelto de disoluciones c12 h22o11
Problema resuelto de disoluciones c12 h22o11
Diego Martín Núñez
 
Problema de gases globo meteorológico
Problema de gases globo meteorológicoProblema de gases globo meteorológico
Problema de gases globo meteorológico
Diego Martín Núñez
 
Wrath of Ransomware_Longinus Timochenco
Wrath of Ransomware_Longinus TimochencoWrath of Ransomware_Longinus Timochenco
Wrath of Ransomware_Longinus Timochenco
Longinus Timochenco
 
Full Study: Adobe State of Create 2016
Full Study: Adobe State of Create 2016Full Study: Adobe State of Create 2016
Full Study: Adobe State of Create 2016
Adobe
 
CHECK POINT 5900 NEXT GENERATION SECURITY GATEWAY FOR THE MID-SIZE ENTERPRISE
CHECK POINT 5900 NEXT GENERATION SECURITY GATEWAY FOR THE MID-SIZE ENTERPRISECHECK POINT 5900 NEXT GENERATION SECURITY GATEWAY FOR THE MID-SIZE ENTERPRISE
CHECK POINT 5900 NEXT GENERATION SECURITY GATEWAY FOR THE MID-SIZE ENTERPRISE
Alexander Kravchenko
 

Viewers also liked (9)

Rutas Nordic Walking
Rutas  Nordic WalkingRutas  Nordic Walking
Rutas Nordic Walking
 
G.khandaa14
G.khandaa14G.khandaa14
G.khandaa14
 
Identity Theft ppt
Identity Theft pptIdentity Theft ppt
Identity Theft ppt
 
O Livro de Esdras
O Livro de EsdrasO Livro de Esdras
O Livro de Esdras
 
Problema resuelto de disoluciones c12 h22o11
Problema resuelto de disoluciones c12 h22o11Problema resuelto de disoluciones c12 h22o11
Problema resuelto de disoluciones c12 h22o11
 
Problema de gases globo meteorológico
Problema de gases globo meteorológicoProblema de gases globo meteorológico
Problema de gases globo meteorológico
 
Wrath of Ransomware_Longinus Timochenco
Wrath of Ransomware_Longinus TimochencoWrath of Ransomware_Longinus Timochenco
Wrath of Ransomware_Longinus Timochenco
 
Full Study: Adobe State of Create 2016
Full Study: Adobe State of Create 2016Full Study: Adobe State of Create 2016
Full Study: Adobe State of Create 2016
 
CHECK POINT 5900 NEXT GENERATION SECURITY GATEWAY FOR THE MID-SIZE ENTERPRISE
CHECK POINT 5900 NEXT GENERATION SECURITY GATEWAY FOR THE MID-SIZE ENTERPRISECHECK POINT 5900 NEXT GENERATION SECURITY GATEWAY FOR THE MID-SIZE ENTERPRISE
CHECK POINT 5900 NEXT GENERATION SECURITY GATEWAY FOR THE MID-SIZE ENTERPRISE
 

More from mohamed ahmed

Qaaxada ama TB
Qaaxada ama TBQaaxada ama TB
Qaaxada ama TB
mohamed ahmed
 
Waa maxay-gastaridu
Waa maxay-gastariduWaa maxay-gastaridu
Waa maxay-gastaridu
mohamed ahmed
 
Waa Maxay Jadeecadu ?
Waa Maxay Jadeecadu ?Waa Maxay Jadeecadu ?
Waa Maxay Jadeecadu ?
mohamed ahmed
 
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
mohamed ahmed
 
Xanuunka Dhiig karka
Xanuunka Dhiig karka Xanuunka Dhiig karka
Xanuunka Dhiig karka
mohamed ahmed
 
Joonis Cadka ( Cagaarshaw)
Joonis Cadka ( Cagaarshaw)Joonis Cadka ( Cagaarshaw)
Joonis Cadka ( Cagaarshaw)
mohamed ahmed
 

More from mohamed ahmed (6)

Qaaxada ama TB
Qaaxada ama TBQaaxada ama TB
Qaaxada ama TB
 
Waa maxay-gastaridu
Waa maxay-gastariduWaa maxay-gastaridu
Waa maxay-gastaridu
 
Waa Maxay Jadeecadu ?
Waa Maxay Jadeecadu ?Waa Maxay Jadeecadu ?
Waa Maxay Jadeecadu ?
 
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
 
Xanuunka Dhiig karka
Xanuunka Dhiig karka Xanuunka Dhiig karka
Xanuunka Dhiig karka
 
Joonis Cadka ( Cagaarshaw)
Joonis Cadka ( Cagaarshaw)Joonis Cadka ( Cagaarshaw)
Joonis Cadka ( Cagaarshaw)
 

Dhiig baxa ku dhaca hooyoyinka qaar dhalmada ka dib

  • 1. Dhiig baxa dhalmada ka dib (POSTPARTUM HEMMORHAGE) Sanad kasta in ka badan boqalaal kun oo hooyo ayaa u dhimata dhiig baxa dhalmada ka dib sidoo kale boqaalal caruur aha ayaa u dhimata isla dhig baxa dhalmada ka dib Waa dhiig bax badan dhalmada ka dib wana arrinta sababta inay caruurtu dhintaan xiliga dhalmada dunida oo dhan Dhiig baxa dhalmada waxa lagu qeexa marka uu xadiga dhiiga baxay ka bato 500 ml oo dhiig ah 24 sacadood ee ugu horeeya marka uu ilmuhu dhasho ka dib Qiyaastani waxa u dhigantaa quraarad ama caged dareera ah ama dhiig u dhow qiyaas ahaan 3 meelod laba meelood busto qaro leh oo uu qooyey ama ka gudbay Dumarka marka ay dhiig baxaan waxay ka cawdaan dhiig la’aan waxase khatar gelin karta qiyaas intaa ka yar oo ka baxda haweenayda sida dhiig dhan 300 ml Dhiig baxa dhalmada ka dib Sida la sheego waxa loo aneeya inay sababaan dhiig baxa dhalmada ka dib waxa loo soo gaabiyo 4 t Tone waa kan ugu muhiimsan dhiig baxa hooyada dhalmada ka dib waxaanu ka imaada dhinaca muruqyada makaanka hooyada oo aan sidii la rabay isugu soo ururin ama isu habayn wana 70% Trauma waxa dhici karta inay soo gaadhaan hooyada dhaawacyo wakhtiga dhalmada sababi kara dhiig bax dhalmada
  • 2. Tissue oo ay sababaan isku dheeli tiran la’aan unugyada ah oo sababa 10% dhiig baxa dhalmada taasi oo ay suuro gal tahay inaanay madheertu si fiican uga soo wada bixin ama badh ku hadhsan yihiin makaanka Thrombin Xinjirowga dhiiga hooyada oo aan jirin ama hooyada oo qabta xanuunada hido raaca ah ee waxyeeleya xinjirowga dhiiga hooyada Intaynaan u gudo galin maqaalkeenan waxa u muhiim ah marka hore inaad ogaato sida uu u eeg yahay ilmo galeen caafimaad qabaa iyo sida ugu wanaagsan ee uu isugu soo ururo ilmogaleenku wakhtiga foosha iyo dhalmadaba Markaasi ayaad qaadi kartaa talaabooyinka u haboon ee ka badbaadinta hooyada uurka leh dhiig baxa dhalmada ka dib Ilma galeenka saxeexa iyo kaadi haystu waxay ku yaala xagga hoose ee jidhka ogow sida kaadi haystu ugu dhowdahay ilmo galeenka hadii kaadi haytu ay buuxdo waxay ka hortagi kartaa in ilmo galeenku isku soo ururo dhalmada ka dib Marka dhalmadu ay nqoto mid deg deg ah waxa xidida hooyada lagu soo daaya heerar xadi sarre oo dheecanada loo yaqaano Oxytocin kuwaaso sahla in ilmo galeenku si dhakhso ah iskugu soo ururo ka dib marka ilmaha yari dhasho tani waxay sababtaa in ilmagaleenka uu ka soo go do madheertu Markay madheertu soo go;odana waxay u soo dhaadhacda afka hoose ilmo galeenka ka db waxa uu ilmo galeenku noqdaa mid adag Muruqyada ilmo galeenka ayaa laysku habeeya ka dib waxay isku soo ururiyaan marinada dhiiga ee ilmo galeen ka si dhiiga xad dhaafka ah looga hortago wana sida caadiga ah ee haboon ee dhalista caadiga ahi u dhacdo Hadaba waxa jirta siyaabo badan oo haweenaydu kula kulmi karto dhiig bax wakhtiga dhalmada iyo ka diba Haweenay waliba waxay halis ugu jirtaa dhiig baxa dhalmada ka dib inay la kulanto lakiin se way adag tahay inaynu saadalino haweenayda la kulmi karta dhiig baxa dhalmada ka dib
  • 3. Hadaba waa inaynu is weydiina yaa hallis ugu jira dhiig baxa dhalmada ka dib aynu eegno hooyiyinka halista ay ugu jiraan dhiig baxu ay sareyso v Haweenay dhiig baxday wakhtigii dhalmada v Hadii fooshu raagto v Iyo hadii laguba qalay ilmaha ay dhashay v Sidoo kale waxa halis ugu jirta hooyo dhashay wax ka badan afar caruur ah ama mataano hal mar wada dhashay v Sdioo kale haweenka bilaa dhiiga ahi halis bay ugu jiraan dhiig baxa dhalmada ka dib waayo xadi yar oo dhiiga oo ka baxa ayaa galaafan kara nolosheeda Ugu dambayntii waa inaynu naqaana sida aynu ku yareyn karno dhiig baxa dhalmada ka dib ee hooyoynka uurka leh Arrinta ugu wanaagsan eee ay tahay in la sameeya ayaa ah inay fooshu ka dhacdo meel ka baxsan goob ama adeeg cafimaad sida dhakhtar ama xanaano waa in hooyada lagula taliyaa inay ku umusho xarun caafimaad si dhiig baxa dhalmada ka dib hadii uu yimaado looga hor tagi karo Waa inaynu raacna waxa loo yaqaan maareynta firfircoon ee marxalada sadeexad ee foosha waa sida hawl qorsheed oo kale waxana la sameeya ugu horeyn ÿ Hooyada ka eeg inay leedahay calamadaha dhiig la’aanta haweenka bilaa dhiiga ahi halis bay ugu jiraan sidaynu hore u soo sheegnay waayo xadi yar oo dhiig ah oo ka baxa ayaa galafan kara noloshooda diyaarso adeegyada daruuriga aad u bahan tahay laga yaaba inaanad wada helin lkn se sii diyaarso agabkaa muhiimka u ah maareynta sadexaad ee foosha Diyaarso canuula af weyn Irbad jeermiska laga dilay Dawooyinka uterogenics sida oxytocin misopristol hadii la waayo isticmaal dawada sadexad ee ergometrin dawadan ha u isticmaalin hooyo heerka dhiigeedu sareeyo Xudunta ilmaha jar inta u dhaxaysa 1 daqiiqo ilaa 3 daqiiqo ilmaha markuu soo baxo waxa suuro gal ah inay jiri karaan dhalashada ilmo kale si taxadir leh u eeg ilmo galeenka hadii aanay ilmo kale jirin isticmaal dawooyinkan aynu soo shegnay adiga oo mid ahaan ka siinaya muruqa xadi dhan 10 IU
  • 4. Geli kaadi keene hooyada ama Catheter nooca loo yaqaanoTemponad Iska ilaali inaad isticmaasho dawooyinkan makaanka oo wax ku jiraan ha ahaato ilmo ama madheerta waxa dhici karta in makaanku is xidho dhibaataduna ka sii badato intii hore Dawooyinkani waxay isku soo ururiyaan makaanka waxanay sahlaan in makaanku si fudud u xidhmo dhiiguna joogsado intanad se isticmaalin hubi makaanku inuu madhan yahay Iska ilaali in makaanku is rogo hubi inaanad si xoog ah u soo dhufan madheerta dug ilmo galeenka 15 daqiiqadood ba 1 saac hal mar haddii ilmuhu aad u fiican yahay ku dhiiri geli hooyada inay naaska nuujiso naasnuujintu waxay hooyada ka cawinaysa in la soo daayo dheecano dabiici ah oo sahla in makaanku soo ururo ∑ Si joogto ah u cabir 30 minute ba mar heerka garaaca wadnaha hooyada dhiiga iyo neef qaadashada hooyada . ∑ Iska jir in garaaca wadnuhu sarre u kaco waayo waa calamad ku tusaysa in hooyadu kaa geli karto Shock ama koomo ∑ Afarta T ee keena dhiig baxa dhalmada waa inaad taqaana sida loo daweeyo ∑ .Ka taxadir inaad bukaanka siiso dawo xadigiisa dhaafsiisan adiga oo u sii geysan kara wax yeelo ha siin oxytocin ka badan xadigii loogu talo galay waayo waxay sababi kartaa in makaanku qarxo dhiig buxuna sii siyaado. ∑ Waxa muhiim ah inaad la sii socoto xalada hooyada ilaa inta dhiig baxu istaagayo Hadii dhiig baxu sii socdo isku day inaad gacmahaga ku sii cadaadiso halka dhiigu ka imanayo sidoo kale dawada oxytocin dhibco dhibco yar sii Intaa wixii ka dambeeya hooyada u gudbi xarunta lagu daryeelo xaladaha degdega ah ee dhibatooyinka la soo dersa hooyada wakhtiga dhalmada (Complicatid Emergency Medical Obstetrics ) Waxaan rajaynayaa in maqaalkani anfici doono dhamaan bulshoweynta reer Somaliland gaar ahaan bahda caafimadkaa iyo hooyooyinka uurka leh si looga hor taga dhiig baxa dhalmada ka dib oo sanad kasta sahayda dhimashada boqolaal kun oo hooyo lagana hor tagi karo dhiig baxaas Mohamed Shucayb Ahmed (Genius)