SlideShare a Scribd company logo
1 of 19
Boga Jaceylka » waxaa jira 6-Jacayl
waxaa jira 6-Jacayl Qiimaha Jacaylka ma aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed
kaliya lagu soo koobi karo, waxaana jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa
gaarka ah leh, aniga ka abwaan ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa &
6-Jacayl kuwaas oo kala ah:-
1: Jacayl dhab ah: – Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay
lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo.
2: Jacayl gaaban: – Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid
shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku
lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii ama uu hana waayo
3: Jacayl danaysi: – Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan
dhaqaalo & wax u dhigma.
4: Jacayl Xushmo: – Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna
aadan Rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri Karin, kadibna aad go’aansato inaad
xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta.
5: Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula
wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado.
6: Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl
Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku
caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku
iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.
hadba waxaynu isku deyeynaa inaynu soo qaadano heesihii ama gabaydii ay abwaanadu u
qaadeen jacaylka waxaana tusaale fiican ingoogu filan hesstii uu curiyey abwaan hadraawi
JACEEL DHIIG MALAGU QORAY
Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Ma u dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhansiiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen
Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaala
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.
Kulankii dhabta ahaa
Riyo dhiifi keentiyo
Dhalanteed ma moodeen
Sida ay dhadhabayaan
Dhawr jeer ma seleleen
Af dhabaan dhab jamashada
Ma ka dhoofay hadalkiii
Bal dhaqaaq na kay tahay
Dhihidii ma waayeen
Ma ka dhabaqday xaajadu
Ilma dhalatay xiisuhu
Sida dhibic ma hiigaan
Ma ka qubatay dhaayaha
Ma ku qoyey dharkoodii
Naxariis ma dhidideen
Iyagoo dhanqalankii
Dheel dheelli mooyee
Dhegna aanay kaga jirin
Kolba erey dhex roorkiyo
Dhumucdii ka maqantahay
Dhitinaaye keligii
Ka dib tooban dharaarood
Carrabkiyo dhanxanagii
Dhirindhirid ma ku heleen
Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.
Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen
Ma dhalaalay waagii
Dhag ma tidhi cadceedii
Intay soo dhaqaaqeen
Iyagoon ka dheeraan
Dhaqankiyo xishoodkii
Dhaymana u jeel qaba
Iyadoo dhexdoodii
Dhulka suxul banana yahay
Dhibta maysla taageen
Wax intaa ka sii dhow
Ma ku dhiiran waayeen
Dhayal laysu taabtiyo
Dhallinyaro habkeedii
Ma ka dhega adaygeen
Dhadhansiga miliilica
Isha mayska dhawreen
Dhabbaday is taageen
Qofba dhaabaddiisii
Sara joog dhankiisii
Kun habeen ma dherernaa
Dhudhummada aboorkii
Dhulka hoose kaga baxay
Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay
Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen
Ubax dheelka subaxdii
Naxariis ku dhaashtoo
Afka dhiin cas mariyoo
Dhaddigiyo labkisii
Laba dhude isugu maran
Ma is dhaafsadeenoo
Dhaxal maysu siiyeen
Dhuuni kawlka caashaqa
Maysu sii dhadhamiyeen
Ereygii dhinaa hadal
Dhegta maysu saareen
Dhafan dhaaf aboorkii
Ma dhufsaday cammuudii
Ma u qaatay dhoobada
Dhab-dhabkiyo kabkabidii
Labadaba ma dhalan rogey
Dhismo kale ma soo baxay
Ma ka dhigay wax yaabliyo
Dudun dherer ku caanoo
Dhumuc iyo laxaad weyn
Dhalan dhoolka maantii
Dadku dhacarta jiilaal
Ma dhasaday dharaartii
Ma ka dheelmay galabtii
Iyadoon la dhaadayn
Sheekada dhabteediyo
Dhabar weyntan hooska leh
In dhexdeeda laba ruux
Runta kaga dhur sugayaan
Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo
Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan
Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman. JACEYLKU MA DHAB BAA MISE WAA DHALANTEED..?
Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daro
Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday
aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka
Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo. Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku
daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la
dabbargoynayo! Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waaDhalanteed? Ma Cudurbaa mise
maaha. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay?
Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu
qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa
waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed…..?
Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale
dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay
wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado
gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac
yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii
qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo
oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo
qancisa naftiisa kulul. Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata Ayuu uurka
ka yiraahdaa.
Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan Allaylahe! Waa tan tii
aan doon-doonayay Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan
Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jiray.
Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa? Tani mabaaha tii uu iskuulka ama shaqada ku
arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, Maxaad halkaan ka qabaneysaa,
xaggee deggen tahay uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon.
Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad
miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa Alla nasiib badnaan
laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi
laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kale Intaad dib u
soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel
walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba
oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku
qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la
calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa.
Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa
dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar
dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli
weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka
oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene.
Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu maihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax
jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba
dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:Alleylahe Waa
runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso
oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow
saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga;
biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo
kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal
iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si
joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo.
Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira
oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho laaan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo
ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan.
Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay,
weliba iyadoo ku leh:Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabta Degdeg intaad u soo haado ayaad
tiraahdaa Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen
aadnaa goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba maahayn waa niyadaadii
oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEHSidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun
ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku
calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay
yiraahdaan saaxiib anigu ma aamisni jaceylka inuu dhab yahay oo uu jiraba Dadoow ma ogtihiin
hadii uu jeceelka jiri laheen aduunyada ba ma joogteen waayo jaceelka waa wax aan waligiis aan
la dhihi karin ma jiro ,taas dadka aaminsan waa qaldan yihiin , dadka dhahaan jaceelka waa wax
jira weey sax san yihiin waayo jaceelka waa halis qof hadii uu ku jeclaado oo wax la qaban weyda
taas waa qalad ma ogtahay qofkaas waxeey ku sugan tahay …. waa jiraan dad oo daacad ka
aheen jaceelka balse marmarka qaar ee been sheegaan kuwaas waxba looma qabta lakiin
caanshaqa ma ogtahay in uu halis yahay hadii aadan ogeen hadaba baro,
Cudur weeye caanshaqu
Culumada quraankiyo
Cilmi seyniska kuwa dhiga
Ma cadeyn karaanoo
Ciladiisu waan weeyoo
Ceynkiisa lama garan
Maxaa leey cirbadayoon
Ku casheeyay aasbaro
Caatana ka sii helay
Cuudna waa la ii shiday
Cisbitaalna waa galay
caafimaadna maan helin
Labadii is calooshata
Hadan ciid la kala geyn
Cagahaa isu keenee
Calaf haysu keen simo
Cajaa’ib weeye dhib badan hadal weeyee
Cakiran caashaq weey haysaa curdun weeyee
Ugub ahoo aan wali curane. Dadoow ma ogtihiin in jacelka uusan aheen mid dheel dheel ah,
base jaceelka ma ah wax lacag ah oo lagu iibsado lakiin dadka qaar waxeey raacaan lacagta,
kahelid macnaha qurux ee qofka ka hesho, jaceel waali ah eey qofka u qaato qofba si uu wax u
doorsadaa waayo midkii ku an faca ayaa kala baxdaa rag iyo dumarba dadka qaar waxeey
dhahaan,
Maxaa laba ruux is raba
Maxaa gacal iyo xigaal
Maxaa la isugu diraa
Mashkilad iyo muran qabiil
Mixnadu way reeban tahay
Su’aal beey dadka taban
Jacelku waa mid weyn
Axdi adag beey u maraan
Haddii wax walibaa dhacaan
Afkooda ma furriin ma karo.
waayo jeceelka waa wax dhab ah oo sidaas aada ragteen had iyo jeer, waxaa jiray maalin maal
maha ka mid ah gabar soomaaliyeed ayaa will jeclaatay markaas beey u sheegatay jaceelkeedii
beey tiri walaalo adigaa kaa helay oona ku jeclaaday walibana jeceel dhab ah ,waxeey na u
raacisay tixdaan geeraarka oo ah sida tan,
Dhibaatada jaceylka ah
Way ku dhalan rogtaayoo
Dhaawaca jirkaagana
Waad la dhuubataayoo
Arar iyo laxaadkana
Wuu i kala dhantaalmoo
Dhabanka iyo gacmaha
Way isku key dhageen.
ee walaaloow wax ila qabo adigaa ku jeclahay , markaas buu ugu jawaabay walaal anigaba
markii hore baan kaa heloo adigaa kuu iil daran nahay ee wax ila qabo oo u raaciye tixdaan
asagana ,
adaa dagay laabtii
saableyda oo idil
Dabaq baad ku leedahay
Daacad iyo dulqaad iyo
Dadkaan kaaga soocdee
Go’aankeygu waxuu yahay
Inaan wada dal xiisnoo
Dunnida ku gaaf wareegnoon
Ku digleyno farxad
Daar xalaal yagleelno
Garabkeyga istaag
Ha bulaalo jeceeluye.
Wiilkii iyo inantii jaceelkaas baa dhax maray waxaa sii batay jaceelkood hadii aad fahantay
jaceelkaba waa intaas.
Qoraa: yaasiin axmed Maxamedwaa (yasin Lucky.R)abwanka da’dayar ee u hawl galay in uu ka
hadlo arimaha jacaylka iyo xidhiidhka lamaanayaasha is jecel Ma ogtihiin dad weynaw in
jacaylku yahay dareen kaa dhexdhasha lamaanayasha kaa soo sababa in kalsooni qoto dheeri
dhex marto labada qof ee isjeclaaday hadaba iyada oo ay taasi jirto ayaa waxaa la sheegaa in
aan qof lagu kalsoonaan Karin waayo waxaa la arkay in dad badani ay balnata iskaga baxaan
inagoo soo qaadanayeyna gabeygii uu abwaan yaasiin curiyey ee ay ku jirtayRaxmay waxaa jira
laba uu ilaahay ku mideeyey noloshoo cishqi wada sameeyey misna aan aroosiyo raaxada
aduunyada weligood wadaagin sababtuna waxay tahay midkoodbaa sagsaagoo balantii
jacaylkiyo wacadkii ka leexdoo balantii burburiyee Abwaan yaasiin axmed maxamed wuxuu
tuduca ka mid ah gabaygiisan inagu dareensiiyey in ay adagtahay sida loogu kalsoonaado qof
binu aadan ah maadaama oo dhaawac badan kaa soo gadhi karo hadii aad weydo jacaylkaaga
Waxaa jirta in uu jacaylku yahay shayga keliya ee qofka binu aadanka ah nolosha wax ka tusi
kara balse wuxuu aakhirka ku danbeeyaa dhib iyo murugo waxaa welwel kugu noqonaya
jacaylkaaga iyo sidii aad ku heli lahayd Q : yaasiin axmed maxamed Hadaladii maxamed iyo
buuga 500 page ah ee la magac baxay (Nabse Ha gelin Hab lagaa Galee !) 2008 Walaal macaan
hadii aan ku jeclaaday oo daka kaaga soo go’ay maaha in aad sidaas iila hadashid ismana lahayn
qotii aad jeclaatay ayaa sidaaas kuu gelaysa ma ogtahay in jacaylku yahay dareen aanad fahmi
karayn goorta uu ku haleelo hal su’aalse aan ku weydiiye maxaad sameyn lahayd hadaad
booskayga ku jirto ama sidaan kuu jeclaaday aad ii jeclaan lahayd Q : yaasiin axmed maxamed
Waxaad kala soo xidhiidhi kartaan meel walba oo aad joogtaan E-mail yasin99@live.co.uk
Hadaldii cismaan iyo buuga la magac baxay (DHADHAN MA LAHA CAASHAQU HADAAN LAYSU
DHIMANEYN) 2007 Walaal ma jeclaan lahayd in aad beer beerato kadibna mara ay kuu soo
dhawdahay xiliga ay mudhuhu kuu soo go’i lahaayeen qof kale kaa goosto ? Waa maya waxaan
uga jeedaa walaal anigaa nimco jecel adigan waxaan kaa codsanyaa in aad aniga dartay u
dhaafto maadaama oo aan arinkan kaa codsadayQ yaasiin axmed maxamed Waxaad kala soo
xidhiidhi kartaan meel walba oo aad joogtaaan E-mail shahruu99@hotmail.com Inyar oo ka mid
ah buuga la magac baxay (HILINKII NOLOSHASHA) 2009 waa qisi dhab ah oo ka kooban 500 page
waxay ka dhacday wadanka soomaali land gaar ahaan hargeysa waxaa qalinka u qaatay Qoraaga
caanka ah ee aad taqaaniin ahna madaxa webkan la magac baxay dhambaalkiijeceylka.8m.com
oo ay mataano yihiin web kan kale ee isna la magac baxay dhambaaljacayl.8m.com Mr : yaasiin
axmed maxamexd Mustafe wuxuu ahaa wiil ku soo koray nolol rafaad ah yaraantiisii muu arag
wax daryeel hooyo ah aabihiina wuxuu dhintay markii uu 6 jir ahaa musfate wuxuu xilkiisa
qaaday adeerkii walaalkii la dhashay oo ahaa nin aad u kibir badan xaaskiisa oo uu aad u
jeclaana wax walba oo ay u shegto ka maqli jiray mustafe adeerkii wuxuu dhalay saddex qof oo
laba wiilal yihiin midna inantahay.Mustafe noloshii yaraantiisa waxaba Kama uu xasuusan karo
laakiin waxa kaliya ee uu xasuustaa waxay ahayd maalin ay isku dhaceen wiil kamid ah wiilasha
adeerkii dhalay kadibna wiilka hooyadii oo ahayd islaantii uu adeerkii qabay ay sixun u dishay
iyada oo ku lahayd shaydaan ayaad tahay ee sidee wiilkayga gacan ugu qaadaa Faaduma oo
ahayd islaanta uu adeerkii qabo waxay si aad ah u necbayd mustafe wax ay ku necbaatayna lama
sheegi karo Cabdale oo ahaa mustafe aadeerkii muu oofin balantii uu ka qaaday walaalkii ka
weynaa oo ahayd in uu wiilkiisa heer gaadhsiiyo wax barashana ku daro, mustafe wuxuu garaad
saday oo nin weyn noqday isagoo ku jirada kishada guriga adeerkii una xil saaran in uu sameeyo
dhamaan cuntooyinka loo baahdo mustafe wuxuu garaad yeeshay isagoo ah qof la adoon sado
oo ka shaqeeya guriga adeerkii haday tahay hawl la qabanayo iyo haday tahay dhanka shaqada
guriga Mutafe wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan hasa ahaatee quruxdiisu marnaba may
muuqan jirin maadaama oo uu isa aha wiil aaan kishada iyo cunto karinta ka baxayn mustafe
wuxuu ahaa wiil aad u dabeecad wanaagsan dulqaad badan mustafe isaga oo wax walba u jeeda
arkana sida ay adeerkii iyo reerkiisu ugaleen ayuu misana ahaa wiil aaan ka eed sheegan
wuxuuna mar walba ilaahay ugu mahdin jiray si walba ha u galeene koritaanka ay soo koriyeen
una buuxiyeen booska labadiisii waalid Mustafe wax barasho nooc ay ku tahay muu aqoonin
wuxuu se nasiib u yeeshay in uu barto akhrinta iyo qorida afkiisa hooyo mustafe wax mushahar
ah ma lagu siin jirin shaqasan uu maalin walba qabanayo ee ah hawsha guriga, waxaa bishii hal
mar loo ogolaan jiray in uu suuqa aado inta uu adeerki siiyo lacag waxoogaa ah Mustafe
maalitaa uu suuqa soo aado waxay uga farxad badneyd boqol sano oo soo Marta Nafsad
ahaantiisana mustafe wuxuu jeclaa in uu akhristo buugaagta sheekooyin eeku qoran afkiisa
hooyo haday yihiin kuwa jacaylka iyo haday yihiin qisooyin kale oo ka dhacay caalamkan mustafe
maalmaha uu suuqa soo aado wuxuu iman jiray maktabad buugaagta Waxaad sheekadan oo
dhameystiran kala soo xidhiidhi kartaa maxada web page ka Mr: yaasiin axmed maxamed
abwaan yare Dhibaatooyinka JacaylkaSidaynu horeba u soo sheegnay waxaa jira dhibaatooyin
badan oo uu jacaylku u gaysan karo qofka binu aadanka ah waayo aduunyadan korkeeda way
yartahay inta qof si dhib yar ku helay jacaylkiisa Jacayl walba oo la semeeyo oo ay lamanayaasha
is jeclaaday wadagaan wuxuu ku dhamaadaa in ay is waayaan hadaba mar keliya ma lays
weydiiyey waxa sababay is waagan? Mise ilaa hada ma jiro qof ka fekeray arinkaas? hadaba
akhristaw waxaa dhacda in labada qof ee is jeclaadaa aanay waayin cid ku cadaw noqota haday
tahay labada waalid iyo haday tahay wiil kale oo soo dhex galay jacaylkooda kuna noqoda
saddexeeye waxaa dhacda in marka arimahaasi yimaadaan aan meesha laga waayein dira
diraale iyo in war loo kala geeyo lamaanayaashii is jeclaa taasina waxay sababtaa in
kalsoonidoodii hoos u dhac ku yimaado ilaa uu jacaylkaasi noqdo mid burbura waayo wax walba
waa kalsooni guri lama dhisi karo sees la’aan jacaylna lama dhisi karo kalsooni la’aan Waxaa la
arkaa in labada qof marka ay si bartaan ilaa inta jacaylku ku faafayo unugyada jidhkooda ay six
dhaaf ah isagu soo dhadhabaan isuna raadiyaan wada hadalkooduna bato hadaba maxaa sababa
hadii uu jacaylku gaadho mudo laba sano ah in wada hadalku yaraado? taas waxaa sabab
sidaynu ognahay wiil waliba wuxuu jecelyahay in uu aduunyadan tabcado oo uu meel ka
muuqdo habluhu se way ka fikrad duwan yihiin waxayn jecel yihiin in ay guursadaan ilmo
dhalaan keibna ay arkaan ubadkooda oo hortooda ku ciyaaraysa dhibta u weyn waxa keena
marka ay inantu wax hadal aroos ah ka weydo dhanka wiilka wiilkuna uu ku tashado in uuna
dhakhso u guursan taasi waxay sababaysaa in ay inantu go’ansato ama aanay ka diidin hadii
aabeheed yidhaahdo wiil ayaan ku siinayaa Hadaba maxaa lagaga hortegi lahaa arinkaa dhibta u
keenaya umada iyo bulshada? Waxaa taa inooga waramay Qoraa Yaasiin Axmed Maxamed
wuxuuna yidhi Waxaan anigu rayi ahaanteyda wiil iyo inan walbana kula talin lahaa in ayna is lug
gooyn maadaama oo jacaylkoodu sidaa ku dhamaanayo waxaana haboon in wiilku marka uu
noloshiisa meel ku soo hubsado u u soo jeesto arimaha jacaylka xiligaasna sidaan fialayo ma
waaynayo inan uu jacayl la jilo kadibna uu guursado.Waxaynu odhan karnaa xiligan la joogo ma
jiro jacayl dhab ah taana waxaa u sabab ah marka aad milicsatid hareerahaaga oo aad aragtid
sida uu jacaylka dhabta ahaan jiray isu bedelay waxaad arkaysaa laba qof oo leh waan is
jecelnahay misana aan isku kalsooneyn maxaynu odhan karnaa way sababtay?Runta hadii aan
idinkala hadlo dhalinyarada iminka joogtaa way ka beensheegtaa jacaylka waayo jacaylku wuxuu
lahaa xuduud, xaq iyo wanaag lagu yaqaanay hada se waxaad moodaa in meel looga dhacay
--------------------------------------------------------------------------------
Like · Comment ·
Share
27 people like this.
24 shares
View previous comments
Hoodo Ibnu Hoodo Yuusuf aadan dugsiiye jacaykuujiraa
22 October 2014 at 01:30 · Like
Abulahi Bashir jacelku wu jira balse ma.ahan in ad qalbigaga raraciso wa in ad ismididaliso other
ways halis halis bukugaliniya oo nafsadada bad naceyda oo waxyabo XUUN bu kugu aburii
karaaaaaaaaaaaaaaaaa
See Translation
5 November 2014 at 00:59 · Like
Mahamed Yare fashwq8dft7-97weg2357903`=024ytr7532222
See Translation
10 November 2014 at 09:18 · Like
Gâßîlâwï Çâdê uu jiraa se madhadhamin
20 November 2014 at 05:04 · Like
Maariya Ahmed kkk
24 November 2014 at 03:49 · Like
Zulthan Ayouß Mohammett wlaaahay kalmadahan waaa kalmado jira #jcyLkuNa waa JIra ruuxi
diidana wa in la dilaa
See Translation
25 November 2014 at 03:20 · Like
Rastam Abdi jacayku waa waxjiira lagu nolyahay dunida korrkeeda
25 November 2014 at 22:27 · Like · 1
Ali Hassan Waa run Huno wa wahjira ee manol
26 November 2014 at 02:17 · Like
Hinda Axmed Wa jiraa jcyl
See Translation
27 November 2014 at 02:47 · Like
Fozia Daher maa jeroo jabayl waa been
29 November 2014 at 11:28 · Like
Sh ruu Yare B j m s Waad mahadsantahayẳẳ ẳ ẳ ẳ
See Translation
30 November 2014 at 07:52 · Like
Husein Ali Hassan Wa jira jcylku balse hadaan soomail nahay waan kabad badinay taasina waxaa
u daliil ah baduba xad ayeey leedahay xeebtuna soo ma gudubta waa aniga ra,yigayga ruux
walba iyo jwbtiisa
3 December 2014 at 07:30 · Like
Nassib Sawmaha Wa wax jira jcyl aniga ayu ihaya
See Translation
5 December 2014 at 02:43 · Like
Ŷàâsïin Inéîstà Warunta wajira ana wan dhadhami yay
16 December 2014 at 09:25 · Like
Seraar Cali cashqa alahayow ka dhiga kaalin aan jabin cisigiyo wanaagan
See Translation
5 January at 22:40 · Edited · Like
Cabaas Khaliif Abukar caadi mahan
7 January at 05:16 · Like
Ãbdïrãhmâñ Sàlâh inaba caadia aha
12 January at 07:00 · Like
Gaadar Ahmed Adan Kurka Jaceylku waa wax jira waxana garanaya cida uu asiibay
See Translation
12 January at 13:14 · Like
Mohamed Muse waa wax jira
15 January at 02:26 · Like
Khadar Dajiye jacalka waxaa ka awood roon rabitaanka iyo kaheli taanka
16 January at 23:51 · Like
Shaahid Caanonuug wa runtaa maanta jcyl dhab ah ma jiro
See Translation
20 January at 23:07 · Like
Lih Ati Yare waxa uu xambaar sanyahay murti aad u muhiim ah waadna ku mahad san tahay
See Translation
21 January at 21:56 · Like · 1
Cabdilahi Aden Qurux waa wax dhab ah murtidani waanad ku mahadsantihiin
See Translation
25 January at 01:48 · Like
Dhibane Jacayl jacaylku wuu jiraa qofkii soo jilana og
See Translation
25 January at 07:14 · Like
Ilhaam Axmed Xuseen jclka majiro malaha
30 January at 22:44 · Like
Nimcaan Qalbi Xabiib Boqolkiiba Boqol jeer Caashaqu Kabadanaa
31 January at 13:28 · Like
Cadnaan Sergio wlhi dadka qaaar un kaliya ba jcyl sameeen kra not every one on the world
See Translation
16 February at 08:07 · Like
Samiir Ilyaas Ilyas hadii ay jiri lahaayeen dad jacaylka dhabtiisi kusoo celiya wy fiicnaan lahayd
lkn waxaan ad uga xumahay in jcylkii laga dhigo kumeelgaadh
See Translation
23 February at 06:23 · Like
Love Lucky anigu jclka mid kliyan u aqaanaa
See Translation
25 February at 11:45 · Like
Bilal Khan Yare waqtigaan la joogo waa dhif laba qof oo inta jaceyl abuuro ka mira dhaliyo
See Translation
28 February at 01:23 · Like
Eng Shafici Muse Inaader Waa sidaase waligiin ragow mid Iska ilaaliya inad tidhaahdaan waan ku
jecelahay
See Translation
3 March at 22:50 · Like
Cabdale Dollar caazhzqu waa bad weyn
8 March at 21:42 · Like
Qadari Qiimaha Jacaylka Waa khatar
9 March at 19:42 · Like
Mohamed Ali Elmi jacayllka dhabta ahi waa ka labada qof ka midhadhaliyaan
14 March at 08:06 · Like
Ugaas Najiib Xamdi Ddsi waah waah lkn wax kasta jaceelka ayaa ka awood wayn labadii dhab
isku jecelna calaf un baa kala gayn
See Translation
15 March at 20:14 · Like
Samawade Dookh Jacayl Cali Kkkkkkkkkkkkkkk warun sxb macaruuuf
20 March at 23:06 · Like
Nuux Xasan Ku arkayo kucashaqay hhhhhh,waalayaab
See Translation
27 March at 12:44 · Like
Love Fadar Halkaa kawada sxbayal jaceylku waa wax jiro hhhaaaaaa
28 March at 10:28 · Like
Sukaina Bintu Abshir alle amuuraha ha sahlo
2 April at 02:54 · Like
Mustafa Cali Faarax ragga & dumarka jacayku dumarkuu soo ritaa
See Translation
2 April at 22:35 · Like
Abdirahmaan Soomaali dhab weeye jacaylka qofkii aamina ee
See Translation
11 April at 20:12 · Like
Smart Boy Mukha jeceylku waa balayo baaxadisuna way birtaba ka adage
See Translation
11 April at 20:23 · Like
Nanad Cade Ka Cade jcl waa dhibaato
15 April at 04:27 · Like

More Related Content

Featured

How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
ThinkNow
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Kurio // The Social Media Age(ncy)
 

Featured (20)

How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
 
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfAI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
 
Skeleton Culture Code
Skeleton Culture CodeSkeleton Culture Code
Skeleton Culture Code
 
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
 
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
 
How to have difficult conversations
How to have difficult conversations How to have difficult conversations
How to have difficult conversations
 
Introduction to Data Science
Introduction to Data ScienceIntroduction to Data Science
Introduction to Data Science
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best Practices
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project management
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
 
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
 
12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at Work12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at Work
 
ChatGPT webinar slides
ChatGPT webinar slidesChatGPT webinar slides
ChatGPT webinar slides
 

Document

  • 1. Boga Jaceylka » waxaa jira 6-Jacayl waxaa jira 6-Jacayl Qiimaha Jacaylka ma aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 6-Jacayl kuwaas oo kala ah:- 1: Jacayl dhab ah: – Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo. 2: Jacayl gaaban: – Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii ama uu hana waayo 3: Jacayl danaysi: – Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma. 4: Jacayl Xushmo: – Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan Rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri Karin, kadibna aad go’aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta. 5: Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado. 6: Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun. hadba waxaynu isku deyeynaa inaynu soo qaadano heesihii ama gabaydii ay abwaanadu u qaadeen jacaylka waxaana tusaale fiican ingoogu filan hesstii uu curiyey abwaan hadraawi JACEEL DHIIG MALAGU QORAY Jacayl dhiig ma lagu qoray Weli dhuux ma loo shubay Qofna saanta dhabarkiyo Ma u dheegey feedhaha Dhabanada cad laga jaray
  • 2. Hadalkii ma lagu dhigay Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay Laba mays dhansiiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen Weli laba is dhaarsaday Beryo dhacan nasiib iyo Dhul ku kala cillaala Subax dharabku kowsadey Dhedaduna cuddoon tahay Cidla aan dhir mooyee Wax dhaqaaqayaa jirin Jabaq maysku dhaadeen. Kulankii dhabta ahaa Riyo dhiifi keentiyo Dhalanteed ma moodeen Sida ay dhadhabayaan Dhawr jeer ma seleleen Af dhabaan dhab jamashada Ma ka dhoofay hadalkiii Bal dhaqaaq na kay tahay Dhihidii ma waayeen
  • 3. Ma ka dhabaqday xaajadu Ilma dhalatay xiisuhu Sida dhibic ma hiigaan Ma ka qubatay dhaayaha Ma ku qoyey dharkoodii Naxariis ma dhidideen Iyagoo dhanqalankii Dheel dheelli mooyee Dhegna aanay kaga jirin Kolba erey dhex roorkiyo Dhumucdii ka maqantahay Dhitinaaye keligii Ka dib tooban dharaarood Carrabkiyo dhanxanagii Dhirindhirid ma ku heleen Laba guul u dhalatoo Isu dhiganta weeyee Dabadeed dhabeeshii Hanadkii ku dheeraa Dhudi mays bariidsheen Dhubbad qaadka sheekada Qofba dhagarta caashaqa Wixii dhaaxo soo maray Ma dhex galay kalkiisii Ma akhriyey dhambaalkii
  • 4. Warka maysu dhiibeen. Kalgacayl dhito ahaa Dhamac iyo dab huriyeen Dhuxuliyo ladh soo kacay Hadba dhoon ma buuxsheen Kolba dhacan ma jiideen Dhacdadiyo u jeedada Qofba dhaadashada guud Qofka kale dhankiisii Inaan looga soo dhicin Ma ku dhaabadeeyeen Sannad mays dhegeysteen Ma dhalaalay waagii Dhag ma tidhi cadceedii Intay soo dhaqaaqeen Iyagoon ka dheeraan Dhaqankiyo xishoodkii Dhaymana u jeel qaba Iyadoo dhexdoodii Dhulka suxul banana yahay Dhibta maysla taageen Wax intaa ka sii dhow Ma ku dhiiran waayeen Dhayal laysu taabtiyo Dhallinyaro habkeedii
  • 5. Ma ka dhega adaygeen Dhadhansiga miliilica Isha mayska dhawreen Dhabbaday is taageen Qofba dhaabaddiisii Sara joog dhankiisii Kun habeen ma dherernaa Dhudhummada aboorkii Dhulka hoose kaga baxay Dhilashada jidhkoodii Ma dhanbalay sartii guud Ma dhammeeyey hilibkii Xidididada ma dhaawacay Ma u dhaafay seedaha Lafta hoose maw dhacay Dhiilluu ku geliyaa Ama waad dhalliishaa Dhagartiyo wedkaagee Dhimashada kal iyo laab Ma ku soo dhaweeyeen Dhoollaha ma ka qosleen Ubax dheelka subaxdii Naxariis ku dhaashtoo Afka dhiin cas mariyoo Dhaddigiyo labkisii
  • 6. Laba dhude isugu maran Ma is dhaafsadeenoo Dhaxal maysu siiyeen Dhuuni kawlka caashaqa Maysu sii dhadhamiyeen Ereygii dhinaa hadal Dhegta maysu saareen Dhafan dhaaf aboorkii Ma dhufsaday cammuudii Ma u qaatay dhoobada Dhab-dhabkiyo kabkabidii Labadaba ma dhalan rogey Dhismo kale ma soo baxay Ma ka dhigay wax yaabliyo Dudun dherer ku caanoo Dhumuc iyo laxaad weyn Dhalan dhoolka maantii Dadku dhacarta jiilaal Ma dhasaday dharaartii Ma ka dheelmay galabtii Iyadoon la dhaadayn Sheekada dhabteediyo Dhabar weyntan hooska leh In dhexdeeda laba ruux Runta kaga dhur sugayaan
  • 7. Haddaan laysu dhamanayn Nafta laysu dhiibayn Ama dhaxal tis qaadiyo Dhismo aqal la taagiyo Ubad iyo dhaqaaliyo Dhaqan reer la kala sugin Dhunkashiyo u jeedadu Tahay dhaayo guudkood Waabay la dhabaqsado Dhereg iyo markaas qudha Ama sida dhurwaayada Hilbo gabadh dheg roonoo Higlo loogu dhuuntoo Dhakhso loogu kala baxo Ninba waxa dhabbacashada Dabinkiisa ugu dhaca Dhidar iyo xabaashii Sharaf lagu dhabcaaliyo Dhawrsooni laga tegey Dhalanteedka beenta ah Bulshadaa u dhaawacan Hab jacayl u dhaqan galo Ma holladay ka ugu dheer Maamuusna ugu dhow Mise weli wax baa dhiman. JACEYLKU MA DHAB BAA MISE WAA DHALANTEED..?
  • 8. Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daro Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo. Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo! Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waaDhalanteed? Ma Cudurbaa mise maaha. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay? Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed…..? Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata Ayuu uurka ka yiraahdaa. Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayay Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jiray. Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa? Tani mabaaha tii uu iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahay uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon. Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kale Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba
  • 9. oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa. Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene. Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu maihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:Alleylahe Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho laaan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan. Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh:Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabta Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaa goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba maahayn waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEHSidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay yiraahdaan saaxiib anigu ma aamisni jaceylka inuu dhab yahay oo uu jiraba Dadoow ma ogtihiin hadii uu jeceelka jiri laheen aduunyada ba ma joogteen waayo jaceelka waa wax aan waligiis aan la dhihi karin ma jiro ,taas dadka aaminsan waa qaldan yihiin , dadka dhahaan jaceelka waa wax jira weey sax san yihiin waayo jaceelka waa halis qof hadii uu ku jeclaado oo wax la qaban weyda taas waa qalad ma ogtahay qofkaas waxeey ku sugan tahay …. waa jiraan dad oo daacad ka aheen jaceelka balse marmarka qaar ee been sheegaan kuwaas waxba looma qabta lakiin caanshaqa ma ogtahay in uu halis yahay hadii aadan ogeen hadaba baro,
  • 10. Cudur weeye caanshaqu Culumada quraankiyo Cilmi seyniska kuwa dhiga Ma cadeyn karaanoo Ciladiisu waan weeyoo Ceynkiisa lama garan Maxaa leey cirbadayoon Ku casheeyay aasbaro Caatana ka sii helay Cuudna waa la ii shiday Cisbitaalna waa galay caafimaadna maan helin Labadii is calooshata Hadan ciid la kala geyn Cagahaa isu keenee Calaf haysu keen simo Cajaa’ib weeye dhib badan hadal weeyee Cakiran caashaq weey haysaa curdun weeyee Ugub ahoo aan wali curane. Dadoow ma ogtihiin in jacelka uusan aheen mid dheel dheel ah, base jaceelka ma ah wax lacag ah oo lagu iibsado lakiin dadka qaar waxeey raacaan lacagta, kahelid macnaha qurux ee qofka ka hesho, jaceel waali ah eey qofka u qaato qofba si uu wax u doorsadaa waayo midkii ku an faca ayaa kala baxdaa rag iyo dumarba dadka qaar waxeey dhahaan, Maxaa laba ruux is raba Maxaa gacal iyo xigaal Maxaa la isugu diraa Mashkilad iyo muran qabiil
  • 11. Mixnadu way reeban tahay Su’aal beey dadka taban Jacelku waa mid weyn Axdi adag beey u maraan Haddii wax walibaa dhacaan Afkooda ma furriin ma karo. waayo jeceelka waa wax dhab ah oo sidaas aada ragteen had iyo jeer, waxaa jiray maalin maal maha ka mid ah gabar soomaaliyeed ayaa will jeclaatay markaas beey u sheegatay jaceelkeedii beey tiri walaalo adigaa kaa helay oona ku jeclaaday walibana jeceel dhab ah ,waxeey na u raacisay tixdaan geeraarka oo ah sida tan, Dhibaatada jaceylka ah Way ku dhalan rogtaayoo Dhaawaca jirkaagana Waad la dhuubataayoo Arar iyo laxaadkana Wuu i kala dhantaalmoo Dhabanka iyo gacmaha Way isku key dhageen. ee walaaloow wax ila qabo adigaa ku jeclahay , markaas buu ugu jawaabay walaal anigaba markii hore baan kaa heloo adigaa kuu iil daran nahay ee wax ila qabo oo u raaciye tixdaan asagana , adaa dagay laabtii saableyda oo idil Dabaq baad ku leedahay Daacad iyo dulqaad iyo Dadkaan kaaga soocdee Go’aankeygu waxuu yahay
  • 12. Inaan wada dal xiisnoo Dunnida ku gaaf wareegnoon Ku digleyno farxad Daar xalaal yagleelno Garabkeyga istaag Ha bulaalo jeceeluye. Wiilkii iyo inantii jaceelkaas baa dhax maray waxaa sii batay jaceelkood hadii aad fahantay jaceelkaba waa intaas. Qoraa: yaasiin axmed Maxamedwaa (yasin Lucky.R)abwanka da’dayar ee u hawl galay in uu ka hadlo arimaha jacaylka iyo xidhiidhka lamaanayaasha is jecel Ma ogtihiin dad weynaw in jacaylku yahay dareen kaa dhexdhasha lamaanayasha kaa soo sababa in kalsooni qoto dheeri dhex marto labada qof ee isjeclaaday hadaba iyada oo ay taasi jirto ayaa waxaa la sheegaa in aan qof lagu kalsoonaan Karin waayo waxaa la arkay in dad badani ay balnata iskaga baxaan inagoo soo qaadanayeyna gabeygii uu abwaan yaasiin curiyey ee ay ku jirtayRaxmay waxaa jira laba uu ilaahay ku mideeyey noloshoo cishqi wada sameeyey misna aan aroosiyo raaxada aduunyada weligood wadaagin sababtuna waxay tahay midkoodbaa sagsaagoo balantii jacaylkiyo wacadkii ka leexdoo balantii burburiyee Abwaan yaasiin axmed maxamed wuxuu tuduca ka mid ah gabaygiisan inagu dareensiiyey in ay adagtahay sida loogu kalsoonaado qof binu aadan ah maadaama oo dhaawac badan kaa soo gadhi karo hadii aad weydo jacaylkaaga Waxaa jirta in uu jacaylku yahay shayga keliya ee qofka binu aadanka ah nolosha wax ka tusi kara balse wuxuu aakhirka ku danbeeyaa dhib iyo murugo waxaa welwel kugu noqonaya jacaylkaaga iyo sidii aad ku heli lahayd Q : yaasiin axmed maxamed Hadaladii maxamed iyo buuga 500 page ah ee la magac baxay (Nabse Ha gelin Hab lagaa Galee !) 2008 Walaal macaan hadii aan ku jeclaaday oo daka kaaga soo go’ay maaha in aad sidaas iila hadashid ismana lahayn qotii aad jeclaatay ayaa sidaaas kuu gelaysa ma ogtahay in jacaylku yahay dareen aanad fahmi karayn goorta uu ku haleelo hal su’aalse aan ku weydiiye maxaad sameyn lahayd hadaad booskayga ku jirto ama sidaan kuu jeclaaday aad ii jeclaan lahayd Q : yaasiin axmed maxamed Waxaad kala soo xidhiidhi kartaan meel walba oo aad joogtaan E-mail yasin99@live.co.uk Hadaldii cismaan iyo buuga la magac baxay (DHADHAN MA LAHA CAASHAQU HADAAN LAYSU DHIMANEYN) 2007 Walaal ma jeclaan lahayd in aad beer beerato kadibna mara ay kuu soo dhawdahay xiliga ay mudhuhu kuu soo go’i lahaayeen qof kale kaa goosto ? Waa maya waxaan uga jeedaa walaal anigaa nimco jecel adigan waxaan kaa codsanyaa in aad aniga dartay u dhaafto maadaama oo aan arinkan kaa codsadayQ yaasiin axmed maxamed Waxaad kala soo xidhiidhi kartaan meel walba oo aad joogtaaan E-mail shahruu99@hotmail.com Inyar oo ka mid ah buuga la magac baxay (HILINKII NOLOSHASHA) 2009 waa qisi dhab ah oo ka kooban 500 page waxay ka dhacday wadanka soomaali land gaar ahaan hargeysa waxaa qalinka u qaatay Qoraaga caanka ah ee aad taqaaniin ahna madaxa webkan la magac baxay dhambaalkiijeceylka.8m.com
  • 13. oo ay mataano yihiin web kan kale ee isna la magac baxay dhambaaljacayl.8m.com Mr : yaasiin axmed maxamexd Mustafe wuxuu ahaa wiil ku soo koray nolol rafaad ah yaraantiisii muu arag wax daryeel hooyo ah aabihiina wuxuu dhintay markii uu 6 jir ahaa musfate wuxuu xilkiisa qaaday adeerkii walaalkii la dhashay oo ahaa nin aad u kibir badan xaaskiisa oo uu aad u jeclaana wax walba oo ay u shegto ka maqli jiray mustafe adeerkii wuxuu dhalay saddex qof oo laba wiilal yihiin midna inantahay.Mustafe noloshii yaraantiisa waxaba Kama uu xasuusan karo laakiin waxa kaliya ee uu xasuustaa waxay ahayd maalin ay isku dhaceen wiil kamid ah wiilasha adeerkii dhalay kadibna wiilka hooyadii oo ahayd islaantii uu adeerkii qabay ay sixun u dishay iyada oo ku lahayd shaydaan ayaad tahay ee sidee wiilkayga gacan ugu qaadaa Faaduma oo ahayd islaanta uu adeerkii qabo waxay si aad ah u necbayd mustafe wax ay ku necbaatayna lama sheegi karo Cabdale oo ahaa mustafe aadeerkii muu oofin balantii uu ka qaaday walaalkii ka weynaa oo ahayd in uu wiilkiisa heer gaadhsiiyo wax barashana ku daro, mustafe wuxuu garaad saday oo nin weyn noqday isagoo ku jirada kishada guriga adeerkii una xil saaran in uu sameeyo dhamaan cuntooyinka loo baahdo mustafe wuxuu garaad yeeshay isagoo ah qof la adoon sado oo ka shaqeeya guriga adeerkii haday tahay hawl la qabanayo iyo haday tahay dhanka shaqada guriga Mutafe wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan hasa ahaatee quruxdiisu marnaba may muuqan jirin maadaama oo uu isa aha wiil aaan kishada iyo cunto karinta ka baxayn mustafe wuxuu ahaa wiil aad u dabeecad wanaagsan dulqaad badan mustafe isaga oo wax walba u jeeda arkana sida ay adeerkii iyo reerkiisu ugaleen ayuu misana ahaa wiil aaan ka eed sheegan wuxuuna mar walba ilaahay ugu mahdin jiray si walba ha u galeene koritaanka ay soo koriyeen una buuxiyeen booska labadiisii waalid Mustafe wax barasho nooc ay ku tahay muu aqoonin wuxuu se nasiib u yeeshay in uu barto akhrinta iyo qorida afkiisa hooyo mustafe wax mushahar ah ma lagu siin jirin shaqasan uu maalin walba qabanayo ee ah hawsha guriga, waxaa bishii hal mar loo ogolaan jiray in uu suuqa aado inta uu adeerki siiyo lacag waxoogaa ah Mustafe maalitaa uu suuqa soo aado waxay uga farxad badneyd boqol sano oo soo Marta Nafsad ahaantiisana mustafe wuxuu jeclaa in uu akhristo buugaagta sheekooyin eeku qoran afkiisa hooyo haday yihiin kuwa jacaylka iyo haday yihiin qisooyin kale oo ka dhacay caalamkan mustafe maalmaha uu suuqa soo aado wuxuu iman jiray maktabad buugaagta Waxaad sheekadan oo dhameystiran kala soo xidhiidhi kartaa maxada web page ka Mr: yaasiin axmed maxamed abwaan yare Dhibaatooyinka JacaylkaSidaynu horeba u soo sheegnay waxaa jira dhibaatooyin badan oo uu jacaylku u gaysan karo qofka binu aadanka ah waayo aduunyadan korkeeda way yartahay inta qof si dhib yar ku helay jacaylkiisa Jacayl walba oo la semeeyo oo ay lamanayaasha is jeclaaday wadagaan wuxuu ku dhamaadaa in ay is waayaan hadaba mar keliya ma lays weydiiyey waxa sababay is waagan? Mise ilaa hada ma jiro qof ka fekeray arinkaas? hadaba akhristaw waxaa dhacda in labada qof ee is jeclaadaa aanay waayin cid ku cadaw noqota haday tahay labada waalid iyo haday tahay wiil kale oo soo dhex galay jacaylkooda kuna noqoda saddexeeye waxaa dhacda in marka arimahaasi yimaadaan aan meesha laga waayein dira diraale iyo in war loo kala geeyo lamaanayaashii is jeclaa taasina waxay sababtaa in kalsoonidoodii hoos u dhac ku yimaado ilaa uu jacaylkaasi noqdo mid burbura waayo wax walba waa kalsooni guri lama dhisi karo sees la’aan jacaylna lama dhisi karo kalsooni la’aan Waxaa la arkaa in labada qof marka ay si bartaan ilaa inta jacaylku ku faafayo unugyada jidhkooda ay six dhaaf ah isagu soo dhadhabaan isuna raadiyaan wada hadalkooduna bato hadaba maxaa sababa
  • 14. hadii uu jacaylku gaadho mudo laba sano ah in wada hadalku yaraado? taas waxaa sabab sidaynu ognahay wiil waliba wuxuu jecelyahay in uu aduunyadan tabcado oo uu meel ka muuqdo habluhu se way ka fikrad duwan yihiin waxayn jecel yihiin in ay guursadaan ilmo dhalaan keibna ay arkaan ubadkooda oo hortooda ku ciyaaraysa dhibta u weyn waxa keena marka ay inantu wax hadal aroos ah ka weydo dhanka wiilka wiilkuna uu ku tashado in uuna dhakhso u guursan taasi waxay sababaysaa in ay inantu go’ansato ama aanay ka diidin hadii aabeheed yidhaahdo wiil ayaan ku siinayaa Hadaba maxaa lagaga hortegi lahaa arinkaa dhibta u keenaya umada iyo bulshada? Waxaa taa inooga waramay Qoraa Yaasiin Axmed Maxamed wuxuuna yidhi Waxaan anigu rayi ahaanteyda wiil iyo inan walbana kula talin lahaa in ayna is lug gooyn maadaama oo jacaylkoodu sidaa ku dhamaanayo waxaana haboon in wiilku marka uu noloshiisa meel ku soo hubsado u u soo jeesto arimaha jacaylka xiligaasna sidaan fialayo ma waaynayo inan uu jacayl la jilo kadibna uu guursado.Waxaynu odhan karnaa xiligan la joogo ma jiro jacayl dhab ah taana waxaa u sabab ah marka aad milicsatid hareerahaaga oo aad aragtid sida uu jacaylka dhabta ahaan jiray isu bedelay waxaad arkaysaa laba qof oo leh waan is jecelnahay misana aan isku kalsooneyn maxaynu odhan karnaa way sababtay?Runta hadii aan idinkala hadlo dhalinyarada iminka joogtaa way ka beensheegtaa jacaylka waayo jacaylku wuxuu lahaa xuduud, xaq iyo wanaag lagu yaqaanay hada se waxaad moodaa in meel looga dhacay -------------------------------------------------------------------------------- Like · Comment · Share 27 people like this. 24 shares View previous comments Hoodo Ibnu Hoodo Yuusuf aadan dugsiiye jacaykuujiraa 22 October 2014 at 01:30 · Like Abulahi Bashir jacelku wu jira balse ma.ahan in ad qalbigaga raraciso wa in ad ismididaliso other ways halis halis bukugaliniya oo nafsadada bad naceyda oo waxyabo XUUN bu kugu aburii karaaaaaaaaaaaaaaaaa See Translation
  • 15. 5 November 2014 at 00:59 · Like Mahamed Yare fashwq8dft7-97weg2357903`=024ytr7532222 See Translation 10 November 2014 at 09:18 · Like Gâßîlâwï Çâdê uu jiraa se madhadhamin 20 November 2014 at 05:04 · Like Maariya Ahmed kkk 24 November 2014 at 03:49 · Like Zulthan Ayouß Mohammett wlaaahay kalmadahan waaa kalmado jira #jcyLkuNa waa JIra ruuxi diidana wa in la dilaa See Translation 25 November 2014 at 03:20 · Like Rastam Abdi jacayku waa waxjiira lagu nolyahay dunida korrkeeda 25 November 2014 at 22:27 · Like · 1 Ali Hassan Waa run Huno wa wahjira ee manol 26 November 2014 at 02:17 · Like Hinda Axmed Wa jiraa jcyl See Translation 27 November 2014 at 02:47 · Like Fozia Daher maa jeroo jabayl waa been 29 November 2014 at 11:28 · Like Sh ruu Yare B j m s Waad mahadsantahayẳẳ ẳ ẳ ẳ See Translation 30 November 2014 at 07:52 · Like Husein Ali Hassan Wa jira jcylku balse hadaan soomail nahay waan kabad badinay taasina waxaa u daliil ah baduba xad ayeey leedahay xeebtuna soo ma gudubta waa aniga ra,yigayga ruux walba iyo jwbtiisa
  • 16. 3 December 2014 at 07:30 · Like Nassib Sawmaha Wa wax jira jcyl aniga ayu ihaya See Translation 5 December 2014 at 02:43 · Like Ŷàâsïin Inéîstà Warunta wajira ana wan dhadhami yay 16 December 2014 at 09:25 · Like Seraar Cali cashqa alahayow ka dhiga kaalin aan jabin cisigiyo wanaagan See Translation 5 January at 22:40 · Edited · Like Cabaas Khaliif Abukar caadi mahan 7 January at 05:16 · Like Ãbdïrãhmâñ Sàlâh inaba caadia aha 12 January at 07:00 · Like Gaadar Ahmed Adan Kurka Jaceylku waa wax jira waxana garanaya cida uu asiibay See Translation 12 January at 13:14 · Like Mohamed Muse waa wax jira 15 January at 02:26 · Like Khadar Dajiye jacalka waxaa ka awood roon rabitaanka iyo kaheli taanka 16 January at 23:51 · Like Shaahid Caanonuug wa runtaa maanta jcyl dhab ah ma jiro See Translation 20 January at 23:07 · Like Lih Ati Yare waxa uu xambaar sanyahay murti aad u muhiim ah waadna ku mahad san tahay See Translation
  • 17. 21 January at 21:56 · Like · 1 Cabdilahi Aden Qurux waa wax dhab ah murtidani waanad ku mahadsantihiin See Translation 25 January at 01:48 · Like Dhibane Jacayl jacaylku wuu jiraa qofkii soo jilana og See Translation 25 January at 07:14 · Like Ilhaam Axmed Xuseen jclka majiro malaha 30 January at 22:44 · Like Nimcaan Qalbi Xabiib Boqolkiiba Boqol jeer Caashaqu Kabadanaa 31 January at 13:28 · Like Cadnaan Sergio wlhi dadka qaaar un kaliya ba jcyl sameeen kra not every one on the world See Translation 16 February at 08:07 · Like Samiir Ilyaas Ilyas hadii ay jiri lahaayeen dad jacaylka dhabtiisi kusoo celiya wy fiicnaan lahayd lkn waxaan ad uga xumahay in jcylkii laga dhigo kumeelgaadh See Translation 23 February at 06:23 · Like Love Lucky anigu jclka mid kliyan u aqaanaa See Translation 25 February at 11:45 · Like Bilal Khan Yare waqtigaan la joogo waa dhif laba qof oo inta jaceyl abuuro ka mira dhaliyo See Translation 28 February at 01:23 · Like Eng Shafici Muse Inaader Waa sidaase waligiin ragow mid Iska ilaaliya inad tidhaahdaan waan ku jecelahay
  • 18. See Translation 3 March at 22:50 · Like Cabdale Dollar caazhzqu waa bad weyn 8 March at 21:42 · Like Qadari Qiimaha Jacaylka Waa khatar 9 March at 19:42 · Like Mohamed Ali Elmi jacayllka dhabta ahi waa ka labada qof ka midhadhaliyaan 14 March at 08:06 · Like Ugaas Najiib Xamdi Ddsi waah waah lkn wax kasta jaceelka ayaa ka awood wayn labadii dhab isku jecelna calaf un baa kala gayn See Translation 15 March at 20:14 · Like Samawade Dookh Jacayl Cali Kkkkkkkkkkkkkkk warun sxb macaruuuf 20 March at 23:06 · Like Nuux Xasan Ku arkayo kucashaqay hhhhhh,waalayaab See Translation 27 March at 12:44 · Like Love Fadar Halkaa kawada sxbayal jaceylku waa wax jiro hhhaaaaaa 28 March at 10:28 · Like Sukaina Bintu Abshir alle amuuraha ha sahlo 2 April at 02:54 · Like Mustafa Cali Faarax ragga & dumarka jacayku dumarkuu soo ritaa See Translation 2 April at 22:35 · Like Abdirahmaan Soomaali dhab weeye jacaylka qofkii aamina ee See Translation
  • 19. 11 April at 20:12 · Like Smart Boy Mukha jeceylku waa balayo baaxadisuna way birtaba ka adage See Translation 11 April at 20:23 · Like Nanad Cade Ka Cade jcl waa dhibaato 15 April at 04:27 · Like