Small Business
Ganacsiga Heerka Hoose
Tababar ku Saabsan Hal-abuurka iyo Ganacsiga yar-yar
(Somali)
(Mogadishu-Feb. 2019)
Waxaa Diyaariyey
Bakar Haji Omar
Certified Trainer and Business Advisor
Managing Director
Tusaale Consulting Firm
www.tusaale.so
Tel: +252-615538652
bakarhaji11@gmail.com
Haddaba, xaabada uu Xadiith-ku
sheegay ma ahan oo keliya xaabada
dabka lagu shito (fire-woods), ee waa
wax walba oo laga heli karo duurka
(kaynta) kuwaaso markii caqliga loo
geeyo noqon kara alaabo ama badeeco
la jaanqaadi karta nolosha dadka xilli
kasta iyo heerkasta oo la joogo. Eeg
sawirada soo socda.
HORDHAC: GANACSIGA HEERKA HOOSE IYO
HAL-ABUURKA GANACSI
• Waxaa la ogyahay in howl ganacsi ee kasta ay
asaas u tahay fikradda qof keliya, kaasoo
noqonaya aasaasaha ama hal-abuuraha
howshaasi ganacsi, kadib markuu arko fursad
ka banaaan badeeco ganacsi ama mid adeeg.
Fikradaasi oo ficil loo bedelay waxay qayb
noqonaysaa mid wax soo saar ama adeeg
bulsh oo faa’iido u leheh baahida dadku ay
qabaann ganacsigaas ama adeegaas cusub ee
soo kordhay.
----
Si guud ahaan, ganacsigu wuxuu u kala baxaa
AFAR qeybood oo kala ah.
1. Qeybta wax soo saarka( Manufacturing)
2. Qeybta Jumlada
3. Qeybta Keli-kelida ama Tafaariiqda
4. Qeybta Adeegga.
Hadaba, ma aha qof walba oo curiya fikrada ganacsi
inuu guuleysanaayo, ee waxaa guuleysta oo keliya
qofka laga helo astaamaha ganacsiga mira dhalka
ah. Taasoo ay ka midka yihiin wax yaabaha soo
socoda:
• Halis u bareerid- Geesinimo
• Guul ku taamid
• Niyad-jab la'aan (niyad sami)
• Tar-taramid(Hal gamid)
GANACSIGA YARYAR
Ganacsiga yar-yar ama heerka hoose waxa uu
muhiim u yahay kobaca guud ee dhaqaalaha,
sababtoo ah wuxuu isku xiraa alaabta ama
adeega lasoo saaray iyo dadkii loo soo saaray
ee u baahnaa isticmaalka badeecada ama
adeega. Tusaale ahaan tukaanka xaafada ku
yaalla wuxuu isku xiraa warshada baastada ee
ku taalla Talyaaniga iyo reerka deriska la ah
dukaanka.
----
Ganacsiga yar-yar noocyadiisa kala duwan waxaa ka
mid ah:
Dukaanlaha
Tima jaraha,
Sariflaha
Caseeyaha
Foornada
Gaari-gacanleyda
Bajaajlaha
---
Muhiimadda ay leeyihiin waxaad ogaanaysaa marka aad
fiiriso dhibaatada ka jirto magaalo ama xaafad aan
lahayn tukaan, tima jare, taxi, gaari-gacan, farmashiye,
qudaar, dugsi, bajaaj, caasi, umuliso iyo wax la mid ah.
Faaiidada ganacsiga yar-yar uu leeyahay waxaa ka mid
ah in qofku uu ku taba barto heer uu yeesho xirfad
ganacsi oo aad u sarreyso. Xilligan la joogo ganacsiga
Soomaalida ku dhawaad 90% waa ganacsiga yaryar ee
heerka hoose, kaasoo ay ka shaqeeyan in ka yar 5
qofood ganacsigiiba. Boqolkiiba 80 dadaku waxay ka
shaqeeyaan ganacsigan yar-yar, kuwaasoo mustaqbalka
noqon kara shirkadaha waa wayn ee ganacsiga heerka
sare.
FAA'IIDADA GANACSIGA YARYAR
Waxyaabaha uu ku fiicanyahay ganacsiga yaryar ee
heerka hoose wxaa ka mid ah:
1. Billaabistiisa oo fudud
2. Si fudud oo uu ku hor marayo
3. Sida fudud ee looga qaadanayo (baranaayo)
xirfad iyo aqoon
4. Magaca iyo sumcadda aad ku dhex yeelanayso
macamiisha iyo kuwa wax soo saara
5. Qarashaadkiisa oo aan badnayn
6. Maareyntiisa (maamulkiisa) oo fudud
----
Halka ganacsiga waaweyn ay galaan qarash
badan iyo waqti badan si ay u maareyaan
shirkadahooda, ama ay u soo saaraan alaab
heer sare ah ama ay u qaattaan go'aan wax ku
ool ah, ganacsiga yar-yar kuma qaadanayso
waqti dheer inuu go'aan gaaro maadaama ay
taladiisu ka godo qof keliya amd dad yar.
CAQABADAHA GANACSIGA YARYAR EE
HEERKA HOOSE
Ganacsiga noocan ah waxaa lugu yaqaanna inuu
leeyahay caqabadihiisa gaarka ah sida
tabartiisa oo aad u yar awgeed uusan soo
saari karin faaiido sidaas u buuran. Qofka iska
leh ganacsiga yaryar waxaa ku waajiba inuu
geliyo waqti farabadan taaso oo ka qaada
nasashadiisa. Go'aanada geesinimada leh ee
halista loogu bareerayo oo aan loo helin talo
ku filan maadaama uu qof keligiisa leeyahay
inta badan.
----
Ganacsiga yar-yar ma helaan faa’iidada
dhaqaale ee ganacsiga waaweyn ay ka helaan
magacooda, sida qiima dhimista loo sameeye
marka ay alaab badan gadanayaan, taasoo
ganacsiga yar uusan gadan karin. Waxaa sidoo
kale ganacsiga yar-yar uusan heli karin deymo
waa wayn oo lugu maal-geliyo wax soo saarka
iyo socodsiinta howsha ganacsiga.
Si aad u gaarto ujeedka ganacsi ee aad
leedahay, waxaa lama huraan ah in aad
jeexdo dhabaha ugu wanaagsan ee ku gaari
karto; taasina waa waxa loo yaqaano “
Qorshe ganacsi” ama Business Plan.
Dhabaha ama waddada aad u marto
hufnaanteeda ayayna ku xirantahay
xaqiijinta hadafkaas.
Hadaba si aad u jeexdo dhabbe cad
(ama qorshe ganacsi) ee ganacsigaagu
uu yeesho, waxaad si buuxda uga
jawaabtaa su’aalaha soo socoda.
1. Maxaad ka ganacsanaysaa? (nooca ganacsigaaga)
2. Yaad ugu tala gashay? (macamiishaada)
3. Sidee rabtaa in adiga lagaa gato meelaha kale ka soko? (caddee
siyaasada aad ku suuq-gaynaysid ama aad dadka ugu
dhaadhicinaysid)
4. Qalab maxaad u baahatahay si aad u abuurto ganacsigaaga?
5. Raasumaal intee la eg ayaad ubaahantahay?
6. Sidee rabtaa in aad ku heshid raasumaalkaas?
7. Dakhliga guud iyo qarashaadka ganacsigaaga maxaad isleedahay way
noqon karaan?
8. Faa’ido intee la eg ayaad ka filaysaa?
9. Yaa ka shaqaynayo ganacsigaaga? Ma leeyahay xirfada loo
baahanyahay si uu u mira dhalo?
QORSHEYNTA GANACSIGA YARYAR
Qorsheynta waa tallaabada koowaad ee howl
walbo la qaban rabo. Waxaa lugu cadeeya
waxa aad rabto, sida aad u rabto, iyo goorta la
qabanayo si loo gaaro u jeeddada laga leeyahy
ee lugu taamayo. Ganacsadaha muhiim ayey u
tahay inuu lahaado qorshe cad oo ku salaysan
tallaabada ganacsi ee uu qaadayo iyo ujeedka
dhaqaale ee uu ka damacsanyahay.
----
Qorsheynta ganacsiga waxaa sal u ah xogta laga
soo aruuriyo suuqa sida khaaska ah ula xiriirta
qeybta ganacsi ee aad daneyneyso ama u
heellantahay. Si loo helo warbixin sax ah oo ka
tarjumaysa xaalada suuqa aad rabto waa in la
helo xog dhab ah oo la xiriirta arinta sida
khaaska ah loo baarayo.
---
Taasi waxaa lugu gaari karaa in la sameeyo " Cilmi
Baaris Ganacsi". Cilmi Baaris Ganacsi waxaa lugu
sameyaa qaabab fara badan, waxaana ka mid ah
foom loogu tala galay oo ay ku qoran yihiin
su'aalo ku saaban jawiga guud ee suuqa, qiimaha
badeecada ama adeegga, saadaasha ama
filashada waxa dhici kara, socodka badeecada,
sida badeecadu ku tahay suuqyada kala duwan,
fursadaha ganacsi ama adeeg iyo sidoo kale
caqabadaha imaan kara oo u baahan in xalkooda
laga sii fakaro si aysan hadhow kedis ama layaab
kuugu noqon.
----
Waxyaabaha u baahan fiiro gaar ah waxaa ka
mid ah
• Faah faahin ku saaabsan fikirka ama talada
ganacsiga cusub
• Goobta aad rabto inaad ka furto ganacsiga iyo
ku talo galka dhaqdhaqaaqiisa
• Qarashaadka la xariira si aad ganacsigaas u
socodsiiso
NOOCYADA GANACSIGA YARYAR
Mararka qaar milkiyadu waa waxa lugu kala
saaro noocyada ganacsiga. Ganacsiga uu iska
leeyahay qof qura waa uu ka duwan yahay kan
shirko lugu leeyahay. ganacsaduhu waa inuu
doorta nooca ganacsi ee uu rabo inuu galo
isagoo dhinacyo badan ka eegayo waxa u
dhaxeeya noocyada ganacsiga.
Sida tusaale ahaan, midka KELIGA ah (Sole)
wuxuu ku fiicanyahay in dhamaan
raasumaalka, faaiidada iyo go'aanaduba aan
lala wadaagaynin qofka iska leh. Laakiin taasi
bedelkeeda uu qaadanayo dhamaan wxii
mas'uuliyad ah ku aadan shaqada joogtada ah
ee uu u baahayahay ganacsigu saacad walba.
Sidaas si la mid ah, ganacsiga WADAAGA ah (partnership)
wuxuu ku fiicanayahay raasumaalka badan, in qasaaraha
iyo faa’iidada lagula wadaagayo iyo awoodda qaanuuniga
ah ee shirkada in qeyb ka mid ah la gadi karo hadii loo
baahdo dhaqaalo howsha lagu socodsiiyo, in shaqada ay
qeybsanayaan milkiilayaasha uu ka dhexeeyo ganasigu.
Taasi bedelkeeda iyana waxa caqabad ka haysan karta
dhinaca go'aanada ku salaysan howl socodsiinta, taasoo ay
sabab u tahay talo wadaaga. Maxaa yeelay talada waa laga
wada qayb geliyaa dhammaan milkiilayaasha ganacsiga si la
isula ogaado qorshayaasha waa weyn ee lugu meel
marinayo aayaha shirkada, si caddaalad ahna lugu kala
qeysado faa’iidada.
Waxaa jira nooc wadaag ah laakiin heerkiisu aad u
sarreeyo, waxaa loo yaqaanaa " corporation"
waana shariakad ganacsi oo heerkeedu sarreeyo
dhinaca maamul iyo awood intaba. Waxaa u
yaalla xeerar caalami ah oo lugu maamuuso
sameyntooda, shaqadooda iyo jiritaankoodaba.
Waxay caan ku yihiin hantidooda aadka u
ballaaran iyo magacooda oo meel-maray. Waana
heerka sharciyadeed ee ugu sareysa sharkad
ganacsi ah ay gaarto, sida Microsoft, Toyota, iwm.
MAAL-GELINTA IYO FAA’IDADA
Ganacsi kasta si loo billaabo wuxuu u baahanyahay in lacag
lugu biiriyo iyo maskax, si loogu soo gado badeecada
ganacsiga ama howsha adeega ee lagu shaqeynayo.
Hadaba, ganacsaduhu waa inuu ka shaqeyo ugu horeyn
siduu ku heli lahaa lacagta raasumaalka ama gundhigga u
noqoneysa ganacsigiisa. Siyaabaha lugu heli karo waxa ka
mid ah:
1. Keyd hore, sida ayuuto.
2. Iibinta hanti hore, sida Dahab, Dhul, Xoolo iwm,
3. Deen laga qaato qaraabo, saaxiib, Deen bixiye ama BANK
4. Deeq laga helo qaraabo, Saaxiib, ama deeq bixiye ama
Dhaxal
Asli waxay 20
litter oo caano
geel ah kusoo
gaday $10.
Hadii ay bajaaj
kusoo raacdo
$2 , ka dibna ay
gaddo $1
littirkiiba, $1 oo
kale ku soo
iibiso bac
caanaha lugu
shubo, 1
littirna ay usoo
qaadato
gurigeeda ,
sheeg faaidada
ay heshay
Xaliimo.
Lafaha= $10, Qarash= 2+1+1=4, iibka guud=20, faaido=6
Eedo Madiino
Waxay 100
xabo Oo ukun
ah ku so gaday
2000 sh.so.
Middiiba.
Waxayna ku
iibisaa 3000
sh.so. Middiiba.
Hadii booska ay
fadhido
kiradiisa bishii
ay tahay
300,000 sh.so.
ugu yaraan
imisa ukumood
ay tahay in ay
gaddo
maalintii.?
Kirada maalintii waa 10,000 sh.so. Tirada ugu yar waa 10 ukumood.
10x3000=30,000. qarash= 10,000, lafaha=20,000
Faa’iidadu waa ujeedka koowaad ee ganacsi loo
yagleelo (asaaso), iyada ayaana sal u ah jiritaanka
iyo socodkiisa. Hadaba inta badan dadka ku jira
ganacsiga heerka hoose ee Soomaaliya, kama
haystaan fahan intii la rabay faa’iidada ay soo
saaran inta uu la egyahay iyo xattaa haddii uu
jiraba. Hadiii aan faa’ido jirin waxaad halis ugu
jirtaa in aan khasaaro ku jirtid, taasoo
ganacsigaaga god ku sii ridi karto, sidaas darteed
waa in aad wax badan ka ogaataa sida faa’idada
iyo khasaarahaba loo xisaabo.
Sida Faadumo haysato haddii aad u xisaabiso
faa’idadaada, ogow ma sii jiri doonno
ganacsigaagu. Faadumo Cali waa gabar ka
ganacsato qodaarta, waxay ka soo gaddaa
Bakaaraha, waxay ku iibisaa tukaankeeda
guriga hortiisa ee Xaafad Shanaad.
Dambiisha qudaarta kala duwan waxaa laga soo siiyey $5,
Xaafada markey geysay waxay gaday $8. Faadumo
iyadoo faraxsan maalintaas waxay xisaabsatay
faa’idadeeda iyadoo iska reebtay waxay dambiishu ku
fadhiday oo ah $5, ka dib faa’idada 3 Dollar ah
reerkeeda ayey biil uga dhigatay. Faadumo 3 dollar oo
faa’ida ah ayey aamintsantahay in ay heshay laakiin
xaqiiqdu sidaas ma aha, maxaa yeelay waxaysan
xisaabin $2 oo ay bajaaj ku soo raacday intii ay guriga u
soo socotay! Iyo toban kun shilin Soomaali ama $0.5 oo
ay caasi ku raacday saakay markii ay Bakaaro u socotay,
sidaas darteed Faaidada Faadumo hadda waa waxaan
ka badnayn NUS DOLLAR ee ma aha $3.
Hadaba si guud ahaan, Faa’ido waxaa loo xisaabaa
sidan:
Lacagta guud ee alaabta aad ku gaday oo laga jaray
qiimaha alaabta aad kusoo gaday wixii kuu soo
baxo mawada aha faa’iidio nadiif ah ee waa
faa’iido iyo kharashaad yaryar oo calow ah.
Faa’iidida calowga ah waxaad ka jartaa wixii qarash
ahaa oo aad isticmaashay intii howsha aad ku
guda jirtay sida gaari-raaca, shaaha, canshurta, ka
dib wxii kuu soo haro aya faaido nadiif ah la
dhahaa.
AASAASKA BUUG-HAYNTA GANACSIGA YAR-
YAR
Buug-Hayn, si guud ah, waa fara ku haynta
qoraallada guud ee laga sameeyo dhianacyada
kala duwan ee xisaabaadka ganacsiga.
• Muhimad gaar ah ayayna u leedahay sal-u-
dhigista xisaabaadka ganacasiga marka laga eego
hab qoraaleedka lugu sameynayo dhacdooyinka
maaliyadeed iyo xog kasta oo la xiriirta dhaq-
dhaqaaqa ganacsiga
•
Qeyptan soo socota waxaa si kooban isha loogu
falanqeynaya qaabka Buug-hayntu ay u
shaqaynayso iyo doorka ay ku leedahay
ganacsiga yar-yar, waana sidan:
1. Waxay diyaarinaysaa dhamaan Dokumiintigii lugu qori
lahaa dhacdooyinka ganacsi iyo dhaq-dhaqaaqa guud.
Maxaa yeelay dukumiintiga ayaa ah halka laga amba-qaado
qormo walbo ee buuk-g-hayn.
2. Waxay hubinaysaa xogta maaliyadeed ee La xiriirta
dhacdooyinka ganacsiga, waxayna gelinaysaaa
dokumiintigii loogu tala galay.
Dhacdooyinka ganacsi waxay had iyo jeer xambaarsanyihiin
macne maaliyadeed oo ka tarjumaya xaalada ganacsiga;
sida " ganacsigu wuu wanaagsanyahay, ama hoos buu u
dhacay, iwm. Buug-hayntuna shaqadeedi waxay ka
billabanaysaa in ay tarjumaan macnaha dhabta ah ee ay
xambaarsantahay dhacdada kasta ee ganacsi.
3. Waxay Buug-gelin ku sameeyaan Saameynta
maaliyadeed ee ay leedahay dhacdada ganacsi,
iyagoo u sameeynaya tix-raaca ku habboon.
Iyadoo la isticmaalayo dokumiintigii asalka ahaa
sida resiidka, qaansheegadka iwm, ayaa buug-
hayntu, waxay buugga gelineysaa dhacda kasta.
Buugga hore ee la gelinayo waxaa la yiraahdaa"
joornaal", ka dibna waxaa loo qaadayaa qeybaha
kale ee xisaabaadka, iyadoo loo eegayo halka ay
saameysay, sida kaashka, Keydka, raasumaalka,
deenta iwm.
4. Waxay soo saarayaan War-bixinada
Dhamaadka Mudada.
Hababkani waxay si aad ah muhiim ugu yihiin
soo saarista war-bixin ka tarjumaysa xaalad
taagan ee ganasiga, sida war-bixinta "faaidada
ama khasaaraha" iyo tan "dakhliga iyo
qarashaadka".
5. Waxay Sameynayaan Dib-u-Habeeynta
Xisaabaadka.
Tani waa dib u eegis lugu sameynayo dhamaan
war-bixnadii xisaabeed, si loo hubiyo sax-
nimadooda loona yareeyo khaladaadka dhici
kara, taasoo lugu salaynayo qaadashada
go'aanno wax-ku-ool u ah ganacsiga.
6. Xisaab-Xirka Guud.
Xisaabaadka waa la xiraa dhamaadka sanad
maaliyadeed kasta, waxaana lagu soo saaraa
war-bixinada kama danbeysta ah oo tafaf-
tiran. Taasoo aasaas u noqon doonta bilowga
howsha sanadka cusub.
TALOOYIN LA XIRIIRA BUUG-HAYNTA
IYO MAAREYNTA MAALIYADDA
Dadka oo idil ma ahan kuwo xisaab-yahanno ah,
ama ku wanagsan tirooyinka falanqeyntooda,
wayse u baahanyihiin in ay lahaadaan in ka
mid ah hiwaayad ay ku yareeyaan khaladaad
mararka qaar ay ku lunto hanti aad u fara
badan.Taasina waxaa u sahlaysa buug-haynta.
Waxaa hubaal ah in maskaxdaadu ay la ciir-
ciirayso macluumaad fara-badan oo la xiriira
arimo maaliyadeed oo ganacsigaaga saameyn
ku leh, sida dadka aad wax ka soo iibsato, iyo
kuwa wax kaa iibsado, lacagta caddaanka ah
ee ku soo gashay, tan deenta ah ee kaa
maqan, iyo tan kugu maqan, badeecada
socodka wanaagsan, inta ka baxday iyo ka taal,
iyo kuwo kaloo badan.
Tani kuguma qasbayso in aad lahaatid qalab
teknoloojiyad aad u heer sareeya, iyo khubarro
ku takhasusay cilimiga ganacsiga iyo maaliyadda.
Laakiin, waxaad u baahantahay i aad leedahay
ugu yaraan qaab qoraal xisaabeed oo aad ku
maareyso dhaq-dhaqaaqa ganacsigaaga kuna
daryeesho hantidaada.
Hadaba, Buug-haynta waxaa lugula talinayaa inuu
fuliyo talooyinka soo socoda:
• Qorshe u dejinta Qarashaadka waa-wayn.
Waa muhim in aad il gaar ah ku eegto qarashaadka
waa-weyn ee suur-galka ah in ay dhacaan shanta
sano ee soo socota, taasoo si wayn u
saameyneysa shaqada guud, Sida bedelida
goobta ganacsiga; tusaale ahaan in laga guuro
magaalada uu ganacsigu ku yaalo, xaafada ama
guriga, sidoo bedelaad lugu samaynayo qalabka
shaqada sida kumbuyuutarrada, miisaska,
kuraasta, baabuurta iwm.
• Cusbooneysiinta Dokumintiyada Qarashaadka.
Cusbooneysiinta dokumintiga qarashaadka waxay
fududeynaysaa ka war-qabka xaalada guud ee
maaliyadeed, waxayna kaa badbaadinaysaa eedo
badan oo kaaga imaan kara dhinaca guddiyada
daba-galka xisaabaadka, sida " xisaab xil ma leh"
iyo " i tus oo i taabsii".
Ama waxay idiin kala badbaadinaysaa guddiyada
maamulka iyo saamilayda shirkada, si looo helo
hufnaan xisaabeed oo ka fog eed iyo tuhun.
• Qorista Dhigaalka.
Iyadoo aan loo eegeynin qalabka wax lugu qorayo
sida qalin qori, kumbuyuutar, ama laab-toob, iyo
habka la isticmaalayo sida " Microsoft word,
excel" , ama sooft-weerrada aadka u heer
sarreeya ee loogu tala galay xisaabaadka, waxaa
had iyo jeer muhiim ah in is gooni ah loo eego
lacagaha ku dhacaya xisaabtaada, ee ka kala
imaanaya dhinacyo kala duwan, lehna wajiyo kala
duwan, sida dakhli, deemo, ama deeq.
• Isha ku hay, Qaansheegaha.
Deemaha daaha waa dilaaga ganacsiga. Hadaba si looga
bad-baado deen ragaadisa ganacsiga, waa in si joogto
ah lool socodaa qaan-sheegadka ay soo gudbiyaan
dhinacyada deenta iska leh, sida dadka badeecada laga
soo gatay, Bankiyada iyo ururada kale ee deenta bixiya,
biilasha korontada, taleefanada, biyaha, kirada iwm.
Habku ugu wanagsan ee lugu maarayn karo waa in loo
sameeyo waqti aanay dhaafi karin dhammaan qaan-
sheegadka, xilna la iska saaro meel-marinteeda.
MAAREYNTA GANACSIGA HEERKA HOOSE
Ganacsigan heerka hoose waa la wada furtaa,
laakin waxaa aad u yar inta sii jirta, iyadoo inta
sii jirtana aan wada korin. Hadaba sirta keliye
meesha taalla waxaa waye maamulka iyo
maareynta ganacsiga. Maamuluhu waa kan u
xilsaaran bad-baadinta, kicinta iyo horemarint
ganacsiga, wuxuu noqon karaa rag ama
dumar, qof weyn ama qof yar. Maamul
wanaagu waa la baran karaa ee shardi ma ah
in lugu dhasho.
1) Maamuluhu wuxuu tuujiyaa maskaxdiisa, wuxuuna fiiriya wixii tagay iyo
waxa la taaganyahay si uu u odoraso (qiyaaso) waxa soo socoda. Wuxuu
jawaabo munaasib ah u raadiyaa su'aalo dhowr ah oo kala soo dhax baxo
xaaladaha guud ee uu fiiriyey. Su'aalaha uu jawaabta u raadiyo waxaa ka
mid ah;
2) Waa noocee ganacsiga aan ku jirno?
3) Awooda aan leenahay sidee loo laba laabi karaa sanadka soo socoda?
4) Dadka noocee wax naga gata, ma haweenkaa, ma carrurtaa, ma
ardaydaa, dadka hantiilayaasha miyaa, dadka hoose miyaa?
5) Yaa waaye dadka nugula tar-tamaayo suuqa? Sidee u qabsan karnaa
macaamiisha qeybta ugu badan?
6) Dadka ma la dhacsanyihiin badeeecadeena? Sidee loo sii jecleysiin
karaa?
7) Meeshan munaasib ma tahay? Meel ka munaasibsan ma jirtaa?
8) Qaabka aan xisaabta ku wadno qaab haboon ma yahay, si ka sii fiican
maka dhigi karnaa
SUUQ-GEYNTA ALAABTA
Suuq-geyn macnaheedu waa suuq-u-yeelida a ama
geynta badeecada ama adeega aad ka ganacsaneysid.
Alaabta oo suuq yeelata ayaa asal u ah sii jiritaanka iyo
faa’idada ganacsiga.
Waa lama huraan in ganacsaduhu uu suuq geeyo
alaabtiisa kuna qanciyo macaamiisha in ay gataan
alaabta ama adeega uu u hayo, taasina waxay ku imaan
kartaa ugu horeynba la ogaado baahida dhabta ah ee
ay qabaan macaamiisha. Sax ma aha in goob ganacsi oo
la furo keliya ay dadku wax ku gataan, balse waxaa
waajib ah in la is waydiiyo lana kala saaro BAAHI,
RABITAAN, JAMASHO ama KA-HELID.
Saddaxdaan eray waa waxa ay aadka ugu
fiirsadaan ganacsattada meel-martay
(guuleysatay), waana waxa saldhiga looga
dhigo abuurista goob ganacsi kasta kahor inta
aan la guda galin keenista alaab badan oo lugu
sharxo goobta ganacsida, ama adeeg aan
baahi loo qabin.
Marka laga yimaado curinta ganacsiga, waxay
ganacsatada meel maray (guuleysatay) ku taliyaan in
qofka ganacsiga ku cusub uu daryeelo hor u socodsiinta
howshiisa ganacsi isagoo si gooni ah isha ugu haynaya
waxa loogu yeero "AFARTA B”. Afartaan B waa afar eray
oo ganacsiga gundhig (saldhig) u ah kana wada
billowda xarafka B. waxayna kala yihiin sida tan:
1. Beeca alaabta ama adeegga
2. Badeecada ama nooca adeega
3. Barta wax lagu iibinaayo (goobta)
4. Baraaraha ( waxa laga filaayo ganacsigan, faaiidada)
Afartaan Eray, Xattaa luqudda English-ka sidaas
si la mid ah wax ka billowdaan xarafka'P',
waxaan la dhahaa 4Bs, ama AFARTA B. waana
sida tan:
1. Price
2. Product
3. Place and
4. Promotion
• BAAHI waxaa la dhahaa waxa lagama-maarmaan u ah
dadka macaamiisha ah, oo aysan marna ka maarmi
karin, sida biyaha, cuntada, dharka, daawada, IWM.
• RABITAAN waa wax laga maarmi karo oo laakiin dadku
ay rabaan in ay helaan, sida dhar qurxoon, baabuur,
moobayl, TV. IWM.
• JAMASHO ama KA-HELID waxaa la dhahaa waxa qofku
naftiisa aad uga hesho ama bal-wad ku ah ama dooq u
leh, sida ciyaaraha, baararka, fadhi-ku dirirka, Jaadka,
xafladaha, labiska IWM. Hadaba ganacsaduhu waa in
ay u caddahay halka ay alaabtiisa kaga jirto saddaxdaan
qeybood.
BACAYNTA AMA BAAKADAYNTA BADEECADA (ALAABTA)
In alaabta la baceeyo ama la baakadeeyo waa waxa
ay ku caan baxeen ganacsatada meel-maray.
Bacayntu ama baakadayntu muhimad gaar ah ayay
u leedahay ganacsiga sida:
1. Wasaq ka ilaalinta alaabta
2. Ururinta alaabta
3. Qaabaynt alaabta
4. Qurxinta alaabta
5. Qaadista alaabta
Waxaa in badan dhacdaa in macaamiisha qaar ay
gataan alaabta sababta oo ah baakadkeeda oo
aad u soo jiitay, waana taas sirta ay ku kala tagaan
ganacsatada si ay alaabtooda ugu yeelaan dalab
badan. Hadaba ganacsade, waxaa lugu gula
talinayaa in aad alaabtaada ku qurxiso wax walbo
oo aad ku qurxin kartid, sida bacda, baakadda,
midabka, qaabka (afar-gees, sadax-gees,
dhululubo iwm), taasi waxay kaa saacidaysaa in
alaabtaada ay meel wayn kaa qaadanin, in si
fudud aad ku qaadi karto, in wasakh aad ka
ilaaliso iyo in dadku jecelyihiin sidaas.
MAAREYNTA WAXTARKA BADEECADA
(VALUE CHAIN MANAGEMENT)
Si loo hubiyo in ay alaabtu wax-tar leedahay iyo
in kale, ganacsaduhu waa in uu soo ogaadaa
baahida dhabta ah ee ay qabaan
macaamiisha. Taasina wuxuu ku ogaan karaa
iyadoo la sameeyo Cilmi Baaris Ganacsi oo ku
salaysan isbedellada xaga dooqa dadka, iyo
sida ay u isticmaalan alaabta.
Sameynta Alaabta
Alaabta wax-ku-ool nimadeeda waxay ku xirantahay halka
lugu sameeyo. Sababtoo ah taasi waxay saameyn ku
leedahay qarashka galayo marka loo eego fogaanta iyo
dhawaanshaha, waxay saameyn ku leedahay tayada
alaabta marka la eego mudada ay soo soconayso iyo
wadada ay soo marayso waxy ku keeni kartaa bur-bur,
ama qiima dhac oo laga soo gaarsiiin waayo suuqii jiray
shalay haddi ay meesha fogtahay. Sidaas darteed,
ganacasaduhu waa in uu ogaadaa alaabtiisa halka ay ka
imaaneyso si uu u ogaado qiimaha ay u leedahay
macaamiisha iyo faaiidada uu ka helayo.
Suuq-geynta iyo Socodka Alaabta
Socodka alaab kasta oo ganacsi, waxay ku xirantahay tayada iyo wax-ku
oolnimada alaabtaas, iyo tayada adeega dheeraadka ah ee loo
qabanayo macaamiisha si loogu dhiira geliyo gadashada alaabta.
Dadaalka dheeraadka ah ee macaamiisha lugu barayo alaabta
looguna dhiira gelinayo in ay gataan, waxaa la yiraahdaa "Suuq-
geyn" (Marketing). Waxaa lugu samayn karaa siyaabo kala duwan,
sida:
• Xayeysiinta raadiyaha, telefeshinka, joornaalka, boorarka,
istiikarrada, imw.
• Macaamiisha oo lugu qanciyo hadal iyo gacanba inta ay ku
suganyihiin goobta ganacsiga.
• Beeca oo hoos loo dhigo inta suura-galka ah.
Intaas iyo in ka badan oo ay ku xirantahay xirfada qofka ganacsadaha
ah, waxay kor u qaadayaan socodka badeecada.
Meeleynta Badeecada
Waxaa hubaal ah in badeeca walba ay leedahay meel laga soo
qaado, meel la dhigo, iyo meel loo sii qaado. Hadaba sil-
siladaas ugu yaraan seddaxda god ka kooban, waxy u
baahantahay mudnaan gaara in la siiyo si badeecadu ay u
hesho daryeel wanaagsan oo lagaga bad-baadinayo wax-
yeello kasoo gaara daabulinda, sida bur-bur, buusid, ama
qarash dheeri ah oo ku yimaado qiimihi hore.Wax-yaabaha
taasi fuduneynaya waxaa ka mid ah, bacaynta ama
baakadaynta wanaangsan, dar-yeelka rarista, qaadista iyo
dejinta, ka faaideysiga xogta ku aadan habka ama wadada
ugu fudud ee lugu qaadi karo. Howshan waxaa si khaas ah
ugu xilsaaran waaxda adeega ama Lojistikada.
Daryeelka Macaamiisha
Ganacsade kasta guushiisu waxaa gundhig u ah in
badeecadiisu ay gasho gacanta macaamiisha si uu u
helo lacagtooda. Taasina waxay u baahantahay in u wax
badan daraasad lagu sameeyo, laguna taba-baro
shaqaalaha shaqeynaya sida macaamiisha loo qanciyo.
Talada wanaagsan ee macamiisha la siiyo, oo ku aadan
sida alaabta loo isticmaalo, ama loo cilladbixiyo iyo
adeegyo saaxiibtinimo oo dheeraad ah oo la siiyo
macaamiisha, waxay ka mid yihiin wax yaabaha lugu
soo jiito macaamiisha.
GUDDOONSIINTA BADEECADA
Wax-yaabaha la isku dhaafo suuqa waxaa ka mid
ah, sida ganacsade kasta uu awood ugu
leeyahay inuu badeecadiisa ugu wareejiyo
macaamiisha sida ugu fudud iyo waqtiga oo
aan laga dib marin. Waana adeeg dheeri ah oo
macamiisha badeecada loogu geynayo
xarumahooda sida ugu macquulsan-lacag
la'aan ama heshiis. Waxayna tani abuuraysaa
xiriir aad u wanaagsan oo u dhaxeeya
ganacsadaha iyo macaamiilka.
BEEC-GOYNTA BADEECADA
Qiimaha badeecada waa waxa dadka intooda badan ay ku saleeyaan
gadashadooda, saameyn wayn ayeyna ku leedahay socodka alaabta.
Hadaba, Ganacsaduhu waa in uu mudnaan gaar ah siiyaa
siyaasadda beec-goynta badeecadiisa. Si ay u meel-marto
siyaasadda beec-goynta wax-ku-oolka ah, ganacsadudu waa in uu il-
gaar ah ku eegaa dhinacyada soo socoda:
1. Qiimaha badeecadu wuxuu ka kooban yahay lafaha hore ee
badeecada, qarashaadkii ku baxay soo iibinteeeda ilaa sii
iibinteeda, iyo faa’iido.
2. Habka ugu wanaagsan ee beeca hoos loogu dhigi karo waa in la
yareeyo qarashaadka guud ee ku baxa alaabta.
3. In si joogta ah looga war hayo isbedellada guud ee suuqa, sida
sicirka, dooqa dadka, xaaladda dhaqaale ee dalka, iwm.
Waxaa muhiim ah in ganacsaduhu u arko
faa’iidada sida deen lugu leeyahay ganacsigiisa
ama qarasha go'an oo joogto ah sida kirada
iyo mushaaraadka, oo lagama maarmaan ah in
la bixiyo, waayo milkiilayaashu waxa ay ka
sugayaan waa faa’iido.
Xilliyada sida khaaska ah ay loogu baahanyahay
in dib-u- eegid lugu sameeyo qiimaha
badeecada waxaa ka mid ah:
Marka badeeca cusub la sameeyo ama la keeno.
Marka qarashka ama lafaha badeecada uu isbedel ku
yimaado.
Marka isballaarin ama suuq cusub la galayo.
Marka tartamayaashu ay beeca wax ka bedelaan.
Marka uu sicir-barar ama suuq xumo kale dhacdo.
Marka siyaasad cusub oo ku aadan socodsiinta
badeecada lasoo hindiso
Marka ay macaamiishu si heer sare ah lacag uga
sameeynayaa badeecadaada.
Beec-goyntu waxaa lugu saleeyaa afartaan qaab midkood:
• Lafaha-Ka-Kor
Waa siyaasadda koobaad ee beec-goynta
badeecada, waxaana isticmaala ganacsatada
caalamka badankooda. Siyaasaddani waxay
qabtaa in ay lagama-maarmaan tahay in beecu
uu ahaado meel ka koreysa lafaha iyo xattaa
qarashaadka kale ee baxay, si loo xaqiijiyo in
faa’iido la helay. Sida tusaalahan soo socoda:
Qiimo Goyn Dalabka-ku salayn
Siyaasadani waxay qabtaa in beeca lugu
saleeyo dalabka macaamilka, sidaas darteed
muhiim ma aha in macaashku (faa’iiddadu) uu
qiime go'an ahaado, taasi bedelkeeda waxaa
la isticmaalaya siyaasada ah in qofkii wax
badan qaadanaya uu ku helo qiime hoose,
halka tafaariiqluhu uu ku helaayo qiime ka
koraysa jumlada.
• Qiimo goynTartaran-Ku salayn
Tani waa siyaasad beec-goyn oo ku salysan u jawaab-celin
tartamayaasha loo samaynayo marka ay beeca
badeecadoodu wax ka bedelaan. Tusaale ahaan, hadii
maqaaxidda kaa soo horjeedo ay haafka bariiska lacag ka
dhinto, waa in aad jawaab ka bixisaa si macaamiishaada
aysan u aadin maqaaxida kale, waana la mid badeeca
walba.
Xaaladan ookale, ma jirayso qiimihii go'naa ee hore, ama in la
fiiriyo tirada uu macaamiilku qaadanayo, ee beec-goyntu
waxaa lugu salaynayaa maxay gadaan tartamayaashu.
Qiimo Goyn Qoondo ku-salayn
Waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin khaas ah, badeeco
khaas ah, iyo xilliyo khaas ah. Sida marka ay jiraan
badeecooyin kala duwan, oo qaarkood socodkoodu uu
wanaagsanyahay. Si loo daboolo baahi lacageed oo
jirta. Xilligan oo kale badeecada ugu socodka fiican
ayaaa waxaa loo qoondeynayaa qeyb ka mid ah
macaashkii lagu taamayey mudadan sida 40% ,
waxaana laga khafiifinayaa qeybtii kaga soo aadaysay
qarashaadka guud ee baxay, si macaashka uu u kordho
macaashka muddada la qabtay. Taas bedelkeeda waxaa
macaashka laga yaraynayaa badeecada kale ee aan
socodkeeda gaarsiisnayn middan.
QEYBAHA QARASHAADKA
Qarashaadka ganacsigu waxaa loo kale qaadaa laba qeybood oo kala
ah:
1. Qarash go'an
2. Qarash is-bedela
• Qarashka go'an. Waa qarash aan ku xirnayn badeecada la gado
tiradeeda, waqtiga shaqada IWM. Qarashaadka noocana waxaa ka
mid ah kirada goobta ganacsiga, deenta lugu leeyahay ganacsiga,
qiime-dhaca ku socoda badeecada inta ay meel taallo, sida
dhismaha, baabuurta, computerrada iwm.
• Qarash is-bedela. Noocan qarashaadka ah, waa kuwo ku xiran
hadba shaqada, tirada la gado, waqtiga la shaqeeyo iwm. Sida
shidaalka, teleefanada, korontada, biyaha, mushaarka shaqaalaha
saacadahu ku shaqeeya.
• Jaan-goynta Macaashka Kore
Macaashaka kore ama faaido calow waa inta
udhaxaysa markii la kala jaro beeca alaabta iyo
lafaheedi asalka ahaa. Tusaale ahaan hadii alaab
ku fadhiday $30, la gado $100, 70 ka dollar oo u
dhaxeeyo wuxuu noqonayaa macaashaka kore
ama faaido calow. Xisaabta boqolley ahaanna
waxaa lugu soo saari karaa sidan:
Beeca oo laga jaray lafaha, dabadeedna loo
qeybiyey isla beecii, sidan ookale
($100-$30)/$100= 70%
Hadaba, 70ka dollar, waxaa isna laga reebayaa( laga
jarayaa) dhammaan wixii qarash ahaa ee la galay sida,
kirada, korontada, mushaarka, xayeysiinka iwm. Waxa
soo haro ayaa noqonayaa faaido ama macaash nadiif
ah. Xaddiga uu macaashkaas gaarayana waxay ku
xirantahay inta uu gaaro macaashka kore, hadduu
badanyahay waa macaash badan, hadduu yar yahayna
waa macaasha yar. Ganacsatada waaya-aragga ah,
waxay door-bidaan ganacsiga Macaash-koraadkiisu
badanyahay si ay u maal-gashadaan ganacsi horey u
jiray, waxayna sameeyaan is-bar-bar-dhig labo ama
saddax inta shirkadood ee ay doonayaan in ay maal-
gashadaan.
Sidan ookale:
Shirkad A Sharkad B
Iibka guud 100 100
Lafaha 40 65
Macaash koraad 60 35
Qarashaadkii kale 43 19
Macaash Nadiif ah 17 16
Sidan ookale:
Shirkad A Sharkad B
Iibka guud 100 100
Lafaha 40 65
Macaash koraad 60 35
Qarashaadkii kale 43 19
Macaash Nadiif ah 17 16
XOG RAADINTA GANACSIGA YAR-YAR IYO
HAL-ABUURKA
Cilmi-baaris lugu sameeyo xaalada guud ganacsiga heerka
hoose, waxay muhimaad gaar ah u leedahay dadka
doonaya in ay curiyaan ganacsi cusub iyo guud ah
ganacsiga Soomaaliya, maadaama aysan horey u jirin
cid isku xil-qaamtay horu-marinta, isku xirka iyo ka tala-
bixinta ganacsiga yar-yar iyo suuqa guud ahaan.
Ganacsigan heerka hoose waxaa lugu qeexaa ganacsi
ujeedkiisu uu yahay macaash, oo ay ka shaqeeyaan in
ka yar 5 ruux, ayna leeyihiin hal ama laba qof.
Ujeedooyinka ay muhiimka u tahay in loo aasaaso
waaxyo Xog-raadineed iyo Horumarineed waxaa ka mid
ah:
1) In maskaxda dad badan ku jirto loo diyaariyo wax
curin iyo cilmi raadis.
2) In lagu deeqo xog, lana hago ganacsiga yar-yar siduu
miro-dhal ku noqon lahaa.
3) In lasoo dumo lana dhiira geliyo bulshada heerka
hoose ku nool si ay uga qeyb qaadan lahaayeen
waxsoo saarka iyo hal-abuurka
4) In sara loo qaado ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo
dhaqaalaha guud.
MAAMULKA DHIBAATOOYINKA GANACSIGA
YARYAR
Ka hor inta aan la guda galin howl ganacsi oo
kasta, waxaa muhiim ah in la is waydiyo
caqabadaha ay leedahay, illeen howl aan
caqabad lahayn ma jirtee.
Taasina waxay ku suurto gali kartaa in jawaab
loo helo qaar badan oo ay ka mid yihiin
su'aalaha soo socoda:
Waa maxay caqabadda ugu wayn ee ay leedahay
howshaan?
Caqabad dhanka gudaha ah.
Mid bannaanka ah
Mid Suuqa ah.
Caqabad Kasta oo soo wajahda ganacsiga waxaa
loo heli karaa qorshe lugu xallinayo.
Run
Been
Intii aad ku guda jirtay dib-u-eegista qorshaha
ganacsigaadi, hadii aad aragto caqabado
badan oo wax yeelleyn kara macaashkaag,
maxaad sameyn laheyd?
Liis ayaan u sameyn lahaa si caadi
Sida ay u kala daranyihiin ayaan u kala koreysiin
lahaa
Case Study: Bosaso Wareejiyow Team
20 young boys from Southern part started
business from Wareejiyow to import from
Dubai.
ISKAASHATOOYINKA DEEMAHA IYO
AYUUTADA
• Iskaashatooyinka Deemaha iyo ayuutada waa
iskaashatooyin ay sameystaan koox dad ah oo isku darsada
tiro lacag ah oo ay ugu tala-galeen in ay ku maal-geliyaan
qofka doonaya deen, taasoo faaiidada ama dul-saarka laga
helo dib loogu soo celin doono xubnaha iskaashatada.
• Maamulka iskaashatadan waa mid wareega oo sanadle ah
kaasoo uu qofba mar qabanayo xubnaha gudahooda.
• Iskaashiga noocan ah waxaa uu wax badan ka taraa
bulshada aan haysanin ururro maaliyadeed oo horumarsan
sida bankiyo iyo/ama shirkado waa-wayn oo deenta maal-
geliya.
• Noocan ayuutada ahi, waxay wax yar kaga duwantahay
midda caanka ku ah waddankeena Soomaaliya iyada oo
middani ay tahay mid nidaamsan oo maamul loo sameeyey
iyo deenta la siinayo qofka xubinta ka ah oo faaido ama dul-
saar laga qaado. Lacagtaas faaidada ah waxaa qeybsanaya
dadka xubnaha ka ah. Waxayna leedahay guddi maamula
oo ka kooban ilaa shan qof oo ay iska soo doortaan
xubnaha guud dhaxdooda. Guddigan sannadkiiba wxuu
qabanaya dooorasho dhaxdooda ah oo lagu dooranayo
qofkii guddiga madax ka noqon lahaa.
• Guddigani wuxuu kulmaa toddobaadkiiba ugu yaraan mar,
si la isula meel-dhigo arimaha ayuutada, sida saamiyada,
beeca saamiga, iyo ka warqabka xaaladda guud ee
ayuutada.
• Habkani waa hab aad u fudud laakiin natiijadiisu ay
awood badan tahay dhinaca dhaqaale iyo maamulba.
Waana mid ku salaysan tamarta qofwalbo uu leehayay
dhaqaale ahaan, iyadoo aanay jirin qiime go'an oo ay
tahay in ay dadka oo dhan wada bixiyaan, hase yeeshe
uu qofku bixinayo qiime hore loo gooyey oo lugu
saleeyey awoodiisa dhaqaale.
• Keydkuna waxaa loogu tala galay in lugu bixiyo deen,
taasoo xubin kasta ay xaq u leedahay in ay deen
qaadato ugu badnaan sadax jeer sanadkiiba, deen
kastana waqtigeedi wxuu ku egyahay sadax bilood ugu
badnaan, wxuuna isaga bixin karaa qeyb-qeyb oo uu
dooran karo inta uu bixinayo mar walbo.