SlideShare a Scribd company logo
1 of 6
Download to read offline
Waa maxay xiiqdu?
Xiiqdu waa caabuq joogto ah ama daba dheerada oo aan lahayn daawo rasmi ah kaasi oo haleela
ama ku dhaca marinada hawada ee ku dahaadhan jidhka kuwaasi oo sababa in xuubabka xabka
ee jidhku bixiyaan uu muujiyo dareen diidmo ah too uu kaga jawaabayo isbedeladan ku dhacay
marinada hawada ee jidhka taasi oo sababta in qofku hawada si fiican u qaadan waayo laguna
arki qufac.
Dadka qaba xiiqdu aad bay u dareeman una dhibsadaan (xasaasiyad, Cabida sigaarka dhaska ama
boodhka , hawada wasakhaysan, ceeryaanta (dhedo) hawada qallalan, dhaxanta, gaasta ama
shidaalka, urta adag, daalka, dawooyin, jidhka oo laga shaqaysiiyo, infekshan sababa ) dadka
qaba xiiqdu neef qaadashadu waa wax marna qabta marna sii daayaa.
Xiiqdada oo aad kantarooli weydaa waxay sababtaa inaad saxiib ama daris la ahaato mar walba
ku soo noqnoqoshada qaybaha gargaarka degdega ah ee cusbitaalada, sidoo kale daweynta xiiqta
iyo kantarool la’aanteedu waxay sababtaa dhimasho.
Waa maxay sababta keenta cidhiidhiga?
Sida la sheego ama cilmiyahanada caafimaadku tilmaaman xiiqda waxa kicin kara waxyaabo
kala duwan ilaa imika se wax cad oo loo aaneyo ma jirto waxaase sabab looga dhigaa in lagu
kala dhaxlo hidaha aa genetics waxaanay aad ugu badan tahay inay xiiqdu haleesho badanaa
caruurta leh xasaasiyada, waxyaalaha kale ee loo anayn karo inay sababaan xiiqda waxa ka mid
ah
Xasaasiyada , caabuqa ku dhaca sambabada qaar iyo deegaanka aad ku nooshahay oo anay ahayn
hawadiisu mid saafi ah ama nadiif ah .
Maxaa ku dhaca hawo-mareenka?
waxa muhiim ah caadi ahaan inaad taqaano sambabadaadu siday u shaqeeyaan si aad u ogaato
caadi ahaan waxa dhaca marka ay neeftu ku qabato.
Markaad neef qaadato hawadu waxay ka soo gashaa jidhkaaga sanka iyo afka ka dib waxay uga
gudubtaa oo hoos u raacdaa hunguriga cad Windpipe iyadoo sii dhex mareysa kiishashka hawada
ka dib hawadu waxay raacdaa dhiiga iyadoo lagu bedelayo hawadii la isticmaalay ee jidhkaaga
dibada looga soo sarayo ama CO2 loo yaqaan
Hadaba inta ay socot xaalada neef qabashada ama naqasku ku hayo way adag tahay inuu qofku
neefsado maxaa yeelay waxa dhaca :
isku soo dhawaansho ku yimaada muruqyada neef-mareenka ku xeeran kuwaaso cidhiidhi
geliya neef qaadashada.
Caabuq ku yimaada xuubabka xabka ee neef-mareenka taasi oo ay ugu wacan tahay
infection ku dhacay xuubabkaas. Caabuqani wuxuu keenaa barar ku yimaaada xuubka xabka
taasi oo sababta in laabta qofka ay cidhiidhi gasho. Shaqada jidhku samaynayo ee hawada uu
ku soo qaadanayo ay badato, taasi oo keentaa in qofku dareemo neefsashada oo ku adkaata.
xab ku ururay neef -mareenka.
Astaamaha Xiiqda
Waxa ka mid ah
Qufac
Neef qaadasho yar
Hiinraag
Laabta oo soo tagan ama adkaata
Hurdada habeenkii oo ku adag qofka iyadoo anay jirin calaamado ka muuqda
Qufac iyo hiinraag dheerad ah haddii uu sababay jeermiska fayraska ee mararka qaar
sababa
Ma jiraan calaamado kaaga digi kara neef qabashada
Neef qaadashada oo adkaata ama yaraata mararka qaar waxay ku timaada si kama’ ah ama lama
filaan ah hadaba waxa jira waxyaabo ama calaamado kuu sheegaya inay neeftu kugu adkaanayso
ama naqasku ku qabanayo waana muhiim inaad astaamaha aad u taqaana waxaan ka mid ah
Duuf badan oo soo dareeraya
Qufac
Neefsasho gaaban
Hurdo la’aan habeenkii ah
Cunto xumo
Cabirka hawo marida oo hoos u dhaca peak flow meter
Yey xiiqdu ku dhacdaa?
Xiiqdu waxay noqon kartaa mid la kala dhaxlo waxaanay badanaaba wadataa canbaar iyo
xasaasiyad waana dadka badanaa halista ugu jira uguna badan inay ku dhacdaa waa dadka
eheladooda ama qoyskoodu xanuunkan qabaan sidoo kale caruurta leh xasaasiyadu aad bay halis
ugu jiraan inay ku dhacdo xanuunkan xiiqdu .
Xiiqda nooca aan dhaxalka ahayn waxaa sabab u ah qofka oo infekshan ama caabuq kaga dhaco
hab dhiska neef-mareenka, ama waxyeelo ay ku keentay hawo wasakhaysani ah iyo weliba
sigaar cabida kuwaasi oo ah dadka ay fursada ay ku qadi karaan xanuunkani badan tahay .
Sida xiiqda loo daweeyo
Ujeeddada laga leeyahay daweeynta xiiqdu waa in uu qofku la noolaado isaga oo aan dareemeyn
dhibaatada xiiqda sidoo kale laga hor tago caqabado ama khalkhal ku yimaada nolol
maalmeedkiisa, sidoo kale soo ujeedada laga leeyahay daaweynta waxa ka mid ah soo
booditaanka xiiqda oo yaraada iyo sambabada oo si fiican u shaqeeya.
Hadaba Nuugitaanka dawooyinka xiiqda ayaa ah kuwa la isticmaalo marka la daweeynayo
xanuunkan. Daaweyntu waa in ay noqotaa mid loo qiyaasay qofka qaadanaya oo loogu talagalay,
marka ay noqoto qiyaasta iyo inta goor ee uu nuugayo dawada.
Daawooyinka muddada gaaban wax tara. Waxaa la isticmaali karaa marka qofka uu naqasku
qabto ee neefsashadu ku adkaato. Waxaa kale oo uu qofku isticmaali karaa ka hor inta aanu
samayn hawl jidhka firfircooni galinaysa oo khibrad ahaan ka mid ah sababaha keena in qofka
naqasku ku adkaado. Daawadani waxa ay shaqeysaa muddo 3-4 saacadood ah.
Daawooyinka muddada dheer shaqeeya. Waa kuwo qofka xiiqda qaba ka joojin kara
kicitaanka xiiqda muddo dhan ilaa 12 saacadood.
Dawada xiiqda ee ka hortaga. ”Kortison” oo la nuugo, subaxdii iyo habeenkii ayaa la qaataa
(maalin kasta). “Kortison” oo sidan loo qaataa waxay keenaysaa in aanay dhicin in uu qofku
dareemo waxyeelada dawadu keento ee laga qaadi karo “kortison” marka loo isticmaalo kiiniin
ahaan.
Dawada xiiqda ee ka hortaga. ”Leukotrien-antagonist” waxaa keliya oo la helaa iyada oo
kiniin ah, waxaa la liqaa maalintii hal mar. Waxaana ay wax ka tartaa caabuqa ku dhaca xuub-
xabeedka sanka ee loo yaqaano „rhinits“.
Dawooyinka isku jirka ah waa qaar isku dar ah oo ka kooban kuwa ka hortaga iyo kuwa
difaac waxaanay kuwada jiraan weel keliya
Qofka xiiqda nooca khatarta ah leh waxaa muhiim u noqon karta in uu isticmaalo ”kortison”
nooca kiniinka ah. Waxaa arintan loo samayn karaa iyada oo qofka la siiyo daaweyn la soo
habeeyey ama mararka qaarkood dawo isku ilaalin marka ay xiiqdu tahay mid khatar ah.
Daaweynta noocan ahi waxay si weyn wax uga tartaa caabuqa hawo-mareenka. Inta badan
dawada la soo habeeyey waxaa ay socotaa laba toddobaad.
Sidee loo ogaan karaa in xiiqdu xakamaysan tahay ?
Qofka si fiican neeftiisu u xakamaysan tahay ama ilaaliya xiiqdiisu waxa uu dareema
Waxa uu dareema firfircooni dheerada ah waxaanu uga qayb qaata jimicsiyada iyo ciyaaraha
sida qofka caadiga ah
Inaad si fiican u seexato habeenkii oo anad dareemin wax hurdo xumo ah ama neef qabada
sida qufac , hiinraag iyo cabudh
Hadaba markaad isla hesho dawo tayo leh iyo ka hor tag wanaagsan waxa aad awooda
Inaad si fiican uga hor tagto neef qabatinka
Inaad ka maaranto la saxiibka ama booqashada qolalka degdega ah
Iyo in xiiqda laguu dhigo cusbitaal ama laguu jiifiyo si lagaga daweeyo
Ka hortaga xiiqda
Adiga iyo caruurtaaduba waa inaad taqaanan waxyaalo fara badan oo la xidhiidha xiiqda si aad u
xakamayn kartaan ugana hor tagi kartaan
Sababaha ugu wacnaan kara in xiiq la qaado ayaa ah qaar kala duwan. Xasaasiyaddu waa qayb
muhiim ah, waxaana jirta in inta ugu badan ee carruurta xiiqda leh ay sidoo kale leeyihiin
xasaasiyad. Waxaa arintan ugu wacnaan kara hidde. Xiiqda carruurta marka ay yaryar yihiin ku
dhacda marka la barbar dhigo ta ku dhacda dadka waaweyn waxyaabo badan ayay ku kala
duwan yihiin. Laakiin sigaarka oo uu qofku hawada ka qaato, iyo infekshanada ayaa ah khatar ay
isaga mid yihiin.
Cilmi baadhayaashu weli ma oga sababta ay u badanayso xiiqdu dadka ay ku dhacaysaa.
Lakiinse waxay u aaneeyaan sababo la xidhiidha xagga deegaanka , iyo qaar xagga hab
nololeedka ahba.
Talo muhiim ah oo lagaga hortagi karo in ilmaha xasaasiyadi ku dhacdo isla markaana ay sii
noqoto xiiq, waxa weeye in laga fogaado cabida sigaarka aan lagu ag cabin sidoo kale laga
fogeeyo wixii wasakh ah ee la soo gudboonaan kara deegaanka uu ku nool yahay.
Carruurta ka soo jeeda walidiinta qaba xiiqda waxa loogu yeedho caruuraha khatarta sare ugu
jira qaaditaanka xiiqda, taasi oo ay ugu wacan tahay iyadoo dhaxalku qayb muhiim ah ka yahay
qaaditaanka xiiqda sidoo kalena ilmahasi qaadi karo xasaasiyad.
Ka digtoonow cabida sigaarka, qiiqa hawada wasakhaysan iyo wixii kugu kicin kara xasaasiyada
sida daawoyinka qaar , cuntada iyo cadarada la marsado
.
v Guntii iyo gabagabadii waxaad samayn kartaa daaweyntan adiga oo gurigaaga
jooga
Inaad isku uumiso biyo diiran
Sidoo kale aad joogtayso isticmaalka malabka haddii anad ku lahayn xasaasiyad
Jimicsi sahlan
Isticmaalka toonta iyo sinjibisha
Cabitaanka bunka
Iyo inaad jidhka mariso saliid diiran
Diyaarintii Mohamed Shucayb Ahmed Marty
Waxaan rabi swt uga baryayaa inta xanuunkan la nool ba inuu ka badbaadiyo dhibaatada
xanuunkan waxaan bukaan walba kula dardaarmayaa inuu xasuusnaado allah swt taladana saarto
dawada loo soo qorana si fiican u qaato

More Related Content

Featured

2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by Hubspot2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by HubspotMarius Sescu
 
Everything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPTEverything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPTExpeed Software
 
Product Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage EngineeringsProduct Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage EngineeringsPixeldarts
 
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthThinkNow
 
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfAI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfmarketingartwork
 
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024Neil Kimberley
 
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)contently
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024Albert Qian
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsKurio // The Social Media Age(ncy)
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Search Engine Journal
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summarySpeakerHub
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Tessa Mero
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentLily Ray
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best PracticesVit Horky
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementMindGenius
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...RachelPearson36
 

Featured (20)

2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by Hubspot2024 State of Marketing Report – by Hubspot
2024 State of Marketing Report – by Hubspot
 
Everything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPTEverything You Need To Know About ChatGPT
Everything You Need To Know About ChatGPT
 
Product Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage EngineeringsProduct Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
Product Design Trends in 2024 | Teenage Engineerings
 
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
 
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfAI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
 
Skeleton Culture Code
Skeleton Culture CodeSkeleton Culture Code
Skeleton Culture Code
 
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
 
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
 
How to have difficult conversations
How to have difficult conversations How to have difficult conversations
How to have difficult conversations
 
Introduction to Data Science
Introduction to Data ScienceIntroduction to Data Science
Introduction to Data Science
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best Practices
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project management
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
 

Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)

  • 1. Waa maxay xiiqdu? Xiiqdu waa caabuq joogto ah ama daba dheerada oo aan lahayn daawo rasmi ah kaasi oo haleela ama ku dhaca marinada hawada ee ku dahaadhan jidhka kuwaasi oo sababa in xuubabka xabka ee jidhku bixiyaan uu muujiyo dareen diidmo ah too uu kaga jawaabayo isbedeladan ku dhacay marinada hawada ee jidhka taasi oo sababta in qofku hawada si fiican u qaadan waayo laguna arki qufac. Dadka qaba xiiqdu aad bay u dareeman una dhibsadaan (xasaasiyad, Cabida sigaarka dhaska ama boodhka , hawada wasakhaysan, ceeryaanta (dhedo) hawada qallalan, dhaxanta, gaasta ama shidaalka, urta adag, daalka, dawooyin, jidhka oo laga shaqaysiiyo, infekshan sababa ) dadka qaba xiiqdu neef qaadashadu waa wax marna qabta marna sii daayaa. Xiiqdada oo aad kantarooli weydaa waxay sababtaa inaad saxiib ama daris la ahaato mar walba ku soo noqnoqoshada qaybaha gargaarka degdega ah ee cusbitaalada, sidoo kale daweynta xiiqta iyo kantarool la’aanteedu waxay sababtaa dhimasho.
  • 2. Waa maxay sababta keenta cidhiidhiga? Sida la sheego ama cilmiyahanada caafimaadku tilmaaman xiiqda waxa kicin kara waxyaabo kala duwan ilaa imika se wax cad oo loo aaneyo ma jirto waxaase sabab looga dhigaa in lagu kala dhaxlo hidaha aa genetics waxaanay aad ugu badan tahay inay xiiqdu haleesho badanaa caruurta leh xasaasiyada, waxyaalaha kale ee loo anayn karo inay sababaan xiiqda waxa ka mid ah Xasaasiyada , caabuqa ku dhaca sambabada qaar iyo deegaanka aad ku nooshahay oo anay ahayn hawadiisu mid saafi ah ama nadiif ah . Maxaa ku dhaca hawo-mareenka? waxa muhiim ah caadi ahaan inaad taqaano sambabadaadu siday u shaqeeyaan si aad u ogaato caadi ahaan waxa dhaca marka ay neeftu ku qabato. Markaad neef qaadato hawadu waxay ka soo gashaa jidhkaaga sanka iyo afka ka dib waxay uga gudubtaa oo hoos u raacdaa hunguriga cad Windpipe iyadoo sii dhex mareysa kiishashka hawada ka dib hawadu waxay raacdaa dhiiga iyadoo lagu bedelayo hawadii la isticmaalay ee jidhkaaga dibada looga soo sarayo ama CO2 loo yaqaan Hadaba inta ay socot xaalada neef qabashada ama naqasku ku hayo way adag tahay inuu qofku neefsado maxaa yeelay waxa dhaca : isku soo dhawaansho ku yimaada muruqyada neef-mareenka ku xeeran kuwaaso cidhiidhi geliya neef qaadashada. Caabuq ku yimaada xuubabka xabka ee neef-mareenka taasi oo ay ugu wacan tahay infection ku dhacay xuubabkaas. Caabuqani wuxuu keenaa barar ku yimaaada xuubka xabka taasi oo sababta in laabta qofka ay cidhiidhi gasho. Shaqada jidhku samaynayo ee hawada uu ku soo qaadanayo ay badato, taasi oo keentaa in qofku dareemo neefsashada oo ku adkaata. xab ku ururay neef -mareenka. Astaamaha Xiiqda Waxa ka mid ah Qufac Neef qaadasho yar Hiinraag Laabta oo soo tagan ama adkaata
  • 3. Hurdada habeenkii oo ku adag qofka iyadoo anay jirin calaamado ka muuqda Qufac iyo hiinraag dheerad ah haddii uu sababay jeermiska fayraska ee mararka qaar sababa Ma jiraan calaamado kaaga digi kara neef qabashada Neef qaadashada oo adkaata ama yaraata mararka qaar waxay ku timaada si kama’ ah ama lama filaan ah hadaba waxa jira waxyaabo ama calaamado kuu sheegaya inay neeftu kugu adkaanayso ama naqasku ku qabanayo waana muhiim inaad astaamaha aad u taqaana waxaan ka mid ah Duuf badan oo soo dareeraya Qufac Neefsasho gaaban Hurdo la’aan habeenkii ah Cunto xumo Cabirka hawo marida oo hoos u dhaca peak flow meter Yey xiiqdu ku dhacdaa? Xiiqdu waxay noqon kartaa mid la kala dhaxlo waxaanay badanaaba wadataa canbaar iyo xasaasiyad waana dadka badanaa halista ugu jira uguna badan inay ku dhacdaa waa dadka eheladooda ama qoyskoodu xanuunkan qabaan sidoo kale caruurta leh xasaasiyadu aad bay halis ugu jiraan inay ku dhacdo xanuunkan xiiqdu . Xiiqda nooca aan dhaxalka ahayn waxaa sabab u ah qofka oo infekshan ama caabuq kaga dhaco hab dhiska neef-mareenka, ama waxyeelo ay ku keentay hawo wasakhaysani ah iyo weliba sigaar cabida kuwaasi oo ah dadka ay fursada ay ku qadi karaan xanuunkani badan tahay . Sida xiiqda loo daweeyo Ujeeddada laga leeyahay daweeynta xiiqdu waa in uu qofku la noolaado isaga oo aan dareemeyn dhibaatada xiiqda sidoo kale laga hor tago caqabado ama khalkhal ku yimaada nolol maalmeedkiisa, sidoo kale soo ujeedada laga leeyahay daaweynta waxa ka mid ah soo booditaanka xiiqda oo yaraada iyo sambabada oo si fiican u shaqeeya.
  • 4. Hadaba Nuugitaanka dawooyinka xiiqda ayaa ah kuwa la isticmaalo marka la daweeynayo xanuunkan. Daaweyntu waa in ay noqotaa mid loo qiyaasay qofka qaadanaya oo loogu talagalay, marka ay noqoto qiyaasta iyo inta goor ee uu nuugayo dawada. Daawooyinka muddada gaaban wax tara. Waxaa la isticmaali karaa marka qofka uu naqasku qabto ee neefsashadu ku adkaato. Waxaa kale oo uu qofku isticmaali karaa ka hor inta aanu samayn hawl jidhka firfircooni galinaysa oo khibrad ahaan ka mid ah sababaha keena in qofka naqasku ku adkaado. Daawadani waxa ay shaqeysaa muddo 3-4 saacadood ah. Daawooyinka muddada dheer shaqeeya. Waa kuwo qofka xiiqda qaba ka joojin kara kicitaanka xiiqda muddo dhan ilaa 12 saacadood. Dawada xiiqda ee ka hortaga. ”Kortison” oo la nuugo, subaxdii iyo habeenkii ayaa la qaataa (maalin kasta). “Kortison” oo sidan loo qaataa waxay keenaysaa in aanay dhicin in uu qofku dareemo waxyeelada dawadu keento ee laga qaadi karo “kortison” marka loo isticmaalo kiiniin ahaan. Dawada xiiqda ee ka hortaga. ”Leukotrien-antagonist” waxaa keliya oo la helaa iyada oo kiniin ah, waxaa la liqaa maalintii hal mar. Waxaana ay wax ka tartaa caabuqa ku dhaca xuub- xabeedka sanka ee loo yaqaano „rhinits“. Dawooyinka isku jirka ah waa qaar isku dar ah oo ka kooban kuwa ka hortaga iyo kuwa difaac waxaanay kuwada jiraan weel keliya Qofka xiiqda nooca khatarta ah leh waxaa muhiim u noqon karta in uu isticmaalo ”kortison” nooca kiniinka ah. Waxaa arintan loo samayn karaa iyada oo qofka la siiyo daaweyn la soo habeeyey ama mararka qaarkood dawo isku ilaalin marka ay xiiqdu tahay mid khatar ah. Daaweynta noocan ahi waxay si weyn wax uga tartaa caabuqa hawo-mareenka. Inta badan dawada la soo habeeyey waxaa ay socotaa laba toddobaad. Sidee loo ogaan karaa in xiiqdu xakamaysan tahay ? Qofka si fiican neeftiisu u xakamaysan tahay ama ilaaliya xiiqdiisu waxa uu dareema Waxa uu dareema firfircooni dheerada ah waxaanu uga qayb qaata jimicsiyada iyo ciyaaraha sida qofka caadiga ah Inaad si fiican u seexato habeenkii oo anad dareemin wax hurdo xumo ah ama neef qabada sida qufac , hiinraag iyo cabudh Hadaba markaad isla hesho dawo tayo leh iyo ka hor tag wanaagsan waxa aad awooda Inaad si fiican uga hor tagto neef qabatinka
  • 5. Inaad ka maaranto la saxiibka ama booqashada qolalka degdega ah Iyo in xiiqda laguu dhigo cusbitaal ama laguu jiifiyo si lagaga daweeyo Ka hortaga xiiqda Adiga iyo caruurtaaduba waa inaad taqaanan waxyaalo fara badan oo la xidhiidha xiiqda si aad u xakamayn kartaan ugana hor tagi kartaan Sababaha ugu wacnaan kara in xiiq la qaado ayaa ah qaar kala duwan. Xasaasiyaddu waa qayb muhiim ah, waxaana jirta in inta ugu badan ee carruurta xiiqda leh ay sidoo kale leeyihiin xasaasiyad. Waxaa arintan ugu wacnaan kara hidde. Xiiqda carruurta marka ay yaryar yihiin ku dhacda marka la barbar dhigo ta ku dhacda dadka waaweyn waxyaabo badan ayay ku kala duwan yihiin. Laakiin sigaarka oo uu qofku hawada ka qaato, iyo infekshanada ayaa ah khatar ay isaga mid yihiin. Cilmi baadhayaashu weli ma oga sababta ay u badanayso xiiqdu dadka ay ku dhacaysaa. Lakiinse waxay u aaneeyaan sababo la xidhiidha xagga deegaanka , iyo qaar xagga hab nololeedka ahba. Talo muhiim ah oo lagaga hortagi karo in ilmaha xasaasiyadi ku dhacdo isla markaana ay sii noqoto xiiq, waxa weeye in laga fogaado cabida sigaarka aan lagu ag cabin sidoo kale laga fogeeyo wixii wasakh ah ee la soo gudboonaan kara deegaanka uu ku nool yahay. Carruurta ka soo jeeda walidiinta qaba xiiqda waxa loogu yeedho caruuraha khatarta sare ugu jira qaaditaanka xiiqda, taasi oo ay ugu wacan tahay iyadoo dhaxalku qayb muhiim ah ka yahay qaaditaanka xiiqda sidoo kalena ilmahasi qaadi karo xasaasiyad. Ka digtoonow cabida sigaarka, qiiqa hawada wasakhaysan iyo wixii kugu kicin kara xasaasiyada sida daawoyinka qaar , cuntada iyo cadarada la marsado . v Guntii iyo gabagabadii waxaad samayn kartaa daaweyntan adiga oo gurigaaga jooga Inaad isku uumiso biyo diiran Sidoo kale aad joogtayso isticmaalka malabka haddii anad ku lahayn xasaasiyad Jimicsi sahlan Isticmaalka toonta iyo sinjibisha Cabitaanka bunka Iyo inaad jidhka mariso saliid diiran
  • 6. Diyaarintii Mohamed Shucayb Ahmed Marty Waxaan rabi swt uga baryayaa inta xanuunkan la nool ba inuu ka badbaadiyo dhibaatada xanuunkan waxaan bukaan walba kula dardaarmayaa inuu xasuusnaado allah swt taladana saarto dawada loo soo qorana si fiican u qaato