Waa casharro aqoon kororsi oo aan halkaan idin kula wadaagayo, waxaa la yiraahdaa cilmgu iyo maalkuba waxay ku koraan ku kobcaan ku bulaalaan marka la bixiyo oo la sii gudbiyo. Qofku waxa uu bartay haddii uu cid kale la wadaago ama u baro waxaas wuxuu u gudbadaa qeybta maskaxda ee weelaysa xusuuta fog. Qormooyinkan waxay iskugu kuwa caafimaadka la xiriira, nolosha guud iyi taariikhda.
1. Walaaca Iyo Ka Baqashada Mustaqbalku Waa Cudurka!!
Qisaska sheekabaraleyda carabta iyo dhaqanno kalaba ku jira ee xikmadda badani ku
duugantahay waxaa ka mid ah; in jiir uu libaaxii ku yidhi, “Ma ogtahay in aan awood u leeyahay
in aan muddo gaaban gudaheed kugu dilo” Libaax oo aad ula yaabban qabka ku jira naftan yar
ayaa si dheel dheel ah ugu sheegay in aanu waxba la hadhin. Jiirkiina ismaba dhibin ee axdi bil
I sug ah ayaa uu kaga tegey iyada oo uu libaaxiina wacad ku marsanyahayin haddii bishaas
kaddib uu isagu dili doono jiirkan kibira badan.
Libaaxii toddobaadkii hore waxaa ku abuurmay dareen la yaabatiin qosol ka keenay ah iyo
waxoogaa riyooyin ah oo uu habeenkii marar arkayo jiirkii oo kaga dhabeeyey dilistii.
2. Toddobaadkii labaad cabsidii waa ay ku sii badatay oo warar ayaa ku bilowday, isaga oo ka
fikiraya waxa uu jiirkii la maqan yahay iyo waxa kaga iman doona.
Toddobaadkii saddexaad xaalkii Libaaxu waa uu kadaray, waxaa ku bilowday in uu isla hadlo,
isaga oo naftiisa weydiinaya su’aalo aanay jawaab u haynin oo ay ka mid tahay, ‘Bal ka warran
haddii jiirkii run sheegayey oo uu dhagar weyn kuu soo maleegayo?!” waxa uu qoomameeyey in
uu axdigaas galo iyo sii deyntii jiirkaba.
Toddobaadkii afaraad xaaladdii libaaxu bes beel bay noqotay, argagax iyo cabsi ayaa wehel u
noqday, baad iyo biyaba waa uu ka dheeraaday, maalintii is ilaalin buu godkiisa ka soo bixi
waayey, caleenta dhaqaaqdana didmo isla boodayey, habeen oo dhanna hadba meel buu ka
guuray isaga oo ka baqaya in jiirkii ku arko.
Maalintii ballantu ahayd ayaa jiirkii iyo xayawaanno kale oo la yaabbanaa kibirka jiirku waxa ay
soo raadiyeen libaax oo godkiisii ku jira. Waxa se la yaab ku noqotay markii ay u yimaaddeen
isaga oo bakhti ah.
Libaaxa waxba ha la yaabin. Waayo sugitaanka masiibada iyo ka fikirkeedu wax kasta oo kale
nafta waa uu kaga khatar badan yahay.
Dersiga kale ee ay tahay in qisadan aynu ka baranaana waa in aynaan sugin waxa soo socda
kuna xisaabtamin ee nolosheenna si caadiya u wadanno illaa uu yimaddo ama iman waayo.
‘Is moodsiiska iyo walbahaarku waa cudurka badhkii, xasiloonida iyo niyadwanaagguna waa
dawada badhkeed, sabirkuna waa tallaabada ugu horreysa ee bogsashada.’
Kaalinta Dadka Soogalootiga ah ay Ku Leeyahay Daqaalaha Dalka:
In badan ayaa aynu maqalnaa dunida reer galbeedka iyo guud ahaan adduunka oo ka
cabanaya soogalaytiga, mararka qaarkoodna xisbiyada siyaasadda ee dalalkaasi ay ku
doodayaan in culays dhaqaale iyo saboolnimada oo badata ay ku keenayaan dalalkooda.
Laakiin daraasado kala duwan oo la sameeyey ayaa marar hore iftiimiyey in soogalaytigu uu
kaalin muhiim ah ka qaato sii socoshada horumarka dalalka ay tagaan, gaar ahaan dhinaca
cududda shaqaale oo ay kordhiyaan iyo sii jiritaanka qaramada dadkoodu gaboobay oo ay rejo
cusub geliyaan.
3. Daraasad cusub oo Ingiriiska lagu sameeyeyna waxa ay sheegaysaa in magaalooyinka
Ingiriiska ah ee ay dadka ugu badan ee soogaleytiga ahi joogaan in dhaqaalahoodu uu mar
kasta ka fiican yahay deegaannada kale ee aanay soogalaytigu aad u tegin.,
Sahamino lagu sameeyey magaalooyin kala duwan oo ka tirsan goballada England iyo Wales
ayaa caddaysay in xidhiidh aad u xooggani ka dhexeeyo heerka barwaaqada iyo dhaqaale iyo
nolol wanaagga magaalooyinkan iyo badnida kala duwanaanshiyaha isir ee dadka ku dhaqan.
Mar kasta oo kala duwanaanshiyaha bulshadu batana uu yimaaddo koboc dhaqaale iyo
barwaaqo.
Afar Arrimood Oo Ay Saynisyahannada Iyo Caamadu Si Isku Mid Ah Khuraafaad Uga
Aaminsanaayeen Cilmiga Hortii
Khuraafaadka iyo in la aamino arrimo aan xaqiiqo cilmiya loo haynini waa arrin weligeeda
dunida soo jireen ka ahayd.
Si kasta oo ay xadaaradaha, dhaqannada iyo diimaha bulshooyinka dunidu u kala duwan
yihiinna aaminsanaanta waxyaabaha khuraafaadka ahi inkasta oo ay leeg yihiin ba waa ay ka
dhex jiraan.
Waxa kale oo ay dadku aragtiyo khuraafaad ku salaysan ka qaataan wax kasta oo noloshooda
ku cusub, sida cilmiga, cudurrada, dawooyinka, cuntada iyo dhinacyada kale ee noloshooda
saamaynta ku yeesha.
Waxaa jira waxyaabo badan oo maanta dunida arrin caadiya ka ah ama dadka oo dhami
wanaag ka fishaan balse soo maray waqtiyada qaar dadku ka haysteen aragtiyo taas
burinaysa.
Arrintani kuma koobna dadka caadiga ah iyo caamada balse sida oo kale xeeldheereyaal iyo
saynisyahanno badan ayaa jira oo arrimo marka dambe cilmigu caadi ka dhigay waqtiyada qaar
u haystay si ka duwan sidaas ama fikirro qaldan ka haystay.
4. Warbixintan waxa aynu ku eegaynaa dhowr arrimood oo ay waayadii hore dadku fikrado
khuraafaad ah ka aaminsanaayeen oo markii dambe cilmigu beeniyey.
Kalooraha waxaa sababa hawo sun ah oo dhulka ka soo baxda: Intii aanu cilmigu ogaanin in
Jeermisku uu yahay sababta cudurka, waxa ay saynisyahanno badani aaminsanaayeen waxa
loogu yeedho aragtiina ‘Miasma’ oo ah in xanuunno uu kallooruhu ka mid yahay sababtoodu ay
tahay hawo qudhuntay ama xumaatay oo dhulka ka soo baxday.
Fikirkan oo aad ugu faafay inta badan ee dalalka Yurub, Shiinaha iyo Koonfurta Aasiya ayaa
qabay in maaddooyin dhulka hoostiisa gala kaddibna ku milmaa ay marka dambe soo raacaan
hawo dhulka ka soo baxaysa oo qof kasta oo ay gaadho xanuuno ku keenaysa.
Fikirkaas ay sayanisyahannadu qarniyada badan qabeenn, waxa uu beenoobay markii sannadii
1876 uu saynisyahankii caanka ahaa ee Robert Koch helay Jeermiska sababa cudurka. Taas
oo xaqiijisay in cudurradu ay ka dhashaan noole ili ma qabatay ah, kaas oo ay noocyadiisa ka
mid yihiin bakteeriyada iyo Fayrasku, laakiin sababaha deegaanku ay keliya xanuunka u gogol
xaadhaan ama saamayn ku leeyihini sii badashada xanuunka iyo faafitaankiisa.
Looma baahna Faraxal iyo maaddooyinka jeermiska lagu nadiifiyo: Intii ka horreysay sannadkii
1960 kii dhakhaatiirta Adduunku ma’ay aqoonin dhaqanka waqtigan caanka ah ee ah in
dhakhtarku uu gacmihiisa dhaqo, maaddooyinka nadiifiya jeermiskana isticmaalo marka uu qof
bukaan ah qalniin ku samaynayo ama nabar ku yaalla taabanayo.
Dr Ignaz Philipp oo ahaa Saynisyahan iyo dhakhtar caafimaad oo u dhashay dalka Hungary
ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee dhakhaatiirta u soo jeediyey in gacmaha ay maydhaan
marka ay taabanayaan qof bukaan ah, laakiin dhakhaatiirtii oo dhan ayaa fikirkiisa ka hor yimi
qaar badan oo ka mid ahina waxa ay xaqireen Dr. Ingaz iyaga oo ku andacoonaya in ay wax
lala yaabo tahay in isaga oo aqoon leh uu fikir sidaas khuraafaad u ah aamino.
Xilligaas weli cilmigu ma’ uu helin in xanuunkuba uu ka dhasho jeermis, sidaas awgeed
dhakhaatiirtu xitaa xilliga qalniinka ay gelayaan siima ay dhiqi jirin gacmahooda, lamana nadiifin
jirin qalabka qalniinka marka bukaan lagu qalo. Waxaa ka sii yaab badan in xilligaas qaaradda
Yurub iyo meelo badan oo kalaba aan laga aqoonin dhaqanka ah in dharka la dhaqo.
Dr. Ingnaz Philipp markii uu fikirkan soo jeediyey ee inta la diiday aadna dhakhaatiirtii kale ula
yaabeen, qaarkoodna yaseen waxa uu ka qaaday cadho gaadhay in uu xakamayn kari waayey
illaa uu faraha ka qaaday shaqadii uu cisbitaalka ka hayey.
Digtoorka hadda waxa uu cilmigu u aqoonsan yahay in uu ahaa ninkii hal abuuray dawooyinka
jidhka iyo gacmaba lagaga nadiifiyo jeermiska.
Mercury: Mercury waa curiye bir dareere ah oo dunida dhif ku ah. Sida saynisku uu xaqiijiyey
curiyahan ‘Mercury’ waxa uu khatar ku yahay guud ahaanba caafimaadka.
Laakiin waxaa hore u jirtay in dadku ay taariikhii hore curiyaha Mercury u aqoonsanaayeen
dawo mucjiso ah oo awood u leh in ay xanuunno badan si dhaqso ah uga takhalusto.
5. Sannadkii 210 kii dhalashadii Nebi Ciise (CS) ka hor ayaa Imbaraadoorkii Shiinaha u talinayey
ee lagu magacaabi jiray Shiin Shi Huwang. Waxa uu u tegey nin dawo dhaqamadeedka wax ku
dabiiba, waxa aanu ka codsaday dawo geerida ka badbaadinaysa oo uu weligii waarayo.
Dhakhatarkii waxa uu hoggaamiyihii waaritaanka doonayey siiyey kiniin samays ah oo uu
gudaha ugu jiro curiyaha Mercury, taas oo sababtay in Imbaraadoorkii uu muddo gaaban
gudaheed ku sumoobay, sidaasna ku geeriyooday.
Dhakhtarkan oo keliya kuma uu koobnayn dhaqanka ah in Mercury dawo ahaan loo isticmaalo,
balse waxa ay ahayd arrin qarnigii 16 naad dunida caafimaadka caan ka dhex noqotay. Muddo
afar qarni ah oo ka dambeeyeyna aanay dadku joojin isticmaalkeeda oo markii dambe ay ku
soo biirtay in loo adeegsado nadaafadda. Dad badan ayaa u dhintay sumow ay ka qaadeen
Mercury, oo xitaa sagaashamaadkii qarnigii dhowaa dad badani u isticmaali jireen ka hortagga
uurka, laguna dari jiray qaar ka mid ah dawooyinka ilkaha lagu cadayo.
Ugu dambayntii, waxaa la xaqiijiyey in mercury ay khatar ku tahay neerfaha aadamaha oo
xaaladaha ay keento uu gariir ka mid yahay, maskaxda oo meelaha ay dhaawacdo ay xusuustu
ka mid tahay, caafimaadka nafsiga ah iyo maqaarka.
Markii uu cilmigu caddeeyey in mercury ay tahay sun khatar ku ah caafimaadka, ayaa dunida
oo dhan laga mamnuucay in si toos ah ama iyada oo maaddooyin kale ku dhex jirta loo
isticmaalo dawo ahaan, laakiin weli waa maaddo muhiim ah oo loo isticmaalo samaynta
qalabka heerkulka lagu cabbiro, qalabyo kala duwan oo caafimaadka, loo adeegsado, qalabka
korontada iyo waxyaabo kale oo nolosha aadamaha muhiim u ah.
Raacitaanka tareennadu waxa ay keentaa neef qabatow iyo waalli: Fikirrada yaabka leh ee
in badan oo aadamaha ka mid ahi ay aaminsanaan jireen waqtiyada qaar waxaa ka mid ah in
qofku aanu raaci gaadiid ama shay kasta oo ku socda xawaare ka sarreeya 30 mayl saacaddii.
Dhakhaatiirta neerfayaasha iyo maskaxdu waxa ay qabeen in xawaaraha intaas ka sarreeyaa
uu jaahwareer iyo lulun dhaawac keena ku sababayo maskaxda, sida oo kalana qofka ku
adkaynayo helitaanka neefta ogsajiinta. Iyo sida oo kale in dhawaqa tareenka ee xooggani ay
qofka waalli ku keenayso. Laakiin ay ahayd intii aan la hindisin tareenka.
Markii tareenka la sameeyey dadka badankoodu waa ay ka maageen raacistiisa iyaga oo ka
baqa qaba in neeftu ku qabato ama dhaawac maskaxda iyo neerfeyaasha ahi soo gaadho.
Waxaa aad u faafay fikirado iyo sheekooyin fool xun oo laga sheegayo tareenka, waxaa ka mid
ahaa in dad badan oo xanuunnada dhimirku ku dhaceen loo yaqaannay in sababtu ay tahay
tareenka, dadkuna aad u isticmaali jireen ereyga ‘Waallida tareenka’ oo ay cilmi u haysteen.
Joornaallada arrimaha caafimaadka ka faalloda ayaa iyaguna si joogto ah u qaadaa dhigi jiray
arrimo la xidhiidha tareenka iyo saamayntiisa caafimaadka, iyo wax ay ku sheegayaan
calaamadaha lagu garan karo qofka waallida tareennadu ku dhacdo. Si kastaba ha ahaato ee
6. fikirkaasi si tartiib tartiib ah ayaa uu hoos ugu dhacay ugu damayntiina u tirtirmay markii ay soo
badatay baahidii isticmaalak tareenka dadkuna si aad ah ula qabsadeen.
Diyaariye: Kamaal Marjaan
5 Maado Oo Khatar Ku Ah In La Mariyo Wajiga
Waxaa adduunyada ku soo kordhaya in is qurxinta iyo nadaafadda loo isticmaalo dawo-guri ay
dadku iyagu farsamaystaan oo ay u arkaan in ay ka tayo fiicantahay dawooyinka kiimikada ah.
Waa xaqiiq in kalsoonida lagu qabo dawada dabiiciga ahi ay ka badan tahay tan lagu qabo
dawooyinka kiimikada ah oo iyaga ay mar kasta ku lammaantahay heer uun khatar ahi, laakiin
taas macnaheedu ma’aha in dawada dabiiciga ahina ay boqolkiiba 100 badqabto. Marka ay
tahay dawo uu qofku iskii gurigiisa ugu dhex farsamaystayna waa ay sii kordhaysaa
muhiimadda ay leedahay in laga taxaddaro.
Majaladda Vriendin Magazine oo ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa ka digtay in maqaarka la
mariyo muudka liin dhanaanta, alkahoosha, miyooneeska, budada khamiirka iyo qorofalka.
Maadaama oo ay dhammaantood khatar ku yihiin caafimaadka maqaarka.
Majaladda Vriendin oo arrimaha caafimaadka iyo quruxda ka faalloota ayaa warbixin ay arrintan
ka qortay ku sheegtay in muudka liindhanaantu ay sababto in maqaarka jidhka ay la falgasho
asiidhka ku jirta maaddooyinkani. Asiidhka liin dhanaanta ayaa ay warbixintu sheegtay in ay
keento khalkhal ku keento halbeegga qiyaasta asiidhka maqaarka. Sida oo kale asiidhu waxa
ay maqaarka ku keentaa gubasho iyo boogo, waxa aanay u nuglaysaa dhibaatada ka dhalata
fallaadhaha qorraxda.
Waxyaabaha kale ee aynu soo xusnay ayaa iyaguna dhammaantood keena khataro kala
duwan, tusaale ahaan waxaa jira dad maqaarka ku dahaadha budada khamiirka, waxa se ay
xeeldheereyaasha caafimaadka maqaarku caddeeyeen in ay dhaawacdo lakabka saree e
maqaarka, taasina ay u nuglayso dhiigroorka iyo in uu boogo yeesho. Al-kahooshu waxa ay
maqaarka ka dishaa qoyaanka dabiiciga ah, barootiinka iyo duxda, waxa aanu burburiyaa
teedka dabiiciga ah ee ilaaliya caafimaadka maqaarka. Miyooneesku waxa uu xidha daloolada
dabiiciga ah ee maqaarka, waxaana ka dhasha finan iyo nabarro ku samaysma, qorafalkuna
waxa uu gubaaa maqaarka.
7. Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo uu qofku isticmaalayo dawo-guri ama
kijadiisa ka dhex samaysanayo wax uu isku qurxiyo in uu u baahan yahay in uu marka hore
shay kasta maaddooyinka ku jira barto, kaddibna khatarta ka dhalan karta ogaado.