heesta qamar
- 3. Qaaradaha aduunyada
Hadii laysku qoofalo
Inta dumar kuqaaliya
Midanaa qurxoon iyo
Tanaa qiimo sii dheer
Oo quburo loo xulo
si ay ugu garqaadaan
Qiimabadan tima haldhaalay
qaabkaad udhigantahay
Hanaan kaad uqorantahay
Inaad koobkaa qaadaa
waa mid aan qiraayee
Qamareey walaaloow
qamareey walaaloow
Anigana qudhaydii
waxay igu qasbaysaa
qaaradaa aad joogtee
hada taarka iiga qabo?
qolqoladii majoogoo
qayrkay walaaloow
waxay iiqadariyaan
nin qaybtiisu maqantahay
adaan kuuqaloodoo
cidladaan qadhqadhayaa
adna qolalka jiifkii
qaaradaa kuyaalaad
hadba qaab isleedahay
Qamareey walaaloow
qamareey walaaloow
Ana waan qisooboo
qolqolkaan istaagaba
Waxa laygu qayshaa
sida ruux waxqaadee
Adna gaadhi kii qurux
qiimihiisu wacanyahay
Qolqolada Virginia
hadba meel qabow iyo
raaxo waa qudh qudhisaa
waxba aniga hayqaban
waa inaadse qirataa
qalbigaagu inan yahay
inuu qurub jacayl iyo
ani qiima iihay aan
quusto aniguye
Qamareey walaaloow
qamareey walaaloow
Ruux aad uqalantahoo
qalbigaaga jiifoo
qadar aanad daykarin
haduu qaarad fogkaa tago
waliba lagu qoonsado
qiso weeyi yaablee
miyaan qareen jacayl
iyo xeer qabanayaa jirin
qaadarkii na uumoow
adigaa waxqaybshoo
qofba meel kasiiyee
ha igu qadin hankaygoo
qamar ha iseejinin
qamar ha iseejinin