SlideShare a Scribd company logo
1 of 61
1
NOQO QORAA AMA AKHRISTE HA NOQON MID SEDDAXAAD
GOGOL XAAR
Bismillaahi raxmaani raxiim waxaan u qoray buuggaan gacan qabsiga ah
barnaamijka horumarinta nolosha aadanaha (self-developments) gaar ahaan
waxaan u diyaarshay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka
faa'iideystaan qoraalo gaagaaban oo nuxur leh oo shaqsi kasta taabanaya kuna
dhalinaya dareen horumar iyo fikir saliim ah.
Akhristaha sharafta lahoow adiguna lawadaag asaxaabtaada aad hormarka la
jeceshahay oo aanu ku dadaalno in ummadda Soomaaliyeed oo lagu xanto in aysan
wax qorin ama aysan badanaa wax akhrin in aan hadalkaas kareebno soomalida oo
aan u muujino in aan wax qorno waxna akhrino, taasina waxey ku iman kartaa in
uu qof kasta oo soomaali ah uu mas’uuliyad iska saaro in uu wax qoro waxna
akhriyo.
WIXII IGU KALIFAY IN AAN QORO BUUGGAAN?
Buuggaan oo fikradda qoraalkiisu Igu dhalatay markaan wax badan
daraasad ku sameeyay, barnaamijyada ka hadla horumarinta shaqsiyadda qofka,
ayaan waxaan bilabay in aan la wadaago xikmado dhiirigalineed oo subaxle ah.
Asaxaabta kala duwan ee aan lambaradooda hayay waqtigaas, anigoo subax kasta
xikmadda ku haboon wax qabsiga iyo horumarka noloshana u dirayay waxaan
waday muddo sanad ku dhaw. Kadib waxaan bilaabay in aan baraha bulshadu ay
Ku kulanto sida fays-buugga ka sameysto bog, kaas oo aan xikmadihii aan u
gudbin lahaa aan ku daabaco si ay dad badan u gaarto.Waqtigaas kadib hadana
waxaan sameystay bog ii gaar ah oo aan Ku yeeshay shabakada internetka
2
ah(website).Si aan ugu gudbiyo xikmaddihii oo aan maqaal u badalay kuna
daabaco si dunidda oo dhan inta somaaliga akhrisa ay u helaan. Intaas kadib ayaan
ku fekeray qofkii intaas uu ku gaari waayey barnaamijkaan aan uga hadlayo
horumarka nolosha in aan buug ka sameeyo si uu qofku markasta uu u noqdo mid
heli kara markasta oo uu u baahdo waxaanna rajeynayaa in dad badan uu anfici
doono noloshoodana uu wax badan Ka bedeli doono haddi alle ogolaado.
HIBEYN
Waxaan si galgaceyl leh ugu hadiyeynayaa buuggaan qiimaha leh kana
hadlaya waxa dunidda ugu karaamada badan, ahna bani aadamka sida Allah
subxaanahu watacaalaa horay noogu sheegay qofka iigu qaalisan dunida, uguna
jeclahay inta hadda koonka saran waa hoyadey faadumo xasan jimcaale, waxaanan
ka rebeyn dhamaan umadda somaaliyeed oo qalbigeyga ku weyn.
XUQUUQDA DAABACAADDA
Buuggaan waxaan sidaan kor ku soo xuseyba u hadiyeeyey ummadda
soomaaliyeed sidaa awgeed buuggaan waxaad u isticmaali kartaa qaabkasta oo aad
doonto markii laga reebo in buugga qoraalkiisa wax ka bedesho, waad
koobiyeysan kartaa, waad hadiyeyn kartaa, waxaan ugu talo galay qofkasta qofkii
uu hormar lajecel yahay in uu u sii hadiyeeyo si uu u akhristo. Waxaa kaliya oo
aan kuu banaaneyn dembina kugu noqonaya in aad buuggaan qoraalkiisa badel ku
sameyso sidii ay doontaba ha noqotee. Ogolaanshaheygu wuxuu kaa hor istaagayaa
bedel aadan fasax uga heysan qoraha buugga.
WAA KUMA QORAAGA BUUGGU
Qoraha buuggan waxaa qoray Mahad Salaad Maxamuud (Myariisow).
Qoraagu Wuxuu Ku dhashay bartamaha gobolka Galgaduud dhashay
3
1992.Wuxuuna tacliintiisa hoose iyo barashada qur'aanka kariimka ahba ku qaatay
magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir. Jaamacadda darajada koowaad ayuu ku
dhamaystay isla magaalada Muqdisho wuxuuna ka diyaarshay kulliyadda
waxbarashada takhasuskiisa oo ahaa cilmiga Bayoolojiga iyo kimisteriga.Wuxuuna
koorsooyin kale ka diyaarshay barnaamijka hormarka nolosha sida tababarka
nolosha, talobixinta iyo dhiirigalinta kuwaas oo ah dhammaan koorsooyin
gaagaban oo online ah, iyo kuwo kale oo baraha laxiriira sida waxbarashada
qaangaarka iyo diploomooyin la xiriira kulliyadda caafimaadka.
Qoraagu wuxuu ku soo shaqeeyay caafimaadka iyo macallinimada wuxuuna
bare ka soo noqday mac-hadyo badan oo ku yaala gobolka Banaadir waxaana ka
mid ah Sahan academy, Al-kifaax secondary, Macruuf seconday, Al-furaat
secondary schools iyo hadda oo uu bare ka yahay Xaruun Al-rashiid secondary
school iyo hiil academy. Wuxuu horey u soo qabtay tababaro gaagaaban sida
maareynta waqtiga, hagaajinta nolosha iyo barnaamijyo badan oo horumarka
ardeyda ku saabsan sida ku guuleysiga imtixaanaadka iyo toosinta ardeyda.
Haddana wuu sii wadaa tababaradaas oo uu sii balaariyay.
Qoraagu sanadkii 2012tii ayuu aas-aasay machadka Hiil academy for
science and personal development oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka
Banaadir.
4
AFEEF
Buugaag badan ayaa jirta oo nuucaan ah kuwaas oo luuqadaha qalaad ku qoran oo
lagu turjumay afkeenna hooyo sida saxiibo kasbo, waad guuleysan kartaa , jooji
walwalka ee bilaw nolosha. Iyo kuwo kale oo badan, buuggaan lamagac baxay
saxiibka guusha, asalkiisa ayaa lagu qoray afkeenna hooyo sidaa awgeed
muhiimad gooni ah ayuu leeyahay.
Ujeedada buuggaan waa kobcinta iyo sare u qaadida xirfadaha hormarinta
nolosha iyo siddii horumar muuqda loo sameyn lahaa, si ay u suurto gasho in
ummadda soomaaliyeed oo horumarka ka shaqeyso, ayna ladoonaan walaalahoda
kale ay ku hagaan ama u tilmaamaan tariikha horumarka nolosha. Buuggani wuxuu
kuu fududeynayaa in marka aad bulshada la hadleyso aad ku reebto sameyn la
xariirta horumarka nolosha, sidoo kale waxaad ka diyaarsan kartaa khudbaddo aad
uga hadleyso horumarka nolosha aadanaha.Buuggaan qaabka uu u sameysan yahay
waa qaab aad markaad akhrido aad dadka kale si fudud ugu gudbin karto tusaale
markaad qoraal ka qaadato cutubka koowaad waxaa kuu raacaya in aad sheeko
dhex gashato taasoo aad ka soo qaadatay cutubka labaad hadalkaada oo dhanna aad
ku qurxiso cutubka seddaxaad xikmadaha ku jira, hadda qaab wanagsan oo aad
saameyn wanaagsan ku sameyn karto ayaan kuu tilmaamay waxaana kaa dhiman
oo qura waa dhaqan galintiisa.
CUDUR DAAR
Waxaan ka cudur daaranayaa in aan qoraalo aan ka soo xigtay meelo kala
duwan aanan helin tixraaca lakiin ma ahan buugga oo dhan oo bogga danbe ayaad
ka tixraaci kartaa, waxaa kaloo caqabado badan igu noqday ereyadda Af-
soomaaliga oo aan ognahay in ay bad yihiin qaab isticmaalkooda iyo weliba
erayada qaar oo si kale duwan gobollada dalka looga kala yaqaan.
5
Hase ahaatee, waa buugeygii kowaad ee aan ku qoro luuqadda Soomaaliga
sidaa awgeyd wixii aad qalad ku aragto fadlan iga sax oo xiriir ila soo samee adiga
oo mahadsan si daabacadda labaad aan ugu bedalo wixii qalad ah.
GOGOL DHIG
Buuggaan wuxuu ummadda soomaliyeed u leeyahay muhiimad gooni ah
mana khuseeyo qof gooni ah sida aan wada ognahay qofkasta hayaraado ama ha
weynaadee waxa uu ku taamayo waa in uu noloshiisa horumar gaarsiiyo, sidaa
awgeed buuggaan oo aad uga bogan doonto waxyaabaha nolosha lagu horumariyo,
wuxuu kuu sahlayaa horumarkaaga iyo waliba waxa caqabada ku ah
horumarkaaga, waxaa uu leeyahay xiiso gooni ah.
Buuggaan oo aadan marnaba ku caajisi doonin qaabka aad u akhrisaneyso
ayaa wuxuu noqonayaa in aad mowduuc ku jira buugga aad doorato markaad
mowduucaas daraaseysona aad dhaqan galintiisa bilawdo. Ogow buuggaan akhris
aad akhrisatay oo kaliya wax kaagama anfaci doono waxaa saldhig u ah dhaqan
galintiisa waxaad kaloo samayn kartaa adigoo ku dhaqma qoraaladda buugga
aadna u raaca sidii aad istiraahdo danbaa kuugu jirta, in aad waxaad ka akhrisay
buugaan lawadaagto dadka kalena waxey soo galeeysaa dhaqan galinta iyo ficil
horumar oo aad horey u qaaday.
Waxaan hubaa in buuggaan haddii bulshada lagu faafiyo laga dhaxli doono
horumar shaqsi ah iyo mid bulsho intaba. Iyo weliba hormarka wadanka, buuggani
waxaa kuqoran casharo aan laga bixin goobaha waxbarashada kuwaas oo laf
dhabar u ah horumarka nolosha bulshada sida aan wada ognahayna dunidda
hormartay goobahodda waxbarashada waxaa lagu bartaa siddii nolosha horumar
looga gaari lahaa iyo hagidda, qorsheynta, maamulidda, horumarka nolosha ee
6
shaqsiga sidii uu noloshiisa ku horumarin lahaa waxeyna leeyihiin tababarayaal
nololeed oo u taagan habkii shaqsi waliba in uu horumar noloshiisa ka gaaro loo
bari lahaa. Innaguse haddaan Soomaali nahay buugta waaweyn ee daraasada oo
kaliya iyo degree la qaato ayaan horumar moodnaa.
Waa in lahelaa mac-hadyo u taagan baridda shaqsiga waxa uu yahay iyo
waxa uu qaban karoba, maanta waxaa la heli karaa dad hibo gooni ah Allah ku
maneystay oo dalka iyo dadkaba feker horumar leh u horseedi kara, lakiin
isticmaal la’aan iyo dhiirigelin la’aan ayuu la daxaleystay, oo wuxuu u baahan
yahay jug yar iyo xasuusin awooda gaarka ah ee uu leeyahay.
Waxaa run ah sidii hore in aysan xaaladdu hadda aheyn oo horumar badan
dalka iyo dadkuba ay sameeyeen. Haddaba ma inta yar ee aan samaynay ayaan ku
qancaynaa?.Aniga ilama aha, dadka gayaankeenna ah meesha ay gaareen meel ka
hooseyda in aan ku qanacno, oo aan weliba haddana isla saxnaano, waa in aan
dhaafnaa Halka ay asaageen gaareen, oo aan annagu noqonaa kuwa lagu daydo,
taasna waxey ku iman kartaa inaga oo ka shaqeyna sidii aan ku wada guuleysan
lahayn, sababta oo ah guusha walalkaa waxbey kuu kordhisaa ee waxba kaama
nusqaamiso.
Waxaan ummadda u balan qaadayaa qoraalkaan intaan kaliya in uusan
noqon doonin oo buuggan qeybo kale aan u sameeyo haddii alle ii
ogolaado.Adinkuna waa in aad bilawdaan in aad soo saartaan buuggaag la mid ah
midkaan, iyo waliba kuwo ka qiimo badan oo aynaan marnaba ka habsaamin ama
aynaan ka cabsan fikrado iyo feker wixii aad istiraahdo horumar ayaa ku jira.Qor
soona gudbi wax qabadkaaga muhiimka ah.
Buuggani wuxuu kuu noqon doonaa hage wuxuuna kuu noqonayaa markaad
qodob qodob u dhaqan gelisid, ma aha iska akhri, ee hadaf la'aan ha u akhrin
7
buugan. Qodobka aad dhaqan galineyso sameyso koox aad lawagto oo aad tiraahdo
aan dhaqan galino qodobkaan, maxaa kooxda kugu xiraya? Waxaad ka ogaaneysaa
waxaan qof dhaqan gelin karta majirtaa haddii aad istiraahdo?, marka adiga waa ay
kugu adkaan kartaa lakiin kooxda oo dhan kuma wada adkaan karto dhaqan galinta
mowduuca ay doortaan.
Waxaad buug gacmeedkan uga bogan doontaan qodobada soo socda :
CUTUBKA KOWAAD
Qoraal faalo ah, oo kugu hagi doona tariikha guusha.
CUTUBKA LABAAD
sheekooyin xiiso badan oo samirka iyo horumarka wax kaa baraya.
CUTUBKA SEDEXAAD
xikmado dhiirigellin ah kuwaas oo kugu hagi doona wadada guusha.
Waxaa kale oo intaas sii dheer in buuggaan uu qeybo kale lahaan doono
haddii alle idmo. Qeybahaas oo ka balaarnaan doona qeybtan kowaad.
MAHADNAQ.
Waxaan marka hore u Mahad naqayaa Alle (SW).Dabadeedna waxaan u Mahad
naqayaa saaxiibadeyda qaaliga ah oo uu ugu horeeyo saaxiibkay Cali
Maxamed Cusmaan (Cali-Kiimiko) oo ila toosiyey buugga dibna u akhriyey
qaladaad badan oo Ku jirayna Ka saxay, saxiibkay Ismaciil Cabdi Siyaad oo
wax badan igu dhiirigaliyay soo saaridda buugaan, Waxaan leeyahay intii
igala qeyb qaadatay soo saarista buuggan waad mahadsantihiin.
8
CUTUBKA KOWAAD
Qoraal faalo ah oo kugu hagi doona tariikha guusha
1. SIDEE AYAAD KU HANAN KARTAA HADAFKAAGA
(YOOLKAAGA)?
I. Dajinta hadafyada.
II. Horumarinta istiraatiijiyadda aad ku hanan karto hadafyada.
III. Lahaanshaha qorshe ficileed qeexan.
IV. Aaminidda nafsadaada (isku kalsoonaanta).
V. Dib u milicsiga howlahaga.
VI. Dhiirigelinta nafsadaada.
2. WAQTIGA.
I. muhiimadda waqtiga.
II. sida looga faaa’iideysto waqtiga.
III. sida loo maareeyo waqtiga.
IV. waqti dhumiyayaasha ama waqti dilayaasha.
3. Ma is ogtahay adigu qofkaad tahay?......
I. Adiga iyo guusha.
II. Yaa guuleysta?.
III. Kumaad tahay adigu?.
4. Side ku hagaajin karaa habka aan ula dhaqmo bulshada?.
I. Hababka asaasiga ah ee aad ku hanan karto dadka.
II. Sirta aad qof qalbigiisa ku hanan karto, adiga oo aan waxba siin.
III. Habka ugu wanaagsan ee qof loola hadlo.
5. Sedee loo go’aamiyaa waxa aad rabto.
I. Ogaanshaha waxa aad rabto.
II. Baahida aad u qabto in aad ogaato waxa aad rabto.
9
III. Jawaabta ka dambeysa ogaanshaha waxa aad rabto.
6. Side u daaweyn karnaa cuduradan waxuushta ah?.
I. Cudurka wahsiga.
II. Cudurka doqonimada.
III. Cudurka cabsidda.
IV. Cudurka xishoodka.
V. Maxaa ka dhasha cuduradan?
2. CUTUBKA LABAAD.
sheekooyin xiiso badan, oo samirka iyo horumarka wax
kaa baraya.
I. Sheekada kowaad: yaa darbeeyey bisadda
II. Sheekada labaad : waxaan noqonaa asxaabtii oo kale.
III. Sheekada sedexaad: wax ka baro.
IV. Sheekada afarad: imisa jeer ayaad afaysay faaskaada?
V. Sheekada shanaad: waa kuma Bilaal ibnu Rabaaxa?
VI. Sheekada lixaad: waa kuma AbrahamLincoln?
VII. Sheekada todobaad: Isii daawo aan sodohdey ku dilo.
VIII. Sheekada sideedaad: boqorkii da’da noqday
IX. Sheekada sagalaad: noqo sida harada oo kale.
X. Sheekada tobanaad: tijaabada xanta.
10
3. CUTUBKA SEDEXAAD.
xikmado dhiirigelin ah kuwaas oo kugu
hagi doona wadada guusha.
I. Xikmado diini ah.
II. Xikmado dhiirigelin ah.
III. Xikmado waxbarasho ah.
IV. Xikmado hogaaminta wanaagsan ah.
V. Xikmado farxada khuseeya.
VI. Xikmado hal abuurnimada khuseeya.
VII. Xikmado xariirka iyo bulshda Ku saabsan.
VIII. Xikmadaha caruurta.
IX. Xikmadaha guusha.
11
CUTUBKA KOOWAAD.
Qoraal faalo ah oo kugu hagi doona tariikhda guusha.
1. SIDEE BAAD KU HANAN KARTAA HADAFYADAADA?
Qoraalkaan gaaban waxaan ku soo bandhigayaa ama uga hadlayaa qodobada
soo socda.Waxaan fahan kaa siinayaa qodobkasta meesha uu uga jiro hanashada
hadafyadaada. Hadaba sida ay u kala horeeyaan ayaan ugu hadli doonaa:
I. Dejinta hadafyada.
II. Horumarinta istiraatiijiyadda aad ku hanan karto hadafyada.
III. Lahaanshaha qorshe ficileed qeexan.
IV. Aaminidda naftaada.
V. Dib u milicsiga howlahaaga.
VI. Dhiirigelinta naftaada.
Inta aanan bilaabin 6da qodob faaladooda waxaan ka hor marinayaa ama
aan isla fahmeynaa,waa maxay hadaf?Maxey se tahay muhiimadiisu?Adigu
joogitaanka aad dunida joogto waa maxay hadafkeedu?. Iyo dhowr su’aalood oo
kale, waxaan filayaa in aad su’aalahan ka jawaab celin karto, aadna xiligaan ka
fekeraysid waxyaabo badan oo la xiriira su’aalahan. Hadaf (yool) si kooban
haddan u sheego waa ujeedo, Hadaf (yool) waa meesha aad tiigsaneyso taas oo
aad dooneyso in aad gaarto ama waa waxa aad dooneyso inaad hanato, Hadaf
(yool) waxaa loo qeybiyaa, mid waqti dheer kuu qorsheysan, iyo mid waqti
gaaban ah. Adiga hadafka dunidaan aad u joogto waxaa noo sheegay allah
subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri: Jinni iyo Insi waxaan in ay I caabudaan
aheyn uma abuurin. Suuradda adh-dhaariyaat(56).Waaan filayaa in aan
aayadaas macnaha Allaah uu noo abuuray oo dhan aan ka fahamnay, taas oo
12
hadafku yahay in aan Allaah kaligiis caabudno. Hadaba haddii aan aragnay in
kownkaan aan joogno hadaf aan ku joogno.
Maxaa naga hor taagan in aan anaguna hadaf aan waajibaadkeenna ku
gudano aan dejisanno oo aan waqti kasta qorshe ku socono. Hadda ayaan waxaan
isla fahmi karnaa muhiimadda mowduuca.
Intaas waxey aheyd gogol-xaarka mowduuca, markaan waxaan soo
qabanayaa qodobka kowaad.
1. Dejinta Hadafka(yoolka).
Marka hore liis ka samee dhammaan hadafyada aad dooneyso in aad
hanato(gaarto). Ogow haddii aadan garaneyn ama aadan hubin waxa aad rabtid
Waxa kaliya oo aad hadda diyaar u tahay in aad aqbasho waxkasta oo aadan
filaneyn, ka soo gudub taas maskaxdaada ku hay, in hadafyadu ay yihiin markasta
waxa dareenka leh ahna meesha laga dhaqaaqo, in aad mararka qaar bilawdaa ama
dajisaa hadaf aan kaa dhab ahayn macno kuma fadhiso.Waxaa lagaa doonayaa
waxa aad dejisatay in aad ka mira dhalin karto, oo aadan ka caajisin ilaa aad
hadafkaas mirahiisa soo gurato.
Marka aad liiska qoreyso u kala hormarso sida ay u kala muhiimsan yihiin
hadafyadadu.Taasi waxey kaa caawin doontaa in aad diirada saarto sida ay u kala
mudan yihiin. Liiska markasta oo aad hanato (gaarto) hadaf kugu jiray waad ku
guuleysatay ee calaamadeyso. In aad qortaa hadafyadada sidoo kale waxey kaa
caawineysaa in aad xaqiiqsato sida ay u kala mudan yihiin kala hormarintoodu.
Waxaa kale oo intaas aan kuugu darayaa ku qor meel aad waqtigaaga
badankiis aad ka arki karto, ama saacadaada saaro dhawaq (alarm).Macnaha waqti
13
kasta xasuuso oo ka war haay meesha ay wax kuu marayaan hana hilmaamin.Wax
kasta oo ku hilmaamsiin kara qorshahaaga ka tag.
2. kala Hormarinta istiraatiijiyadeed ee aad ku hanan karto
Hadafkaaga (yoolkaaga).
Marka aad tixdo hadafyadaada, waxaad markan u baahan tahay in aad
abaarto ama aad raadiso siddii aad mid kale oo ka hormarsan ku heli laheyd qaabka
aad u wajaheyso si aad u buuxiso ama aad u fuliso hadafyadaada. Tusaale ahaan
haddii liiska hadafyadaada uu kuugu jiray kasbashada asaxaabtaada dabeecadda
wanaagsan. Marka aad rabto in aad kala hormariso, keebaa mudan in aad soo
hormariso?Adiga oo aan dabeecadaadda wanaajin malaga yaabaa in aad kasbato
asaxaabtaada?.Jawaabtu waa maya.Sidaas awgeed ku hormar dabeecad wanaagga.
Waxba ma hanan kartid hadafyadaada haddii aadan sida ugu wanaagsan usoo kala
hormarsan.
Waxaad Hadafyadaada u dejisatay adiga ayaa iga garanaya sidii aad u kala
hormarin laheyd adiga oo tusaalaha kore tilmaam ka dhiganaya siddii ay wax
kuugu fududaan karaan u kala hormarso hana ka caajisin howl karmeed ayaad
tahaye.
3. Lahaanshaha qorshe ficileed qeexan.
Liiskaaga aad horey u soo sameysatay waa in aad u sameysataa qorshe
ficileed qeexan.Tusaale ahaan: hadafyadaada oo uu kuugu jiray kasbashada
asaxaabtaada adiga oo ku xulanaya dabeecad wanaagga.Waa maxay habka ugu
saxan ee aad ku kasban karto asaxaabtaada?.Wuxuu noqon karaa in aad qadarisid
fakirkooda, aadna ixtiraamto hadalkooda, si daacad ahna aad ula dhaqanto.Waa in
14
aadana dhaleecayn oo aadan ceebahooda sheeg-sheegin markaad intaas iyo in kale
oo badan sameyso oo aad ku darsato qorshahaaga waxaa kuu fududaanaya in aad
wax badan ku dhaqaaqto. Qodobada kore oo dhan waa hadal. Haddase waxaa lagaa
doonaa waa ficil aad ku dhaqaaqdo.
Ujeedadu waxey tahay markaad wax qortid haddii aadan dhaqan galin
qoraalkaaga wax ka soo qaad malaha.Tusaalaha kor ku xusan waa in aad
markastaba bedashaa la dhaqanka asaxaabtaada oo aad ficil u badashaa
qoraalkadii kuu qornaa ayey Ku jirtay ee ogow.
4. Aaminidda naftaada.
Haddii aad dooneyso in aad ka miro dhaliso hadafyadaada oo aad noqoto qof
guuleysta waqti kasta waa in aad aamintaa naftaada oo aad isku kalsoonaataa.
Dadka guuleysta dhamaantood waxa ay ku guuleysteen waa aaminsanaanta ay
naftooda ay aaminsan yihiin haddii aadan adigu isku kalsooneyn waa kuma qofka
kugu kalsoonaanayaa?.
Waa in aad kalsooni ku qabataa waxa aad qaban karto iyo waxa
kaleba.Taasi waxey kuu horseedi doontaa guul ma dhamaato ah. Haddii aad isku
kalsoonaato waa qasab waadna hanan kartaa hadafyadaada, waadna ka guul gaari
kartaa, ogow haddii lagaa waayo kalsooni qodobada aan kor ku soo xusay
dhammaan wax ka soo qaad malaha ama wax badan oo saameyn ah kugu yelan
maayaan.
Dhammaan qodobadaas waxaa fure u ah dhiiranaansho adiga lagaa helo, ka
fikir sida aad adigu isku aragto, ee ha ku fikirin sida ay dadka kale kuu
arkaan.Taasi hoosbay kuu dhigeysaa mar walba. Guul kasta meesha ay ka
bilaabato waa kalsoonida aad isku qabto.
15
5. Dib u milicsiga howlahaaga.
Xaqiiji oo waqti kasta isha ku haay sida ay u socdaan howlahaaga aad
qabatay, iyo kuwa aad qaban rabtid intaba, baaritaan ku samee sidii aad ku gaari
laheyd hadafyadaada.
haddii aad hanato hadafyadaada qaar kamidah, u hambalyee dadkii kaala
qeyb qaatay sida asaxaabtaada, qoyskaaga iyo weliba nafsadaada, taasoo u
bareertay howshaan in ay qabato.
Haddii aad gaari weyday isweydii waxa kaa qaldamay oo raadi xalka, Illaa
aad xalkaas ka hesho nasiino meel kuuma taal, markii aad gaarto hadafyadaada
qaar kamid ah naso, oo nafta u raaxee oo abaal mari naftaada. Ilayn dadka kaleba
waad abaal marineysaye.
6. Dhiirigelinta naftaada.
Dhiirigelintu waa waxa ugu weyn ee kuu sahlaya in aad gaarto
hadafyadaada, dhiirigelinta waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo waweyn:Mid
adiga gudahaaga ah, oo aad adigu is dhiirigelineyso.Iyo mid adiga dibadaada ah oo
banaanka kaaga imaneysa ama kaa saameyneysa.
Waxaase marka kowaad muhiimsan in aad adigu is dhiirigeliso oo aad isku
day sameyso markaad xoogaa kaxeyn weyso oo shidaalku kaa sii dhamaanayo
markaas ayaad mida banaankaaga ah raadsan kartaa taasina meel kasta ayey taalaa
sida:
In aad gasho websites ka hadla sida (https:baremyariisow.blogspot.com),
youtube (dhiirigelin ama bare myariisow), buuggaag, CDkada , mac-hadyada
tababarka nolosha, iyo shaqsiyaadka wax dhiirigeliya taasna waxey laf dhabar u
16
tahay hanashada hadafyadaada. Waxkasta waxey ku xiran yihiin baahida aad u
qabto waxaa kaliya oo kaa xiga helitaankeeda waa doon-doonistaada.
2. WAQTIGA.
Waxaan qoraalkaan gaaban uga hadli doonaa in-shaa-allah waqtiga.
I. muhiimadda waqtiga.
II. sida looga faa'iideysto.
III. sida loo maareeyo waqtiga.
IV. waqti lumiyaasha ama waqti dilayaasha.
MUHIIMADDA WAQTIGA.
Muhiimadda waqtiga qofkasta oo caqli u saaxiib ah waa uu garanayaa mana
aha in aan hadda idin baro, lakiin waxbaan iska xasuusineynaa, sida aan wada
ognahay muhiimadda waqtiga waxaa nooga hadlay diinteenna islaamka ee aan ku
dhaqano, iyo weliba cilmiga maadiga ah. Waxaa layiraahdaa qofka noloshiisa waa
waqtiga uu nool yahay sidaa dardeed miyeysan aheyn haddii qofku waqtigiisa
qasaarsho in uu qasaariyey noloshiisii?
Waxaa intaa oo dhan nooga filan muhiimadda waqtiga in ay kamid tahay
su’aalaha qiyaamaha la isweydiin doono, haddii hadda sida ugu wanaagsan aan
uga faa'iideysano berito su’alahaas jawaabo waan u heli karnaa, marka waxaan ka
faa’iideysan karnaa oo kaliya inta uusan waqtigu naga dhammaan, goorma ayuu
waqtigu naga dhammaanayaa?
Waa su’aal aan qof kaaga jawaabta laheleyn sidaas dardeed wuxuu kaa
dhammaanayaa markii geeridu kugu soo kulanto markii nafta lagaa siibo inta ka
horeysa oo kaliya ayaan fursad u heysanaa in aan ka faa’iideysano waqtigeena
qaaliga ah .
17
SIDA LOOGA FAA’IIDEYSTO WAQTIGA.
Waxaad uga faa’iideysan kartaa waqtiga adigoo fahma qiimaha uu leeyahay
waqtigu, markaad fahamto qiimihiisa ayaad bilaabi kartaa ka faa’iideysigiisa,
haddii aad ka faa’iideysato waqtiga waxaad ka faa’iideysatay noloshaada, sidaas
dardeed guusha aad noloshaada hananeyso waxey ku xiran tahay sida aad uga
faa’iideysatay waqtigaaga, fahamka noloshu waxey ku xiran tahay sida aad uga
faa’iideysato waqtigaaga.Sidaas dardeed waa in aan waqtiga ka faa’iideysigiisa si
wanagsan u fahamno. Waa in aad ka jawaabi kartaa su’aalaha soo socda iyo kuwo
kaleba :
1. Maxay faa’iido ii leedahay in aan ka faa’iideysto waqtiga?
2. Sidee ugu wanaagsan oo aan uga faa’iideysan karaa waqtiga?
3. Haddii aanan ka faa’iideysan maxaa igu dhacaya?
4. Haddii sidii larabay aan uga faa’iideysto maxan faa’iideyaa?
Su’alahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa lagaa doonayaa in aad isweydiiso.
Ma ahan in aan xujo Kaaga dhigayo, lakiin dhammaan jawaabtooda waxaa
kaa xiga iskuday, ee buug iyo qalin qaado oo isku day si aad uga jawaabto.Shakina
yuusan kaa gelin. Hadda ku dhaqaaq jawaabta kuu soo baxdana waa in aad dhaqan
galiso.
18
SIDA LOO MAAREEYO WAQTIGA.
Sida loo maareeyo waqtiga wax badan ka oran maayo adiga iyo dadaalkaaga
ayey ku xiran tahay, lakiin sida ugu fudud ee aad u maareyn karto waqtigaaga waa
in aad jadwal howleed leedahay.Haddii aadan jadwal howleed laheyn shaqo ma
maareyn kartid, sidaa awgeed hadda ku dhaqaaq in aad sameysato jadwal
howleedkaaga oo cidina yeysan kula maamulin, waxaad heysataa 24 saac oo
kaliya maalin kasta sidaas darteed waa in aad saacad kasta qorshaha aad leedahay
uu noqdaa mid qoran oo qeexan.Ogow 86,400 oo ilbiriqsi in ay ku jirto 24
sacadood, 1 ilbiriqsi oo kasta markuu kaa go’o waxaa naaqusaya waqtigaaga qeyb
ka mid ah.
WAQTI LUMIYAYAASHA AMA WAQTI DILAYAASHA.
Haddii aan isla soo fahamnay muhiimadda waqtiga, faa’iidadiisa iyo weliba
sida loo maareeyo. Waxaa noo fudud in aan si gun dheer u fahamno waqti
dilayaasha sababtoo ah wixii caqabad ku noqda inta aan kor ku soo xusay waxey
noo galayaan waqti lumiyayaasha, sidaa awgeed haddii aan faham ka qaadano sida
loo maareeyo waqtiga waxaa fudud in aan fahamnay ciwanka ah waqti dilayaasha.
Waxaa jira waxyaabo badan oo aad laxawsato lakiin cadaw ku ah
waqtigaaga oo si aadan filayn waqtiga kaaga lumiya waxba yuusan qoraalku ila sii
sikan ee iga qabo magacyadooda si ficana ugu dhega nuglow oo iska jir :
talefoonkaaga, booqdayaasha aan la balamin, kumbiyuutarkaaga,
casuumadaha qowskaaga, baraha ay bulshadu ku kulmaan sida Facebooga.
Kulama aan qorsheysneyn iyo weliba daalka ama walaaca sida: caajiska iwm.
Ogow caajisku waa tuugga ugu weyn ee xada waqtiga (lumiya).
19
MA IS OGTAHAY ADIGU QOFKAAD TAHAY?
I. Adiga iyo guusha.
II. Yaa guuleysta?
III. Kuma ayaad tahay adigu?
ADIGA IYO GUUSHA.
Guushu shaqsi ay la dhalatay maa jiraa?. Amase ma jiraa shaqsi heysta oo aan
ka raadineyno? mise shaqsi ayaa noo keenaya oo aan ka sugnaa? Guusha
qofkii raadiya oo boholyow uqaba ayaa hela.Qofkastana ma helo ee adigu baahi
ma u qabtaa? oo wax aad rabto in aad ku guuleysato majiraan? mise sida aad tahay
iyo heerkaaga wax qabad ayaad ku qanacsan tahay?. Qanaaco haddey jirto meesha
kuma jirto. Dadka oo dhan wey u simanyihiin fursadaha lagu guuleysan karo lakiin
waxey ku kala duwan yihiin iskudayga iyo baahida ay u qabaan guusha.
YAA GUULEYSTA?
waxaan filayaa markaan maqalno waxbaa lasameeyey waan layaabnaa oo waxaan
ku fekarnaa qofkaas sidee buu waxan u sameeyay?.Runta ayaa waxa ay tahay
haddii adigu aad is fiir-fiiriso oo aad fekerto oo aadan banaankaaga ma ahee adiga
gudahaaga iyo awoodahaaga ka fakerto wax kasta oo aad maqashay in uu qof soo
saaray wax ka mucjiso badan ayaad adiguna soo saari kartaa.Is eeg oo gudahaaga
weyneyso isku fiiri, fiiro fog, markaas ayaad waxaad arki kartaa qofka aad tahay
iyo waxa aad is moodo.Markaad is ogaato waxaa kuu soo bixi doona in aad fikir
gasho.Kadibna aad ficil ku xijiso kadibna aad wax aad layaabto soo bandhigto
waxaas oo dhan waa hadal laakiin waxa lagaa doonayo oo aad wax ku xaqiijin
kartaa waa ficil.
20
Dunida waxaa dadku isticmaalaan oraahdaan ah:Qofku in uu riyoodo kuna
daro doorasho habkii uu riyadaas uga rumeyn lahaa kadibna uu ku daro ficil waxaa
soo baxaya guusha uu ku haminayey. (riyo +habkii+ ficil= guusha).
KUMA AYAAD TAHAY ADIGU?
Dadka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood, iska fiiri qeybta aad ku jirto waa:
1. Ruux dhacdada sameeya.
2. Ruux dhacdada fiirsada.
3. Ruux dhacdada layaaban.
Qofka aad tahay yaa og.Waa adiga markaad go’aansato in aad wax sameyso.Inta
aadan wax isku deyin kalsooni shub kasameysan sameyso oo diyaar garow adag ku
dar waa qodobo wanaagsan oo wax kasta kuu fududeynaya, hadaba haddii ay
kalsoonidaadu yartahay,wax markaad bilawdo waxaa liitay diyaar garowgagii
hore markaas ayaad dhex uga hari doontaa howshii sidaas daraadeed iska adkey
kalsoonida aad naftaada ku qabto. Markaad wax curineysid diyaar garow xooggan
ku dar.
Markaad bilawdo in aad wax soo kordhiso waxaad yeelan doontaa
dad badan oo aan waxba soo kordhineyn oo dacaayadaada ku shaah cabaya.
Hadaneyn kuwaas oo dheg ha u taagin danahaaga iyo qorshahaaga ka raaco oo sii
wad howshaada. Qofkii si wanaagsan wax kaaga saxana soo dhaweey,isaga ayaad
dadka ku leedahaye, laakiin waxa aad niyeysatay qof hadalkiis ha uga harin
qorshahaaga, waa haddii aysan qof dhib u geysaneyn.
Waxkasta waad qaban kartaa, waxaadna noqon kartaa kan ugu horeeya
dadka.Waxaad tahay halyaay geesi sooma jeeste ah. Ka dhabee riyooyinkaada oo
sida ay u kala fudud yihiin u soo kala hor marso . Ogow in aad tahay mucjiso
21
sababtoo ah qof kugu fikir ah, kugu caqli ah, kugu muuqaal ah, kugu dabeecad ah,
waxkasta oo aad adigu tahay. Majiraan qof kula heysta si kastaoo aad u raadiso
majiro.Sidaas awgeed waxaad soo kordhin karto qof soo kordhin kara kaama
dambeeyo haddii aad ka fadhiisato oo aadan soo ikhtiracin qof kale oo soo
ikhtiraaca ama soo shaac bixinaya majiro awoodaas adaa dayacay jiifka ka toos.
Fekirkaadu dunida oo dhan ayuu labo mid u horseedi karaa.Mid wax hagaajiya
ama mid wax khasaariya.
3. SIDEE KU HAGAAJIN KARTAA HAB DHAQANKA BULSHADA.
I. Habka aasasiga ah ee aad ku hanan karto dadka
II. sirta aad saaxiib wanaagsan ku noqon karto
III. Dooda wanaagsani waa tuma?.
HABKA ASAASIGA AH EE AAD KU HANAN KARTO DADKA.
Kula dhaqan dadka sida wanaagga badan ee aad jeclaan laheyd in laguula
dhaqmo.Noqo qof dadka ula macaamila si xirfad wanaagsan, oo lagu jeclaan karo,
noqo qof u dhoola cadeeya dadka, deeqsina ah,marka aad hadleysana run ku hadal
oo wejigaaga ha laga dareemo in aad dhab ka hadleyso, qof kaftan hufan oo fur
furan noqo.
Haddii aad rabto in aad malabshubato waa in aadan ka baqin qaniinyada
shinnida, sidaas oo lamid ah markaad dadka la macaamileyso waxaa ku soo
wajahaya dhibaatooyin badan xitaa waxaa dhacda markaad dadka qaar qadarisid in
ay iskaala kaa weynaadaan, kuwa qaarna is dhahaan dan gooni ah ayuu idinka
leeyahay, kuwa qaar jiljileecada iyo wanaagga iyo xushmadda aad la rabto ayey
hoos kuugu dhigayaan marka waxba ha u istaagin muhiimadaadu waa hanasha
22
qalbiyada ku jecel iyo kuwa ku neceb labadaba, qofkii naceyb kugu qaabila jaceyl
ku qaabil.
Waxaa kale oo dadku kugu jeclaan karaa adiga oo caawiya markii ay
xaaladdu ku adag tahay, oo ay kaalmo u bahan yihiin markaas xitaaso xad dhaaf ah
ayay kuu xasuusan doonaan, awoodaheenna aan qof qalbigiisa ku hanan karno
kuna guuleysan karno jeceylkiisa taas ayaa nolosha farxad siineysa.
Dhinaca kale haddii aan ka fiirsho, ogow haddii dhaliil, fadexad ama wax
aan la jeclaysan oo aad qofka ku sameysaa in ay guul daro ku tahay la dhaqanka
bulshada, iyo xitaa cabashada badan ee qodobadaas iyo kuwo kale ka fogow.
SIRTA AAD SAAXIIB WANAAGSAN KU NOQON KARTO.
Haddii aad dhowrka qodob ee soo socda aad si sax ah ugu dhaqanto waxaad
noqoneysaa saaxiibka qof kasta.
 Qof ha dhaleecayn oo ceebihiisa ha sheeg-sheegin, xitaa haddii aad
aragto marar badan qof kale ha ushegin.
 Noqo qof si daacad ah ula dhaqma qof kasta khiyaamana ka fogow.
 Sida aad adigu jeceshahay in laguu caawiyo u caawi dadka kale oo
guusha la doon.
 Qofku marka uu war kuu sheegayo aad u dhageyso oo u muuji in aad
hadalkiisa macaansaneyso oo uu xiiso kugu hayo.
 Marka aad sheekeyneyso ama aad qof lahadleyso dhoolo cadeyn ku
qaabil xitaa caafimaadkaagaayey u wanaagsan tahay.
 Marka aad qof qaabileyso si saaxiibtinimo leh ku qaabil, oo farxad
geli.
23
 Xasuuso magacyada dadka aad la macaamileyso oo ugu yeer
magacooda taas waxaa la ogaaday in marka aad qofka magaciisa ugu
yeerto in uu aad kuu qadarin doono tijaabi adiguna.
 Dhageyste wanaagsan noqo,si aad u noqoto sheekeeye wanaagsan.
Dadka ku dhiirigeli in ay shaqooyinkooda ama howlahooda ay
dhameystirtaan kuna farxaan.
 Ku hadal oo u sheeg qofka aad la hadleyso waxyaabaha uu daneynayo
si uu kuu xiiseyo.
 Qofka marka aad la kulmeyso u muuji inaad aad u xiiseneyso
kulankiisa
Dhammaan qodobadaas waa in ay kaa ahaadaan daacad.Iska yeel-yeel aadan
joogteyn Karina waa lagugu naci donaa.
DOODA WANAAGSANI WAA TUMA?
Waxaan ognahay dhamaanteen in aadanuhu dood uusan ka leexaneyn gaar
ahaan ummaddeena soomaaliyeed qaarkood oo dooda faan iyo wax wanagsan u
heysta qof kastana uu jecel yahay in uu dhinaciisa guul ka gaaro dooda, xikmad
oranaysa ayaa jirta qofka kula dooda ma ahan in uu cadawkaaga yahay kan aan
kula doodinna ma ahan in uu saaxiibkaaga yahay.
Doodu sideedaba wax wanaagsan ma aha, oo diinteenna islaamka ayaa
nafareysa in aan kafogaano.Waxaan oran karnaa marka dood wanaagsan ma jirto,
lakiin haddii ay doodi dhalato habka ugu wanaagsan ee aan ku mareyn karno waa
maxay?
Haddii ay tahay doodu dood cilmiyeed lana filayo in ay gundhig leedahay
waa mid meesha ay u socoto la saadaalin karo, lakiin haddii ay tahay mid aan cilmi
ku dhisneyn waxey keeni kartaa is naceyb.Waxaa wanaagsan in aad ka dheeraato
24
midaas, dood iyo kaftan waxaan filayaa in aan si wanaagsan u kala saari karno
hadda marka aad doodeyso waxa wanaagsan inaad isweydiiso waxa aad ku
doodeyso cilmi ma uleeydahay sida loo dodo xitee waa cilmi dhan oo la barto,
tankale marka aad doodee hadaladada ma xakameyn kartaa oo xummaan maka
dhowri kartaa?
Caqliga wanaagsan ma ahan in aad ku guuleysato dooda ama muranka, ee
waa in aad ka dheraato. Taas ayaa ah xikmada ugu wanaagsan ee aad hal ku dhig
ka dhigan karto.
SEDEE LOO GO’AAMIYAA WAXA AAD RABTO?
I. Ogaanshaha waxa aad rabto.
II. Baahida aad u qabto in aad ogaato.
III. Jawaabta ka dambeysa ogaanshaha.
Ogaanshaha waxa aad rabto.
Waa maxay waxa aad sida xaqiiqda ah aad noloshaada larabto?
Waxyaabaha la arko waxaa kamid in dadka badankiis aysan daboolka ka
qaadin waxa ay rabaan illaa dhimashadooda taasina waa ceeb, maxaa ku sababay
in ay waqtigii yaraa ee ay noolaayeen ay daboolka uga qaadi wayeen waxa ay
rabaan?.
Dadka badankood waxaad arkeysaa in aanay garaneyn waxa ay qabanayaan,
ma wax faa’iido u lehbaa mise waa maya? ma kala saarayaan.Taasiiyana waa dhib
kale oo weyn, maxaa ka hortaagan inta aysan ficilka ku dhaqaaqin ka hor in ay
tuujiyaan maskaxdooda oo ay ka fikiraan waxa u wanaagsan iyaga?
25
Dadka qaar waxaad arkeysaa wax aysan jecleyn isku dhibaya oo waqtiga ku
luminaya, oo maxaa u diidaya wax faa’iido u leh naftooduna rabto in ay qabtaan?
Ogaanshaha waxa aad rabto waxey ku imaan kartaa in aad waqti isa siiso oo
aad marka aad meel fariisato aad nafsadaada fursad u siiso, taasoo aad kula
sheekaysato kuna dhageysato.dhageyso qalbigaaga waxa uu ku farayo oo su’aal ka
dhig, hadana ka jawaab celi xalka ugu sahlan ee aad waxa aad rabto noloshaada
aad daboolka uga qaadi karto waa kaas ee tijaabi wax badan.
Dadka qaar waxaad arkeysaa dhalo fiirsanaya(Taleefishan) wax ka badan
saacado oo qofka aad dhalada ka fiirsaneyso shaqadiisii ayuu haystaa ee aaway
adiga taadii(shaqadaadii)?
Baahida aad u qabto in aad daboolka iska qaado.
Muhiimadda ayaa waxa ay tahay wax aadan baahi u qabin sameyntoodu kuuma
cuntamayaan, sheekadooda iyo weliba fakirkooduna sidaas oo kale dhadhan
kuuma laha.
sidaas awgeed baahida aad uqabto in aad soo muujiso qofka aad tahay, waxa aad
qaban karto iyo weliba awoodahada dheraadka ah ee eebe weyne ku siiyay inta ay
la egtahay?
Waxa aad rabto iyo baahida aad u qabto haddii ay islasiman yihiin oo aysan kala
badneyn ama ay haabidu ka yartahay waxa aad u baahantahay, weli shaqo badan
ayaa kuu dhiman ee kac oo toos illaa baahidu ka badato waxa aad u
baahantahay.Markaas ayaad xoogaa meel aad wax ka bilawdo helaysaa, haddii
baahidu yartahay waxay ku tusineysaa qanaaco in ay jirto.
26
Inta ay qanaaco jirtana waad curyaameysaa maahee wax badan kuu hagaagi
mayaan.
Jawaabta ka dambeysa ogaanshaha baahidaada.
Waxa aad qiyaasi kartaa Jawaabta ka dambeysa ogaanshaha baahidaada, waxa ay
guushu kuu bilaabatay markii aad ogaatay baahidaada. Hadda waxaad ku jirtaa
safarkii aad ku baadi goobi laheyd waxa aad ka rajeyneyso safarkaaga.
Jawaabtu waa miraha aad guraneyso haddii aad sii joogteyso shaqadaan aad
bilawday sidaas awgeed waxaa lagaaga baahan yahay in aad noqoto qof aragti
dheer oo sahmin kara waxa uu rabo iyo jidkii uu umari lahaa sidii uu u xallin lahaa
su’aalaha badan ee qalbigiisa ka imanaya.
Guusha noloshaada oo aad raad-raadisaa waxaad ka heli doontaa meel aan kaa
fogeyn lakiin waxaa kaaxiga in aad marka hore raadiso oo aad doonto guusha
nolosha ee badanaa aan qoraalka ku soo celceliyey, maxaan ugala jeedaa ayaad
isleedahay ? waxaan guusha nolosha ula jeedaa sidii aad horumar uga sameyn
laheyd dhammaan kuwa soo socda: shaqadaada, waxbarashadaada, qowskaaga,
asaxaabtaada, bulshadaada, xirfadahaaga, iyo dhammaan noloshaada oo dhan.
Sidee ayaad u maareyn kartaa labo cudur oo khatar ah.
I. Cudurka wahsiga.
II. Cudurka doqonimada.
III. Maxaa ka dhasha labadan cudur?.
Inta aanan ka faaloon labadaan cudur (wahsiga iyo doqonimada) oo aan ku
magacaabay cuduro khatar ah oo aan wax dawo caafimaad ah aan laheyn, sidee
ayuu kuu taabtay warkaas ah cudur in ay yihiin, ma igu raacday mise shaki ayaa
27
kaaga jira in ay yihiin cuduro daran oo ka liita kuwa dilaaga ah sida AIDS-KA
IYO KANSARKA.
Warku waa cuslaaday ayaan filayaa, mar haddii aad aragtay in aan ku magacaabay
in ay ka daran yihiin cuduradii dhawaqooda ay dadku necbaayeen, kawaran haddii
aad labadan cudur aad qabto oo aad la daalaa dhaceyso haddana aadan war
iskaheyn oo aad bukaan socod aad u tahay.Markii lagu baaro oo lagaa helo, dhib
malaha kaligaa ha isku moodin oo feker dheer ha gelin, dadka dunida oo dhan
badankood ayaa kula qaba waana labo cudur oo qofka horumarkiisa cadaw ku ah,
qof qabaana in uu nolol farxad leh ku damaashaado oo uu noqto mid guuleysta
majiro.
Cudurka wahsiga.
Wahsiga waxaan filayaa in aad u heysatay wax iska caadi ah oo aan saameyn weyn
kugu laheyn, lakiin wahsigu waa cudur ka daran cudaradda wax dila, kuwa qofka
xibnihiisa awood tira, kaba sii daran cudurka kansarka, dhiig karka, kaadi
macaanka iyo cuduro badan oo jirka iyo caqliga qofka aad u saameeya.Maxaan
sidaa u leeyahay? sababta ayaa ah cuduradaas aan kor ku soo xusay dhamaan ama
badankood waad la noolaan kartaa waxna waad qabsan kartaa lakiin cudurka
wahsiga haddii aad qabto waad isla quman tahay oo isma ogid in aad jiro ladaalaa
dhaceyso adigoo dhibban ayuu hadana qumanahaagu qoorta kuugu jiraa.
Cudurada aan kor ku soo xusey dadka qaba markey baaritaan caafimaad tagaan
daawooyin kaalmaati ah ayaa la soo siiyaa, lakiin wahsi weli dhaqtar ma ugu
tagtay xitaa qof khabiir Ku ah igala tali ma tiri? waxaan filayaa in aysan dhicin,
haddii ay dhacdayna ay yartahay.Cudurkaan waxa uu uga daran yahay
cudurada aan kor ku soo xusey:
28
1. Ruuxa uu hayo isma oga iskamana baaro.
2. Ruuxa uu hayo waa uu isla saxan yahay oo xitaa bulshada ayuu ugudbiyaa.
3. Dadka qaba nolosha kuma farxaan oo eedayn ayay waqtiga ku lunshaan
4. Si sahlan ayuu ku faafaa oo waxaad arkeysaa qof meel fadhiya oo wahsanaya
iyo toban qof oo agfadhiya.
5. Dadku maqarsadaan oo wey sheegaan ayagoo isla quman cuduradda kale waa
lala aamusaa.
6. Dadka qabaa isma ceebsadaan oo wey ku faanaan “waan wahsanayaa ee waxaas
ii soo qabo ayey yiraahdaan” ceebikuuma dhimana haddii aad sidaas tiraahdo.
7. Cudurkaan waa cudur joogto ah oo dadka meel kuwada nool ama kawada
shaqeeya ay badanaa wada qabaan.
8. Cudurkaan awoodda qofka ayuu hoos u dhigaa.
9. Cudurkaan wuxuu qasaariyaa noloshaada qeyb ka mid ah macnaha waqtiga
ayaan uga jeedaa.
10. Cudurkaan haddii aadan iska qaban naafo ayuu kaa dhigaa.Macnaha awoodaha
allaah uu ku siiyey oo dhan ayuu kaa dhantaalaa.
Waxaan filayaa markaan in aad diyaar u tahay sidii aad isaga suulin laheyd
cudarkaan wahsiga, bal buug iyo qalin soo diyaarso oo wixii daawo ah adigu isku
qor oo isticmaal sida aad u qoratay adiga ayaa iga oge, waad iska suulin kartaa
kaligaa adigoo aan kaalmo kale raadin.
29
Dawooyinka ugu wanaagsan ee aad isaga daaweyn karto cudurkan waxa
kamid ah.
1. Sida maska u xuub siibo waxaan uga jeedaa adiga oo dhan isbedel la imaad.
2. Si gooni ah waxaad xoogga u saartaa maareynta waqtigaaga waa dawada ugu
wanaagsan ee aad aga hor tagi karto ama ku daaweyn karto cudurkaan.
3. Jadwal maalmeed sameyso kaasoo aad maalinkasta ku shaqeyso haddii saacad
kasta wax kuu qorsheysan yihiin oo aad qabato wixii kuu qorsheysnaa meel uu kaa
soo galo ayuu weynayaa cudurkaan khatar ahi.
4. Ogow jadwalka ayuu kaa soo dhex geli karaa, ee si aad uga fogaato waxkasta,
waqti ay bilowdaan iyo mid ay dhamaadaan u samee.
5. Haddii aad jadwalkaaga joogteyso nolosha qeyb ka mid ah ayuu kuu noqon
doonaa, lakiin bilowga hore dadaal badan ku bixi dadaalaa wuu gaaraa ayaa la yiri.
6. Wuxuu kaloo kaga faa’iideysan karaa adigoo shaqo fara badan qabtay kadibna
cudurku ku haleelo, shaqo kasta waqti aad wax kale oo nafta farxad gelinaya aad
qabato nasiino yar oo aad ku mashquusho wax nafta faa’iido u leh sida cabitaan
qabaw ama wax qurxoon oo aad fiirisaa sida haddii aad heleyso beerta nasiinada.
7. Naftaada ha u ogolaan in ay ku raaxeysato wax qabad la’aan shaqada iyo wax
qabadka bar sidii ay u macaansan laheyd.
8. waxaa mararka qaarkood la isku qaldaa wahsiga iyo nasiinada maya, suurtagal
ma aha, iskumana dhawa nafsadaada bar sidii ay nasiino ugu fahmi laheyd in ay
wax qabato.Tusaale: haddii shaqadii ama waxbarashadii aad ka fasax tahay buug
nolosha ka hadlaya soo qabo oo akhri si raaxo ku jirto taas oo kale ayaa ah nasiino,
lakiin meel ayaan fariisanayaa nasiino ma ahan.
30
9. Cudurkan waxaa kaloo looga hortagi karaa si wadjir ah ayadoo la isku wacyi
geliyo oo qofkii waan wahsanayaa yiraa lagu cebeeyo.
10. Cudurka wahsigu waa cudur si fudud loo suulin karo lakiin in uu dib u soo
laabtaa waxey ku xiran tahay hab difaacaaga.
Waxaan ku soo gunaanadayaa cudurkaan xigmad caan ah ayuu leeyahay oo ah
“wahsigu waa tuuga ugu weyn ee waqtiga kaa xada”
Cudurka doqonimada
Waxaa jirta hees soomaaliyeed oo caan ah fanaaniinta qaadayaana waa.Cumar
Dhuule & Maryan Mursal waxaa lagu magacaabaa"Weydiin iyo
Warcelin".Heestaan ayey ku jiraan hal xiraalayasha soo socda:
"dhulka waxaan u soo degin,
cirkana daaro ku laheyn,
ee duula ii sheeg?
Waxa socodka diinka leh
dabeyshana ka orod badan
ee aan daalin ii sheeg?
Waxa dugaagga raacee
dibadana ku hoydoo
dad lamoodo ii sheeg"?
31
Waxaa kale oo ku jira beydka aan uga danleeyahay oo ah:
"Cudurkii ku doorshee
dadkuu helana aan dilin
ee aan dawo yeelan ii sheeg"?
Markaas heestu waxey u dhaceysaa si talan taali ah jawaabta su’aashaan ugu
dambeysa ayaa waxaa lagu jawaabayaa:"doqonimada weyaan". Mar kale iyadoo
doqonimada laga hadlayo ayaa waxaa la yiri: "Doqon hana gargaarsan hana u
gargaarin"bees kale ayaa waxay leedahay:"ilayn doqoni qiiq kama kacdee
daamankey meermeerisaa". Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa gabay magiciisa
la yiraahdo Dardaaran wuxuu Ku Yiri:
"Awyaalow ma diideen jihaadka maa u dareertaan
Warmo danana iyo seed deegta maa Ku qaadaan
War idinkaa dalkaba lehe dowlad maa u ahaataan
Ilayn DOQONI calaf ma leh dulbaax maxaa kabeylahay"
Waxaa kale oo ay soomaalidu tiraa: "Doqoni calaf ma leh".
Mar kale waxaa la yiri:"Doqon Nabi Muuse (CS) ayaa inkaaray".
Muhiimadda iyo xikmadda ku jirta murtidaas ayaan dhowr jeer dhageystay
waxaan dareemay doqonimada cudur ka daran in uusan jirin, sidaa awgeed
qoraalkaan waxaan ugahadlayaa doqonimada iyo sida aan u naqaano iyo sida ay
tahay.
Doqon waxan dhahnaa haddii aan soomaali nahnay qofka aan waxba qabsan Karin
miskiinka iska ah, laga itaal roon yahay, aragti aan soo kordhineyn, hadda buugaan
32
ma waxaan uga hadlayaa doqon ceynkaas ah. Jawaabtu waa maya, ee waxan uga
hadli doonaa geesiga doqonka ismooday, wax yar aan isla fiirino.Sheekadii
gorgorka, sheekadaan waa sheeko caan ah oo dunida inteeda badan laga
isticmaalo.Waxaa la yiri:Gor-gor ayaa ukun dhalay kadibna ukuntii ayaa waxaa loo
dhigay digaagad,waxeyna lafiiqday ukumihii digaagada, kadibna la barbaaray
markii uu gor-gorkii xoogaa kobcay ayaa waxa uu arkaa markasta gor-gor kale oo
ugaarsanaya jiil-jiilaha digaaga ah, markii dambe ayuu meel iska fariistay oo ku
yar fakeray, wuxuuna ku tamaniyey haddii aan ahaan lahaa sida gor-gorkaas oo
kale kawaran ayuu isweydiiyaa markasta. adiga akhriste aan ku weydiiyee isagu
ma digaag baa mise waa gorgor? Waxaan filayaa in aad si wanaagsan mowduuca u
fahamtay waa haddii aad jawaabta heshay,
33
2. CUTUBKA LABAAD
sheekooyin xiiso badan oo samirka iyo horumarka wax
kaa baraya.
SHEEKADA KOOWAAD: YAA DARBEEYEY BISADDA.
Aabe ayaa marka uu shaqada ka yimaado wiilkiisa yar ciyaarsiin jiray.Maalin
maalmaha ka mid ah,ayuu aabihii shaqadiisii aaday isagoo faraxsan, markaas ayaa
waxaa xaafiiskiisa ugu yimid maamulihii.Canaan iyo dhaleecayn ayuu dhagaha ka
saarey Markaas ayuu xoghayihiisii ku amray in qeyb kale oo waraaqo ah loo
geeyo, sidii uu u sii socday ayuu waraaqihii ku tuuray dhulka waxaa la murmay oo
yiri waraaqaha miiska saar maamulihii.Cabbaar kadib ayaan xalinayaa ayuu isna
ugu jawaabay ninkii uu u geeyay waraqaha, muran iyo caay kadib wey kala tageyn
waqti yar kadib ayaa waxaa yimid shaqaalaha nin kamid ahaa oo maskiin ah,
markaas ayuu maalmulkii wuxuu ka codsaday in uu fasaxo si uu caruurtiisa
iskuulka uga wado oo uu guriga u geeyo.Maamulihii intii fasax laga sugayey ayuu
dhaleecayn iyo canaan dusha ka saaray ninkii, kuna yiri:"ku laabo shaqada".Ilmihii
qof wada markii lawaayey ayaa macallin macallimiinta ka mid ahaa gurigii geeyey
alaab ay ku ciyaaraana siiyay markii ninkii la fasixi waayey ee uu gurigii ku
laabtay ayuu wiilkiisu ku soo orday oo uu ku yiri:Aabbe macallin ayaa alaabtan
isiiyay wuuna iska riixay oo sidii uu markii hore ku qaabili jiray maahane si kale
ayuu ula dhaqmay wiilkii hooyadiis ayuu u sheegay oo uu yiri:"aabbe waa uu iska
key riixay", wiilkii yaraa isagoo xanaaqsan ayey bisadiisii ku soo oroday, bisadu
waxay wiilka uga baratay in uu dheelsiiyo kadib ayuu darbeeyay bisadii. Yaa
darbeeyay bisadda?.
Waxaan filayaa in aad jawaabta heyso akhriste waxaa bisadda darbeeyey waa
maamulaha shirkadda ? sababtu waa maxay? Adiga ayaan kuu daayey jawaabta.
34
Dulucda sheekadu waxay tahay haddii wax naga qaldamaan ama nalaga
xanaajiyo waxaa muhiin ah in aan maamulno xanaaqenna sidaas awgeed, haddii
aad dad maamule u tahay waa in aad si wanaagsan ula dhaqantaa.Waxa aad
arkeysaa saameyntu waa ay isku xiran tahay. ((Al-Arifi, 2008))
SHEEKADII LABAAD .
WAA IN AAN NOQONAA ASAXAABTII OO KALE.
Macallimad ardo cashar siineysa ayaa waxa ay damacday, ardeyda in ay weydiiso
waxa uu rabo arday kastaa in uu mustaqbalka noqdo. Ardeydii midkasta sidii uu
jawaab u bixinayey ayey ku timid wiil muslim ah,markaas ayuu wuxuu ku
jawaabay anigu waxaan rabaa in aan noqdo sidii asaxaabtii oo kale, jawaab aysan
horey u maqlin ayay ku noqotay dhowr jeer ayey ku celcelisay, markaas ayay tiri:
ii sifee oo ii sharax sida loo noqdo.Markaas ayuu ku yiri:"hooyadey ayaa taqaan oo
ku bareysa waayo anigaba iyada ayaa ibartay" kadib ayay tiri:"hooyadaa u sheeg in
aan u iman doono ee guriga ha igu casuumto.Hooyadii ayuu arintii u sheegay
waana ay ka aqbashay.
Hooyadii waxa ay macallimaddii u sharxday waxkasta oo ku saabsanaa asaxaabtii,
markii ay aad ula riyaaqday macalimaddii sharaxaadeeda wanaagsan ayay tiri:"in
aan noqdo asaxaabtii ayaan rabaa" Kadib hooyadii ayaa ugu jawaabtay asaxaabtii
hadda lama noqon karo laakiin dhaqankoodii ayaa laqaadan karaa oo waa lagu
daysan karaa. Asaxaabnimaduna wax waqti ku eg ayey aheyd. Macallimaddii oo
uu qalbigeedu ku degay wanaaggii loo sheegay ayaa tiri:"sidee ayaan ugu dansan
karaa"? Hooyadii ayaa tiri:" marka hore waa in aad islaamka soo gashaa. Sidaas
ayey macallimaddii ku muslimtay sababna uu ugu noqday wiilkii yaraa. Adigu
maxaad dooneysaa mustaqbalka in aad noqoto, maxaase kuugu sareeya waxa aad
rabto?
35
Tulucda sheekada:waxa aad ogataa in haddii wax wanaagsan aad ku fikirto
maskaxda dad badan aad bedeli karto, han yaraantana iska dhaaf, oo waxa aad
damcayso ha noqdaan wax aan wax kudhimaneyn ((unknown))
SHEEKADII SEDDAXAAD:
WAX KA BARO.
Labo wiil oo dhalin yaro ah ayaa waxa ay ka shaqeynayeen hal shirkad, waxa ayna
qabanayeen shaqo isku mid ah marka ay muddo dhowr sano ah shaqeynayeen ayuu
maamulihii go’aansaday in uu dalacsiiyo isaga oo tijaabo ka qaadaya ayuu u
yeeray labadii wiil mid ka mid ah.Markaas ayuu ku yiri: "shirkadda banaankeeda
qare iiga soo raadi.Wiilkii markii uu baxay ayuu u tegay nin qare iibinaya kadibna
waxa uu weydiiyey qaraha iyo sida uu u gado, qiimaha sida uu kala duwanyahay,
waqtiga uu keenay, tayada qaraha. Xog dhameystiran ayuu ka soo qaaday ninkii
qaraha gadayey xogtii oo dhan ayuu u sheegay maamulihii ka dibna waa
ladacsiiyey shaqadii, wiilkii kale ayuu u wacay ka dibna shaqadii uu kii hore u
diray ayuu isgana u diray, waa uu baxay wiilkii labaad, banaanka ayuu tegay
wuxuu u jeeday nin qare iibinaya kadibna waa uu soo laabtay "qare waa lagu
iibinayaa banaanka" ayuu ku yiri.Shaqadiisii ayaa lagu sii hayey. Dabadeedna waa
uu xanaaqay wiilkii labaad. Kadib maamulihii ayuu la dooday oo uu yiri:"maxaa
ay tahay sababta aad ii dalacsiin weyday, saxiibkeyna aad u dalacsiiday"?
Maamulihiina waxa uu uga sheekeeyay in isku qare loo diray laakiin sidii uu u
jawaabay saaxiibkiis iyo isagu sida uu u jawaabay in ay kala duwan yihiin.
Markaas ayuu go’aansaday in uu saaxiibkiis wax ka barto. Sheekadu maxey
nabareysaa ayay kula tahay akhriste?.
36
Dulucda sheekada:marka aad wax qabaneyso in aad u qabato si qoto dheer oo
uusan gaabis ku jirin iyo qofkii waxyar ku dheer in aad wax ka barato ayey nagu
boorineysaa sheekadu. Dadaalaa wuu gaaraa.(apps)
SHEEKADA AFARAAD:
IMISA JEER AYAAD AFEYSATAY FAASHKAAGA?.
Shirkad ka shaqaysa jaritaanka geedaha alwaaxda la qoro iyo wixii la mid ah
ayaa shaqaale u qaadatay nin xoog badan oo geedo jare ahaa, shaqadii markii laga
diiwaan galiyey ayaa lageeyay meeshii uu geedaha ka jari lahaa, waxaa kale oo loo
sheegay mushaar uu ku farxay iyo gunno dheeraad ah.Isaga oo xiiseynaya shaqada
ayuu bilaabay.
Maalintii kowaad 30 geed ayuu soo jaray, waana loo hambalyeeyey gunno
fiican oo mushaarkiisa ka dheeraad ahna waa la siiyey.Maalintii labaad ayuu
shaqaddii galay sidii uu u dadaalayey waxa uu soo jaray 20 geed oo kaliya,isaga oo
daalay oo yaaban ayuu soo laabtay, kadibna gunno ka badan tii shalay ayaa la
siiyey. Markastana mushaharkiisu wuxuu ahaa siddii loola heshiiyey, maalintii
seddaxaad ayuu shaqaddii galay siddii caadada aheydna maalintaas waa uu
dadaalay lakiin 10 geed ayuu soo jaray asaga oo daalay oo yaaban ayuu soo
laabtay.
Markaas ayaa uu cabasho bilaabay mudane aniga dadaal iguma yara
maalinkasta waxa aan is iraahdaa geedo badan soo jar laakiin markasta inta aan
jaraa weysii yaraaneysaa waadna I dhiirigelisay oo dhinaca mushaharka waan ku
qanacsanahay oo igama ahan dadaal xumo ma aqaan arintu sida ay tahay. Cabaar
kadib ayuu maamulihii weydiiyey,"immisa jeer ayaad maalintii faaskaada
37
afeysaa"? Markaas ayuu ku jawaabay sidii aan shaqadda u soo galay ma afeyn.
Maamulihii waxa uu ku yiri:"inta aad wax jareysid in ka badan faaskaada afeyso.
Waa maxay macnaha ay noo tarjumeyso sheekadaan akhriste?
Dulucda sheekada:qofku markauu wax qabanayo waa in uu ahaadaa waxa
uu qabanayo mid markasta barta sida loo qabto, tusaale.Ardaygu marka uu
bilaabayo casharada sanad dugsiyeedka casharadu waa fudud yihiin waxaadse
arkaysaa ardaygii shalay casharku u fududaa oo maanta cabanaya.Waa maxay
sababtu? Jawaabtu waxa ay tahay faashkiisa ayuusan afeysan.((App))
SHEEKADII SHANAAD:
WAA KUMA BILAAL IBNU RABAAXA?
Waxa uu ku dhashay magaaladda maka ee barakeysan sanadkii 580AD.
Aabihiis Rabaaxa waxa uu ahaa addoon, hooyadiisna. Xamaamah sanadkii camul-
fiil ayaa addoonimo loo qabsaday, waxa uu ku dhashay adoonimo, sababta oo ah
Bilaal wado kale uma furneyn oo aan aheyn in uu sayidkiisa u shaqeeyo oo ahaa
Umayah ibnu khalaf, Bilaal howl karnimadiisii markii la arkey ayaa sanamyadii
madax looga dhigay, markii uu nabi Muxamed NNKH uu dacwadii uu xaqa dadka
ugu yeerayey bilaabay waxaa maqlay Bilaal, waxa uuna ka mid noqday dadkii
ugu horeeyey ee rumeeyey nabiga NNKH.
Markii uu arintaa ogaaday sayidkiisii iyo odayadii kale ee madaxyaweynta
ahaa , waxaa Bilaal u bilowday cashar ciqaab ah kaas oo makka oo dhan lagu soo
wareejinayey ayada oo lajiidayo dumar, caruur iyo waayeelba uma aysan u kala
harin waxaan la oranayey kasoo laabo diinta islaamka oo caabud sanamyada
isaguna waxa uu lahaa allaah waa keligiis, allaah waa keligiis,allaah waa keligiis.
38
Ciqaabtaas warkeeda waxa ay gaartay nabiga NNKH. Markaas ayuu u soo
diray Abuubakar RC, heshiish ayuu lagalay sayidkiisii waana uu ka xoreeyey,
waqtigaas kadib waxaa dhacday hijraddii madiina, sanadkii 624AD oo uu nabigu
NNKH umagacaabay Bilaal R.H in uu noqdo mu'adin hadaba waxa aan la isku
khilaafsaneyn mu’adinkii u horeeyey in uu yahay Bilaal R.H, waqti kadib hadana
waxaa loo dhiibay baytul-maalkii muslimiinta furihiisa, Bilaal R.H maalkaas waxa
uu u qeybin jiray garoobada,agoonta, safareyda iyo dadka kale ee iska liita.
Waxa uu caan ku ahaa codkiisii quruxda badnaa ee uu dadka ugu yeeri jiray
liibaanta, salaada iyo kheyrka, waxa uu ahaa mid aad ay u qadariyaan waqtiyadii
dambe ee asaxaabta waxa uu dhintay intii u dhaxeysay (638-642) R.H.((App n. g.))
SHEEKADII LIXAAD: WAA KUMA ABRAHAM LINCOLN?
Waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah, waxaa soo wajahay noloshiisa caqabado
badan , iskuday uu layimid ayuu wax badan ku fashilmay.Bal aan isla aragto wixii
soo maray sanado kamid ah noloshiisa.
1809-kii ayuu dhashay.
1816-kii qoyskiisii ayaa laga saaray gurigii ay deganaayeen kadibna waxa uu
bilaabay shaqo, sidii u kaalmeyn lahaa waalidkiis.
1818-kii waxaa dhintay hooyadiis.
1831-kii ganacsi ayuu ku fashilmay.
1832-kii waxa uu ku fashilmay in uu kamid noqdo sharci dejiyayaasha gobolkiisa
1832-kii sidaas oo kale waxa uu waayey shaqadiisii, waxauu isku dayey iskuulka
sharciga in uu wax ka barto, lakiin ma uusan helin
39
1833-kii waxa uu lacag ka deynsaday saaxiibadiis si uu ugu bilaabo ganacsi
markale, laakiin waa uu musalafay. 17-kii sano ee xigtay waqtigaas waxa uu ku
mashquulsanaa sidii uu deymihii dib ugu celin lahaa.
1834-kii waxa uu ku guuleystay in uu kamid noqdo sharci dejiyayaasha gobolkiisa
1835-kii waxaa ka dhimatay gabar uu jeclaa oo u doonaneyd in uu guursado,
waxaana ku dhacay qalbi jab weyn.
1836-kii(neerbo) maskax xanuun ayaa ku dhacay mudo lix bilood ah ayuu lajiifay
1838-kii waxa uu isku sharaxay in uu noqdo afhayeenka goloha sharciga waase ku
guuldareystay.
1840-kii waxa uu isku soo sharaxay in la doorto waa ayuuna ku guuldareystay.
1843-kii waxa uu isku soo sharaxay kongareska waana uu ku guuldareystay.
1846-kii mar labaad waxa uu isku soo sharaxay kongareska waa uu ku guuleystay
markaan. Washington ayuu aaday shaqo fiican ayuu qabtay.
1848-kii mar seddaxaad waxa uu isku soo sharaxay kongareska waa uu
guuldareystay.
1849-kii waxa uu raadshay xaafiis-haye gobolkiiisa ah waa uu ku guuldareystay
1854-kii waxa uu raadshay senater oo U.S waa uu ku guuldareystay.
1856-kii waxa uu raadshay in uu noqdo. (vice-presidential). waxa uu helay 100
cod in ka yar.
1858-kii markale waxa uu raadshay senate oo U.S waa uu ku guuldareystay.
1860-kii waxaa loo doortay madaxweynihii dalka Mareykanka.
40
Akhriste immisa jeer ayaad adigu guuldareysaday?
Dulucda sheekada:haddii aad guuldareysato macnaheedu ma aha in aadan waxba
qaban Karin, lakiin haddii aad iska quusato taas ayaa nacasnimo ah. Guushu waxa
ay timaadaa marka aad u dhabar adegto.Macne ayeyna kula leedahay markaas,
lakiin adiga oo aan u rafaadin guusha aad heshaa macne kuma fadhido.Sheekana
kaa reebi meyso.((App n. g.))
SHEEKADA TODOBAAD:
DAAWO ISII AAN SODOHDEEY KU DILO.
Gabar ayuu nin soo aroosay, ninku hooyadiis ayuu la noolaa.Ninku shaqo ayuu
aadaa, guriga waxaa jooga gabadhii iyo sodohdeed. Waqti yar kadib dood iyo
nacayb ayaa ka dhex dhashay gabadhii iyo sodohdii,maalinkasta muran iyo dood
ayaa iska socda gabadhii iyo sodohded midba mida kale ayey saa’id u nacday,
gabadhii waxa ay ku fikirtay in ay sodohda xal u hesho kadibna nin dhirta daawo
ka sameeya oo aabeheed saxiib la ahaa ayey u tagtay waxeyna uga warantay
xaajadu sida ay tahay iyo waxa ay ka rabto oo ah sun ay ku disho sodohdeed,
daawo geedo kala duwan ah ayuu isugu daray.Kadibna waxa uu u soo raaciyey,
waano si ay sodohda tartiib ugu dhimato wuxuu yiri:"haddii aad hal mar siiso waa
ay dhimaneysaa waana lagaa shakinayaa sidaas awgeed waxaad sameysaa marka
ay cuntada cuneyso wax yar ugu dar waxaa kale oo aad sameysaa waa in aadan la
murmin, oo aad adeecdaa waxkasta oo ay kuu soo jeedisana wax dhib ah oo dhan
ka ilaali iyada ayaa darteed u dhiman doontee.
Daawadii iyo waanadii ayay soo qaadatay waxeyna bilawday sidii loo soo sheegay
markii ay bilaawday arintaa muddo kadib sodohdii markey aragtay in gabadhii ay
41
isbedeshay ayaduna waa ay isbedeshay weyna jeclaatay gabadhii markii ay
gabadhii aragtay sodohdii oo si xad dhaaf ah u jeclaatay gabadhii naxariis ayaa
gashay oo iyaduna waa ay jeclaatay sodohdeed, kadibna gabadhii ayada oo
welwelsan ayay u tagtay ninkii daawo dhireedka soo siiyay waxa ayna ku
tiri:"aniga iyo sodohday waan is jeclaanay ee sidee ayaad u xalin kartaa suntii aad
sii itiri, illaa muddo ayaan siinayay".Markaas ayuu ku yiri:"sun ma aheyn ee daawo
fitamiino ah ayey aheyd ee ku sii wad, laakiin daawada aan ku siiyay waanada
ayay aheyd ee sii wanaaji oo wax dhib ah ka illaali".
Dulucda sheekada:Markasta oo aad qof talo siineyso ka fikir dhinaca saameynta
wanaagsan, sheekadaan waa ay ku badan tahay dadkeena gaar ahaan dumarkeena
si wanaagsan ku xalli haddii ay dhacdo.((App m. s.)).
SHEEKADA SIDEEDAAD.
BOQORKII DUQOOBAY (DA’DA NOQDAY).
Nin boqor ah ayaa waxa uu ogaaday in uu sii duqoobayo oo ay geeridu ku
soo wajahantahay markaas ayuu waxa uu yiri."waxa aan doonayaa dhalinyarada
yar-yarka ah qaar aan sii tababaro oo aan xilka ku wareejiyo, waxaa loo soo
kulmiyey badankood yar-yarkii markaas joogay.Markii uu qudbad u jeediyey
kadib waxa uu u dhiibay midkasta mir ama iniin si uu u beero waxa uu ku
yiri."qofkasta ha abuuro iniintaas oo ha xafido". Kadibna waqti ayuu u sheegay
"markii waqtigaas la gaaro ii keena waxan ku wareejinaa boqortinimada" ayuu Ku
yiri.
Markii ay guryahoodii ku laabteen ayey bilaabeen midkasta in uu abuuro
iniintii uu boqorku soo siiyay wax ay waraabiyaanba hal wiil maahee kuwii kale oo
dhan geedo ayaa u soo baxay, wiilkii fakir iyo welwel ayaa ku abuurmay
dabadeedna waalidkiis ayuu la tashaday waxa ayna yiraahdeen mirtii boqorku ku
42
soo siiyay soo maahan waxa soo bixi la', iska sug wax kale hasameyne, waxa ay
wiilashii kale u faanaan oo ay ku yiraahdaan."wiilkii arag geed ayaa noo soo
dhashay, markii muddadii soo dhawaatay wiilashii kale oo dhana geedo u soo
baxeen, wiilkiina ciil iyo caloolyow hayo ayaa waxaa lagaaray muddadii boqorku
la balamay dhalintii ayaga oo faraxsan oo geedo wada ayey waqti hore tageen
madashii lagu balansanaa.Wiilkii aan geedku usoo bixin inuu iska joogo ayuu
go’aansaday, laakiin waalidkiis ayaa ku dhiirigeliyey in uu aado oo uu qaado
weelkii uu ku beeray iniinta, markii uu arkay boqorkii wiilashii ayaa waxauu tebay
wiilka maqan waqtigaasna wiilku waxa uu isku aadinayey derbi u dhow meesha,
waa lasoo baxshay, boqorkii ayaa qudbadii qaatay mise wuxuu ku soo
gebagebeeyay in uu boqortooyada ku guuleystay wiilka aan geedku u soo bixin
sababta oo ah wuxuu yiri."dhamaan waxa aan idin siiyay iniin aan bacrimeyn (aan
soo dhalaneyn).
Maxey kula tahay sheekadu in ay ka tarjumayso?
Dulucda sheekada:haddii aad saxan tahay lakiin inta kale ay qalad isku
raacan haka labo labeyn ee ku adkeyso taada, tankale daacadnimadu waa shayga
kaliya ee horumar iyo sharaf aad ku gaari karto.(App m. s.)
SHEEKADA SAGAALAAD.
NOQO SIDA HARADA OO KALE.
Oday ayaa arkay wiil yar oo aan faraxsaneyn markaas ayuu u dhiibay sacab
buuxa cusbo ah wuxuuna Ku yiri."ku dar galaaskan biyaha ah kadibna dhadhami
biyaha, Sidee u dhadhamayaan"? wiilkii yaraa ayaa ku yiri odaygii "waa
dhanaan".Kadibna markale ayuu sacab cusbo ah u dhiibay oo yiri."Soo bax"
kadibna wuxuu keenay haro kuna Yiri."Ku shub cusbada harada", waxa uu ku
yiri."Dhadhami biyaha, sidee ayey u dhadhamayaan"? Wiilkii ayaa yiri"waa
43
macaan" kadibna waxa uu ku yiri."Dhanaan ma aha miyaa"? "Maya" ayuu ku
jawaabay wiilkii yaraa. Markaas ayuu la fadhiistay kuna yiri,"xanuunka nolosha
waa sida cusbada oo kale mana badna mana yara, xadiga xanuunku waa isku mid
lakiin waxa ay ku xiran tahay weelka uu ku jiro macnaha marka aynu murugo ama
xanuun dareeno waxa kaliya ee noo banaan waa in aynu dareenkeenna balaarino.
Adiga oo ka hadlaya fahamkaaga Maxaa ay kula tahay arintani.?
Dulucda sheekada: noloshu waxa ay isugu jirtaa macaan iyo qaraar, midka
aad fikirkiisa badsato ayaad heleysaa, markasta farxad is dareensii oo qosol ku dar
xitaa haddii aad dhib kan ugu weyn ku jirto ka dheerow murugada.Unugyada
jirkaaga ayay waxyeeshaa murugadu.(App m. s.)
SHEEKADA TOBNAAD.
TIJAABADA XANTA.
Sheekadan gaaban waxa aan ku soo qaadanayaa philosopher giriig ah oo
qarniyo hore noolaa laguna magacaabi jiray Socrates iyo nin kale waxa ayna u
dhacday sidan soo socota:Ninkii ayaa wuxuu ku yiri Socrates."Ma ogtahay waxa
aan ka maqlay saaxiibkaa"? Socrates daqiiqad ayuu aamusnaa kadibna wuxu ku
yiri."inta aadan waxba ii sheegin tijaabo yar ayaan kaa qaadayaa ee ka gudub
marka hore, waxaa lagu magacaabaa tijaabada Triple filter Test." ninkii kale
wuxuu ku jawaabay."Waxba kama qabo" waxa uu Socrates ku yiri ninkii,"ka hor
inta aadan saaxiibkey iiga sheegin waxa aad ka maqashay waxa aan doonayaa in
aan tijaabada kaga qabo wax wanagsan in ay yihiin waxa kaa soo socda:
44
Tijaabada kowaad: RUN, waxa aad ii sheegi rabto mahubtaa in ay xaqiiq
yihiin? Ninkii ayaa ku jawaabay "maya waan maqlay oo kaliye", socrates ayaa
yiri."Mahubtid miyaa!! in ay xaqiiq yihiin iyo inkale!!".
Tijaabada labaad:FIICNAAN, "waxa aad dooneyso in aad iiga sheegto
saaxiibkey wax fiican ma yihiin"?. Ninkii ayaa ku jawaabay "Maya waa lidkeeda",
Socrates ayaa sii watay warkii oo ku yiri."waxa aad iiga sheegi rabto saaxiibkey
waa wax xun, dabcan mana hubtid in ay run yihiin iyo in kale waxaa kuu haray hal
tijaabo ee ku fikir in aad ka gudubto".
Tijaabada seddaxaad:FAA'IIDO, waxa uu yiri "waxa aad iiga sheegi
rabto saaxiibkey wax faa’iido ii leh ma yihiin"? Ninkii ayaa ku jawaabay "Maya
runtii", Socrates ayaa wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkii "waxa aad rabto in aad
iiga sheegto saxiibkey hadii aysan aheyn wax RUN ah ama aan FIICNAYN
walibana aysan FAA’IIDO ii laheyn sabab aad iigu sheegtaa majirto"?
Maxaa kale oo aad kala soo dhex baxday sheekada?. Waxaan filayaa in aad
fikir gashay.
Dulucda sheekada:waa sir aad ku ogaan karto qofka warka kuu sheegaya waxba
haka xishoon ee ka qaad tijaabda qofkii xan kugu keydsan raba oo dhan, ogow wax
xun adiga iyo qofka sheegaya iyo kan laga sheegayaba qof ay faa’iido ugu jirto
majiro ee waqtigaaga qaaliga ah ha ku lumin.(App m. s.).
45
4. CUTUBKA SEDEXAAD
xikmado dhiirigelin ah kuwaas oo kugu hagi doona
wadada guusha.
I. Xikmado diini ah.
II. Xikmado dhiirigelin ah.
III. Xikmado waxbarasho ah.
IV. Xikmado hogaamin wanaagsan ah.
V. Xikmado farxada khuseeya.
VI. Xikmado hal abuurnimada khuseeya.
VII. Xikmado xariirka iyo bulshada Ka hadlaya.
VIII. Xikmado macalinka ka hadlaya.
IX. Xikmado ardeyda Ka hadlaya.
46
Xikmadoyin diini ah
Hordhac
Diinta islaamka oo aysan jirin diin ka xaqnimo badan ayadaa ayaa nolosha
badhaadhada ah laga helaa qofkasta oo muslim ahna farxad baaxad weyn
ayuu ka helayaa haddii uu ku dhaqmo kitaabka quraank iyo sunnada nabiga
NNKH sidaa awgeyd diinta islaamka ayadaa ah ximad socoda naguna filan,
xikmadaha diinta ku jira qoraal kooban laguma soo koobi karo marka
qoraalkan ciwaankisu ayahay Xikmadoyin diini ah dhowr xabo oo buugaan
aan ku soo khaatay oo aan soo uruuriyay ku dhaqan wanagsan.
1. Kiina caqliga u saxiibka ah ma han midka muranka ku guuleysta ee waa
kan kaba fogaada meesha lagu murmayo marka hor. (NNKH)
2. Sedex waxyaabood oo waajid kugu ah in aad markasta xasuusnato
I. In allah kuu abuuray in aad caabudo
II. Hadafkadu in uu yahay janatul fardowso
III. Qorshahagu yahay in aad si daacad ah u raacdo waxa ay ku farayan ama ay
kaa rebayan kitaabka quraanka iyo sunadda nabega (NNKH)
3. Xuska illahey wuxuu qalbiga u yahay sida biyuhu u yihiin nolosha
kalluunka, kawaran haddii kalluun biyaha laga soo saaro wuu
dhimanayaa, sidaa awgeyd qalbigii xuska allah laga waayo wuu
dhimanayaa isaguna, qof qalbigiisu dhintana nolosha uu nool yahay
nolol ma ahan
4. Qofkii doonaya in uu ogaado waxa allah uu u diyaarshay, ha fiiriyo isagu
waxa uu allah u diyaarshay oo camal ah
5. Hormari noloshada midda sirta ku ah iyo tan khaaska ahba allah wuxuu
kuu hormarindonaa midda bulshadda iyo midda muuqataba
47
6. Hagaaji xariirka adiga iyo allah idinka dhaxeya, markaas ayuu allah kuu
hagaajinayaa xariirka adiga iyo bulshadda ka dhaxeya
7. U shaqeyso nolosha danbe (Aakhiro) allah ayaa ku deeqsiinaya midda
aduunyada
8. Muminku wax yar ayuu hadlaa howl badana wuu qabtaa halka
munaafaqu uu wax badan hadlo wax yarna qabto.
9. Hab dhaqanka wanagsani wuxuu qeyb ka yahay taqwadaa, haddii aadan
hab dhaqan wanagsan laheyn wax taqwa ah malihid
10. Qofkii qalbigiisa ku xiraa allah wuxuu hodan ka noqonayaa nabad iyo
barwaaqo lakiinse qofkii qalbigiisa ku xiraa dadka wuxuu ka helidonaa
nasiino darro iyo argagax
11.Maalin kasta oo ku soo mareysa ku noolow habsida allah adigoo gun ka
dhiganaya kitaabka quraanka iyo sunnada nabiga(NNKH)
12.Maalin kasta u nolow siddi maalinkii kuugu danbeysaya, sababtoo ah
geeridu lama oga waqtiga ay ku soo wajaheyso marka heegan ku jir oo
khaatumo xumo iska ilaali Allah ayaa naga ilaalin karee.
13.Sanadku waa sida geed oo kale, biluhuna waa sida geedka laamihiisa oo
kale, maalmuhuna waa sida laamaha yar yare e ka farcama lamaha wa
weyn, saacaduhuna waa sida caleymihiisa oo kale, neefsuguna waa sida
birahiisa oo kale. Sidaa awgeyd haddii qofku neefsashadisa uu ku adeeco
allah iyo rasuulkiis, miraha uu geedkiisu leeyahay waa kuwo wanagsan.
Lakiin haddii uu allah ku caasiyo geedkaa mirahiisu waa kuwo kharar
(xun). Labaduba waxey guran doonan mirahoda maalinka khiyaamo
haddii ay wanagsanayeyn iyo haddii ay xumayeyn labaduba. Allah ayaan
ka magan galeynaa in miraha geedkenu xumadaan.
48
14. Dadku waa lajecel yahay ashyaadana waxaa la isticmala lakiin
dhibaatadu waxey soo ifbaxdaa markii ashyaada lajeclado dadkuna
isticmal noqdo.
15. Qofka caqliga badan carabkiisu wuxuu ka danbeyaa qalbigiisa, markii
uu doono in uu hadlo marka kowaad wuu fakaraa haddii uu hadalkiisu
yahay mid san wuu dhahaa lakiinse haddii uu noqdo mid ka soo horjeeda
ama aan wanagsaneyn kuma hadlo, qofka jaahilka ahna qalbigiisu wuxuu
ka danbeyaa carabkiisa markii ay wax ku soo dhacaan wuu dhahaa lid
haku noqdo ama ha raacsanadee (xuman iyo saman)
16.waxkasta oo aad qabaneyso wax ka weyn malahan cabsida allah haddii
aad la imaato waxyaabaha kale oo dhan fuded ayay kuu noqonayan
haddise laga waayo wax allaale culeys ayay kugu noqonayan
17.haddi aad allah farxad geliso waxaa ku farxad galinaya ummaddiisa
18.Aqoonta oo kuu kororta cabsida Alle ayay kuu horseedaa
19.markasta oo aad qof waanineyso ama aad wax u sheegayso cabsida allah
ha ka hilmaamin.
20.Camal ama shaqo kasta oo aad qabaneyso niyad khaalisa ula
imow.Haddii ay adag tahay xitaa illaahey ayaa kuu fududaynaya.
49
Xikmadodhiirigelin ah.
Dhiirigelintu waa waxa igu qasbay in aan qalinka u qaato buuggaan oo aan
filayo in uu si wanaagsan u anfaco ummadda akhrisa luuqadda soomaaliga,
marka waxaan ku soo qaatay ciwaankan ah: Xikmado dhiirigelin ah.
Dhiirigelintu waa waxa laf dhabarta u ah howl in ay bilaabato ama mid
socotay in la dhamaystiro sidaas awgeed buugga oo dhan ayaaba ah
dhiirigelin.
Waxaa dunnida ku dhumay awoodo fara badan kuwaas oo u baahan dhiirigalin yar
haddaba haddii baabuur shidaalka ka dhamaato waxa uu u bahan yahay waan
filaynaa haddii qofku shaqada uu ku daalo waxa uu u baahan yahay waan filaynaa.
1. Dhiirigelintu ma ahan ka bari noqoshada cabsida, laakiin waa
awoodda taasoo ah wax kale oo ka muhiimsan cabsida. (Redmoon)
2. Waa in aad riyootaa ka hor inta aysan riyadaasi kuu
rumoobin.(kalam).
3. Qiimaha wanaagsanaanta waa kartida,qiimaha karti xumaduna waa
niyad jabka.(Ward).
4. Markasta way fududahay in aad soo saarto wax wanaagsan.(Barr).
5. Waa in aad lahaataa riyo weyn si aad wax weyn ku hesho.(mathew).
6. Ma iska quusaneyno mana ogolaneyno dhibaatoyinka nasoo
wajahaya in ay naga adkadaan.(kalam)
7. Si aad ugu guuleysato yoolkada waa in aad ka fekertaa isaga kaliye
oo aad xoga saartaa.(kalam)
8. Ka bilaw meesha aad haada joogto, isticmaal waxa aad heysato,
qabo waxa aad qaban karto.
9. Si aad ugu nolaato nolol hal abuur leh waa in aad ka takhalustaa
cabsida aad ka qabto in aad wax qalato.
50
10. Sheeko ha u sheegin oo kaliya in ay run tahay lakiin u sheeg in ay
sheeko fiican tahay.
11. Waxaan nahnay waxa aan markasta ku celcelino sidaa awgeyd waa
in ay wax fiican noqdaan.
12. Haddii aadan waxba rajeyn, waxba sugi meysid.
13. Garashadu naguma filna haddi aanan dhaqan galineyn, rajaduna
naguma filna ee waa in aan qabanaa.
14. Waxkasta oo isku day ah oo caqliga bani adamka ku soo dhaca waa
la gaari karaa.
15. Waxaad khasaartay 100% waxa aadan isku dayin.
16. Ujeedadena oo qeexan waa bilawga hanashadena.
17. Waxaan noqoneynaa oo kaliye waxaan ku fekerno.
18. Guul darado waa hooska guushada ha isdhiibin marnaba
19. Xaglo laaban xoolo kuma yimadaan maskaxtada shiil
20. Noloshu 10% waa waxa ku dhaca 90% waa falcelinta aad ka bixiso.
21. Waqtigagu wuu xadiidan yahay sidaa awgeyd ha ku khasaarin
noloshada qofka kale noloshiish, wax la imaw dunida
22. Waxkasta in lagu guleysto guul ma han lakiin rabitanka guusha ayaa
guul ah.
23. Haddii aad maqasho cod ku dhahaya waxaan ma qaban kartid qabo
asagaa codkaas aamusi doona markaad bilawto wax qabadka.
24. Qofka kaliye aad noqoneyso waa qofka aad damacday adigu.
25. Haddii aadan waxba khiyaasan Karin side yoolkada u gareysaa?
26. Qofka aan waligiis wax qaldin waa midka aan waligiis wax isku
dayin.(Einstein)
27. Wax dhib ah malahan sida tartiibta ah ee aad wax u wado illaa aad
ka joojiso.
51
28. Ku dhaqan qodobadan soo socda: ka bilaw meel fudud waxa aad
bilabeyso, la saaxiib asxaab wanagsan oo kugu haga qorshahaga,
xafid oo sii wad waxbarashada, jooftey feker saxan (positive), arag
oo waxkasta ka fiiri dhinaca san , jooji fakerka kaligiis ee ficil u
bedal, garo nafsatada oo diyaar garey,bilaw safarka hooshada oo ha
soo jeesan, caawi kuwa kale sidii ay ku gaari lahayeyn wax ay
raban.
29. Hal qabsi ka dhigo aan wada guuleysano oo marnaba ha isku dayin
guuldarada qof kale in aad guul ka dhaxasho.
30. Ka takhalus dhaqan kasta oo sameyn qaldan u geysanaya
hormarkaada.
31. Qorshe aad go aansatay majiraa in aad qabato waqti
cayiman hadana aadan wali qaban maxaa naga qaldoomay ?
maxaan uqaban weynay ? sababtu waa annagoo isku qancinay in
waqti badan qorshahaan nooga dhimanyahay kadibna waqtigu nagu
soo dag dagay waxa aan qaban rabno yaanan waqti lasugin ee aan
qabano xilliga lajoogo .
32. daacadnimada iyo runta oo aan dhaqan kadhigataa waxay
kuu horseedi doontaa guul aakhiro iyo aduun shaqo kasta oo aad
qabanayso niyad wanaagsan ku qabo
33. Dadka wax garadka ah mar kaste waxay ku dadaalaan fursad ay ku
hanan karaan jaceylka dadka kale iyo wanaagooda taana waa
sababta u fududeysa guusha
34. Waxad ku wanagsan tahay oo aad umad ku hagi kartaa ama aad ku
hogaami kartaa waa maxay?
35. Barashada noloshada oo in aad barado jeclado waa barashada mida
ugu weyn
52
36. Markasta xaqiiji ujeedada hadafkada nololed sida waxbarashda ama
ganacsi ama midka aad hada heyso si waxkasta kugu muuqdan si
wanagsan oo aysan waxba mugdi kaa galin
37. Wax akriska oo uu qofku badiyaa waxaa la shegaa garaadka ayuu
kor dhiyaa sababtoo ah wuxuu wax ka ogaadaa wixii hore iyo waxa
waqtigaa tagan
53
XIKMADOKA HADLAYA WAXBARASHADA.
Waxbarashadu waa waxa kaliye ee qofka noloshiisa si lahubo wax uga badasha
dunida dadka ku naashooda waa dadka wax bartay xiddee Akhiro dadka liibaanaya
waa dadka waxbartay, sidaa awgeyd wax lala barbar dhigo waxbarasho majiraan
nolosha waxa badala ayaa ah waxbarashada waa dunida oo dhan aysan ku
khilafsaneyn muhiimadda waxbarasha wadamada hormarey wax ay la hormareyn
waa waxbarashada. Ku dhaqan wanagsan xikmadaha soo socda:
1. Aqoontu waa waxshad ka shaqeysa hormarinta nolosha, aqoontu waa midda
carruurta ka dhigtay dhaqaatiir, macalimiin, iyo xirfad kasta oo la barto waa
mida kaliye magac cusub kuu bixisa sida dhaqtarka, macalinka iyo wixii
lamid ah, waa midda mugdiga kuugu bedesha iftiinka.
2. Maskaxdu waa sida baarashuudka oo kale, waxey shaqeysaan marka ay
furan tahay oo kaliya.( James Dewar)
3. Waxbarasho fikir la’aan ah waa howl qasaartay, fikir waxbarasho la’aan ah waa
marin habow.
4. Eexasho mida ugu daran waa in aan carruurta wax la barin.
5. Dhiirigelin badan waxey ugu jirtaa ardeyga in la badalo fikirkiisa halkii laga uleyn
lahaa.
6. Waxbarashadu waxa ay kaa dhigtaa qof darajo sare ku leh bulshada uu la nool
yahay.
7. Haddii aad aqoon leedahay waa in aad u dhaqantii sidii aqoon yahan
8. Qofku aqoonyahan waxa uu yahay markii uu dareemo in mas’uuliyad ka saaran
tahay dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa.
9. Aqoonyahan lama oran karo qof siduu doono u dhaqma oo ay naftiisu
hogaamiso.
10.Dadka dunida ee horumaray waxa ay ku horumareen aqoonta oo ay sida saxda
ah ugu dhaqmeen.
54
11.Aqoonyahan aan dunida wax ku soo kordhin aqoonyahan dhamaystiran ma aha.
12. Waxbarashadu waxa ay kuu horseedaa hal-abuur in aad lahaato, hal
abuurnimadu waxa ay kuu horseedaa fikir , fikirkuna waxa uu ku siiyaa
aqoon, aqoontuna waxa ay kaa dhigtaa qof mustawe sare jooga (A.PJ.Abdul
kalam)
55
Xikmado hogaaminta wanaagsan Ka hadlaya.
Sida aan xog-ogaal u wada nahay hogaaminta wanaagsan waa waxa kaliya
ee ummad uga hormarto umad kale, waxaan kawada war qabnaa ummadda
somaaliyeed hogaanadii soo maray mid kasta boos gooni ah ayuu noogu
jiraa, waxa ay isugu jiraan hogaan ku dayasho wacan iyo mid ka dayasho
wacan.Sidaa awgeed waxa aan si cad u garaneynaa muhiimadda ay leedahay
hogaaminta wanaagsan , qodobada soo socda waxa ay ka mid yihiin kuwa
nuxurka u leh hogaaminta wanaagsan:
1. Tayada noloshaada waxa go’aaminaya ma ahan xaalka aad ku jirto ee
waa go’aan aad qaadato.
2. Xitaa haddii mucaaradkaagu badan yahay, go’aan yeelo oo dhameystir
waxa aad bilawday, dadku iyagaayaa ku fahmi doona dhamaanba. (
Kotaku Wamura (Mayor of Japanese village)
3. Dabaalo haddii markabku kuu iman waayo.( Jonathan Winters)
4. Labo nuuc oo awood ah ayaa jirta mid laga dhaxlo cabsi laga qabo ciqaab iyo
jaceel aad u qabto awooda. Awooda jacelka aad u qabto ayaa kun jibaar ka
waxtar badan joogtana ah mida awoodda laga dhaxlo cabsi laga qabo ciqaab.
(Mahatma Gandhi)
5. Hogaamiyuhu waa in uu lahadaa qorshe qeexan oo uu dhaqan galiyaa
6. Hogaanku waa in uu noqdaa mid ku dayasho wanagsan leh
7. Hogaanku waa in uu raad wanagsan ka tagaa oo umaddu uga taysato
8. Qof dabcigiisa haddii loo baahdo in la ogaado awood ayaa lasiiyaa
9. Halka maamulka waxa sida saxda ah u qabto hogaamiyuhu waxa saxda
ah ayuu qabtaa
10.Hogaamiyuhu waa in uu dabecada caadiga ah badashaa oo mas’uuliyad
in ay saran tahay ku xisaabtamaa
56
Xikmadoyin farxada ku saabsan
Waxaan ugu talo galay in aad markaad xogaa daasho, xanaaqto iyo caajisto
aad isku farxad galiso, waxaad ogaadaa farxad wax yeelo xun marnaba
lagama dhaxlo oo hormarkaada ayay ka qeyb qaadataa waa in aad
caadeysataa farxad inkastoo noloshu ay isigu jirto macaan, kharaar iyo
waliba dhanaan, waxaa wanaagsan in aad markasta is xasuusiso wax kaaga
wanagsan noloshada in aad faraxdaa ma jiraan sababta dadka oo dhan ay
howlaha kale duwan ee dunida ugu mashquulsan yihiin waa sidii ay farxad
ku heli lahaayeen marka in aad faraxdaa caafimaadkaaga iyo horumarkaaga
labadaba laf dhabar ayuu u yahay iyo weliba in ad dadka kalana farxad
galiso.
Xikmadahaan soo socda farxadda ayay wax kaaga tilmaamayaan:
1. Jaceylka waxa aad qabaneyso ayaa ah farxadda runta ah.
2. Marka aad faraxsan tahay wajigaagu wuu iftiimayaa xanuun kasta oo ku
haya wuu yaraanayaa.
3. Farxaddu waa daawada cudur kasta.
4. Ku farax waxa aad heysato xiiseyna waxa aad rabto in aad qabato.( Alan
Cohen)
5. Farxadu kuma cabiri karno waxa aan haleyno, waxa aan sameyneyno,
iyo waxa aan raadinineyno, waxaan ku cabiri karnaa qibradda aan
lawadagno dadka kale.
6. Qaado waqti aad lawadaagto asaxaabtaada, taas ayaad farxad ka
helaysaaye
7. Farxad geli dadka aad la nooshahay sida waalidkaa, xaaskaaga/saygaaga,
saaxiibadaa iyo weliba qof kasta oo kale marka aad farxad siiso kuwaas
jawaabta kuu soo laabaneysa waa farxadaada.
57
8. Shalay waa ay tagtay, barina waa mustaqbal, maantana waa
hadiyad.Taasina waa sababta loogu yeeray hadda.
9. Waxaa la ogaaday marka aad qosleyso in jirkaaga oo dhan uu cafimaad
dareemayo qosol inta badan noloshaada (farxad).
10.Ma fududa in aad waqti kasta faraxdaa, lakiin dabeecad ka dhigo waqti
kasta ama markasta oo aad xanaaqdana is xasuusi in farxadu ka
wanaagsan tahay.
11.Noloshu waa safar qofkii safarkaa jeclaata ayaa ayadana jeclaanaya
12. Markasta ahaaw qof naxariis badan hana ka shalayin waxad fasho oo
naxariis ah
13.Haddii aad rabto in aad qof ka farxiso waad ogtahay waxa aad sameyso u
samey mid lamid ah noloshada si ay u faraxdo
14.Nolosha waa fursad aan markasta joogeyn ee sida ugu saxsan uga
faa’iideyso.
15.Waqtiga aad galiso wax akhriska waa mid aasaaska u ah xikmada aad
yelaneyso.
X. Xikmado hal abuurnimada ka hadlaya
1. In aad fikrad fiican hesho waxaa sal u ah in aad fikrado badan aad
heysato.
2. Dadka waxaa loo qeybiyaa sadex: mid wax hal abuura, mid ka
koopiyeeya oo wax ka badala iyo mid nacas oo in uu wax haleeyo
mahane aan waxba qabaneyn.
3. Ha iska raacin meeshii ay wadadu u soco ee aad meesha aad u socoday
wado cusub fal raadna uga tag.(Ralph Waldo Emerson)
4. Qofka aan waligiis wax qaldin waa kana an waligiis wax isku
dayin(Albert Einstein)
58
5. Si aad ugu noolaado nolol hal abuur ka buuxo oo aad wax u curisad ka fogow
cabsi oo dhan samey wixii kugu soo dhaca oo wanag ah.
6. Haddii aad wax qiyaasan karto waad qaban kartaa, haddii aad wax ku riyoon
kartana waad ka dhabeyn kartaa ka kac jiifka dunida wax ku soo darso.
7. In aad sawirado waxyaabo badan waa bilawga hal abuurnimada
8. Hal abuurnimdu waa isku day aad marna ku fashilmeyso marna ku
guuleysaneyso wad illaa meesha aad tiigsaneyso ha ka daalin,
9. Ha ka baqin masafadda u dhaxeysa adiga damacaaga iyo runta, haddi aad
wax damci karto waad hanan kartaa.
10.Illahey xikmad dabiici ah ayuu ku siiyay midkalana waxaad ka dhashaa
shaqada aad qabaneyso.
XI. Xikmadaha xariirka bulshda.
1. Qofkasta haddii uu wanaga ka talsho dunida oo dhan wey wanaagsane
bilaw taada kuna xiji inta kugu xareersan
2. Dunida majiro qof dhashaa asagoo naceb qof kale dadku ayagaa
doonta naceebka ka fogaw in aad qof necbaato
3. Hormarka bulshada oo aad ka talisaa waxaa ku jira hormarka
nafsatada si aysan bulshadu faa’iido uga helin ayaad adigii u
shaqeynayay uga faa’iidaa
4. Aan kaligay guuleysto waxaa ka wanagsan aan wada guuleysano
5. Qof kale ha is barbar dhigin mas’uulid ayaa kaa saran xariirka
bulshadda ka soo bax waajibaadkada
6. Dhageyste wanagsan noqo waa lagu ixtiraami doonaye
7. Caawiye wanagsan noqo waa lagu caawin doonaye
8. Hogaamiye wanagsan oo ka soo baxa mas’uuliyaddisa noqo hogaanka
ayaa kuu fududaanayee
59
9. Sida aad noloshada waqti ugu hurto bulshada waqti gali wixii waqti
lagaliyo waa lagu intifacsadaa
10.Midey hormarkada iyo kan bulshada
XII. Xikmadaha macalinka.
1. Macalin qofka aad waxbareyso ma ahan weel maran ee sidii qof
kaa aqoon badan ula dhaqan
2. Macalinimaddu ma ahan buug la aqriyaa ee waa fikrad aad
xambaarsan tahay ee u soo gudbi ardeyda
3. Macalinka wanagsan waxaa lagu tilmaamaa hooyada wanagsan oo
kale
4. Macalin waa shaqsiga hormarin kara bulshada dibna u dhigi kara,
macalin noqo midkii bulshadan hormarin lahaa
5. Ardeyga wax u bar sida shimbirtu cunugeda dulimadka u barto ha
ku dhihin aniga iyo buuga nagu ekaaw ee bar sidii uu wax u baaran
lahaa feker ku abuur jawaabta asagaa keenaye
6. Ardeyga ha ku qiimeyn fasalka uu yahay ee garaadkiisa ku qiimey
oo bar dhamaan sidii wax ay u curin lahayeyn
7. Wax aysan xiiso u qabin oo noloshoda aan khuseyn waqti ha uga
lumin danahoda ka feker
8. Ardeygu waxa uu noqonayo mustabalka sameyn weyn waxaa ku
leh macalinka
9. Macalinku waa nashqadeyaha mustaqbalka ardeyda iyo bulshada
oo dhan
10. Macalinku waa in uu helaa qadarin qiimo sare leh si uu bu guddo
waajibaadkiisa, bulshow macalinka waa barbaariyaha ruuxda
60
XIII. Xikmadaha ardeyda.
1. Ardayahow waxaaad tahay ubax ifaya oo mirihiisa ay guran
laheyd bulshadu, maxaa kugu dhacay? aaway fikirkaagii iyo hal
abuurkaagii.Mise waxa aad Ku qanacsantahay jiifka?
2. Dunidda horumartay ardaydu fikir ayay ku hor mareen, aaway
fekerkaadii? Wax soo kordhi adigaa lagu wada sugayaa?
3. Ardeyda dambe waxa ay raaci doonaan badankood wadada aad
fasho maanta, wado nuucee ah ayaad u faleysaa oo ay raacaan?
4. Aqoonta haddii aadan gudbin waad hilmaameysaa, inta aad
taqaan lawadag walalahaa kaa hooseya
5. Ardeyga su’aasha badan waa kan wax curin doona kan
aamusana sidiisa ayuu u aamusnan donaa
6. Xasuuso dhalintii SYL qof dugsi sare dhameyay wey ku
yarayeyn, adiguna dugsi sare, iyo darajoyinkii jamacaded ayad
dhameysay asaad jartiin fadhisaa ka kac meesha.
7. Ardeygu waa in uu noqdaa hab dhaqankiisu mid ka duwan
dadka kale ixtiraam, feker, muuqaal intaba waa in uu ka
wanagsanadaa kan aan ardeyga aheyn waa in uu noqdaa ku
dayasho wanaagsan
8. Waxa aad waxbarashada gashatay waa waxa dunida kugu
qaalisan waa waqtigagii markaa waa in aad waxbarashii
faa’iidoyin badan ka dhaxashaa
9. Ardeyga wanagsan ma ahan kan ciyaaraha, aflaanta iyo waliba
waxyaabaha waxbarasho dhabqiyaasha sameya ee waa kan
waqtigiisa uga faa’iideysta sidii ugu wanagsaneyd
61
10.Ardeyga wanagsan waa kan layligiisa si wanagsan uga
shaqeysta oo aan marnaba ogolaan in uu ka mashquulo.
DHAMAAD
End is not end is effort never die ( ee waa dadaalku marnaba ma dhamaato)
Lasoco qeybta labaad ee buugaan oo ka xiiso badan qeybtaan.
Ma qaldoome waa allah
Walal wixii fikrad talo iyo tusaale ah igu soo hagaaji
Email: myariisow114m@gmail.com
Tell: +252615200114
Social media: facebook, twiter, youtube IWM: Bare myariisow
Ama page: baremyariisow.blogspot.com
MAHADSANIDIIN

More Related Content

What's hot (15)

The Secret To Success Is Your Mindset
The Secret To Success Is Your MindsetThe Secret To Success Is Your Mindset
The Secret To Success Is Your Mindset
 
Mindset
MindsetMindset
Mindset
 
6 tips to daily productivity
6 tips to daily productivity6 tips to daily productivity
6 tips to daily productivity
 
Presentation-generation
Presentation-generation Presentation-generation
Presentation-generation
 
Hope from Hopelessness
Hope from HopelessnessHope from Hopelessness
Hope from Hopelessness
 
Best SoP Samples
Best SoP SamplesBest SoP Samples
Best SoP Samples
 
Causes of death
Causes of deathCauses of death
Causes of death
 
The Power of Mindsets
The Power of MindsetsThe Power of Mindsets
The Power of Mindsets
 
Success by attitude
Success by attitudeSuccess by attitude
Success by attitude
 
Midlife crisis final
Midlife crisis finalMidlife crisis final
Midlife crisis final
 
Medisystem δικτυο
Medisystem δικτυοMedisystem δικτυο
Medisystem δικτυο
 
Technology affecting social skills
Technology affecting social skillsTechnology affecting social skills
Technology affecting social skills
 
Long term vs. short-term goals
Long term vs. short-term goals Long term vs. short-term goals
Long term vs. short-term goals
 
Attitude the key to success
Attitude the key to success Attitude the key to success
Attitude the key to success
 
Aging
AgingAging
Aging
 

Saxiibka guusha buug daabacaad 2017

  • 1. 1 NOQO QORAA AMA AKHRISTE HA NOQON MID SEDDAXAAD GOGOL XAAR Bismillaahi raxmaani raxiim waxaan u qoray buuggaan gacan qabsiga ah barnaamijka horumarinta nolosha aadanaha (self-developments) gaar ahaan waxaan u diyaarshay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka faa'iideystaan qoraalo gaagaaban oo nuxur leh oo shaqsi kasta taabanaya kuna dhalinaya dareen horumar iyo fikir saliim ah. Akhristaha sharafta lahoow adiguna lawadaag asaxaabtaada aad hormarka la jeceshahay oo aanu ku dadaalno in ummadda Soomaaliyeed oo lagu xanto in aysan wax qorin ama aysan badanaa wax akhrin in aan hadalkaas kareebno soomalida oo aan u muujino in aan wax qorno waxna akhrino, taasina waxey ku iman kartaa in uu qof kasta oo soomaali ah uu mas’uuliyad iska saaro in uu wax qoro waxna akhriyo. WIXII IGU KALIFAY IN AAN QORO BUUGGAAN? Buuggaan oo fikradda qoraalkiisu Igu dhalatay markaan wax badan daraasad ku sameeyay, barnaamijyada ka hadla horumarinta shaqsiyadda qofka, ayaan waxaan bilabay in aan la wadaago xikmado dhiirigalineed oo subaxle ah. Asaxaabta kala duwan ee aan lambaradooda hayay waqtigaas, anigoo subax kasta xikmadda ku haboon wax qabsiga iyo horumarka noloshana u dirayay waxaan waday muddo sanad ku dhaw. Kadib waxaan bilaabay in aan baraha bulshadu ay Ku kulanto sida fays-buugga ka sameysto bog, kaas oo aan xikmadihii aan u gudbin lahaa aan ku daabaco si ay dad badan u gaarto.Waqtigaas kadib hadana waxaan sameystay bog ii gaar ah oo aan Ku yeeshay shabakada internetka
  • 2. 2 ah(website).Si aan ugu gudbiyo xikmaddihii oo aan maqaal u badalay kuna daabaco si dunidda oo dhan inta somaaliga akhrisa ay u helaan. Intaas kadib ayaan ku fekeray qofkii intaas uu ku gaari waayey barnaamijkaan aan uga hadlayo horumarka nolosha in aan buug ka sameeyo si uu qofku markasta uu u noqdo mid heli kara markasta oo uu u baahdo waxaanna rajeynayaa in dad badan uu anfici doono noloshoodana uu wax badan Ka bedeli doono haddi alle ogolaado. HIBEYN Waxaan si galgaceyl leh ugu hadiyeynayaa buuggaan qiimaha leh kana hadlaya waxa dunidda ugu karaamada badan, ahna bani aadamka sida Allah subxaanahu watacaalaa horay noogu sheegay qofka iigu qaalisan dunida, uguna jeclahay inta hadda koonka saran waa hoyadey faadumo xasan jimcaale, waxaanan ka rebeyn dhamaan umadda somaaliyeed oo qalbigeyga ku weyn. XUQUUQDA DAABACAADDA Buuggaan waxaan sidaan kor ku soo xuseyba u hadiyeeyey ummadda soomaaliyeed sidaa awgeed buuggaan waxaad u isticmaali kartaa qaabkasta oo aad doonto markii laga reebo in buugga qoraalkiisa wax ka bedesho, waad koobiyeysan kartaa, waad hadiyeyn kartaa, waxaan ugu talo galay qofkasta qofkii uu hormar lajecel yahay in uu u sii hadiyeeyo si uu u akhristo. Waxaa kaliya oo aan kuu banaaneyn dembina kugu noqonaya in aad buuggaan qoraalkiisa badel ku sameyso sidii ay doontaba ha noqotee. Ogolaanshaheygu wuxuu kaa hor istaagayaa bedel aadan fasax uga heysan qoraha buugga. WAA KUMA QORAAGA BUUGGU Qoraha buuggan waxaa qoray Mahad Salaad Maxamuud (Myariisow). Qoraagu Wuxuu Ku dhashay bartamaha gobolka Galgaduud dhashay
  • 3. 3 1992.Wuxuuna tacliintiisa hoose iyo barashada qur'aanka kariimka ahba ku qaatay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir. Jaamacadda darajada koowaad ayuu ku dhamaystay isla magaalada Muqdisho wuxuuna ka diyaarshay kulliyadda waxbarashada takhasuskiisa oo ahaa cilmiga Bayoolojiga iyo kimisteriga.Wuxuuna koorsooyin kale ka diyaarshay barnaamijka hormarka nolosha sida tababarka nolosha, talobixinta iyo dhiirigalinta kuwaas oo ah dhammaan koorsooyin gaagaban oo online ah, iyo kuwo kale oo baraha laxiriira sida waxbarashada qaangaarka iyo diploomooyin la xiriira kulliyadda caafimaadka. Qoraagu wuxuu ku soo shaqeeyay caafimaadka iyo macallinimada wuxuuna bare ka soo noqday mac-hadyo badan oo ku yaala gobolka Banaadir waxaana ka mid ah Sahan academy, Al-kifaax secondary, Macruuf seconday, Al-furaat secondary schools iyo hadda oo uu bare ka yahay Xaruun Al-rashiid secondary school iyo hiil academy. Wuxuu horey u soo qabtay tababaro gaagaaban sida maareynta waqtiga, hagaajinta nolosha iyo barnaamijyo badan oo horumarka ardeyda ku saabsan sida ku guuleysiga imtixaanaadka iyo toosinta ardeyda. Haddana wuu sii wadaa tababaradaas oo uu sii balaariyay. Qoraagu sanadkii 2012tii ayuu aas-aasay machadka Hiil academy for science and personal development oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
  • 4. 4 AFEEF Buugaag badan ayaa jirta oo nuucaan ah kuwaas oo luuqadaha qalaad ku qoran oo lagu turjumay afkeenna hooyo sida saxiibo kasbo, waad guuleysan kartaa , jooji walwalka ee bilaw nolosha. Iyo kuwo kale oo badan, buuggaan lamagac baxay saxiibka guusha, asalkiisa ayaa lagu qoray afkeenna hooyo sidaa awgeed muhiimad gooni ah ayuu leeyahay. Ujeedada buuggaan waa kobcinta iyo sare u qaadida xirfadaha hormarinta nolosha iyo siddii horumar muuqda loo sameyn lahaa, si ay u suurto gasho in ummadda soomaaliyeed oo horumarka ka shaqeyso, ayna ladoonaan walaalahoda kale ay ku hagaan ama u tilmaamaan tariikha horumarka nolosha. Buuggani wuxuu kuu fududeynayaa in marka aad bulshada la hadleyso aad ku reebto sameyn la xariirta horumarka nolosha, sidoo kale waxaad ka diyaarsan kartaa khudbaddo aad uga hadleyso horumarka nolosha aadanaha.Buuggaan qaabka uu u sameysan yahay waa qaab aad markaad akhrido aad dadka kale si fudud ugu gudbin karto tusaale markaad qoraal ka qaadato cutubka koowaad waxaa kuu raacaya in aad sheeko dhex gashato taasoo aad ka soo qaadatay cutubka labaad hadalkaada oo dhanna aad ku qurxiso cutubka seddaxaad xikmadaha ku jira, hadda qaab wanagsan oo aad saameyn wanaagsan ku sameyn karto ayaan kuu tilmaamay waxaana kaa dhiman oo qura waa dhaqan galintiisa. CUDUR DAAR Waxaan ka cudur daaranayaa in aan qoraalo aan ka soo xigtay meelo kala duwan aanan helin tixraaca lakiin ma ahan buugga oo dhan oo bogga danbe ayaad ka tixraaci kartaa, waxaa kaloo caqabado badan igu noqday ereyadda Af- soomaaliga oo aan ognahay in ay bad yihiin qaab isticmaalkooda iyo weliba erayada qaar oo si kale duwan gobollada dalka looga kala yaqaan.
  • 5. 5 Hase ahaatee, waa buugeygii kowaad ee aan ku qoro luuqadda Soomaaliga sidaa awgeyd wixii aad qalad ku aragto fadlan iga sax oo xiriir ila soo samee adiga oo mahadsan si daabacadda labaad aan ugu bedalo wixii qalad ah. GOGOL DHIG Buuggaan wuxuu ummadda soomaliyeed u leeyahay muhiimad gooni ah mana khuseeyo qof gooni ah sida aan wada ognahay qofkasta hayaraado ama ha weynaadee waxa uu ku taamayo waa in uu noloshiisa horumar gaarsiiyo, sidaa awgeed buuggaan oo aad uga bogan doonto waxyaabaha nolosha lagu horumariyo, wuxuu kuu sahlayaa horumarkaaga iyo waliba waxa caqabada ku ah horumarkaaga, waxaa uu leeyahay xiiso gooni ah. Buuggaan oo aadan marnaba ku caajisi doonin qaabka aad u akhrisaneyso ayaa wuxuu noqonayaa in aad mowduuc ku jira buugga aad doorato markaad mowduucaas daraaseysona aad dhaqan galintiisa bilawdo. Ogow buuggaan akhris aad akhrisatay oo kaliya wax kaagama anfaci doono waxaa saldhig u ah dhaqan galintiisa waxaad kaloo samayn kartaa adigoo ku dhaqma qoraaladda buugga aadna u raaca sidii aad istiraahdo danbaa kuugu jirta, in aad waxaad ka akhrisay buugaan lawadaagto dadka kalena waxey soo galeeysaa dhaqan galinta iyo ficil horumar oo aad horey u qaaday. Waxaan hubaa in buuggaan haddii bulshada lagu faafiyo laga dhaxli doono horumar shaqsi ah iyo mid bulsho intaba. Iyo weliba hormarka wadanka, buuggani waxaa kuqoran casharo aan laga bixin goobaha waxbarashada kuwaas oo laf dhabar u ah horumarka nolosha bulshada sida aan wada ognahayna dunidda hormartay goobahodda waxbarashada waxaa lagu bartaa siddii nolosha horumar looga gaari lahaa iyo hagidda, qorsheynta, maamulidda, horumarka nolosha ee
  • 6. 6 shaqsiga sidii uu noloshiisa ku horumarin lahaa waxeyna leeyihiin tababarayaal nololeed oo u taagan habkii shaqsi waliba in uu horumar noloshiisa ka gaaro loo bari lahaa. Innaguse haddaan Soomaali nahay buugta waaweyn ee daraasada oo kaliya iyo degree la qaato ayaan horumar moodnaa. Waa in lahelaa mac-hadyo u taagan baridda shaqsiga waxa uu yahay iyo waxa uu qaban karoba, maanta waxaa la heli karaa dad hibo gooni ah Allah ku maneystay oo dalka iyo dadkaba feker horumar leh u horseedi kara, lakiin isticmaal la’aan iyo dhiirigelin la’aan ayuu la daxaleystay, oo wuxuu u baahan yahay jug yar iyo xasuusin awooda gaarka ah ee uu leeyahay. Waxaa run ah sidii hore in aysan xaaladdu hadda aheyn oo horumar badan dalka iyo dadkuba ay sameeyeen. Haddaba ma inta yar ee aan samaynay ayaan ku qancaynaa?.Aniga ilama aha, dadka gayaankeenna ah meesha ay gaareen meel ka hooseyda in aan ku qanacno, oo aan weliba haddana isla saxnaano, waa in aan dhaafnaa Halka ay asaageen gaareen, oo aan annagu noqonaa kuwa lagu daydo, taasna waxey ku iman kartaa inaga oo ka shaqeyna sidii aan ku wada guuleysan lahayn, sababta oo ah guusha walalkaa waxbey kuu kordhisaa ee waxba kaama nusqaamiso. Waxaan ummadda u balan qaadayaa qoraalkaan intaan kaliya in uusan noqon doonin oo buuggan qeybo kale aan u sameeyo haddii alle ii ogolaado.Adinkuna waa in aad bilawdaan in aad soo saartaan buuggaag la mid ah midkaan, iyo waliba kuwo ka qiimo badan oo aynaan marnaba ka habsaamin ama aynaan ka cabsan fikrado iyo feker wixii aad istiraahdo horumar ayaa ku jira.Qor soona gudbi wax qabadkaaga muhiimka ah. Buuggani wuxuu kuu noqon doonaa hage wuxuuna kuu noqonayaa markaad qodob qodob u dhaqan gelisid, ma aha iska akhri, ee hadaf la'aan ha u akhrin
  • 7. 7 buugan. Qodobka aad dhaqan galineyso sameyso koox aad lawagto oo aad tiraahdo aan dhaqan galino qodobkaan, maxaa kooxda kugu xiraya? Waxaad ka ogaaneysaa waxaan qof dhaqan gelin karta majirtaa haddii aad istiraahdo?, marka adiga waa ay kugu adkaan kartaa lakiin kooxda oo dhan kuma wada adkaan karto dhaqan galinta mowduuca ay doortaan. Waxaad buug gacmeedkan uga bogan doontaan qodobada soo socda : CUTUBKA KOWAAD Qoraal faalo ah, oo kugu hagi doona tariikha guusha. CUTUBKA LABAAD sheekooyin xiiso badan oo samirka iyo horumarka wax kaa baraya. CUTUBKA SEDEXAAD xikmado dhiirigellin ah kuwaas oo kugu hagi doona wadada guusha. Waxaa kale oo intaas sii dheer in buuggaan uu qeybo kale lahaan doono haddii alle idmo. Qeybahaas oo ka balaarnaan doona qeybtan kowaad. MAHADNAQ. Waxaan marka hore u Mahad naqayaa Alle (SW).Dabadeedna waxaan u Mahad naqayaa saaxiibadeyda qaaliga ah oo uu ugu horeeyo saaxiibkay Cali Maxamed Cusmaan (Cali-Kiimiko) oo ila toosiyey buugga dibna u akhriyey qaladaad badan oo Ku jirayna Ka saxay, saxiibkay Ismaciil Cabdi Siyaad oo wax badan igu dhiirigaliyay soo saaridda buugaan, Waxaan leeyahay intii igala qeyb qaadatay soo saarista buuggan waad mahadsantihiin.
  • 8. 8 CUTUBKA KOWAAD Qoraal faalo ah oo kugu hagi doona tariikha guusha 1. SIDEE AYAAD KU HANAN KARTAA HADAFKAAGA (YOOLKAAGA)? I. Dajinta hadafyada. II. Horumarinta istiraatiijiyadda aad ku hanan karto hadafyada. III. Lahaanshaha qorshe ficileed qeexan. IV. Aaminidda nafsadaada (isku kalsoonaanta). V. Dib u milicsiga howlahaga. VI. Dhiirigelinta nafsadaada. 2. WAQTIGA. I. muhiimadda waqtiga. II. sida looga faaa’iideysto waqtiga. III. sida loo maareeyo waqtiga. IV. waqti dhumiyayaasha ama waqti dilayaasha. 3. Ma is ogtahay adigu qofkaad tahay?...... I. Adiga iyo guusha. II. Yaa guuleysta?. III. Kumaad tahay adigu?. 4. Side ku hagaajin karaa habka aan ula dhaqmo bulshada?. I. Hababka asaasiga ah ee aad ku hanan karto dadka. II. Sirta aad qof qalbigiisa ku hanan karto, adiga oo aan waxba siin. III. Habka ugu wanaagsan ee qof loola hadlo. 5. Sedee loo go’aamiyaa waxa aad rabto. I. Ogaanshaha waxa aad rabto. II. Baahida aad u qabto in aad ogaato waxa aad rabto.
  • 9. 9 III. Jawaabta ka dambeysa ogaanshaha waxa aad rabto. 6. Side u daaweyn karnaa cuduradan waxuushta ah?. I. Cudurka wahsiga. II. Cudurka doqonimada. III. Cudurka cabsidda. IV. Cudurka xishoodka. V. Maxaa ka dhasha cuduradan? 2. CUTUBKA LABAAD. sheekooyin xiiso badan, oo samirka iyo horumarka wax kaa baraya. I. Sheekada kowaad: yaa darbeeyey bisadda II. Sheekada labaad : waxaan noqonaa asxaabtii oo kale. III. Sheekada sedexaad: wax ka baro. IV. Sheekada afarad: imisa jeer ayaad afaysay faaskaada? V. Sheekada shanaad: waa kuma Bilaal ibnu Rabaaxa? VI. Sheekada lixaad: waa kuma AbrahamLincoln? VII. Sheekada todobaad: Isii daawo aan sodohdey ku dilo. VIII. Sheekada sideedaad: boqorkii da’da noqday IX. Sheekada sagalaad: noqo sida harada oo kale. X. Sheekada tobanaad: tijaabada xanta.
  • 10. 10 3. CUTUBKA SEDEXAAD. xikmado dhiirigelin ah kuwaas oo kugu hagi doona wadada guusha. I. Xikmado diini ah. II. Xikmado dhiirigelin ah. III. Xikmado waxbarasho ah. IV. Xikmado hogaaminta wanaagsan ah. V. Xikmado farxada khuseeya. VI. Xikmado hal abuurnimada khuseeya. VII. Xikmado xariirka iyo bulshda Ku saabsan. VIII. Xikmadaha caruurta. IX. Xikmadaha guusha.
  • 11. 11 CUTUBKA KOOWAAD. Qoraal faalo ah oo kugu hagi doona tariikhda guusha. 1. SIDEE BAAD KU HANAN KARTAA HADAFYADAADA? Qoraalkaan gaaban waxaan ku soo bandhigayaa ama uga hadlayaa qodobada soo socda.Waxaan fahan kaa siinayaa qodobkasta meesha uu uga jiro hanashada hadafyadaada. Hadaba sida ay u kala horeeyaan ayaan ugu hadli doonaa: I. Dejinta hadafyada. II. Horumarinta istiraatiijiyadda aad ku hanan karto hadafyada. III. Lahaanshaha qorshe ficileed qeexan. IV. Aaminidda naftaada. V. Dib u milicsiga howlahaaga. VI. Dhiirigelinta naftaada. Inta aanan bilaabin 6da qodob faaladooda waxaan ka hor marinayaa ama aan isla fahmeynaa,waa maxay hadaf?Maxey se tahay muhiimadiisu?Adigu joogitaanka aad dunida joogto waa maxay hadafkeedu?. Iyo dhowr su’aalood oo kale, waxaan filayaa in aad su’aalahan ka jawaab celin karto, aadna xiligaan ka fekeraysid waxyaabo badan oo la xiriira su’aalahan. Hadaf (yool) si kooban haddan u sheego waa ujeedo, Hadaf (yool) waa meesha aad tiigsaneyso taas oo aad dooneyso in aad gaarto ama waa waxa aad dooneyso inaad hanato, Hadaf (yool) waxaa loo qeybiyaa, mid waqti dheer kuu qorsheysan, iyo mid waqti gaaban ah. Adiga hadafka dunidaan aad u joogto waxaa noo sheegay allah subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri: Jinni iyo Insi waxaan in ay I caabudaan aheyn uma abuurin. Suuradda adh-dhaariyaat(56).Waaan filayaa in aan aayadaas macnaha Allaah uu noo abuuray oo dhan aan ka fahamnay, taas oo
  • 12. 12 hadafku yahay in aan Allaah kaligiis caabudno. Hadaba haddii aan aragnay in kownkaan aan joogno hadaf aan ku joogno. Maxaa naga hor taagan in aan anaguna hadaf aan waajibaadkeenna ku gudano aan dejisanno oo aan waqti kasta qorshe ku socono. Hadda ayaan waxaan isla fahmi karnaa muhiimadda mowduuca. Intaas waxey aheyd gogol-xaarka mowduuca, markaan waxaan soo qabanayaa qodobka kowaad. 1. Dejinta Hadafka(yoolka). Marka hore liis ka samee dhammaan hadafyada aad dooneyso in aad hanato(gaarto). Ogow haddii aadan garaneyn ama aadan hubin waxa aad rabtid Waxa kaliya oo aad hadda diyaar u tahay in aad aqbasho waxkasta oo aadan filaneyn, ka soo gudub taas maskaxdaada ku hay, in hadafyadu ay yihiin markasta waxa dareenka leh ahna meesha laga dhaqaaqo, in aad mararka qaar bilawdaa ama dajisaa hadaf aan kaa dhab ahayn macno kuma fadhiso.Waxaa lagaa doonayaa waxa aad dejisatay in aad ka mira dhalin karto, oo aadan ka caajisin ilaa aad hadafkaas mirahiisa soo gurato. Marka aad liiska qoreyso u kala hormarso sida ay u kala muhiimsan yihiin hadafyadadu.Taasi waxey kaa caawin doontaa in aad diirada saarto sida ay u kala mudan yihiin. Liiska markasta oo aad hanato (gaarto) hadaf kugu jiray waad ku guuleysatay ee calaamadeyso. In aad qortaa hadafyadada sidoo kale waxey kaa caawineysaa in aad xaqiiqsato sida ay u kala mudan yihiin kala hormarintoodu. Waxaa kale oo intaas aan kuugu darayaa ku qor meel aad waqtigaaga badankiis aad ka arki karto, ama saacadaada saaro dhawaq (alarm).Macnaha waqti
  • 13. 13 kasta xasuuso oo ka war haay meesha ay wax kuu marayaan hana hilmaamin.Wax kasta oo ku hilmaamsiin kara qorshahaaga ka tag. 2. kala Hormarinta istiraatiijiyadeed ee aad ku hanan karto Hadafkaaga (yoolkaaga). Marka aad tixdo hadafyadaada, waxaad markan u baahan tahay in aad abaarto ama aad raadiso siddii aad mid kale oo ka hormarsan ku heli laheyd qaabka aad u wajaheyso si aad u buuxiso ama aad u fuliso hadafyadaada. Tusaale ahaan haddii liiska hadafyadaada uu kuugu jiray kasbashada asaxaabtaada dabeecadda wanaagsan. Marka aad rabto in aad kala hormariso, keebaa mudan in aad soo hormariso?Adiga oo aan dabeecadaadda wanaajin malaga yaabaa in aad kasbato asaxaabtaada?.Jawaabtu waa maya.Sidaas awgeed ku hormar dabeecad wanaagga. Waxba ma hanan kartid hadafyadaada haddii aadan sida ugu wanaagsan usoo kala hormarsan. Waxaad Hadafyadaada u dejisatay adiga ayaa iga garanaya sidii aad u kala hormarin laheyd adiga oo tusaalaha kore tilmaam ka dhiganaya siddii ay wax kuugu fududaan karaan u kala hormarso hana ka caajisin howl karmeed ayaad tahaye. 3. Lahaanshaha qorshe ficileed qeexan. Liiskaaga aad horey u soo sameysatay waa in aad u sameysataa qorshe ficileed qeexan.Tusaale ahaan: hadafyadaada oo uu kuugu jiray kasbashada asaxaabtaada adiga oo ku xulanaya dabeecad wanaagga.Waa maxay habka ugu saxan ee aad ku kasban karto asaxaabtaada?.Wuxuu noqon karaa in aad qadarisid fakirkooda, aadna ixtiraamto hadalkooda, si daacad ahna aad ula dhaqanto.Waa in
  • 14. 14 aadana dhaleecayn oo aadan ceebahooda sheeg-sheegin markaad intaas iyo in kale oo badan sameyso oo aad ku darsato qorshahaaga waxaa kuu fududaanaya in aad wax badan ku dhaqaaqto. Qodobada kore oo dhan waa hadal. Haddase waxaa lagaa doonaa waa ficil aad ku dhaqaaqdo. Ujeedadu waxey tahay markaad wax qortid haddii aadan dhaqan galin qoraalkaaga wax ka soo qaad malaha.Tusaalaha kor ku xusan waa in aad markastaba bedashaa la dhaqanka asaxaabtaada oo aad ficil u badashaa qoraalkadii kuu qornaa ayey Ku jirtay ee ogow. 4. Aaminidda naftaada. Haddii aad dooneyso in aad ka miro dhaliso hadafyadaada oo aad noqoto qof guuleysta waqti kasta waa in aad aamintaa naftaada oo aad isku kalsoonaataa. Dadka guuleysta dhamaantood waxa ay ku guuleysteen waa aaminsanaanta ay naftooda ay aaminsan yihiin haddii aadan adigu isku kalsooneyn waa kuma qofka kugu kalsoonaanayaa?. Waa in aad kalsooni ku qabataa waxa aad qaban karto iyo waxa kaleba.Taasi waxey kuu horseedi doontaa guul ma dhamaato ah. Haddii aad isku kalsoonaato waa qasab waadna hanan kartaa hadafyadaada, waadna ka guul gaari kartaa, ogow haddii lagaa waayo kalsooni qodobada aan kor ku soo xusay dhammaan wax ka soo qaad malaha ama wax badan oo saameyn ah kugu yelan maayaan. Dhammaan qodobadaas waxaa fure u ah dhiiranaansho adiga lagaa helo, ka fikir sida aad adigu isku aragto, ee ha ku fikirin sida ay dadka kale kuu arkaan.Taasi hoosbay kuu dhigeysaa mar walba. Guul kasta meesha ay ka bilaabato waa kalsoonida aad isku qabto.
  • 15. 15 5. Dib u milicsiga howlahaaga. Xaqiiji oo waqti kasta isha ku haay sida ay u socdaan howlahaaga aad qabatay, iyo kuwa aad qaban rabtid intaba, baaritaan ku samee sidii aad ku gaari laheyd hadafyadaada. haddii aad hanato hadafyadaada qaar kamidah, u hambalyee dadkii kaala qeyb qaatay sida asaxaabtaada, qoyskaaga iyo weliba nafsadaada, taasoo u bareertay howshaan in ay qabato. Haddii aad gaari weyday isweydii waxa kaa qaldamay oo raadi xalka, Illaa aad xalkaas ka hesho nasiino meel kuuma taal, markii aad gaarto hadafyadaada qaar kamid ah naso, oo nafta u raaxee oo abaal mari naftaada. Ilayn dadka kaleba waad abaal marineysaye. 6. Dhiirigelinta naftaada. Dhiirigelintu waa waxa ugu weyn ee kuu sahlaya in aad gaarto hadafyadaada, dhiirigelinta waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo waweyn:Mid adiga gudahaaga ah, oo aad adigu is dhiirigelineyso.Iyo mid adiga dibadaada ah oo banaanka kaaga imaneysa ama kaa saameyneysa. Waxaase marka kowaad muhiimsan in aad adigu is dhiirigeliso oo aad isku day sameyso markaad xoogaa kaxeyn weyso oo shidaalku kaa sii dhamaanayo markaas ayaad mida banaankaaga ah raadsan kartaa taasina meel kasta ayey taalaa sida: In aad gasho websites ka hadla sida (https:baremyariisow.blogspot.com), youtube (dhiirigelin ama bare myariisow), buuggaag, CDkada , mac-hadyada tababarka nolosha, iyo shaqsiyaadka wax dhiirigeliya taasna waxey laf dhabar u
  • 16. 16 tahay hanashada hadafyadaada. Waxkasta waxey ku xiran yihiin baahida aad u qabto waxaa kaliya oo kaa xiga helitaankeeda waa doon-doonistaada. 2. WAQTIGA. Waxaan qoraalkaan gaaban uga hadli doonaa in-shaa-allah waqtiga. I. muhiimadda waqtiga. II. sida looga faa'iideysto. III. sida loo maareeyo waqtiga. IV. waqti lumiyaasha ama waqti dilayaasha. MUHIIMADDA WAQTIGA. Muhiimadda waqtiga qofkasta oo caqli u saaxiib ah waa uu garanayaa mana aha in aan hadda idin baro, lakiin waxbaan iska xasuusineynaa, sida aan wada ognahay muhiimadda waqtiga waxaa nooga hadlay diinteenna islaamka ee aan ku dhaqano, iyo weliba cilmiga maadiga ah. Waxaa layiraahdaa qofka noloshiisa waa waqtiga uu nool yahay sidaa dardeed miyeysan aheyn haddii qofku waqtigiisa qasaarsho in uu qasaariyey noloshiisii? Waxaa intaa oo dhan nooga filan muhiimadda waqtiga in ay kamid tahay su’aalaha qiyaamaha la isweydiin doono, haddii hadda sida ugu wanaagsan aan uga faa'iideysano berito su’alahaas jawaabo waan u heli karnaa, marka waxaan ka faa’iideysan karnaa oo kaliya inta uusan waqtigu naga dhammaan, goorma ayuu waqtigu naga dhammaanayaa? Waa su’aal aan qof kaaga jawaabta laheleyn sidaas dardeed wuxuu kaa dhammaanayaa markii geeridu kugu soo kulanto markii nafta lagaa siibo inta ka horeysa oo kaliya ayaan fursad u heysanaa in aan ka faa’iideysano waqtigeena qaaliga ah .
  • 17. 17 SIDA LOOGA FAA’IIDEYSTO WAQTIGA. Waxaad uga faa’iideysan kartaa waqtiga adigoo fahma qiimaha uu leeyahay waqtigu, markaad fahamto qiimihiisa ayaad bilaabi kartaa ka faa’iideysigiisa, haddii aad ka faa’iideysato waqtiga waxaad ka faa’iideysatay noloshaada, sidaas dardeed guusha aad noloshaada hananeyso waxey ku xiran tahay sida aad uga faa’iideysatay waqtigaaga, fahamka noloshu waxey ku xiran tahay sida aad uga faa’iideysato waqtigaaga.Sidaas dardeed waa in aan waqtiga ka faa’iideysigiisa si wanagsan u fahamno. Waa in aad ka jawaabi kartaa su’aalaha soo socda iyo kuwo kaleba : 1. Maxay faa’iido ii leedahay in aan ka faa’iideysto waqtiga? 2. Sidee ugu wanaagsan oo aan uga faa’iideysan karaa waqtiga? 3. Haddii aanan ka faa’iideysan maxaa igu dhacaya? 4. Haddii sidii larabay aan uga faa’iideysto maxan faa’iideyaa? Su’alahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa lagaa doonayaa in aad isweydiiso. Ma ahan in aan xujo Kaaga dhigayo, lakiin dhammaan jawaabtooda waxaa kaa xiga iskuday, ee buug iyo qalin qaado oo isku day si aad uga jawaabto.Shakina yuusan kaa gelin. Hadda ku dhaqaaq jawaabta kuu soo baxdana waa in aad dhaqan galiso.
  • 18. 18 SIDA LOO MAAREEYO WAQTIGA. Sida loo maareeyo waqtiga wax badan ka oran maayo adiga iyo dadaalkaaga ayey ku xiran tahay, lakiin sida ugu fudud ee aad u maareyn karto waqtigaaga waa in aad jadwal howleed leedahay.Haddii aadan jadwal howleed laheyn shaqo ma maareyn kartid, sidaa awgeed hadda ku dhaqaaq in aad sameysato jadwal howleedkaaga oo cidina yeysan kula maamulin, waxaad heysataa 24 saac oo kaliya maalin kasta sidaas darteed waa in aad saacad kasta qorshaha aad leedahay uu noqdaa mid qoran oo qeexan.Ogow 86,400 oo ilbiriqsi in ay ku jirto 24 sacadood, 1 ilbiriqsi oo kasta markuu kaa go’o waxaa naaqusaya waqtigaaga qeyb ka mid ah. WAQTI LUMIYAYAASHA AMA WAQTI DILAYAASHA. Haddii aan isla soo fahamnay muhiimadda waqtiga, faa’iidadiisa iyo weliba sida loo maareeyo. Waxaa noo fudud in aan si gun dheer u fahamno waqti dilayaasha sababtoo ah wixii caqabad ku noqda inta aan kor ku soo xusay waxey noo galayaan waqti lumiyayaasha, sidaa awgeed haddii aan faham ka qaadano sida loo maareeyo waqtiga waxaa fudud in aan fahamnay ciwanka ah waqti dilayaasha. Waxaa jira waxyaabo badan oo aad laxawsato lakiin cadaw ku ah waqtigaaga oo si aadan filayn waqtiga kaaga lumiya waxba yuusan qoraalku ila sii sikan ee iga qabo magacyadooda si ficana ugu dhega nuglow oo iska jir : talefoonkaaga, booqdayaasha aan la balamin, kumbiyuutarkaaga, casuumadaha qowskaaga, baraha ay bulshadu ku kulmaan sida Facebooga. Kulama aan qorsheysneyn iyo weliba daalka ama walaaca sida: caajiska iwm. Ogow caajisku waa tuugga ugu weyn ee xada waqtiga (lumiya).
  • 19. 19 MA IS OGTAHAY ADIGU QOFKAAD TAHAY? I. Adiga iyo guusha. II. Yaa guuleysta? III. Kuma ayaad tahay adigu? ADIGA IYO GUUSHA. Guushu shaqsi ay la dhalatay maa jiraa?. Amase ma jiraa shaqsi heysta oo aan ka raadineyno? mise shaqsi ayaa noo keenaya oo aan ka sugnaa? Guusha qofkii raadiya oo boholyow uqaba ayaa hela.Qofkastana ma helo ee adigu baahi ma u qabtaa? oo wax aad rabto in aad ku guuleysato majiraan? mise sida aad tahay iyo heerkaaga wax qabad ayaad ku qanacsan tahay?. Qanaaco haddey jirto meesha kuma jirto. Dadka oo dhan wey u simanyihiin fursadaha lagu guuleysan karo lakiin waxey ku kala duwan yihiin iskudayga iyo baahida ay u qabaan guusha. YAA GUULEYSTA? waxaan filayaa markaan maqalno waxbaa lasameeyey waan layaabnaa oo waxaan ku fekarnaa qofkaas sidee buu waxan u sameeyay?.Runta ayaa waxa ay tahay haddii adigu aad is fiir-fiiriso oo aad fekerto oo aadan banaankaaga ma ahee adiga gudahaaga iyo awoodahaaga ka fakerto wax kasta oo aad maqashay in uu qof soo saaray wax ka mucjiso badan ayaad adiguna soo saari kartaa.Is eeg oo gudahaaga weyneyso isku fiiri, fiiro fog, markaas ayaad waxaad arki kartaa qofka aad tahay iyo waxa aad is moodo.Markaad is ogaato waxaa kuu soo bixi doona in aad fikir gasho.Kadibna aad ficil ku xijiso kadibna aad wax aad layaabto soo bandhigto waxaas oo dhan waa hadal laakiin waxa lagaa doonayo oo aad wax ku xaqiijin kartaa waa ficil.
  • 20. 20 Dunida waxaa dadku isticmaalaan oraahdaan ah:Qofku in uu riyoodo kuna daro doorasho habkii uu riyadaas uga rumeyn lahaa kadibna uu ku daro ficil waxaa soo baxaya guusha uu ku haminayey. (riyo +habkii+ ficil= guusha). KUMA AYAAD TAHAY ADIGU? Dadka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood, iska fiiri qeybta aad ku jirto waa: 1. Ruux dhacdada sameeya. 2. Ruux dhacdada fiirsada. 3. Ruux dhacdada layaaban. Qofka aad tahay yaa og.Waa adiga markaad go’aansato in aad wax sameyso.Inta aadan wax isku deyin kalsooni shub kasameysan sameyso oo diyaar garow adag ku dar waa qodobo wanaagsan oo wax kasta kuu fududeynaya, hadaba haddii ay kalsoonidaadu yartahay,wax markaad bilawdo waxaa liitay diyaar garowgagii hore markaas ayaad dhex uga hari doontaa howshii sidaas daraadeed iska adkey kalsoonida aad naftaada ku qabto. Markaad wax curineysid diyaar garow xooggan ku dar. Markaad bilawdo in aad wax soo kordhiso waxaad yeelan doontaa dad badan oo aan waxba soo kordhineyn oo dacaayadaada ku shaah cabaya. Hadaneyn kuwaas oo dheg ha u taagin danahaaga iyo qorshahaaga ka raaco oo sii wad howshaada. Qofkii si wanaagsan wax kaaga saxana soo dhaweey,isaga ayaad dadka ku leedahaye, laakiin waxa aad niyeysatay qof hadalkiis ha uga harin qorshahaaga, waa haddii aysan qof dhib u geysaneyn. Waxkasta waad qaban kartaa, waxaadna noqon kartaa kan ugu horeeya dadka.Waxaad tahay halyaay geesi sooma jeeste ah. Ka dhabee riyooyinkaada oo sida ay u kala fudud yihiin u soo kala hor marso . Ogow in aad tahay mucjiso
  • 21. 21 sababtoo ah qof kugu fikir ah, kugu caqli ah, kugu muuqaal ah, kugu dabeecad ah, waxkasta oo aad adigu tahay. Majiraan qof kula heysta si kastaoo aad u raadiso majiro.Sidaas awgeed waxaad soo kordhin karto qof soo kordhin kara kaama dambeeyo haddii aad ka fadhiisato oo aadan soo ikhtiracin qof kale oo soo ikhtiraaca ama soo shaac bixinaya majiro awoodaas adaa dayacay jiifka ka toos. Fekirkaadu dunida oo dhan ayuu labo mid u horseedi karaa.Mid wax hagaajiya ama mid wax khasaariya. 3. SIDEE KU HAGAAJIN KARTAA HAB DHAQANKA BULSHADA. I. Habka aasasiga ah ee aad ku hanan karto dadka II. sirta aad saaxiib wanaagsan ku noqon karto III. Dooda wanaagsani waa tuma?. HABKA ASAASIGA AH EE AAD KU HANAN KARTO DADKA. Kula dhaqan dadka sida wanaagga badan ee aad jeclaan laheyd in laguula dhaqmo.Noqo qof dadka ula macaamila si xirfad wanaagsan, oo lagu jeclaan karo, noqo qof u dhoola cadeeya dadka, deeqsina ah,marka aad hadleysana run ku hadal oo wejigaaga ha laga dareemo in aad dhab ka hadleyso, qof kaftan hufan oo fur furan noqo. Haddii aad rabto in aad malabshubato waa in aadan ka baqin qaniinyada shinnida, sidaas oo lamid ah markaad dadka la macaamileyso waxaa ku soo wajahaya dhibaatooyin badan xitaa waxaa dhacda markaad dadka qaar qadarisid in ay iskaala kaa weynaadaan, kuwa qaarna is dhahaan dan gooni ah ayuu idinka leeyahay, kuwa qaar jiljileecada iyo wanaagga iyo xushmadda aad la rabto ayey hoos kuugu dhigayaan marka waxba ha u istaagin muhiimadaadu waa hanasha
  • 22. 22 qalbiyada ku jecel iyo kuwa ku neceb labadaba, qofkii naceyb kugu qaabila jaceyl ku qaabil. Waxaa kale oo dadku kugu jeclaan karaa adiga oo caawiya markii ay xaaladdu ku adag tahay, oo ay kaalmo u bahan yihiin markaas xitaaso xad dhaaf ah ayay kuu xasuusan doonaan, awoodaheenna aan qof qalbigiisa ku hanan karno kuna guuleysan karno jeceylkiisa taas ayaa nolosha farxad siineysa. Dhinaca kale haddii aan ka fiirsho, ogow haddii dhaliil, fadexad ama wax aan la jeclaysan oo aad qofka ku sameysaa in ay guul daro ku tahay la dhaqanka bulshada, iyo xitaa cabashada badan ee qodobadaas iyo kuwo kale ka fogow. SIRTA AAD SAAXIIB WANAAGSAN KU NOQON KARTO. Haddii aad dhowrka qodob ee soo socda aad si sax ah ugu dhaqanto waxaad noqoneysaa saaxiibka qof kasta.  Qof ha dhaleecayn oo ceebihiisa ha sheeg-sheegin, xitaa haddii aad aragto marar badan qof kale ha ushegin.  Noqo qof si daacad ah ula dhaqma qof kasta khiyaamana ka fogow.  Sida aad adigu jeceshahay in laguu caawiyo u caawi dadka kale oo guusha la doon.  Qofku marka uu war kuu sheegayo aad u dhageyso oo u muuji in aad hadalkiisa macaansaneyso oo uu xiiso kugu hayo.  Marka aad sheekeyneyso ama aad qof lahadleyso dhoolo cadeyn ku qaabil xitaa caafimaadkaagaayey u wanaagsan tahay.  Marka aad qof qaabileyso si saaxiibtinimo leh ku qaabil, oo farxad geli.
  • 23. 23  Xasuuso magacyada dadka aad la macaamileyso oo ugu yeer magacooda taas waxaa la ogaaday in marka aad qofka magaciisa ugu yeerto in uu aad kuu qadarin doono tijaabi adiguna.  Dhageyste wanaagsan noqo,si aad u noqoto sheekeeye wanaagsan. Dadka ku dhiirigeli in ay shaqooyinkooda ama howlahooda ay dhameystirtaan kuna farxaan.  Ku hadal oo u sheeg qofka aad la hadleyso waxyaabaha uu daneynayo si uu kuu xiiseyo.  Qofka marka aad la kulmeyso u muuji inaad aad u xiiseneyso kulankiisa Dhammaan qodobadaas waa in ay kaa ahaadaan daacad.Iska yeel-yeel aadan joogteyn Karina waa lagugu naci donaa. DOODA WANAAGSANI WAA TUMA? Waxaan ognahay dhamaanteen in aadanuhu dood uusan ka leexaneyn gaar ahaan ummaddeena soomaaliyeed qaarkood oo dooda faan iyo wax wanagsan u heysta qof kastana uu jecel yahay in uu dhinaciisa guul ka gaaro dooda, xikmad oranaysa ayaa jirta qofka kula dooda ma ahan in uu cadawkaaga yahay kan aan kula doodinna ma ahan in uu saaxiibkaaga yahay. Doodu sideedaba wax wanaagsan ma aha, oo diinteenna islaamka ayaa nafareysa in aan kafogaano.Waxaan oran karnaa marka dood wanaagsan ma jirto, lakiin haddii ay doodi dhalato habka ugu wanaagsan ee aan ku mareyn karno waa maxay? Haddii ay tahay doodu dood cilmiyeed lana filayo in ay gundhig leedahay waa mid meesha ay u socoto la saadaalin karo, lakiin haddii ay tahay mid aan cilmi ku dhisneyn waxey keeni kartaa is naceyb.Waxaa wanaagsan in aad ka dheeraato
  • 24. 24 midaas, dood iyo kaftan waxaan filayaa in aan si wanaagsan u kala saari karno hadda marka aad doodeyso waxa wanaagsan inaad isweydiiso waxa aad ku doodeyso cilmi ma uleeydahay sida loo dodo xitee waa cilmi dhan oo la barto, tankale marka aad doodee hadaladada ma xakameyn kartaa oo xummaan maka dhowri kartaa? Caqliga wanaagsan ma ahan in aad ku guuleysato dooda ama muranka, ee waa in aad ka dheraato. Taas ayaa ah xikmada ugu wanaagsan ee aad hal ku dhig ka dhigan karto. SEDEE LOO GO’AAMIYAA WAXA AAD RABTO? I. Ogaanshaha waxa aad rabto. II. Baahida aad u qabto in aad ogaato. III. Jawaabta ka dambeysa ogaanshaha. Ogaanshaha waxa aad rabto. Waa maxay waxa aad sida xaqiiqda ah aad noloshaada larabto? Waxyaabaha la arko waxaa kamid in dadka badankiis aysan daboolka ka qaadin waxa ay rabaan illaa dhimashadooda taasina waa ceeb, maxaa ku sababay in ay waqtigii yaraa ee ay noolaayeen ay daboolka uga qaadi wayeen waxa ay rabaan?. Dadka badankood waxaad arkeysaa in aanay garaneyn waxa ay qabanayaan, ma wax faa’iido u lehbaa mise waa maya? ma kala saarayaan.Taasiiyana waa dhib kale oo weyn, maxaa ka hortaagan inta aysan ficilka ku dhaqaaqin ka hor in ay tuujiyaan maskaxdooda oo ay ka fikiraan waxa u wanaagsan iyaga?
  • 25. 25 Dadka qaar waxaad arkeysaa wax aysan jecleyn isku dhibaya oo waqtiga ku luminaya, oo maxaa u diidaya wax faa’iido u leh naftooduna rabto in ay qabtaan? Ogaanshaha waxa aad rabto waxey ku imaan kartaa in aad waqti isa siiso oo aad marka aad meel fariisato aad nafsadaada fursad u siiso, taasoo aad kula sheekaysato kuna dhageysato.dhageyso qalbigaaga waxa uu ku farayo oo su’aal ka dhig, hadana ka jawaab celi xalka ugu sahlan ee aad waxa aad rabto noloshaada aad daboolka uga qaadi karto waa kaas ee tijaabi wax badan. Dadka qaar waxaad arkeysaa dhalo fiirsanaya(Taleefishan) wax ka badan saacado oo qofka aad dhalada ka fiirsaneyso shaqadiisii ayuu haystaa ee aaway adiga taadii(shaqadaadii)? Baahida aad u qabto in aad daboolka iska qaado. Muhiimadda ayaa waxa ay tahay wax aadan baahi u qabin sameyntoodu kuuma cuntamayaan, sheekadooda iyo weliba fakirkooduna sidaas oo kale dhadhan kuuma laha. sidaas awgeed baahida aad uqabto in aad soo muujiso qofka aad tahay, waxa aad qaban karto iyo weliba awoodahada dheraadka ah ee eebe weyne ku siiyay inta ay la egtahay? Waxa aad rabto iyo baahida aad u qabto haddii ay islasiman yihiin oo aysan kala badneyn ama ay haabidu ka yartahay waxa aad u baahantahay, weli shaqo badan ayaa kuu dhiman ee kac oo toos illaa baahidu ka badato waxa aad u baahantahay.Markaas ayaad xoogaa meel aad wax ka bilawdo helaysaa, haddii baahidu yartahay waxay ku tusineysaa qanaaco in ay jirto.
  • 26. 26 Inta ay qanaaco jirtana waad curyaameysaa maahee wax badan kuu hagaagi mayaan. Jawaabta ka dambeysa ogaanshaha baahidaada. Waxa aad qiyaasi kartaa Jawaabta ka dambeysa ogaanshaha baahidaada, waxa ay guushu kuu bilaabatay markii aad ogaatay baahidaada. Hadda waxaad ku jirtaa safarkii aad ku baadi goobi laheyd waxa aad ka rajeyneyso safarkaaga. Jawaabtu waa miraha aad guraneyso haddii aad sii joogteyso shaqadaan aad bilawday sidaas awgeed waxaa lagaaga baahan yahay in aad noqoto qof aragti dheer oo sahmin kara waxa uu rabo iyo jidkii uu umari lahaa sidii uu u xallin lahaa su’aalaha badan ee qalbigiisa ka imanaya. Guusha noloshaada oo aad raad-raadisaa waxaad ka heli doontaa meel aan kaa fogeyn lakiin waxaa kaaxiga in aad marka hore raadiso oo aad doonto guusha nolosha ee badanaa aan qoraalka ku soo celceliyey, maxaan ugala jeedaa ayaad isleedahay ? waxaan guusha nolosha ula jeedaa sidii aad horumar uga sameyn laheyd dhammaan kuwa soo socda: shaqadaada, waxbarashadaada, qowskaaga, asaxaabtaada, bulshadaada, xirfadahaaga, iyo dhammaan noloshaada oo dhan. Sidee ayaad u maareyn kartaa labo cudur oo khatar ah. I. Cudurka wahsiga. II. Cudurka doqonimada. III. Maxaa ka dhasha labadan cudur?. Inta aanan ka faaloon labadaan cudur (wahsiga iyo doqonimada) oo aan ku magacaabay cuduro khatar ah oo aan wax dawo caafimaad ah aan laheyn, sidee ayuu kuu taabtay warkaas ah cudur in ay yihiin, ma igu raacday mise shaki ayaa
  • 27. 27 kaaga jira in ay yihiin cuduro daran oo ka liita kuwa dilaaga ah sida AIDS-KA IYO KANSARKA. Warku waa cuslaaday ayaan filayaa, mar haddii aad aragtay in aan ku magacaabay in ay ka daran yihiin cuduradii dhawaqooda ay dadku necbaayeen, kawaran haddii aad labadan cudur aad qabto oo aad la daalaa dhaceyso haddana aadan war iskaheyn oo aad bukaan socod aad u tahay.Markii lagu baaro oo lagaa helo, dhib malaha kaligaa ha isku moodin oo feker dheer ha gelin, dadka dunida oo dhan badankood ayaa kula qaba waana labo cudur oo qofka horumarkiisa cadaw ku ah, qof qabaana in uu nolol farxad leh ku damaashaado oo uu noqto mid guuleysta majiro. Cudurka wahsiga. Wahsiga waxaan filayaa in aad u heysatay wax iska caadi ah oo aan saameyn weyn kugu laheyn, lakiin wahsigu waa cudur ka daran cudaradda wax dila, kuwa qofka xibnihiisa awood tira, kaba sii daran cudurka kansarka, dhiig karka, kaadi macaanka iyo cuduro badan oo jirka iyo caqliga qofka aad u saameeya.Maxaan sidaa u leeyahay? sababta ayaa ah cuduradaas aan kor ku soo xusay dhamaan ama badankood waad la noolaan kartaa waxna waad qabsan kartaa lakiin cudurka wahsiga haddii aad qabto waad isla quman tahay oo isma ogid in aad jiro ladaalaa dhaceyso adigoo dhibban ayuu hadana qumanahaagu qoorta kuugu jiraa. Cudurada aan kor ku soo xusey dadka qaba markey baaritaan caafimaad tagaan daawooyin kaalmaati ah ayaa la soo siiyaa, lakiin wahsi weli dhaqtar ma ugu tagtay xitaa qof khabiir Ku ah igala tali ma tiri? waxaan filayaa in aysan dhicin, haddii ay dhacdayna ay yartahay.Cudurkaan waxa uu uga daran yahay cudurada aan kor ku soo xusey:
  • 28. 28 1. Ruuxa uu hayo isma oga iskamana baaro. 2. Ruuxa uu hayo waa uu isla saxan yahay oo xitaa bulshada ayuu ugudbiyaa. 3. Dadka qaba nolosha kuma farxaan oo eedayn ayay waqtiga ku lunshaan 4. Si sahlan ayuu ku faafaa oo waxaad arkeysaa qof meel fadhiya oo wahsanaya iyo toban qof oo agfadhiya. 5. Dadku maqarsadaan oo wey sheegaan ayagoo isla quman cuduradda kale waa lala aamusaa. 6. Dadka qabaa isma ceebsadaan oo wey ku faanaan “waan wahsanayaa ee waxaas ii soo qabo ayey yiraahdaan” ceebikuuma dhimana haddii aad sidaas tiraahdo. 7. Cudurkaan waa cudur joogto ah oo dadka meel kuwada nool ama kawada shaqeeya ay badanaa wada qabaan. 8. Cudurkaan awoodda qofka ayuu hoos u dhigaa. 9. Cudurkaan wuxuu qasaariyaa noloshaada qeyb ka mid ah macnaha waqtiga ayaan uga jeedaa. 10. Cudurkaan haddii aadan iska qaban naafo ayuu kaa dhigaa.Macnaha awoodaha allaah uu ku siiyey oo dhan ayuu kaa dhantaalaa. Waxaan filayaa markaan in aad diyaar u tahay sidii aad isaga suulin laheyd cudarkaan wahsiga, bal buug iyo qalin soo diyaarso oo wixii daawo ah adigu isku qor oo isticmaal sida aad u qoratay adiga ayaa iga oge, waad iska suulin kartaa kaligaa adigoo aan kaalmo kale raadin.
  • 29. 29 Dawooyinka ugu wanaagsan ee aad isaga daaweyn karto cudurkan waxa kamid ah. 1. Sida maska u xuub siibo waxaan uga jeedaa adiga oo dhan isbedel la imaad. 2. Si gooni ah waxaad xoogga u saartaa maareynta waqtigaaga waa dawada ugu wanaagsan ee aad aga hor tagi karto ama ku daaweyn karto cudurkaan. 3. Jadwal maalmeed sameyso kaasoo aad maalinkasta ku shaqeyso haddii saacad kasta wax kuu qorsheysan yihiin oo aad qabato wixii kuu qorsheysnaa meel uu kaa soo galo ayuu weynayaa cudurkaan khatar ahi. 4. Ogow jadwalka ayuu kaa soo dhex geli karaa, ee si aad uga fogaato waxkasta, waqti ay bilowdaan iyo mid ay dhamaadaan u samee. 5. Haddii aad jadwalkaaga joogteyso nolosha qeyb ka mid ah ayuu kuu noqon doonaa, lakiin bilowga hore dadaal badan ku bixi dadaalaa wuu gaaraa ayaa la yiri. 6. Wuxuu kaloo kaga faa’iideysan karaa adigoo shaqo fara badan qabtay kadibna cudurku ku haleelo, shaqo kasta waqti aad wax kale oo nafta farxad gelinaya aad qabato nasiino yar oo aad ku mashquusho wax nafta faa’iido u leh sida cabitaan qabaw ama wax qurxoon oo aad fiirisaa sida haddii aad heleyso beerta nasiinada. 7. Naftaada ha u ogolaan in ay ku raaxeysato wax qabad la’aan shaqada iyo wax qabadka bar sidii ay u macaansan laheyd. 8. waxaa mararka qaarkood la isku qaldaa wahsiga iyo nasiinada maya, suurtagal ma aha, iskumana dhawa nafsadaada bar sidii ay nasiino ugu fahmi laheyd in ay wax qabato.Tusaale: haddii shaqadii ama waxbarashadii aad ka fasax tahay buug nolosha ka hadlaya soo qabo oo akhri si raaxo ku jirto taas oo kale ayaa ah nasiino, lakiin meel ayaan fariisanayaa nasiino ma ahan.
  • 30. 30 9. Cudurkan waxaa kaloo looga hortagi karaa si wadjir ah ayadoo la isku wacyi geliyo oo qofkii waan wahsanayaa yiraa lagu cebeeyo. 10. Cudurka wahsigu waa cudur si fudud loo suulin karo lakiin in uu dib u soo laabtaa waxey ku xiran tahay hab difaacaaga. Waxaan ku soo gunaanadayaa cudurkaan xigmad caan ah ayuu leeyahay oo ah “wahsigu waa tuuga ugu weyn ee waqtiga kaa xada” Cudurka doqonimada Waxaa jirta hees soomaaliyeed oo caan ah fanaaniinta qaadayaana waa.Cumar Dhuule & Maryan Mursal waxaa lagu magacaabaa"Weydiin iyo Warcelin".Heestaan ayey ku jiraan hal xiraalayasha soo socda: "dhulka waxaan u soo degin, cirkana daaro ku laheyn, ee duula ii sheeg? Waxa socodka diinka leh dabeyshana ka orod badan ee aan daalin ii sheeg? Waxa dugaagga raacee dibadana ku hoydoo dad lamoodo ii sheeg"?
  • 31. 31 Waxaa kale oo ku jira beydka aan uga danleeyahay oo ah: "Cudurkii ku doorshee dadkuu helana aan dilin ee aan dawo yeelan ii sheeg"? Markaas heestu waxey u dhaceysaa si talan taali ah jawaabta su’aashaan ugu dambeysa ayaa waxaa lagu jawaabayaa:"doqonimada weyaan". Mar kale iyadoo doqonimada laga hadlayo ayaa waxaa la yiri: "Doqon hana gargaarsan hana u gargaarin"bees kale ayaa waxay leedahay:"ilayn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meermeerisaa". Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa gabay magiciisa la yiraahdo Dardaaran wuxuu Ku Yiri: "Awyaalow ma diideen jihaadka maa u dareertaan Warmo danana iyo seed deegta maa Ku qaadaan War idinkaa dalkaba lehe dowlad maa u ahaataan Ilayn DOQONI calaf ma leh dulbaax maxaa kabeylahay" Waxaa kale oo ay soomaalidu tiraa: "Doqoni calaf ma leh". Mar kale waxaa la yiri:"Doqon Nabi Muuse (CS) ayaa inkaaray". Muhiimadda iyo xikmadda ku jirta murtidaas ayaan dhowr jeer dhageystay waxaan dareemay doqonimada cudur ka daran in uusan jirin, sidaa awgeed qoraalkaan waxaan ugahadlayaa doqonimada iyo sida aan u naqaano iyo sida ay tahay. Doqon waxan dhahnaa haddii aan soomaali nahnay qofka aan waxba qabsan Karin miskiinka iska ah, laga itaal roon yahay, aragti aan soo kordhineyn, hadda buugaan
  • 32. 32 ma waxaan uga hadlayaa doqon ceynkaas ah. Jawaabtu waa maya, ee waxan uga hadli doonaa geesiga doqonka ismooday, wax yar aan isla fiirino.Sheekadii gorgorka, sheekadaan waa sheeko caan ah oo dunida inteeda badan laga isticmaalo.Waxaa la yiri:Gor-gor ayaa ukun dhalay kadibna ukuntii ayaa waxaa loo dhigay digaagad,waxeyna lafiiqday ukumihii digaagada, kadibna la barbaaray markii uu gor-gorkii xoogaa kobcay ayaa waxa uu arkaa markasta gor-gor kale oo ugaarsanaya jiil-jiilaha digaaga ah, markii dambe ayuu meel iska fariistay oo ku yar fakeray, wuxuuna ku tamaniyey haddii aan ahaan lahaa sida gor-gorkaas oo kale kawaran ayuu isweydiiyaa markasta. adiga akhriste aan ku weydiiyee isagu ma digaag baa mise waa gorgor? Waxaan filayaa in aad si wanaagsan mowduuca u fahamtay waa haddii aad jawaabta heshay,
  • 33. 33 2. CUTUBKA LABAAD sheekooyin xiiso badan oo samirka iyo horumarka wax kaa baraya. SHEEKADA KOOWAAD: YAA DARBEEYEY BISADDA. Aabe ayaa marka uu shaqada ka yimaado wiilkiisa yar ciyaarsiin jiray.Maalin maalmaha ka mid ah,ayuu aabihii shaqadiisii aaday isagoo faraxsan, markaas ayaa waxaa xaafiiskiisa ugu yimid maamulihii.Canaan iyo dhaleecayn ayuu dhagaha ka saarey Markaas ayuu xoghayihiisii ku amray in qeyb kale oo waraaqo ah loo geeyo, sidii uu u sii socday ayuu waraaqihii ku tuuray dhulka waxaa la murmay oo yiri waraaqaha miiska saar maamulihii.Cabbaar kadib ayaan xalinayaa ayuu isna ugu jawaabay ninkii uu u geeyay waraqaha, muran iyo caay kadib wey kala tageyn waqti yar kadib ayaa waxaa yimid shaqaalaha nin kamid ahaa oo maskiin ah, markaas ayuu maalmulkii wuxuu ka codsaday in uu fasaxo si uu caruurtiisa iskuulka uga wado oo uu guriga u geeyo.Maamulihii intii fasax laga sugayey ayuu dhaleecayn iyo canaan dusha ka saaray ninkii, kuna yiri:"ku laabo shaqada".Ilmihii qof wada markii lawaayey ayaa macallin macallimiinta ka mid ahaa gurigii geeyey alaab ay ku ciyaaraana siiyay markii ninkii la fasixi waayey ee uu gurigii ku laabtay ayuu wiilkiisu ku soo orday oo uu ku yiri:Aabbe macallin ayaa alaabtan isiiyay wuuna iska riixay oo sidii uu markii hore ku qaabili jiray maahane si kale ayuu ula dhaqmay wiilkii hooyadiis ayuu u sheegay oo uu yiri:"aabbe waa uu iska key riixay", wiilkii yaraa isagoo xanaaqsan ayey bisadiisii ku soo oroday, bisadu waxay wiilka uga baratay in uu dheelsiiyo kadib ayuu darbeeyay bisadii. Yaa darbeeyay bisadda?. Waxaan filayaa in aad jawaabta heyso akhriste waxaa bisadda darbeeyey waa maamulaha shirkadda ? sababtu waa maxay? Adiga ayaan kuu daayey jawaabta.
  • 34. 34 Dulucda sheekadu waxay tahay haddii wax naga qaldamaan ama nalaga xanaajiyo waxaa muhiin ah in aan maamulno xanaaqenna sidaas awgeed, haddii aad dad maamule u tahay waa in aad si wanaagsan ula dhaqantaa.Waxa aad arkeysaa saameyntu waa ay isku xiran tahay. ((Al-Arifi, 2008)) SHEEKADII LABAAD . WAA IN AAN NOQONAA ASAXAABTII OO KALE. Macallimad ardo cashar siineysa ayaa waxa ay damacday, ardeyda in ay weydiiso waxa uu rabo arday kastaa in uu mustaqbalka noqdo. Ardeydii midkasta sidii uu jawaab u bixinayey ayey ku timid wiil muslim ah,markaas ayuu wuxuu ku jawaabay anigu waxaan rabaa in aan noqdo sidii asaxaabtii oo kale, jawaab aysan horey u maqlin ayay ku noqotay dhowr jeer ayey ku celcelisay, markaas ayay tiri: ii sifee oo ii sharax sida loo noqdo.Markaas ayuu ku yiri:"hooyadey ayaa taqaan oo ku bareysa waayo anigaba iyada ayaa ibartay" kadib ayay tiri:"hooyadaa u sheeg in aan u iman doono ee guriga ha igu casuumto.Hooyadii ayuu arintii u sheegay waana ay ka aqbashay. Hooyadii waxa ay macallimaddii u sharxday waxkasta oo ku saabsanaa asaxaabtii, markii ay aad ula riyaaqday macalimaddii sharaxaadeeda wanaagsan ayay tiri:"in aan noqdo asaxaabtii ayaan rabaa" Kadib hooyadii ayaa ugu jawaabtay asaxaabtii hadda lama noqon karo laakiin dhaqankoodii ayaa laqaadan karaa oo waa lagu daysan karaa. Asaxaabnimaduna wax waqti ku eg ayey aheyd. Macallimaddii oo uu qalbigeedu ku degay wanaaggii loo sheegay ayaa tiri:"sidee ayaan ugu dansan karaa"? Hooyadii ayaa tiri:" marka hore waa in aad islaamka soo gashaa. Sidaas ayey macallimaddii ku muslimtay sababna uu ugu noqday wiilkii yaraa. Adigu maxaad dooneysaa mustaqbalka in aad noqoto, maxaase kuugu sareeya waxa aad rabto?
  • 35. 35 Tulucda sheekada:waxa aad ogataa in haddii wax wanaagsan aad ku fikirto maskaxda dad badan aad bedeli karto, han yaraantana iska dhaaf, oo waxa aad damcayso ha noqdaan wax aan wax kudhimaneyn ((unknown)) SHEEKADII SEDDAXAAD: WAX KA BARO. Labo wiil oo dhalin yaro ah ayaa waxa ay ka shaqeynayeen hal shirkad, waxa ayna qabanayeen shaqo isku mid ah marka ay muddo dhowr sano ah shaqeynayeen ayuu maamulihii go’aansaday in uu dalacsiiyo isaga oo tijaabo ka qaadaya ayuu u yeeray labadii wiil mid ka mid ah.Markaas ayuu ku yiri: "shirkadda banaankeeda qare iiga soo raadi.Wiilkii markii uu baxay ayuu u tegay nin qare iibinaya kadibna waxa uu weydiiyey qaraha iyo sida uu u gado, qiimaha sida uu kala duwanyahay, waqtiga uu keenay, tayada qaraha. Xog dhameystiran ayuu ka soo qaaday ninkii qaraha gadayey xogtii oo dhan ayuu u sheegay maamulihii ka dibna waa ladacsiiyey shaqadii, wiilkii kale ayuu u wacay ka dibna shaqadii uu kii hore u diray ayuu isgana u diray, waa uu baxay wiilkii labaad, banaanka ayuu tegay wuxuu u jeeday nin qare iibinaya kadibna waa uu soo laabtay "qare waa lagu iibinayaa banaanka" ayuu ku yiri.Shaqadiisii ayaa lagu sii hayey. Dabadeedna waa uu xanaaqay wiilkii labaad. Kadib maamulihii ayuu la dooday oo uu yiri:"maxaa ay tahay sababta aad ii dalacsiin weyday, saxiibkeyna aad u dalacsiiday"? Maamulihiina waxa uu uga sheekeeyay in isku qare loo diray laakiin sidii uu u jawaabay saaxiibkiis iyo isagu sida uu u jawaabay in ay kala duwan yihiin. Markaas ayuu go’aansaday in uu saaxiibkiis wax ka barto. Sheekadu maxey nabareysaa ayay kula tahay akhriste?.
  • 36. 36 Dulucda sheekada:marka aad wax qabaneyso in aad u qabato si qoto dheer oo uusan gaabis ku jirin iyo qofkii waxyar ku dheer in aad wax ka barato ayey nagu boorineysaa sheekadu. Dadaalaa wuu gaaraa.(apps) SHEEKADA AFARAAD: IMISA JEER AYAAD AFEYSATAY FAASHKAAGA?. Shirkad ka shaqaysa jaritaanka geedaha alwaaxda la qoro iyo wixii la mid ah ayaa shaqaale u qaadatay nin xoog badan oo geedo jare ahaa, shaqadii markii laga diiwaan galiyey ayaa lageeyay meeshii uu geedaha ka jari lahaa, waxaa kale oo loo sheegay mushaar uu ku farxay iyo gunno dheeraad ah.Isaga oo xiiseynaya shaqada ayuu bilaabay. Maalintii kowaad 30 geed ayuu soo jaray, waana loo hambalyeeyey gunno fiican oo mushaarkiisa ka dheeraad ahna waa la siiyey.Maalintii labaad ayuu shaqaddii galay sidii uu u dadaalayey waxa uu soo jaray 20 geed oo kaliya,isaga oo daalay oo yaaban ayuu soo laabtay, kadibna gunno ka badan tii shalay ayaa la siiyey. Markastana mushaharkiisu wuxuu ahaa siddii loola heshiiyey, maalintii seddaxaad ayuu shaqaddii galay siddii caadada aheydna maalintaas waa uu dadaalay lakiin 10 geed ayuu soo jaray asaga oo daalay oo yaaban ayuu soo laabtay. Markaas ayaa uu cabasho bilaabay mudane aniga dadaal iguma yara maalinkasta waxa aan is iraahdaa geedo badan soo jar laakiin markasta inta aan jaraa weysii yaraaneysaa waadna I dhiirigelisay oo dhinaca mushaharka waan ku qanacsanahay oo igama ahan dadaal xumo ma aqaan arintu sida ay tahay. Cabaar kadib ayuu maamulihii weydiiyey,"immisa jeer ayaad maalintii faaskaada
  • 37. 37 afeysaa"? Markaas ayuu ku jawaabay sidii aan shaqadda u soo galay ma afeyn. Maamulihii waxa uu ku yiri:"inta aad wax jareysid in ka badan faaskaada afeyso. Waa maxay macnaha ay noo tarjumeyso sheekadaan akhriste? Dulucda sheekada:qofku markauu wax qabanayo waa in uu ahaadaa waxa uu qabanayo mid markasta barta sida loo qabto, tusaale.Ardaygu marka uu bilaabayo casharada sanad dugsiyeedka casharadu waa fudud yihiin waxaadse arkaysaa ardaygii shalay casharku u fududaa oo maanta cabanaya.Waa maxay sababtu? Jawaabtu waxa ay tahay faashkiisa ayuusan afeysan.((App)) SHEEKADII SHANAAD: WAA KUMA BILAAL IBNU RABAAXA? Waxa uu ku dhashay magaaladda maka ee barakeysan sanadkii 580AD. Aabihiis Rabaaxa waxa uu ahaa addoon, hooyadiisna. Xamaamah sanadkii camul- fiil ayaa addoonimo loo qabsaday, waxa uu ku dhashay adoonimo, sababta oo ah Bilaal wado kale uma furneyn oo aan aheyn in uu sayidkiisa u shaqeeyo oo ahaa Umayah ibnu khalaf, Bilaal howl karnimadiisii markii la arkey ayaa sanamyadii madax looga dhigay, markii uu nabi Muxamed NNKH uu dacwadii uu xaqa dadka ugu yeerayey bilaabay waxaa maqlay Bilaal, waxa uuna ka mid noqday dadkii ugu horeeyey ee rumeeyey nabiga NNKH. Markii uu arintaa ogaaday sayidkiisii iyo odayadii kale ee madaxyaweynta ahaa , waxaa Bilaal u bilowday cashar ciqaab ah kaas oo makka oo dhan lagu soo wareejinayey ayada oo lajiidayo dumar, caruur iyo waayeelba uma aysan u kala harin waxaan la oranayey kasoo laabo diinta islaamka oo caabud sanamyada isaguna waxa uu lahaa allaah waa keligiis, allaah waa keligiis,allaah waa keligiis.
  • 38. 38 Ciqaabtaas warkeeda waxa ay gaartay nabiga NNKH. Markaas ayuu u soo diray Abuubakar RC, heshiish ayuu lagalay sayidkiisii waana uu ka xoreeyey, waqtigaas kadib waxaa dhacday hijraddii madiina, sanadkii 624AD oo uu nabigu NNKH umagacaabay Bilaal R.H in uu noqdo mu'adin hadaba waxa aan la isku khilaafsaneyn mu’adinkii u horeeyey in uu yahay Bilaal R.H, waqti kadib hadana waxaa loo dhiibay baytul-maalkii muslimiinta furihiisa, Bilaal R.H maalkaas waxa uu u qeybin jiray garoobada,agoonta, safareyda iyo dadka kale ee iska liita. Waxa uu caan ku ahaa codkiisii quruxda badnaa ee uu dadka ugu yeeri jiray liibaanta, salaada iyo kheyrka, waxa uu ahaa mid aad ay u qadariyaan waqtiyadii dambe ee asaxaabta waxa uu dhintay intii u dhaxeysay (638-642) R.H.((App n. g.)) SHEEKADII LIXAAD: WAA KUMA ABRAHAM LINCOLN? Waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah, waxaa soo wajahay noloshiisa caqabado badan , iskuday uu layimid ayuu wax badan ku fashilmay.Bal aan isla aragto wixii soo maray sanado kamid ah noloshiisa. 1809-kii ayuu dhashay. 1816-kii qoyskiisii ayaa laga saaray gurigii ay deganaayeen kadibna waxa uu bilaabay shaqo, sidii u kaalmeyn lahaa waalidkiis. 1818-kii waxaa dhintay hooyadiis. 1831-kii ganacsi ayuu ku fashilmay. 1832-kii waxa uu ku fashilmay in uu kamid noqdo sharci dejiyayaasha gobolkiisa 1832-kii sidaas oo kale waxa uu waayey shaqadiisii, waxauu isku dayey iskuulka sharciga in uu wax ka barto, lakiin ma uusan helin
  • 39. 39 1833-kii waxa uu lacag ka deynsaday saaxiibadiis si uu ugu bilaabo ganacsi markale, laakiin waa uu musalafay. 17-kii sano ee xigtay waqtigaas waxa uu ku mashquulsanaa sidii uu deymihii dib ugu celin lahaa. 1834-kii waxa uu ku guuleystay in uu kamid noqdo sharci dejiyayaasha gobolkiisa 1835-kii waxaa ka dhimatay gabar uu jeclaa oo u doonaneyd in uu guursado, waxaana ku dhacay qalbi jab weyn. 1836-kii(neerbo) maskax xanuun ayaa ku dhacay mudo lix bilood ah ayuu lajiifay 1838-kii waxa uu isku sharaxay in uu noqdo afhayeenka goloha sharciga waase ku guuldareystay. 1840-kii waxa uu isku soo sharaxay in la doorto waa ayuuna ku guuldareystay. 1843-kii waxa uu isku soo sharaxay kongareska waana uu ku guuldareystay. 1846-kii mar labaad waxa uu isku soo sharaxay kongareska waa uu ku guuleystay markaan. Washington ayuu aaday shaqo fiican ayuu qabtay. 1848-kii mar seddaxaad waxa uu isku soo sharaxay kongareska waa uu guuldareystay. 1849-kii waxa uu raadshay xaafiis-haye gobolkiiisa ah waa uu ku guuldareystay 1854-kii waxa uu raadshay senater oo U.S waa uu ku guuldareystay. 1856-kii waxa uu raadshay in uu noqdo. (vice-presidential). waxa uu helay 100 cod in ka yar. 1858-kii markale waxa uu raadshay senate oo U.S waa uu ku guuldareystay. 1860-kii waxaa loo doortay madaxweynihii dalka Mareykanka.
  • 40. 40 Akhriste immisa jeer ayaad adigu guuldareysaday? Dulucda sheekada:haddii aad guuldareysato macnaheedu ma aha in aadan waxba qaban Karin, lakiin haddii aad iska quusato taas ayaa nacasnimo ah. Guushu waxa ay timaadaa marka aad u dhabar adegto.Macne ayeyna kula leedahay markaas, lakiin adiga oo aan u rafaadin guusha aad heshaa macne kuma fadhido.Sheekana kaa reebi meyso.((App n. g.)) SHEEKADA TODOBAAD: DAAWO ISII AAN SODOHDEEY KU DILO. Gabar ayuu nin soo aroosay, ninku hooyadiis ayuu la noolaa.Ninku shaqo ayuu aadaa, guriga waxaa jooga gabadhii iyo sodohdeed. Waqti yar kadib dood iyo nacayb ayaa ka dhex dhashay gabadhii iyo sodohdii,maalinkasta muran iyo dood ayaa iska socda gabadhii iyo sodohded midba mida kale ayey saa’id u nacday, gabadhii waxa ay ku fikirtay in ay sodohda xal u hesho kadibna nin dhirta daawo ka sameeya oo aabeheed saxiib la ahaa ayey u tagtay waxeyna uga warantay xaajadu sida ay tahay iyo waxa ay ka rabto oo ah sun ay ku disho sodohdeed, daawo geedo kala duwan ah ayuu isugu daray.Kadibna waxa uu u soo raaciyey, waano si ay sodohda tartiib ugu dhimato wuxuu yiri:"haddii aad hal mar siiso waa ay dhimaneysaa waana lagaa shakinayaa sidaas awgeed waxaad sameysaa marka ay cuntada cuneyso wax yar ugu dar waxaa kale oo aad sameysaa waa in aadan la murmin, oo aad adeecdaa waxkasta oo ay kuu soo jeedisana wax dhib ah oo dhan ka ilaali iyada ayaa darteed u dhiman doontee. Daawadii iyo waanadii ayay soo qaadatay waxeyna bilawday sidii loo soo sheegay markii ay bilaawday arintaa muddo kadib sodohdii markey aragtay in gabadhii ay
  • 41. 41 isbedeshay ayaduna waa ay isbedeshay weyna jeclaatay gabadhii markii ay gabadhii aragtay sodohdii oo si xad dhaaf ah u jeclaatay gabadhii naxariis ayaa gashay oo iyaduna waa ay jeclaatay sodohdeed, kadibna gabadhii ayada oo welwelsan ayay u tagtay ninkii daawo dhireedka soo siiyay waxa ayna ku tiri:"aniga iyo sodohday waan is jeclaanay ee sidee ayaad u xalin kartaa suntii aad sii itiri, illaa muddo ayaan siinayay".Markaas ayuu ku yiri:"sun ma aheyn ee daawo fitamiino ah ayey aheyd ee ku sii wad, laakiin daawada aan ku siiyay waanada ayay aheyd ee sii wanaaji oo wax dhib ah ka illaali". Dulucda sheekada:Markasta oo aad qof talo siineyso ka fikir dhinaca saameynta wanaagsan, sheekadaan waa ay ku badan tahay dadkeena gaar ahaan dumarkeena si wanaagsan ku xalli haddii ay dhacdo.((App m. s.)). SHEEKADA SIDEEDAAD. BOQORKII DUQOOBAY (DA’DA NOQDAY). Nin boqor ah ayaa waxa uu ogaaday in uu sii duqoobayo oo ay geeridu ku soo wajahantahay markaas ayuu waxa uu yiri."waxa aan doonayaa dhalinyarada yar-yarka ah qaar aan sii tababaro oo aan xilka ku wareejiyo, waxaa loo soo kulmiyey badankood yar-yarkii markaas joogay.Markii uu qudbad u jeediyey kadib waxa uu u dhiibay midkasta mir ama iniin si uu u beero waxa uu ku yiri."qofkasta ha abuuro iniintaas oo ha xafido". Kadibna waqti ayuu u sheegay "markii waqtigaas la gaaro ii keena waxan ku wareejinaa boqortinimada" ayuu Ku yiri. Markii ay guryahoodii ku laabteen ayey bilaabeen midkasta in uu abuuro iniintii uu boqorku soo siiyay wax ay waraabiyaanba hal wiil maahee kuwii kale oo dhan geedo ayaa u soo baxay, wiilkii fakir iyo welwel ayaa ku abuurmay dabadeedna waalidkiis ayuu la tashaday waxa ayna yiraahdeen mirtii boqorku ku
  • 42. 42 soo siiyay soo maahan waxa soo bixi la', iska sug wax kale hasameyne, waxa ay wiilashii kale u faanaan oo ay ku yiraahdaan."wiilkii arag geed ayaa noo soo dhashay, markii muddadii soo dhawaatay wiilashii kale oo dhana geedo u soo baxeen, wiilkiina ciil iyo caloolyow hayo ayaa waxaa lagaaray muddadii boqorku la balamay dhalintii ayaga oo faraxsan oo geedo wada ayey waqti hore tageen madashii lagu balansanaa.Wiilkii aan geedku usoo bixin inuu iska joogo ayuu go’aansaday, laakiin waalidkiis ayaa ku dhiirigeliyey in uu aado oo uu qaado weelkii uu ku beeray iniinta, markii uu arkay boqorkii wiilashii ayaa waxauu tebay wiilka maqan waqtigaasna wiilku waxa uu isku aadinayey derbi u dhow meesha, waa lasoo baxshay, boqorkii ayaa qudbadii qaatay mise wuxuu ku soo gebagebeeyay in uu boqortooyada ku guuleystay wiilka aan geedku u soo bixin sababta oo ah wuxuu yiri."dhamaan waxa aan idin siiyay iniin aan bacrimeyn (aan soo dhalaneyn). Maxey kula tahay sheekadu in ay ka tarjumayso? Dulucda sheekada:haddii aad saxan tahay lakiin inta kale ay qalad isku raacan haka labo labeyn ee ku adkeyso taada, tankale daacadnimadu waa shayga kaliya ee horumar iyo sharaf aad ku gaari karto.(App m. s.) SHEEKADA SAGAALAAD. NOQO SIDA HARADA OO KALE. Oday ayaa arkay wiil yar oo aan faraxsaneyn markaas ayuu u dhiibay sacab buuxa cusbo ah wuxuuna Ku yiri."ku dar galaaskan biyaha ah kadibna dhadhami biyaha, Sidee u dhadhamayaan"? wiilkii yaraa ayaa ku yiri odaygii "waa dhanaan".Kadibna markale ayuu sacab cusbo ah u dhiibay oo yiri."Soo bax" kadibna wuxuu keenay haro kuna Yiri."Ku shub cusbada harada", waxa uu ku yiri."Dhadhami biyaha, sidee ayey u dhadhamayaan"? Wiilkii ayaa yiri"waa
  • 43. 43 macaan" kadibna waxa uu ku yiri."Dhanaan ma aha miyaa"? "Maya" ayuu ku jawaabay wiilkii yaraa. Markaas ayuu la fadhiistay kuna yiri,"xanuunka nolosha waa sida cusbada oo kale mana badna mana yara, xadiga xanuunku waa isku mid lakiin waxa ay ku xiran tahay weelka uu ku jiro macnaha marka aynu murugo ama xanuun dareeno waxa kaliya ee noo banaan waa in aynu dareenkeenna balaarino. Adiga oo ka hadlaya fahamkaaga Maxaa ay kula tahay arintani.? Dulucda sheekada: noloshu waxa ay isugu jirtaa macaan iyo qaraar, midka aad fikirkiisa badsato ayaad heleysaa, markasta farxad is dareensii oo qosol ku dar xitaa haddii aad dhib kan ugu weyn ku jirto ka dheerow murugada.Unugyada jirkaaga ayay waxyeeshaa murugadu.(App m. s.) SHEEKADA TOBNAAD. TIJAABADA XANTA. Sheekadan gaaban waxa aan ku soo qaadanayaa philosopher giriig ah oo qarniyo hore noolaa laguna magacaabi jiray Socrates iyo nin kale waxa ayna u dhacday sidan soo socota:Ninkii ayaa wuxuu ku yiri Socrates."Ma ogtahay waxa aan ka maqlay saaxiibkaa"? Socrates daqiiqad ayuu aamusnaa kadibna wuxu ku yiri."inta aadan waxba ii sheegin tijaabo yar ayaan kaa qaadayaa ee ka gudub marka hore, waxaa lagu magacaabaa tijaabada Triple filter Test." ninkii kale wuxuu ku jawaabay."Waxba kama qabo" waxa uu Socrates ku yiri ninkii,"ka hor inta aadan saaxiibkey iiga sheegin waxa aad ka maqashay waxa aan doonayaa in aan tijaabada kaga qabo wax wanagsan in ay yihiin waxa kaa soo socda:
  • 44. 44 Tijaabada kowaad: RUN, waxa aad ii sheegi rabto mahubtaa in ay xaqiiq yihiin? Ninkii ayaa ku jawaabay "maya waan maqlay oo kaliye", socrates ayaa yiri."Mahubtid miyaa!! in ay xaqiiq yihiin iyo inkale!!". Tijaabada labaad:FIICNAAN, "waxa aad dooneyso in aad iiga sheegto saaxiibkey wax fiican ma yihiin"?. Ninkii ayaa ku jawaabay "Maya waa lidkeeda", Socrates ayaa sii watay warkii oo ku yiri."waxa aad iiga sheegi rabto saaxiibkey waa wax xun, dabcan mana hubtid in ay run yihiin iyo in kale waxaa kuu haray hal tijaabo ee ku fikir in aad ka gudubto". Tijaabada seddaxaad:FAA'IIDO, waxa uu yiri "waxa aad iiga sheegi rabto saaxiibkey wax faa’iido ii leh ma yihiin"? Ninkii ayaa ku jawaabay "Maya runtii", Socrates ayaa wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkii "waxa aad rabto in aad iiga sheegto saxiibkey hadii aysan aheyn wax RUN ah ama aan FIICNAYN walibana aysan FAA’IIDO ii laheyn sabab aad iigu sheegtaa majirto"? Maxaa kale oo aad kala soo dhex baxday sheekada?. Waxaan filayaa in aad fikir gashay. Dulucda sheekada:waa sir aad ku ogaan karto qofka warka kuu sheegaya waxba haka xishoon ee ka qaad tijaabda qofkii xan kugu keydsan raba oo dhan, ogow wax xun adiga iyo qofka sheegaya iyo kan laga sheegayaba qof ay faa’iido ugu jirto majiro ee waqtigaaga qaaliga ah ha ku lumin.(App m. s.).
  • 45. 45 4. CUTUBKA SEDEXAAD xikmado dhiirigelin ah kuwaas oo kugu hagi doona wadada guusha. I. Xikmado diini ah. II. Xikmado dhiirigelin ah. III. Xikmado waxbarasho ah. IV. Xikmado hogaamin wanaagsan ah. V. Xikmado farxada khuseeya. VI. Xikmado hal abuurnimada khuseeya. VII. Xikmado xariirka iyo bulshada Ka hadlaya. VIII. Xikmado macalinka ka hadlaya. IX. Xikmado ardeyda Ka hadlaya.
  • 46. 46 Xikmadoyin diini ah Hordhac Diinta islaamka oo aysan jirin diin ka xaqnimo badan ayadaa ayaa nolosha badhaadhada ah laga helaa qofkasta oo muslim ahna farxad baaxad weyn ayuu ka helayaa haddii uu ku dhaqmo kitaabka quraank iyo sunnada nabiga NNKH sidaa awgeyd diinta islaamka ayadaa ah ximad socoda naguna filan, xikmadaha diinta ku jira qoraal kooban laguma soo koobi karo marka qoraalkan ciwaankisu ayahay Xikmadoyin diini ah dhowr xabo oo buugaan aan ku soo khaatay oo aan soo uruuriyay ku dhaqan wanagsan. 1. Kiina caqliga u saxiibka ah ma han midka muranka ku guuleysta ee waa kan kaba fogaada meesha lagu murmayo marka hor. (NNKH) 2. Sedex waxyaabood oo waajid kugu ah in aad markasta xasuusnato I. In allah kuu abuuray in aad caabudo II. Hadafkadu in uu yahay janatul fardowso III. Qorshahagu yahay in aad si daacad ah u raacdo waxa ay ku farayan ama ay kaa rebayan kitaabka quraanka iyo sunadda nabega (NNKH) 3. Xuska illahey wuxuu qalbiga u yahay sida biyuhu u yihiin nolosha kalluunka, kawaran haddii kalluun biyaha laga soo saaro wuu dhimanayaa, sidaa awgeyd qalbigii xuska allah laga waayo wuu dhimanayaa isaguna, qof qalbigiisu dhintana nolosha uu nool yahay nolol ma ahan 4. Qofkii doonaya in uu ogaado waxa allah uu u diyaarshay, ha fiiriyo isagu waxa uu allah u diyaarshay oo camal ah 5. Hormari noloshada midda sirta ku ah iyo tan khaaska ahba allah wuxuu kuu hormarindonaa midda bulshadda iyo midda muuqataba
  • 47. 47 6. Hagaaji xariirka adiga iyo allah idinka dhaxeya, markaas ayuu allah kuu hagaajinayaa xariirka adiga iyo bulshadda ka dhaxeya 7. U shaqeyso nolosha danbe (Aakhiro) allah ayaa ku deeqsiinaya midda aduunyada 8. Muminku wax yar ayuu hadlaa howl badana wuu qabtaa halka munaafaqu uu wax badan hadlo wax yarna qabto. 9. Hab dhaqanka wanagsani wuxuu qeyb ka yahay taqwadaa, haddii aadan hab dhaqan wanagsan laheyn wax taqwa ah malihid 10. Qofkii qalbigiisa ku xiraa allah wuxuu hodan ka noqonayaa nabad iyo barwaaqo lakiinse qofkii qalbigiisa ku xiraa dadka wuxuu ka helidonaa nasiino darro iyo argagax 11.Maalin kasta oo ku soo mareysa ku noolow habsida allah adigoo gun ka dhiganaya kitaabka quraanka iyo sunnada nabiga(NNKH) 12.Maalin kasta u nolow siddi maalinkii kuugu danbeysaya, sababtoo ah geeridu lama oga waqtiga ay ku soo wajaheyso marka heegan ku jir oo khaatumo xumo iska ilaali Allah ayaa naga ilaalin karee. 13.Sanadku waa sida geed oo kale, biluhuna waa sida geedka laamihiisa oo kale, maalmuhuna waa sida laamaha yar yare e ka farcama lamaha wa weyn, saacaduhuna waa sida caleymihiisa oo kale, neefsuguna waa sida birahiisa oo kale. Sidaa awgeyd haddii qofku neefsashadisa uu ku adeeco allah iyo rasuulkiis, miraha uu geedkiisu leeyahay waa kuwo wanagsan. Lakiin haddii uu allah ku caasiyo geedkaa mirahiisu waa kuwo kharar (xun). Labaduba waxey guran doonan mirahoda maalinka khiyaamo haddii ay wanagsanayeyn iyo haddii ay xumayeyn labaduba. Allah ayaan ka magan galeynaa in miraha geedkenu xumadaan.
  • 48. 48 14. Dadku waa lajecel yahay ashyaadana waxaa la isticmala lakiin dhibaatadu waxey soo ifbaxdaa markii ashyaada lajeclado dadkuna isticmal noqdo. 15. Qofka caqliga badan carabkiisu wuxuu ka danbeyaa qalbigiisa, markii uu doono in uu hadlo marka kowaad wuu fakaraa haddii uu hadalkiisu yahay mid san wuu dhahaa lakiinse haddii uu noqdo mid ka soo horjeeda ama aan wanagsaneyn kuma hadlo, qofka jaahilka ahna qalbigiisu wuxuu ka danbeyaa carabkiisa markii ay wax ku soo dhacaan wuu dhahaa lid haku noqdo ama ha raacsanadee (xuman iyo saman) 16.waxkasta oo aad qabaneyso wax ka weyn malahan cabsida allah haddii aad la imaato waxyaabaha kale oo dhan fuded ayay kuu noqonayan haddise laga waayo wax allaale culeys ayay kugu noqonayan 17.haddi aad allah farxad geliso waxaa ku farxad galinaya ummaddiisa 18.Aqoonta oo kuu kororta cabsida Alle ayay kuu horseedaa 19.markasta oo aad qof waanineyso ama aad wax u sheegayso cabsida allah ha ka hilmaamin. 20.Camal ama shaqo kasta oo aad qabaneyso niyad khaalisa ula imow.Haddii ay adag tahay xitaa illaahey ayaa kuu fududaynaya.
  • 49. 49 Xikmadodhiirigelin ah. Dhiirigelintu waa waxa igu qasbay in aan qalinka u qaato buuggaan oo aan filayo in uu si wanaagsan u anfaco ummadda akhrisa luuqadda soomaaliga, marka waxaan ku soo qaatay ciwaankan ah: Xikmado dhiirigelin ah. Dhiirigelintu waa waxa laf dhabarta u ah howl in ay bilaabato ama mid socotay in la dhamaystiro sidaas awgeed buugga oo dhan ayaaba ah dhiirigelin. Waxaa dunnida ku dhumay awoodo fara badan kuwaas oo u baahan dhiirigalin yar haddaba haddii baabuur shidaalka ka dhamaato waxa uu u bahan yahay waan filaynaa haddii qofku shaqada uu ku daalo waxa uu u baahan yahay waan filaynaa. 1. Dhiirigelintu ma ahan ka bari noqoshada cabsida, laakiin waa awoodda taasoo ah wax kale oo ka muhiimsan cabsida. (Redmoon) 2. Waa in aad riyootaa ka hor inta aysan riyadaasi kuu rumoobin.(kalam). 3. Qiimaha wanaagsanaanta waa kartida,qiimaha karti xumaduna waa niyad jabka.(Ward). 4. Markasta way fududahay in aad soo saarto wax wanaagsan.(Barr). 5. Waa in aad lahaataa riyo weyn si aad wax weyn ku hesho.(mathew). 6. Ma iska quusaneyno mana ogolaneyno dhibaatoyinka nasoo wajahaya in ay naga adkadaan.(kalam) 7. Si aad ugu guuleysato yoolkada waa in aad ka fekertaa isaga kaliye oo aad xoga saartaa.(kalam) 8. Ka bilaw meesha aad haada joogto, isticmaal waxa aad heysato, qabo waxa aad qaban karto. 9. Si aad ugu nolaato nolol hal abuur leh waa in aad ka takhalustaa cabsida aad ka qabto in aad wax qalato.
  • 50. 50 10. Sheeko ha u sheegin oo kaliya in ay run tahay lakiin u sheeg in ay sheeko fiican tahay. 11. Waxaan nahnay waxa aan markasta ku celcelino sidaa awgeyd waa in ay wax fiican noqdaan. 12. Haddii aadan waxba rajeyn, waxba sugi meysid. 13. Garashadu naguma filna haddi aanan dhaqan galineyn, rajaduna naguma filna ee waa in aan qabanaa. 14. Waxkasta oo isku day ah oo caqliga bani adamka ku soo dhaca waa la gaari karaa. 15. Waxaad khasaartay 100% waxa aadan isku dayin. 16. Ujeedadena oo qeexan waa bilawga hanashadena. 17. Waxaan noqoneynaa oo kaliye waxaan ku fekerno. 18. Guul darado waa hooska guushada ha isdhiibin marnaba 19. Xaglo laaban xoolo kuma yimadaan maskaxtada shiil 20. Noloshu 10% waa waxa ku dhaca 90% waa falcelinta aad ka bixiso. 21. Waqtigagu wuu xadiidan yahay sidaa awgeyd ha ku khasaarin noloshada qofka kale noloshiish, wax la imaw dunida 22. Waxkasta in lagu guleysto guul ma han lakiin rabitanka guusha ayaa guul ah. 23. Haddii aad maqasho cod ku dhahaya waxaan ma qaban kartid qabo asagaa codkaas aamusi doona markaad bilawto wax qabadka. 24. Qofka kaliye aad noqoneyso waa qofka aad damacday adigu. 25. Haddii aadan waxba khiyaasan Karin side yoolkada u gareysaa? 26. Qofka aan waligiis wax qaldin waa midka aan waligiis wax isku dayin.(Einstein) 27. Wax dhib ah malahan sida tartiibta ah ee aad wax u wado illaa aad ka joojiso.
  • 51. 51 28. Ku dhaqan qodobadan soo socda: ka bilaw meel fudud waxa aad bilabeyso, la saaxiib asxaab wanagsan oo kugu haga qorshahaga, xafid oo sii wad waxbarashada, jooftey feker saxan (positive), arag oo waxkasta ka fiiri dhinaca san , jooji fakerka kaligiis ee ficil u bedal, garo nafsatada oo diyaar garey,bilaw safarka hooshada oo ha soo jeesan, caawi kuwa kale sidii ay ku gaari lahayeyn wax ay raban. 29. Hal qabsi ka dhigo aan wada guuleysano oo marnaba ha isku dayin guuldarada qof kale in aad guul ka dhaxasho. 30. Ka takhalus dhaqan kasta oo sameyn qaldan u geysanaya hormarkaada. 31. Qorshe aad go aansatay majiraa in aad qabato waqti cayiman hadana aadan wali qaban maxaa naga qaldoomay ? maxaan uqaban weynay ? sababtu waa annagoo isku qancinay in waqti badan qorshahaan nooga dhimanyahay kadibna waqtigu nagu soo dag dagay waxa aan qaban rabno yaanan waqti lasugin ee aan qabano xilliga lajoogo . 32. daacadnimada iyo runta oo aan dhaqan kadhigataa waxay kuu horseedi doontaa guul aakhiro iyo aduun shaqo kasta oo aad qabanayso niyad wanaagsan ku qabo 33. Dadka wax garadka ah mar kaste waxay ku dadaalaan fursad ay ku hanan karaan jaceylka dadka kale iyo wanaagooda taana waa sababta u fududeysa guusha 34. Waxad ku wanagsan tahay oo aad umad ku hagi kartaa ama aad ku hogaami kartaa waa maxay? 35. Barashada noloshada oo in aad barado jeclado waa barashada mida ugu weyn
  • 52. 52 36. Markasta xaqiiji ujeedada hadafkada nololed sida waxbarashda ama ganacsi ama midka aad hada heyso si waxkasta kugu muuqdan si wanagsan oo aysan waxba mugdi kaa galin 37. Wax akriska oo uu qofku badiyaa waxaa la shegaa garaadka ayuu kor dhiyaa sababtoo ah wuxuu wax ka ogaadaa wixii hore iyo waxa waqtigaa tagan
  • 53. 53 XIKMADOKA HADLAYA WAXBARASHADA. Waxbarashadu waa waxa kaliye ee qofka noloshiisa si lahubo wax uga badasha dunida dadka ku naashooda waa dadka wax bartay xiddee Akhiro dadka liibaanaya waa dadka waxbartay, sidaa awgeyd wax lala barbar dhigo waxbarasho majiraan nolosha waxa badala ayaa ah waxbarashada waa dunida oo dhan aysan ku khilafsaneyn muhiimadda waxbarasha wadamada hormarey wax ay la hormareyn waa waxbarashada. Ku dhaqan wanagsan xikmadaha soo socda: 1. Aqoontu waa waxshad ka shaqeysa hormarinta nolosha, aqoontu waa midda carruurta ka dhigtay dhaqaatiir, macalimiin, iyo xirfad kasta oo la barto waa mida kaliye magac cusub kuu bixisa sida dhaqtarka, macalinka iyo wixii lamid ah, waa midda mugdiga kuugu bedesha iftiinka. 2. Maskaxdu waa sida baarashuudka oo kale, waxey shaqeysaan marka ay furan tahay oo kaliya.( James Dewar) 3. Waxbarasho fikir la’aan ah waa howl qasaartay, fikir waxbarasho la’aan ah waa marin habow. 4. Eexasho mida ugu daran waa in aan carruurta wax la barin. 5. Dhiirigelin badan waxey ugu jirtaa ardeyga in la badalo fikirkiisa halkii laga uleyn lahaa. 6. Waxbarashadu waxa ay kaa dhigtaa qof darajo sare ku leh bulshada uu la nool yahay. 7. Haddii aad aqoon leedahay waa in aad u dhaqantii sidii aqoon yahan 8. Qofku aqoonyahan waxa uu yahay markii uu dareemo in mas’uuliyad ka saaran tahay dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa. 9. Aqoonyahan lama oran karo qof siduu doono u dhaqma oo ay naftiisu hogaamiso. 10.Dadka dunida ee horumaray waxa ay ku horumareen aqoonta oo ay sida saxda ah ugu dhaqmeen.
  • 54. 54 11.Aqoonyahan aan dunida wax ku soo kordhin aqoonyahan dhamaystiran ma aha. 12. Waxbarashadu waxa ay kuu horseedaa hal-abuur in aad lahaato, hal abuurnimadu waxa ay kuu horseedaa fikir , fikirkuna waxa uu ku siiyaa aqoon, aqoontuna waxa ay kaa dhigtaa qof mustawe sare jooga (A.PJ.Abdul kalam)
  • 55. 55 Xikmado hogaaminta wanaagsan Ka hadlaya. Sida aan xog-ogaal u wada nahay hogaaminta wanaagsan waa waxa kaliya ee ummad uga hormarto umad kale, waxaan kawada war qabnaa ummadda somaaliyeed hogaanadii soo maray mid kasta boos gooni ah ayuu noogu jiraa, waxa ay isugu jiraan hogaan ku dayasho wacan iyo mid ka dayasho wacan.Sidaa awgeed waxa aan si cad u garaneynaa muhiimadda ay leedahay hogaaminta wanaagsan , qodobada soo socda waxa ay ka mid yihiin kuwa nuxurka u leh hogaaminta wanaagsan: 1. Tayada noloshaada waxa go’aaminaya ma ahan xaalka aad ku jirto ee waa go’aan aad qaadato. 2. Xitaa haddii mucaaradkaagu badan yahay, go’aan yeelo oo dhameystir waxa aad bilawday, dadku iyagaayaa ku fahmi doona dhamaanba. ( Kotaku Wamura (Mayor of Japanese village) 3. Dabaalo haddii markabku kuu iman waayo.( Jonathan Winters) 4. Labo nuuc oo awood ah ayaa jirta mid laga dhaxlo cabsi laga qabo ciqaab iyo jaceel aad u qabto awooda. Awooda jacelka aad u qabto ayaa kun jibaar ka waxtar badan joogtana ah mida awoodda laga dhaxlo cabsi laga qabo ciqaab. (Mahatma Gandhi) 5. Hogaamiyuhu waa in uu lahadaa qorshe qeexan oo uu dhaqan galiyaa 6. Hogaanku waa in uu noqdaa mid ku dayasho wanagsan leh 7. Hogaanku waa in uu raad wanagsan ka tagaa oo umaddu uga taysato 8. Qof dabcigiisa haddii loo baahdo in la ogaado awood ayaa lasiiyaa 9. Halka maamulka waxa sida saxda ah u qabto hogaamiyuhu waxa saxda ah ayuu qabtaa 10.Hogaamiyuhu waa in uu dabecada caadiga ah badashaa oo mas’uuliyad in ay saran tahay ku xisaabtamaa
  • 56. 56 Xikmadoyin farxada ku saabsan Waxaan ugu talo galay in aad markaad xogaa daasho, xanaaqto iyo caajisto aad isku farxad galiso, waxaad ogaadaa farxad wax yeelo xun marnaba lagama dhaxlo oo hormarkaada ayay ka qeyb qaadataa waa in aad caadeysataa farxad inkastoo noloshu ay isigu jirto macaan, kharaar iyo waliba dhanaan, waxaa wanaagsan in aad markasta is xasuusiso wax kaaga wanagsan noloshada in aad faraxdaa ma jiraan sababta dadka oo dhan ay howlaha kale duwan ee dunida ugu mashquulsan yihiin waa sidii ay farxad ku heli lahaayeen marka in aad faraxdaa caafimaadkaaga iyo horumarkaaga labadaba laf dhabar ayuu u yahay iyo weliba in ad dadka kalana farxad galiso. Xikmadahaan soo socda farxadda ayay wax kaaga tilmaamayaan: 1. Jaceylka waxa aad qabaneyso ayaa ah farxadda runta ah. 2. Marka aad faraxsan tahay wajigaagu wuu iftiimayaa xanuun kasta oo ku haya wuu yaraanayaa. 3. Farxaddu waa daawada cudur kasta. 4. Ku farax waxa aad heysato xiiseyna waxa aad rabto in aad qabato.( Alan Cohen) 5. Farxadu kuma cabiri karno waxa aan haleyno, waxa aan sameyneyno, iyo waxa aan raadinineyno, waxaan ku cabiri karnaa qibradda aan lawadagno dadka kale. 6. Qaado waqti aad lawadaagto asaxaabtaada, taas ayaad farxad ka helaysaaye 7. Farxad geli dadka aad la nooshahay sida waalidkaa, xaaskaaga/saygaaga, saaxiibadaa iyo weliba qof kasta oo kale marka aad farxad siiso kuwaas jawaabta kuu soo laabaneysa waa farxadaada.
  • 57. 57 8. Shalay waa ay tagtay, barina waa mustaqbal, maantana waa hadiyad.Taasina waa sababta loogu yeeray hadda. 9. Waxaa la ogaaday marka aad qosleyso in jirkaaga oo dhan uu cafimaad dareemayo qosol inta badan noloshaada (farxad). 10.Ma fududa in aad waqti kasta faraxdaa, lakiin dabeecad ka dhigo waqti kasta ama markasta oo aad xanaaqdana is xasuusi in farxadu ka wanaagsan tahay. 11.Noloshu waa safar qofkii safarkaa jeclaata ayaa ayadana jeclaanaya 12. Markasta ahaaw qof naxariis badan hana ka shalayin waxad fasho oo naxariis ah 13.Haddii aad rabto in aad qof ka farxiso waad ogtahay waxa aad sameyso u samey mid lamid ah noloshada si ay u faraxdo 14.Nolosha waa fursad aan markasta joogeyn ee sida ugu saxsan uga faa’iideyso. 15.Waqtiga aad galiso wax akhriska waa mid aasaaska u ah xikmada aad yelaneyso. X. Xikmado hal abuurnimada ka hadlaya 1. In aad fikrad fiican hesho waxaa sal u ah in aad fikrado badan aad heysato. 2. Dadka waxaa loo qeybiyaa sadex: mid wax hal abuura, mid ka koopiyeeya oo wax ka badala iyo mid nacas oo in uu wax haleeyo mahane aan waxba qabaneyn. 3. Ha iska raacin meeshii ay wadadu u soco ee aad meesha aad u socoday wado cusub fal raadna uga tag.(Ralph Waldo Emerson) 4. Qofka aan waligiis wax qaldin waa kana an waligiis wax isku dayin(Albert Einstein)
  • 58. 58 5. Si aad ugu noolaado nolol hal abuur ka buuxo oo aad wax u curisad ka fogow cabsi oo dhan samey wixii kugu soo dhaca oo wanag ah. 6. Haddii aad wax qiyaasan karto waad qaban kartaa, haddii aad wax ku riyoon kartana waad ka dhabeyn kartaa ka kac jiifka dunida wax ku soo darso. 7. In aad sawirado waxyaabo badan waa bilawga hal abuurnimada 8. Hal abuurnimdu waa isku day aad marna ku fashilmeyso marna ku guuleysaneyso wad illaa meesha aad tiigsaneyso ha ka daalin, 9. Ha ka baqin masafadda u dhaxeysa adiga damacaaga iyo runta, haddi aad wax damci karto waad hanan kartaa. 10.Illahey xikmad dabiici ah ayuu ku siiyay midkalana waxaad ka dhashaa shaqada aad qabaneyso. XI. Xikmadaha xariirka bulshda. 1. Qofkasta haddii uu wanaga ka talsho dunida oo dhan wey wanaagsane bilaw taada kuna xiji inta kugu xareersan 2. Dunida majiro qof dhashaa asagoo naceb qof kale dadku ayagaa doonta naceebka ka fogaw in aad qof necbaato 3. Hormarka bulshada oo aad ka talisaa waxaa ku jira hormarka nafsatada si aysan bulshadu faa’iido uga helin ayaad adigii u shaqeynayay uga faa’iidaa 4. Aan kaligay guuleysto waxaa ka wanagsan aan wada guuleysano 5. Qof kale ha is barbar dhigin mas’uulid ayaa kaa saran xariirka bulshadda ka soo bax waajibaadkada 6. Dhageyste wanagsan noqo waa lagu ixtiraami doonaye 7. Caawiye wanagsan noqo waa lagu caawin doonaye 8. Hogaamiye wanagsan oo ka soo baxa mas’uuliyaddisa noqo hogaanka ayaa kuu fududaanayee
  • 59. 59 9. Sida aad noloshada waqti ugu hurto bulshada waqti gali wixii waqti lagaliyo waa lagu intifacsadaa 10.Midey hormarkada iyo kan bulshada XII. Xikmadaha macalinka. 1. Macalin qofka aad waxbareyso ma ahan weel maran ee sidii qof kaa aqoon badan ula dhaqan 2. Macalinimaddu ma ahan buug la aqriyaa ee waa fikrad aad xambaarsan tahay ee u soo gudbi ardeyda 3. Macalinka wanagsan waxaa lagu tilmaamaa hooyada wanagsan oo kale 4. Macalin waa shaqsiga hormarin kara bulshada dibna u dhigi kara, macalin noqo midkii bulshadan hormarin lahaa 5. Ardeyga wax u bar sida shimbirtu cunugeda dulimadka u barto ha ku dhihin aniga iyo buuga nagu ekaaw ee bar sidii uu wax u baaran lahaa feker ku abuur jawaabta asagaa keenaye 6. Ardeyga ha ku qiimeyn fasalka uu yahay ee garaadkiisa ku qiimey oo bar dhamaan sidii wax ay u curin lahayeyn 7. Wax aysan xiiso u qabin oo noloshoda aan khuseyn waqti ha uga lumin danahoda ka feker 8. Ardeygu waxa uu noqonayo mustabalka sameyn weyn waxaa ku leh macalinka 9. Macalinku waa nashqadeyaha mustaqbalka ardeyda iyo bulshada oo dhan 10. Macalinku waa in uu helaa qadarin qiimo sare leh si uu bu guddo waajibaadkiisa, bulshow macalinka waa barbaariyaha ruuxda
  • 60. 60 XIII. Xikmadaha ardeyda. 1. Ardayahow waxaaad tahay ubax ifaya oo mirihiisa ay guran laheyd bulshadu, maxaa kugu dhacay? aaway fikirkaagii iyo hal abuurkaagii.Mise waxa aad Ku qanacsantahay jiifka? 2. Dunidda horumartay ardaydu fikir ayay ku hor mareen, aaway fekerkaadii? Wax soo kordhi adigaa lagu wada sugayaa? 3. Ardeyda dambe waxa ay raaci doonaan badankood wadada aad fasho maanta, wado nuucee ah ayaad u faleysaa oo ay raacaan? 4. Aqoonta haddii aadan gudbin waad hilmaameysaa, inta aad taqaan lawadag walalahaa kaa hooseya 5. Ardeyga su’aasha badan waa kan wax curin doona kan aamusana sidiisa ayuu u aamusnan donaa 6. Xasuuso dhalintii SYL qof dugsi sare dhameyay wey ku yarayeyn, adiguna dugsi sare, iyo darajoyinkii jamacaded ayad dhameysay asaad jartiin fadhisaa ka kac meesha. 7. Ardeygu waa in uu noqdaa hab dhaqankiisu mid ka duwan dadka kale ixtiraam, feker, muuqaal intaba waa in uu ka wanagsanadaa kan aan ardeyga aheyn waa in uu noqdaa ku dayasho wanaagsan 8. Waxa aad waxbarashada gashatay waa waxa dunida kugu qaalisan waa waqtigagii markaa waa in aad waxbarashii faa’iidoyin badan ka dhaxashaa 9. Ardeyga wanagsan ma ahan kan ciyaaraha, aflaanta iyo waliba waxyaabaha waxbarasho dhabqiyaasha sameya ee waa kan waqtigiisa uga faa’iideysta sidii ugu wanagsaneyd
  • 61. 61 10.Ardeyga wanagsan waa kan layligiisa si wanagsan uga shaqeysta oo aan marnaba ogolaan in uu ka mashquulo. DHAMAAD End is not end is effort never die ( ee waa dadaalku marnaba ma dhamaato) Lasoco qeybta labaad ee buugaan oo ka xiiso badan qeybtaan. Ma qaldoome waa allah Walal wixii fikrad talo iyo tusaale ah igu soo hagaaji Email: myariisow114m@gmail.com Tell: +252615200114 Social media: facebook, twiter, youtube IWM: Bare myariisow Ama page: baremyariisow.blogspot.com MAHADSANIDIIN